SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay in xayiraad lagu soo rogo qof kasta oo gacan ka gaysta hurinta rabshadaha iyo deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya

London 21.11.2008. Golaha Amaanka shir ay ka yeesheen arimaha Soomaaliya ayaa ka soo saarey go’aamo adag kadib markii Dowlada Ingiriiska wakiilkeeda Qaramada Midoobay uu geeyay Golaha Amaanka Warqad ( Drafted Resolution) oo ay kaga codsanayaan in xayiraad lagu soo rogo hubka galaya Soomaaliya, isla markaana la ciqaabo qof kasta oo gacanta kula jira hurinta rabshadaha iyo nabad deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya.

Xubanaha joogta iyo kuwa aan joogtada ahayn oo ka kooban 12 wadan ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa dhamaantood isku raacay in xayiraad xaga safarka ah iyo xayiraad xaga dhaqaaalaha in lagu ciqaabo kuwa ay ku cadaato inay sii hurinayaan dhibaatada ka aloosan dalka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu yiri.

Hanjabaada ka soo yeeraysa Golaha Amaanka ayaa ah mid cabsi galin doonta kuwa sii hurinaaya dhibaatada ka taagan Soomaaliya, kuwaas oo ah kuwa mar walba ay ka dagi la’dahay Soomaaliya, isla markaana u shaqeeya dalal Soomaaliya daris la ah oo aan marnaba doonaynin in dalka Soomaaliya degto.

‘’Sanctions will be imposed on any contributing to violence and instability in Somalia, the UN announved yesterday.

The British- drafted resolution aims to stop the flow of arms into the lawless African Nation which is boosting the insurgency, Travel bans and financial punishments face those who flouts the ruling.’’

Golaha Amaanka ayaa sidoo kale la hor dhigay in ciidamo caalami ah la geeyo Soomaaliya, si wax looga qabto nabadgalyo darada iyo dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya.

Dalalka Yurub iyo Mareykanka ayaa ka welwelsan burcad badeeda ku sii kordhaysa xeebaha Soomaaliya kadib markii ay gacanta ku dhigeen sanadkaan in ka badan 39 Markab oo marayay gacanka Badda Cas iyo Badwaynta Hindiya, arinkaas oo ay ka muujiyeen walaac aad u weyn madaama ay u arkaan Qatar ku soo food leh marinka ugu mashquulka badan dunida ay isticmalaan maraakiibta ganacsiga Caalamka.

Arimaha Burcad Badeedka Soomaaliya ayaa soo dadajinaya in Caalamka markale darsaan xaalada Soomaaliya oo markii hore la iska indho tirayey wax ka qabashadeeda.

Burcad Badeedka ayaa ku dooda inay difacayaan dalkooda isla markaana ay la dagalamayaan kuwa sida sharci darada ugu kaluumaysta iyo maraakiibta ku soo daabulaysa qashinka warshadaha iyo suntan haraaga ah, wasaqdaas oo dhibaato ba’an ku haysa hawada iyo deegaanka Soomaaliya isla markaana wax yeelo u gaysanaysa nolasha iyo caafimaadka dadka Soomaaliyeed.

Burcad Badeedka Soomaaliya waxay qafaasheen isla markaana ay lacago baad ah ka qaateen maraakiib fara badan oo gaaraya ilaa 39 Markab sanadkaan, ilaa haatana waxay gacanta ku hayaan ilaa iyo 17 markab iyo shaqaalihii saarnaa oo lagu qiyaasay 300 oo qof in ku dhaw.

Warbixin lagu qorey jaraaid ka soo baxa dalka Ingiriiska oo aan ka soo xigtey Khamiistii 20 November 2008 ayaa u qornayd sidatan:

Duulaan Burcad Badeed (Piracy attack)

Badda cas iyo Badweynta Hindiya - Red Sea and Indian Ocean ( SOMALIA) - 2008

April 4 – Markab MY le ponant , 30 shaqaale saarnaa ayaa Lacag madax furasho lagu sii daayay.

April 20 – Markab FV Playa de Bakio, 26 shaqaale saarnaa ayaa Lacag madax furasho lagu sii daayay.

May 28 – Markab MV Lehman Timber, 15 shaqaale saarnaa ayaa Lacag madax furasho 750.000 US Dolar lagu sii daayay.

July 20 – Markab MV Stella Maris, 21 shaqaale saarnaa ayaa 2 million oo Dolar lagu sii daayay.

August 12 – Markab MV Thor Star, 28 shaqaale saarnaa ayaa lagu sii daayay lacag.

August 20 – Markab Malaysian tanker Bunga Melati, 41 shaqaale saarnaa ayaa lagu sii daayay lacag dhan 2 million oo Dolar.

August 21 – Markab MV BBC Trinidad, 1.1 Million Dolar ayaa lagu sii daayay.

Markab MT Irene, 1.5 million Dolar ayaa lagu sii daayay.

Markab MV Iran Deyanat, 2.5 million Dolar ayaa isna lagu sii daayay .

September 2 – Markab Carre d’As, ayaa lagu afduubay Fransiis is qaba, lagu badashay lix Soomaali ah kadib markii laga qaaday 1 million Euro, kadib markii ciidanka French Commandos ay ugu dhaceen markabka, iyagoo ka sii daayay dadkii ay haysteen isla markaana ka dilay hal Soomaali burcad badeed markaana lix kale qabqabtey, kuwaas oo ilaa hada ku xiran dalka France, warbixinta kuma cada lixda Soomaalida la sii daayay inay yihiin kuwa ay qabqabteen ciidamada France iyo in kale.

September 15 – Markab Stolt Valor, 22 shaqaale saarnaa, lacag dhan 2.5 million ayaa lagu sii daayay.

September 25 - Markab MV Faina, oo siday 33 T – 72 Tanks ayna saran yihiin 21 shaqaale ayaa wali lagu haystaa dalka Soomaaliya, markabka waxaa laga leeyahay dalka Ukrain, laakinse hubka uu sido waxaa laga soo raray dalka Russia, laakiinse halka uu ku sii jeedo ayaa lagu sheegay Koonfurta dalka Sudan, inkastoo dalka Kenya ay sheegteen inay iyaga leeyihiin, Burcad badeedka Soomaalida ah waxay dalbadeen lacag dhan 35 million Dolar ka Mareykanka.

November 17 – Markab The Sirus Star ayna saran yihiin 25 shaqaale ah, isla markaana laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa weli lagu haystaa dalka Soomaaliya, waxayna dalbadeen lacag dhan 17 million oo Dolarka Mareykanka, markabkaan ayaa sida Saliid aad u badan.

November 19 – Markab A Thai fishing boat oo ay saran yihiin 16 shaqaale ayaa lagu haystaa Soomaaliya.

Burcad badeedka Soomaaliya ayaa soo jiitey indhaha dalalka ugu awooda badan dunida madaama ay u arkaan Qatar weyn oo kaga soo wajahan Soomaaliya oo dhinaca ku haysa halka ay maraan maraakiibta ganacsiga caalamka, isla markaana ay u arkaan mid muhiimad weyn u leh hadii ay ahaan lahayd isku xirka halka laga galo gacanka Carbeed oo ah meelaha ay maraan Saliida ay ku isticmalaan dalalkooda iyo dabcan nabadgalyada Bariga dhaxe

Hadii aan Soomaaliya arinkeeda Gudaha xal loo helin isla markaana beesha caalamka aysan waxba ka qabanin, run ahaantii inta uu dhulku nabad la’yahay waxaa hubaal ah in Badduna sidaasi sii ahaan doonto.

Waxaa cadaalad ahaan karin in wiilasha Soomaaliyeed ee gaajaysan oo dalkooda loogu yimid isla markaana aanan haysan dowlad daryeesha in lagu tilmaamo Burcad Badeed (Piracy), laakiinse kuwa Badda Soomaaliya ku shubaya sunta iyo qashinka, isla markaana sida sharci darada u xaalufinaya inaan laga hadlin lagana qaadin tilaabo sharci ah, madaama ay ku soo xadgudbeen dal xor ah .

Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inay beesha caalamka si cad arimahaan uga la hadlaan una sharaxaan halka dhibaatada ka imaanayso oo ah dowlad la’aanta dalka Soomaaliya ka jirta mudada dheer, isla markaana si cadaalad ah wax looga wada qabtaa burcad badeedka iyo kuwa burcada ah ee ka faaidaysanaayo dowlad la’aanta iyo dhibaatada ka aloosan Soomaaliya, isla markaana dagaal oogayaasha xaga dhaqaalaha ka saacida si dagaalada uga sii wadaan dalkeena Soomaaliya iyagana ay khayraadka Badda Soomaaliya u gurtaan isla markaana sun iyo qashin ku daabulaan, taas oo dhibaato u gaysan doonta caafimaadka dadka Soomaaliya iyo cimilada degaanka bada iyo bariga hadii aan hada laga hortagin dhibaatadaas..

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
London, UK

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2008

oilShirkad Macdanta ka Baarta Puntland oo Lagu Xiriiriyey Burcad Badeedda Soomaaliya
Shirkadda Range Resources ee heshiiska kula jirta Puntland ayaa lagu xiriiriyey burcadda sida ay qortay jariidadda....

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS