SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

{Jabuuti} Maxay ka yiraahdeen doorashadii Obama Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ahna xiligan kusimaha Gudooomiyaha Is-bahaysiga iyo xubno kale oo Is-bahaysiga ka tirsan
  • Cabdiraxmaan cabdishakuur " dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, khaasatan kuwa jooga Mareykanka, inay isku dayaan… "
  • Dr. Maxamed Xasan Aadan " waxaana qabaa in doorashadiisa ay dhashey, maamul xumadii ka timid Bush… "
  • Cabdi Abshir Dhoore " dadka madow ee ku nool Mareykanka waxay dareemayaan, waan dareemi karaa "

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliyam ahna xiligan kusimaha Gudooomiyaha Is-bahaysiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Dr. Maxamed Xasan Aadan iyo Cabdi Abshir Dhoore oo aan si gooni gooni ah ugala kulmey Hoteelka ay ka degan yihiin Caasimada dalka Jabuuti ee Imperial, islamarkaana aan wareysiyo kala duwan kala yeeshey aragtidooda ku aadan doorashada Madaxweynihii 44-aad ee dalka Mareykana Barak Obama ayaa waxay soo dhaweeyeen doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka.

Cabdiraxmaan cabdishakuur " dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, khaasatan kuwa jooga Mareykanka, inay isku dayaan… "


Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame

Gudooomiye ku xigeenka Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, ahna kusimaha Gudoomiyaha Is-bahaysiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu horey doorashada Madaxweyanah cusub cusub ee dalka Mareykanka Barak Obama waxaa uu yiri " waan soo dhaweyneynaa guusha Barak Obama ee loo doortey Madaxweynaha wadanka Mareykanka, waxaan rajeynayaa inay xiriir cusub u furto dunida inteeda kale oo kala dhexeeya, waxaan keloo rajeyneynaa siyaasada cusub ee uu la imaandoono Obama in ay wax ka tarto gobolada colaadaha iyo dhibaatooyinka mashaakilka ay ka jiraan oo ay Soomaaaliya ka mid tahay, waxaana is leeyahay waana waa cusub oo Mareykanka u baryey "

Mar uu ka hadlaayey sababta uu uga abaarey dhinaca colaada arimaha siyaasada Maraykanka ayaa wuxuu yiri "xiriirka baryahaan dambe ee uu Maraykanka la lahaa caalamka, wuxuu ku jirey laba dagaal oo kala ah kuwo uu si toos ah ugu jiro iyo kuwo uu si daddban ugu jiro, kuwa sida tooska ah lugta ugu leeyahay waxaa ka mid ah Ciraaq iyo Af-gaanistaan, wixii ka dambeeyey dhacdadii 11 Septambar, sidey u dhacdeyba siyaasadii Maraykanka waxay ku dhisneyd, la dagaalanka Argagixisada, taasoo keentey inay ku bur burto haanti fara badan iyo naf badana lagu waayo, ciraaq oo dhan ayaa dhulka la dhigey, Af-gaanistaan ayaa la bur buriyey, wadamo kale oo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa weeraro lagu qaadey, cid kasta oo hadasha waxaa loogu hanjabey in lugta la marinayo, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa Bush " inaad nala jirto iyo inaad naga jirto wax ka dhexeeya ma jirto aduunka ", marka siyaasada ku dhisan cadaan iyo madow oo dagaal iyo colaad ku dhisan ayuu noqdey sawirka Mareykanka, taas ayaa keeneysa, wajiga cusub ee Mareykanka in laga fisho taas wax ka bedelan ".

Mar uu ka hadlaayey Maadaama aad tahay xubin ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, islamarkaana aad soo dhasweysey doorashada Barak Obama ee ka dhacdey dalka Mareykanka, sow lama dhihi karo waa arin la yaab leh ?! wuxuu ku jawaabey " Is-bahaysigu waa qayb Soomaaliya ka mid ah, Soomaaliyana waa qayb Afrika ka mid ah, Afrikana waa qayb aduunka ka tirsan, Madaxweynaha Mareykanka saameyn ayuu ku leeyahay aduunka, ha ahaato mid adag ama mid fududba, qayb ayaan ka nahay dadkaas saameynta ay ku yeelaneyso, marka inaan ka hadalno ama aan la socono oo aan fiirino, waa wax iska caadi ah oo dabiici ah, waxayna ku xiran tahay, tiimka uu u dhiso arimaha dibada, gaar ahaan bedelka Jenday ferezar oo ah kaaliya xog-hayaha arimaha dibada dalka Mareykana ee Afrika, cida loo wakiisho siyaasada ay la timaado, khaasatan cida qaada faylasha arimaha Soomaaliya, marka waa arin u baahan in lala socdo iyo in lasyku dayo in la saameeyo, markaa la socodkeeda iyo ka hadalkeeda waxaan u arkaa shey dabiici ah ".

Ma jirtaa fariin aad u direyso Madaxweyanaha cusub ee Mareykanka Barak Obama iyo dadka Soomaaliyeed ee Akh-risanaya fikirkaada ayaa wuxuu ku jawaabey " Obama waxaa ku filan fariimaha aduunka uga imaanaya, intii cod bixinta ay socotey iyo inta diyaargarowga doorashada ay socotey ee uu ku raadinayey madaxweynenimada, aduunka oo dhan waxay ka sameeyeen fal celis, waxaana loo arkey nin la yimid aragti cusub, waxa loogu tahniyadeeyey waxaa ka mid ah, ninkii ugu horeeyey madaxweyne madow ah inuu noqdo, aabihiina muslim yahay, ku noolaa wadamo aduunka kala gedisan, fahmey dhibaatada lagu hayey dadka madow, fahamsan wadankiisa iyo aduunka dhibaatada kala haysata, waxaana filayaa fariin inta ku filaan inuu haysta, waxa ka imaanaya doorashadiisa dhinaca aduunka, ka Soomaali ahaana fariintaas guud ee aduunkaa ka imaanaysa inay qayb ka noqoto ayaan qabaa, in Mareykanka uu u soo jeesto, dhinaca nabad raadinta iyo bixitaanka ciidamada Ethopia, inuu gacan ka geysto, dhaqaalihii iska furnaa ee lagu bixinayey la dagaalanka argagixisadana in dib loo eego, Ethopia oo dagaalkaas dhaqaalo fara badan ku heshey iyo taageero kaleba, una soo jeesto Soomaaliya iyo Afrika guud ahaan xasiloonida wadamadaasi looga shaqeyn lahaa oo ay kula sinaadaan wadamada intooda kale dhinaca Horumarka, hadii Obama intaas ay gaareyso aniga waa iga intaa, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, khaasatan kuwa jooga Mareykanka, inay isku dayaan in ay saameeyaan, siyaasada arimaha dibada ee Mareykanka ku aadan Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, dadkuna aad bay u garanayaan meelaha arimahaas laga saameeyo, ee waa inay ku dadaalaan arinkaas ".

Dr. Maxamed Xasan Aadan "waxaana qabaa in doorashadiisa ay dhashey, maamul xumadii ka timid Bush… "


Dr. Maxamed Xasan Aadan

Dr. Maxamed Xasan Aadan oo ah xubin Golaha dhexe Is-bahaysiga Dibu-xoreynta ahm islamarkaana ah, hanti dhowrka guud ee Is-bahaysiga oo aragtidiisa ku aadan doorashada Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka Barak Obama waxaa uu yiri " doorashada Barak Obama waa is-bedel guud oo caalamka ku dhacay, waxaana qabaa in doorashadiisa ay dhashey, maamul xumadii ka timid Bush, aduunka oo dhan wuxuu ka wada dhigey meel Xabad ka wada fiiqeysa oo dhiig iyo dhisaastar uu ka jiro, wuxuuna ka faa’iideystey fikirkiisa cusub oo soo jiitey oo la yiraahdo, Is-bedel, waxaana rajeynayaa in aduunka oo dhan uu Is-bedel ku sameeyo, hadaa nahay dadka Soomaaliyeed waxaa nahay dadka ugu baahida badan oo qaba in la helo Is-bedel " ayuu yiri Dr. Maxamed Xasan Aadan.

Mar uu k hadlaayey Sababaha baahida ay ugu qabto Is-bedelka dalka Mareykanka ayaa wuxuu yiri " anagu waxaanu nahay maanta dadka aduunka ugu jilicsan, waxaana ku kala daadsanahay aduunka, dalkeena waxaa ka socda dagaalo sokeeye wax ka badan 18 sano, waxaana u baahanahay, inaan helno siduu Bani’aadamka uu u noolyahay oo kale sida nabadgelyo, kala dambeyn iyo maamul u hura Ummada Soomaaliyeed inteeda badbaadey oo gaarsiiya in ay ku noolaato, maadaama Madaxweyne Bush uu qaatey dagaal iyo Cabsigelin joogto ah, taasina waxaa soo qaatey wadamo fara badan oo ka tirsan dunida oo koobi ku sameeyey, wadadda uu marey Bush, iyagoo kaga faa’iideysanaya danahooda istiraatiijiyadeed, anaguna waxaanu nahay dadka saameynta tooska ah ku yeelatey dhibaatadaas, sida Dowlada Ethopia iyo maamulka u adeegaya ayaa loo adeegsadey arintaas, waxaana lagu dhibaateeyey shacabkeena ooo si cad ayuu inoo taabtey dagaalkaas iyo cabsigelintaas, waxaana aad ugu faraxsanahay Obama inuusan soo qaadin 11 Septembar ".

" Maxaayeeley Is-bahaysigu dadkiisu waa Bani’aadam, wixii wanaag ah ee soo jiita, hadii Mareykanka uu sameyn lahaa wax wanaag ah waan u Hambalyeeyn lahayn, wey jirtaa inaan sheki ka qabno oo ah muxuu ka sameyndoonaa siyaasada dibada, sababtoo ah dhaawac baa nagu yaala oo isbedelka waan sugeynaa, laakiin hadana waxaan aaminsanaha, Is-bedelka caalamka oo dhan saameyn ayuu ku yeelandoonaa, anaguna waxaanu nahay kuwa ugu badan ee ka faa’iideysan doona ayaan is leeyahay anigu " ayuu yiri mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd Doorashadaan lagu dooranayo Madaxweynaha dalka Mareykanka, in xubin ka mid ah Is-bahaysiga uu soo dhaweeyo sow lama dhihikaro waa arin aad layaab u ah ?!

Mar uu ka jawaabayey ma jirtaa fariin aad u direyso Madaxweyanaha cusub ee Mareykanka Barak Obama iyo dadka Soomaaliyeed ee Akh-risanaya fikirkaada ayaa wuxuu yiri "Fariinta aan u dirayo Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay tahay, waxaan rajeynayaa inuu ka faa’iideysto baahida aduunka, sababtoo ah aduunka bur bur ayaa ka dhacay, waxaa loo soo joogsankaro waa in aduunyada lagu wada noolaado nabadgelyo, lagana wada faa’iideysto khayraadka caalamiga ah, waana arinta uu ka faa’iideystey ee u ku noqdey Madaxweynaha Mareykanka, waxaana rajeynayaa inuusan dayicin fursadaas, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay, Bani’aadamku kuma noolo waxa uu cuno, wuxuu kaloo ku nool yahay rajada ee hana rajo tirina, sababtoo ah is dil, dhac iyo baaba’a waan ka soo daalney, qabiil iyo casabiyad waan ka soo daalney oo meesha ay na dhigtey waan ognahay, Obama taariikh-diisa ninkii akh-ristey way ku filan tahay halka uu ka yimid iyo maanta in aduunka oo dhan uu liid gareeyo, Qabiil iyo Casabiyad kuma gaarin ee wuxuu ku gaarey mabda’a ayuu ku gaarey, xitaa haba qaldanaatee dadkooda waxay ku heshiiyeen ayuu qaatey oo dadka aysan ku dhibaateyn ooo ay danahooda ku gaaraan, qabiilka iyo casabiyada Islaamku wuu inkirey iyo nolosha madaniga ah iyo ilbaxana ee aan joojino oo aan kuwada noolaano nabad, ruuxii madaxnimo rabo wuxuu doono halayimaadee Ummada ha kasbado " ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Dr. Maxamed Xasan.

Cabdi Abshir Dhoore " dadka madow ee ku nool Mareykanka waxay dareemayaan, waan dareemi karaa "


Cabdi Abshir Dhoore

Sidoo kale Cabdi Abshir Dhoore oo isna ah xubin ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya ayaa qaba fikirkan " waa fursad qaali ah oo dadka madow ee caalamka u soo hoyatey, dadka madow ee ku nool Mareykanka waxay dareemayaan, waan dareemi karaa, aniga mudo laba sano ayaan ku noolaa Mareykanka, dadka madow ee caalamka ku nool waxay u tahay tusaale fiican oo ku dayasho mudan, in ay higsadaan meeshaan iyo meelo ku dhow dhow, sababtoo ah Barak Obama wuxuu ka yimid wadan nala deris ah, waana wax lagu faanikaro, marka xiga Soomaali wadankeeda mudooyinkii dame waxay ku sugan tahay oo siyaasada Mareykanka u badneyd, siyaasad xag jir ah oo xaga dagaalka u dhow, in is-bedel weyn uu ku dhawco siyaasada Mareykanka oo hadana nin madow madax ka noqdo oo hadan ka yimid Bariga Afrika, waxaan qabaa in dadka Soomaaliyeed ay la yimaadaan taxadar, midnimo iyo fikr siyaasi ah inay jirto fursad qaali ah, waxaana aaminsanahay, Soomaaliya waxay ku taalaa gobol aad iyo aad u xiiseynayaan dunidu, Mareykankuna uu ka mid yahay oo is tiraatiiji ah, maadaama ay sidaas jirto, waxay ka mid tahay siyaasadaha uu wax ka qorsheynayo Barak Obama, waxaana filayaa hadii ay helaan Ummada Soomaaliyeed midnimo iyo kala dambeyn, inay fududaandoonto dhibkii ay ku jireen inay kaa baxaan " ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore.

Ma jirtaa fariin aad u direyso Madaxweyanaha cusub ee Mareykanka Barak Obama iyo dadka Soomaaliyeed ee Akh-risanaya fikirkaada ayaa wuxuu yiri " Barak Obama waxaan hubaa inuu la kulmey Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, waxaana ka codsan lahaa waxa ay u sheegeen Ummada Soomaaliyeed ee uu la kulmey inuu fuliyo ee ah si nabad gelyo ah oo aan xoog ku jirin, Ummada Soomaaliyeed dareenka ay dareemeyso oo ah Mareykanka wadankooda faraha kula jiro, in xal nabadeed loo raadiyo,

Mar uu ka hadlaayey Maadaama aad tahay xubin ka tirsan Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya, islamarkaana aad soo dhasweysey doorashada Barak Obama ee ka dhacdey dalka Mareykanka, sow lama dhihi karo waa arin la yaab leh ?! waxaa uu ku jawaabey

" Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Soomaaliya waa Urur siyaasi ah, ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah, in wadankiisa ciidamada Ethopia gacanta uu ku hayo uu ka bixiyo, kadibna hogaanka dalka uu ka qayb galo, sababta ciidamada Ethopia ay usoo galeen dalka Soomaaliya ayaa waxay ahayd Argagixiso la dirir, ereygaasna qeexid dhab ah wax u hayso lama arko, siyaasada uu Barak Obama uu ku hadley fulinteeda oo laga rajeynayo, in caalamka si nabad iyo wadahadal wax lagu xaliyo oo aan la isticmaalin xoog Ummada Soomaaliyeed maslaxad badan ayaa ugu jirta, wax la yaab ahna looma arko, maraykanku wuxuu ka mid yahay quwadaha ugu waaweyn caalamka, in wada shaqeyn ay dhaxmarto Is-bahaysiga dan baa ugu jirta ".

Ma jirtaa fariin aad u direyso dadka Soomaaliyeed ee Akh-risanaya fikirkaada ayaa wuxuu yiri " dadka soomaaliyeed wey kala horeeyaan, dadka Soomaalida ee Aqoonyahanka ee ku nool Mareykanka, waqtigan xaadirka ah waxaa jirta fursan ay ku gudbiyaan Ummada Soomaaliyeed waxay rabaan, marka uu la wareego xafiiska Obama, in qoraalo badan ay geeyaan aqalka Cadd ee Mareykanka Ummada Soomaaliyeed dhibka ay ku jirto la horgeeyo, waxaan qabaa in Ummada Soomaaliyeed ay dadaalkaas ay muujiso " ayuu fikirkiisa kusoo koobey Cabdi Abshir Dhoore.

Halka Cali Yuusuf Cumar (Koranto) oo shaqaalihii caymiska Soomaaliya ka mid ahaan jirey oo hada ah dadweynaha ku nool Caasimada dalka Jabuuti uu qabo fikr ah" Waxaa imaan doona Isbedel, sababtoo ah waxaa laga bixidoonaa hawlihii adkaa ee ay keeneen Xizbiga Jamhuuriga, waxaana rajeyneynaa in Obama iyo Xizbigiisa ay ku soo dabaalaan aduunka "

Laakiin Barak Obama oo noqdey Madaxweynihii ugu hadal haynta badnaa Qarnigan 21-aad oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Kiiniya, is-bedelka uu ku sameyn doono siyaasada dalka Mareykanka iyo tan caalamka ayaa ah mid Indho add adag lagu eegi doono, hadii ay fusho arintaas, inkastoo siyaasadaha guracan ee Mareykanka uu kula dhaqmo dunida inteeda kale aysan ahayn wax lagu bedelikaro 200 oo Week, islamarkaana ku eg sanadka 212-da, inkastoo ay tahay hadalada is dabajooga ah ee ka soo yeeraya Hogaanka Xizbiga Dimoqoraadiga uu yahay mid soo jiidasho leh, hadana wali ma cada Is-bedelka dhabta ee uu u baahan yahay Mareykanka in lagu sameeyo, siyaasadiisa dibada. waayo marka dib loo eego Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyey waxay ahaayeen kuwo ku socdey qorshe la dejiyey ugu yaraan labaan sano ka hor, inta hawshu ay socota caalamka waxaa loo tusayey mid la fulindoono mustaqbalka dhow balse ma dhaceynin, halka Madaxweyne Bush-ka baneynaya jagadana in badan oo ka mid ah dadka dunida waxay u arkaan nin dagaal hawshiisa ku dhameystey, balse marka uu jagada ka dego, ayaa waxay su’aali ka taagan tahay fariimaha dib ugu soo noqondoona ka jawaabistooda mustaqbalka dhow iyo kan fogba, dowladaha caalamkuna waxaa ku imaandoono caqabadaha hada jira kuwa ka daran, hadii aysan isla fahmin, halka ay dabeylaha dulmanayaasha ay ku socdaan iyo kuwa geysanayaba.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS