SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Waa sidee xaalka soomaalida ku nool Malaysia guud ahaan

Wadanka malaysia waxaa sanadahaan dambe ku soo badanaya soomaali, kuwaas oo intooda badan ka yimaada dalka soomaaliya , kadib markii malaysia ey noqotay dalka kaliya ee passaport somaliyeed visa la'aan lagu gali karo .

somalida malaysia ku nool waxa ey dalkaan ujoogaan siyaabo ama ujeedooyin kala gadisan hadaba waa maxay ujeedooyin ka soomaliyda malaysia joogta ? . majirtaa dhibaatooyin ey ka cabanayaa ama ey la kulmaan, mise jirtaa cid usoo dhicisa xaquuqdooda hadii ey wax lakulmaan ? dhamaan jawaabaha su'aalahan waxaan ku xusi doonaa maqaalkaan anaga oo qeeb qeeb uga hadli doona

Ujeedooyinka somalida malaysia joogaan

Soomaalida malaysia joogta waxa ey u kala baxaan ama ey kala yihiin sababaha ey halkaan ujoogaan waa saddex qeybood ,

- Qeybta kooowaad waa dhalinyaro ujoogta tacliin iyo sidii ey u kordhin lahaa yeen heerarkooda waxbarasho kuwaas oo markoodii horeba dalkoodii kaga soo safray ujeedo tacliin kororsi ah, dhalintaa intooda badan jaamacaddo ayee kuwada jiraan waxa ey mashquul ku yihiin daruustooda, halka kuwa kalena ey sugaayaan aqbal ka jaamacadaha qudhoodu waxey dhigtaan collage englisha ah oo ey ku sii suganayaa in ta ey ka aqbalayaan jamacadaha

Dhamaan heerar ka tacliinta ayee ardeydaan dhigtaan sida degree ga (undergraduates) iyo waliba tacliinta sar(postgraduates) oo kale ah Master iyo PHD oo ey ka diyaariyaa inta badan jaamacadaha kala gadisan ee malaysia, ayaga oo kala dhigta kuliyado kala duwan sida computer science ama Informatoin tecnology, Engineering (qeybihiisa la duwan ), Accounting and management iyo faculty yo kale oo badan.



Wey jiraan ama wey dhacdaa in lahelo ardey soomaaliyeed oo laga soo eryo jaamacaddaha dalka malaysia kadib markii ey ku dhaceen maadooyinka ey dhiganayeen balse ma badana marka loo eego tirada ardeyda soomaaliyeed ee waxbarata, sanadkii ugu badnaa ee tiro ardey soomaaliyeed hal jaamacad mar qura laga soo eryo oo la siiyo warqada eryida (Dismiss litter ) waxa ey gaareyeen 7 ardey oo isugu jira wiilaal iyo gabdho sanadkaan mid kamid ah jaamacaddaha ey ardeyda soomaaliyeed kubadan tahay, sidoo kale waxaa dhacda in la arko ardey isga soo tagta jaamacada ha kadib markii ey ku atkaato sida ey ula jaan qaadi lahaayeen ama ey ula qabsan lahaayeen faculty yada ey dhigtaan oo intooda badan aan ku imaan dooqooda balse ey ku yiraah daan waalikood ama saaxiibadood waxaa iyo waxaa ama maada iyo maadaa baro taa uuna ardeygu fahan ka haheesan waxa ey tahay ama ardeyga aanu ka bixi karin, taa oo marka dambe keenta in uu ardeyga isaga soo hayaamo jaamacada.

Qarashka waxbarshada dalka malaysia waa mid aad usareya marka loo eego dalal badan ey ardeyda soomalida wax ka bartaan iyado oo taa eyjiro ayaa hadana intabadan ardeyda soomaaliyeed waalidiintooda ka dhiibaan qarashakaan xoogan iyaga oon laheen dowlad gacan ka siisa ama uraadida deeqooyin waxbarasho bilaash ah marka laga reero ardey fara ku tiris ah oo ey jaamacaddaha qaar siiyeen deeq waxbasho (Scholarship)



Sida daraaded waxaa dhacda in ey qaar ardeyda kamid ah jaamacadaha isga sootagaan ama iska dhaafaan xili ey waalidiintooda ey dhiibayaan qarashkaan xoogan kadibna ey walidkood ugu sheekeeyaan in ey dhigtaan jaamacad aadna arkeysid ayaga oo gawaari ku kaxeynaya wadooyinka kuala lumpur kuna qarash gareynaya wax bilaash ah lacagta waalidood ugu tala galay in ey wax ku bartaan

isku soo wada duub, ardaydaan dhamaantood marka aad la sheekeysato waxaad ka dhehaneysaa in ey daacad uyihiin tacliinta iyo in ey mar uun waxbarashadooda ka gungaaraan balse yaga qudhooda kala ah kuwa had iyo jeer ku dadaala ama maanka ku haya sidii mar uga muuqan lahaa yeen jaamacaddaha oo ey uheli la haayeen darajooyin sar sare iyo kuwa dadaalkoodu liito balse ey kujirto habi waxbarsho iyo in ey heer ka gaaraan tacliinta
ugudambeyntii guud ahaan rajada ardeyda soomaaliyeed ee malaysia wax kabarata intooda badan waa mid aad usareysa marka laga reebo tira yar oo ardeyda eyliidato dadaalkooda tacliineed .

- Qeybta labaad ee soomaalida malaysia joogta waa dhalin iyo qoysas uyimid halkaan arimo qaxootiga UN ka kuwaas oo intooda badan lagu soo qalday imaatinka dalkaan oo markii hore ey soomaaliya joogeen loogu soo sheekeeyay in uu UN ka malaysia ama Thailand ey si fudud ku qaadaan dadka soomaaliyeed balse markii ey halkaan imaadeen la kulmeen wax kaduwan wixii ey soo maqleen eyna xaqiid dhabta ah iyo waxa halkaan kajira uu qof kasta uu arkey.

Dadkaan dhammaan tood waxey UN ka uga diiwaan gashan yihiin in ey yihiin qaxooti soomaaliyeed oo ku nool malaysia hadana badan kood ma helaan xaquuqaha ey helaan qaxootiyada kale ee ku dhaqan dalkaan malaysia hadey ahaan la heed dib udajin, shaqo u abuurid iyo inla siiyo lacag ey ku maareeyaan noloshooda.inta badan UN kaan waxa uu qaadaa qaxootiyaha kayimid dalan kale aad iyo aad ayee uyar tahay in laqaado dad soomaaliyeed.

soomaalida waxaaba adag sida lagu siiyo ama sida ey ku heli lahaayeen kaarka aqoonsiga qaxootinimada, markii ayaan la iska daba wareejiyo ayaa ugu dambeyntii la siiyaa, dhamaan somaalidaan ayaga ayaa iska dhiiba dhamaan waxyaabaha ku baxa noloshooda hadii ey ahaan laheed cuntadooda iyo kiradooda, ayaga oo qaxooti guga diiwaan gashan UN ka

Shirar iyo kulamo ey lahaayeen malmahaan gudiyo soomaalida ka socda ey soo dirsadeen iyo UN ka ayaa waxaa la iskula soo qaaday sidii ey qaxootiga soomaaliyed ey uheli lahaayeen dhamaan xaquuqaha qaxootinimo eyna ula mid noqon lahaayeed dadka kale ee dalkaan qaxootiga ku ah .
kulamadaa oo waxa yaabihii inta badan looga hadlayey sida dib udajin in lasiiyo soomaalida, shaqooyin in loo abuuro iyo in ey helaan lacago ey ku maareeyaan qutul yoomkooda ayaana ilaa hada wax natiijo ah oo lataaban karo ey ka soo bixn iydoo wali soconayaa kulamada ey gudiyada soomaalida la leeyihiin UNka iyo kulamo ayaga dhaxdooda qaadanayaa. la arki doono wixii ka soo baxa kulamadaan .

Dhanka kale waxaa jira dhalin ayaga qudhooda UNka kamid ah kuwaas oo dalkaan kusugnaa mudo aad ubadan balse ilaa hada aan wax natiijahay ka helin UN ka . dhalintaa badan kood quus ayee ka muujinayaan UN ka waxa eyna bilaabeen iney dalkaan ka ababaxaan iyaga oo intooda badan qabta dalalka suuriya, tukeyga iyo gariiga si ey aga sii talabaan dalalka yurub uu taargadkoogu yahay .

Ayadoo ey sidaa tahay xaalada soomaalida qaxootiga ku ah malaysia eyna liidato wax uqabadka UN ka ayaa hada waxaa wax lala yaabo ah in ey maalinba maalinta ka dambeyso soo badanayaan soomaalida lagu soo qaldayo in halkaan dhaqso la iska qaadayo .

Ugu dambey waxaan dhalinta iyo qoysas ka soomaaliyeed u sheegayaa in ey lacagtooda iska ga soo qasaarin dalkaan eyna dhagta udhigin warar ka kutira kuteenta ah halkaan ma joogo UN dadka soomaaliyeed wax uqabanaya ama wax ku taraya ..

-Qeybta sadaxaad oo ah qeybta ugu dambeysa ee soomaalida malaysia joogta waa dad uyimid arimo caafimaad iyo sidii looga daweyn lahaa xanuuno ey ka cabanayaan .

dadkaan oo intooda bada xanuunada haya ey ubadan yihiin kuwa wax looga qaban waayey gudaha dalka eyna adkaatay galida dalalka kale ayaa sidaa lagu soo gaarsiiyey dalkaan oo ey fudu dahay gali taankiisa.

Bukaanadaa ayaa waxa dhibaato kala kulmaan sida ey ugu sheegan lahaayeen xanuunada haya dhaqaatiirta ama dadka wada qudhoodu ayaan luqada aan si hagaagsan ugara neyn taa oo sababi karta in uudictor garan waayo halka rasbiga ah iyo waxa uu ka sheeganayo bukaan ka, marka ey usoo idlaadaa adeegyadooda caafimaad dadkaan intooda badan wax ey dib ulaabtaan goobihii ey ka yimaadeen halk kuwa kale ey sii joogaan ayaga oo visiha ka dhacsan yahay .



Hadaba akhristayaasha sharafta badan ee shabadkada SOMALITALK.COM waxaa idiin soo gudbin doonaa maqaalo ka hadli doona dhibaatooyinka ey la kulmaan dhamaan soomaalida kunool dalka malaysia hadii ey ahaan lahed ardeyda ,qaxootiga iyo waliba dadka arimaha caafimaad ka ujooga iyo hadii ey jiraa cid xalisa arimahooda hadii ey wax loogeysto iyo hadii qudhooda wax geystaan.

Wariye: saciid xuseen cabdi (macruuf)
E-mail: macruuf09@hotmail.com / macruuf09@gmail.com
tel: +60173257590
kula lumpure - malaysia

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 10, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS