SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nabadda ha la siiyo fursad ay ku shaqayso.

W.Q: A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com


Dhimasho, dhaawac, barakac iyo mashaakilaad si joogta ah, maalin walba ugu dhacaya dadkayga Soomaliyeed oo aan dhamaad lahayn, waxay arinta ka dhigaysaa mid aan u baahneyn in la sii dhowrto silica, waa in laga fekeraa meel looga bixi karo mashaakilka haatan ka taagan dalkeena Soomaalilya, xittaa ugu yaraan dhimi kara dhimashada iyo dhaawaca ay shacabkaygu la noolyihiin maalin walba……

Dalka Jibuuti waxay haatan Qaramada Midoobay ka waddaa dadaalo nabadeed oo ruqaansanaya oo ku aaddan sidii ugu yaraan loo yareyn lahaa dhibaatada Soomaaliya, amaba loo soo afjari lahaa Ilaahay idankii, dadaaladaas oo laga dhex wado garabka Sheekh Shariif iyo huwanta TFG-da, Itoobiyaanka iyo Maraykanka oo xagga dambe fadhiya, isku daygan nabadeed ayaa wuxuu haatan u muuqda inuu yahay rajada keliya oo lagu joojin karo dhiigga shacabkayga, hase ahaatee waxaa soo baxaya in kooxaha ka dagaalamaya gudaha ay diideen isku dayga nabadeed, sababo la xiriira inay iyagu yihiin garab ka madax bannaan oo aan ka amar qaadan kooxda heshiiska wadda, waxaadna mooddaa inay xabaddu u dhacayso weli, BAL ARAG KOOXDA JABUUTIYEEY INAYDAAN WAXBA SAXIIXI KARIN, QORIGUNA UU WELI DHEGTA NOO SURAN YAHAY, CAR WAX HA IDIIN QABTEEN QALINKA IYO WARAAQAHA AAD IS MARMARISEEN. Marka la fasiro hadalada ka soo baxaya kooxaha xabadda ka wada gudaha, waxay u muuqanaysaa in dhaq dhaqaaqa ay samaynayaan uu sidaas ku salaysan yahay.

Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, inaan maanta la joogin waqtigii sidaas loo fekeri lahaa, shacabkaygu waxay u baahan yihiin nabad, waxay u baahan tahay hooyada Soomaaliyeed ee qixi kari waysay in caruurta u soo hartay u badbaadaan, haweenka aan weli asayda qaadine waxay u baahan yihiin inay nimankoodu u badbaadaan, kuwa ku barakacay waddanka gudahiisa ee geedaha hoos jiifa waxay u baahan yihiin inay ku laabtaan guryahoodii iyagoo nabad qaba, caruurtu waxay u baahan yihiin waalidkooda oo bed qaba iyo jawi nabdoon, dadka rayidka ah ee maalin kasta dhimanayaa waxay fahmi karaan oo keliya nabad iyo nolol wanaagsan, kuwa is heysta gaar ahaan garabyada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya gudaha waa inay fahmaan oo keliya in dadkoodu aysan u dulqaadan karin xabad taagan wax ka badann 18 sano, waa inay kooxahani muujiyaan Soomaalinimo, Islaamnimo iyo banii’aadanimo intaba, oo u tanaasulaan shacabkooda, waxba tari mayso mana shaqayn doonto in qori iyo dhiig lagu gaaro talada dalka Soomaaliyeed, waa inay sidaas gartaan kooxaha dagaalka wada TFG, iyo Shabaab iyo kuwa kaleba magacay doonaan ha sitaane.

Nabaddu waxay haatan mudan tahay in la ixtiraamo, oo kooxaha Soomaaliyeed ee hubaysani ay ka dhaadhacdo inay meel mariyaan heshiiskii Jabuuti ee ahaa in la joojiyo xabadda, si ay u meel marto in ciidamada cadowga ee soo duulay ay wadanka ka baxaan sida balantu ahayd, Itoobiyaanka oo wadanka ka baxa waxay macnaheedu tahay in dhiigii shacabkaygu uu istaagi doono, sidaa daraadeed ha loo dhego nuglaado heshiiska socda iyo wadahadalada ay wadaan garabka Shariifka, haddey Itoobiya nooga baxayso wada hadal waa wax wanaagsan oo ka wanaagsan in wiilasheena dagaal yahanadu ay dhintaan ama ay dhaawacmaan, inta ay dublimaasiyaddu kuu furan tahay waxaa khalad ah inaad xoog isticmaasho.

Haddii kooxaha gudaha ee hubaysani ay sii wadaan xabadda oo lagu guul daraysto meel marinta qodobadii heshiiskii Jibuuti, dadaalada hadda socdaana way istaagi doonaan, Itoobiyaankuna kama tegi doonaan Soomaaliya, xittaa haddii Itoobiya ay ku daasho Soomaaliya, Maraykanka way ka go’an tahay inuusan soomaaliya cidlayn wuxuu raadin doonaa dowladdii kale ee u dhega fudud si Soomaaliya ciidamo ajanabi u joogaan daqiiqad walba, dadka Soomaaliyeed, waxgaradka iyo aqoon yahanadu waa inay fahmaan in Itoobiya aysan halkaas u tegin qorshe iyadu ay lahayd iyo inay qabsato Soomaaliya ee ay u tagtay halkaas iyadoo fulinaysa codsiga Maraykanka, ka gadaal markii labada dal ay iska dhaadhiciyeen in mashaakilka Soomaaliya uu saameyn ku leeyahay maslaxada labadooda dal, sidaa daraadeed haddii dadka qaar aaminsan yihiin in haddii xittaa Itoobiya xoog looga saaro dalka in mashaakilku dhamaanayo, waxaan u sheegi lahaa in arintu sidaa ka culus tahay maanta.

Haddaba haddii arini sidaas tahay qorshayaasha nabadana la diido ma waxaa la sii wadi doonaa hal xabbo oo Ak47 laga riday ku bedelo 20 madfac oo lala beegsado guryaha dadka maatada ah ee taagta daran?, ma waxaa la sii wadi doonaa laba askari oo Itoobiyaan ah oo la dilo, oo lagu bedesho 40 caruur haween iyo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo la xasuuqo hal mar?. ma waxaa la sii wadi doonaa inta qof Soomaaliyeed la dilo la yiraahdo waxa uu ahaa Murtad? Ma waxaa la sii wadi doonaa inta rayidka la beegsado la yiraahdo waxay ahaayeen argagixiso? Ma waxaa la sii wadi doonaa sheegashada madaxweynenimo iyadoo guriga madaxtooyada dadka looga ridayo sawaariiq, cadow Itoobiyaan ahina ay dadka xasuuqayaan? Ma waxaa la sii wadi doonaa shirar ay isugu yimaadaan Baarlamaan magac u yaal ah iyadoo maalin walba madaafiic lala dhacayo dadka? Ma waxaa la sii sheegan doono ra’iisul wasaare iyadoo dadkii la barakiciyey, yaa la xukumi doonaa ugu dambeynta?

waxaa hubaal ah dhinacyada is diriraya inaysan midkoodna dan ka lahayn shacabka Soomaaliyeed, ee iyagu ay isu muuqdaan halka dadkayguna ay ku halaagsamayaan lugahooda hoostooda. haddii nabadda taagta daran ee Shariifku wadaan ay fashilanto waxaa muuqanaysa inuu dalkaygu dhex maquurtay dagaal bilaw ah oo aan dhammaad lahayn, rajada ku aaddan in Soomaaliya ay dal nabad ah noqotana maahan mid dhow markaas.

Soomaaliya waxay si toos ah uga mid noqotay haatan wadamada dhibanayaasha ah ee mashruuca la dagaalanka argagixisadu uu naafeeyey, wadada maray waa tan Afganistan iyo Iraq, waa u dhamaynta wixii ka haray Soomaaliya.

Gabagabadii waxaan ka codsan lahaa walaalaha ka dagaalamaya gudaha, bal inay aaminaan shariifka iyo kooxdiisa oo madaxdooda ahaa shalay, isla markaana ay meel mariyaan heshiiskii xabad joojinta, si loo tijaabiyo bal in sidaas na laku dayn doono, dadkeenana ay baadbaadayaan, Itoobiyana ay naga baxayso, maahan taladaydu qoryaha ha la tiiriyo ee waxay taladaydu tahay nabadda ha la tijaabiyo, haday shaqayn wayso markaas oo Itoobiya ay ka bixi wayso dalka dabadeed, dantu waxay kalifaysaa, hadba sidii xalku ku jiro ha loo gurguurto, xalka mar walba la raadinayaana ha noqda danta shacabka Soomaaliyeed ee yuusan noqonin mid kooxeed iyo dan urur u gaar ah uu Soomaaliya ka leeyahay. NABADDA HA LA SIIYO FURSAD AY KU SHAQAYSO.

W.Q: A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 20, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS