Nabadda ha la siiyo fursad ay ku shaqayso.

W.Q: A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Dhimasho, dhaawac, barakac iyo mashaakilaad si joogta ah, maalin walba ugu
dhacaya dadkayga Soomaliyeed oo aan dhamaad lahayn, waxay arinta ka dhigaysaa
mid aan u baahneyn in la sii dhowrto silica, waa in laga fekeraa meel looga bixi
karo mashaakilka haatan ka taagan dalkeena Soomaalilya, xittaa ugu yaraan dhimi
kara dhimashada iyo dhaawaca ay shacabkaygu la noolyihiin maalin walba……
Dalka Jibuuti waxay haatan Qaramada Midoobay ka waddaa dadaalo nabadeed oo
ruqaansanaya oo ku aaddan sidii ugu yaraan loo yareyn lahaa dhibaatada
Soomaaliya, amaba loo soo afjari lahaa Ilaahay idankii, dadaaladaas oo laga dhex
wado garabka Sheekh Shariif iyo huwanta TFG-da, Itoobiyaanka iyo Maraykanka oo
xagga dambe fadhiya, isku daygan nabadeed ayaa wuxuu haatan u muuqda inuu yahay
rajada keliya oo lagu joojin karo dhiigga shacabkayga, hase ahaatee waxaa soo
baxaya in kooxaha ka dagaalamaya gudaha ay diideen isku dayga nabadeed, sababo
la xiriira inay iyagu yihiin garab ka madax bannaan oo aan ka amar qaadan kooxda
heshiiska wadda, waxaadna mooddaa inay xabaddu u dhacayso weli, BAL ARAG KOOXDA
JABUUTIYEEY INAYDAAN WAXBA SAXIIXI KARIN, QORIGUNA UU WELI DHEGTA NOO SURAN
YAHAY, CAR WAX HA IDIIN QABTEEN QALINKA IYO WARAAQAHA AAD IS MARMARISEEN. Marka
la fasiro hadalada ka soo baxaya kooxaha xabadda ka wada gudaha, waxay u
muuqanaysaa in dhaq dhaqaaqa ay samaynayaan uu sidaas ku salaysan yahay.
Laakiin xaqiiqdu waxay tahay, inaan maanta la joogin waqtigii sidaas loo fekeri
lahaa, shacabkaygu waxay u baahan yihiin nabad, waxay u baahan tahay hooyada
Soomaaliyeed ee qixi kari waysay in caruurta u soo hartay u badbaadaan, haweenka
aan weli asayda qaadine waxay u baahan yihiin inay nimankoodu u badbaadaan, kuwa
ku barakacay waddanka gudahiisa ee geedaha hoos jiifa waxay u baahan yihiin inay
ku laabtaan guryahoodii iyagoo nabad qaba, caruurtu waxay u baahan yihiin
waalidkooda oo bed qaba iyo jawi nabdoon, dadka rayidka ah ee maalin kasta
dhimanayaa waxay fahmi karaan oo keliya nabad iyo nolol wanaagsan, kuwa is
heysta gaar ahaan garabyada Soomaaliyeed ee ka dagaalamaya gudaha waa inay
fahmaan oo keliya in dadkoodu aysan u dulqaadan karin xabad taagan wax ka badann
18 sano, waa inay kooxahani muujiyaan Soomaalinimo, Islaamnimo iyo
banii’aadanimo intaba, oo u tanaasulaan shacabkooda, waxba tari mayso mana
shaqayn doonto in qori iyo dhiig lagu gaaro talada dalka Soomaaliyeed, waa inay
sidaas gartaan kooxaha dagaalka wada TFG, iyo Shabaab iyo kuwa kaleba magacay
doonaan ha sitaane.
Nabaddu waxay haatan mudan tahay in la ixtiraamo, oo kooxaha Soomaaliyeed ee
hubaysani ay ka dhaadhacdo inay meel mariyaan heshiiskii Jabuuti ee ahaa in la
joojiyo xabadda, si ay u meel marto in ciidamada cadowga ee soo duulay ay
wadanka ka baxaan sida balantu ahayd, Itoobiyaanka oo wadanka ka baxa waxay
macnaheedu tahay in dhiigii shacabkaygu uu istaagi doono, sidaa daraadeed ha loo
dhego nuglaado heshiiska socda iyo wadahadalada ay wadaan garabka Shariifka,
haddey Itoobiya nooga baxayso wada hadal waa wax wanaagsan oo ka wanaagsan in
wiilasheena dagaal yahanadu ay dhintaan ama ay dhaawacmaan, inta ay
dublimaasiyaddu kuu furan tahay waxaa khalad ah inaad xoog isticmaasho.
Haddii kooxaha gudaha ee hubaysani ay sii wadaan xabadda oo lagu guul daraysto
meel marinta qodobadii heshiiskii Jibuuti, dadaalada hadda socdaana way istaagi
doonaan, Itoobiyaankuna kama tegi doonaan Soomaaliya, xittaa haddii Itoobiya ay
ku daasho Soomaaliya, Maraykanka way ka go’an tahay inuusan soomaaliya cidlayn
wuxuu raadin doonaa dowladdii kale ee u dhega fudud si Soomaaliya ciidamo
ajanabi u joogaan daqiiqad walba, dadka Soomaaliyeed, waxgaradka iyo aqoon
yahanadu waa inay fahmaan in Itoobiya aysan halkaas u tegin qorshe iyadu ay
lahayd iyo inay qabsato Soomaaliya ee ay u tagtay halkaas iyadoo fulinaysa
codsiga Maraykanka, ka gadaal markii labada dal ay iska dhaadhiciyeen in
mashaakilka Soomaaliya uu saameyn ku leeyahay maslaxada labadooda dal, sidaa
daraadeed haddii dadka qaar aaminsan yihiin in haddii xittaa Itoobiya xoog looga
saaro dalka in mashaakilku dhamaanayo, waxaan u sheegi lahaa in arintu sidaa ka
culus tahay maanta.
Haddaba haddii arini sidaas tahay qorshayaasha nabadana la diido ma waxaa la sii
wadi doonaa hal xabbo oo Ak47 laga riday ku bedelo 20 madfac oo lala beegsado
guryaha dadka maatada ah ee taagta daran?, ma waxaa la sii wadi doonaa laba
askari oo Itoobiyaan ah oo la dilo, oo lagu bedesho 40 caruur haween iyo
dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo la xasuuqo hal mar?. ma waxaa la sii wadi doonaa
inta qof Soomaaliyeed la dilo la yiraahdo waxa uu ahaa Murtad? Ma waxaa la sii
wadi doonaa inta rayidka la beegsado la yiraahdo waxay ahaayeen argagixiso? Ma
waxaa la sii wadi doonaa sheegashada madaxweynenimo iyadoo guriga madaxtooyada
dadka looga ridayo sawaariiq, cadow Itoobiyaan ahina ay dadka xasuuqayaan? Ma
waxaa la sii wadi doonaa shirar ay isugu yimaadaan Baarlamaan magac u yaal ah
iyadoo maalin walba madaafiic lala dhacayo dadka? Ma waxaa la sii sheegan doono
ra’iisul wasaare iyadoo dadkii la barakiciyey, yaa la xukumi doonaa ugu
dambeynta?
waxaa hubaal ah dhinacyada is diriraya inaysan midkoodna dan ka lahayn shacabka
Soomaaliyeed, ee iyagu ay isu muuqdaan halka dadkayguna ay ku halaagsamayaan
lugahooda hoostooda. haddii nabadda taagta daran ee Shariifku wadaan ay
fashilanto waxaa muuqanaysa inuu dalkaygu dhex maquurtay dagaal bilaw ah oo aan
dhammaad lahayn, rajada ku aaddan in Soomaaliya ay dal nabad ah noqotana maahan
mid dhow markaas.
Soomaaliya waxay si toos ah uga mid noqotay haatan wadamada dhibanayaasha ah ee
mashruuca la dagaalanka argagixisadu uu naafeeyey, wadada maray waa tan
Afganistan iyo Iraq, waa u dhamaynta wixii ka haray Soomaaliya.
Gabagabadii waxaan ka codsan lahaa walaalaha ka dagaalamaya gudaha, bal inay
aaminaan shariifka iyo kooxdiisa oo madaxdooda ahaa shalay, isla markaana ay
meel mariyaan heshiiskii xabad joojinta, si loo tijaabiyo bal in sidaas na laku
dayn doono, dadkeenana ay baadbaadayaan, Itoobiyana ay naga baxayso, maahan
taladaydu qoryaha ha la tiiriyo ee waxay taladaydu tahay nabadda ha la
tijaabiyo, haday shaqayn wayso markaas oo Itoobiya ay ka bixi wayso dalka
dabadeed, dantu waxay kalifaysaa, hadba sidii xalku ku jiro ha loo gurguurto,
xalka mar walba la raadinayaana ha noqda danta shacabka Soomaaliyeed ee yuusan
noqonin mid kooxeed iyo dan urur u gaar ah uu Soomaaliya ka leeyahay. NABADDA HA
LA SIIYO FURSAD AY KU SHAQAYSO.
W.Q: A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2008