SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharaxa Jagada Madaxweynenimada DGPL Axmed Saciid Awnuur oo Muujiyey in Dowladii uu ka tirsanaa ay Dhacday Dadkii Xoolahoodii kuna shubatay Bankiyo Dibadda.

  • Cadde Muuse waxaan kula talinayaa in uusan mar dambe isu soo sharaxin jagada Madaxweynaha Puntland....
  • Dawladdu kama taliso caasimaad Puntland, waxaa ka taliya burcad....
  • Wasaaradda Maaliyadda waxaan ka dhigi doonaa laba wasaaradood....
  • Wasaaradda Caddaalada Puntland waan bedeli doonaa....
  • Dhulka maqan waa in xoog lagu soo celiyo....
  • Dawladda aan dhisi doono waxaan ku salayn doonaa qabiil....
  • Dadka la dooran doonaa waa in ay noqdaan dad carruurtooda iyo xaasaskoodu joogaan dalka...
  • Waqtiga inta badan kuma lumin doono raadin dawladnimo Soomaaliyeed.....

Khudbaddii Axmed S. Awnuur Halkan ka dhegeyso ama Halkan (mp3)

Musharaxa Jagada Madaxweynanimada DGPL ee Axmed Saciid Awnuur oo ah Wasiirkii ugu horeeyey ee iska casila Jagadii Wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumada Cadde Muuse 17 Oct 2008 oo sheegay in uu u taagan yahay Jagada Madaxweynenimo DGPL isagoo ku tilmaamay Xukuumadii uu ka tirsanaa in ay ku fashilantay Xilka ay u hayso Ummada u dhiibatay, Musharaxa Axmed Saciid Awnuur oo ka hadlaayay Xaflad Qado sharafa uu u sameeyay Qaar ka mida Shacabka Puntland ee ku nool Caasumada DGPL ee Garoowe ayaa khudbad dheer uu soo jeediyay kaga hadlay waxyaabihii Xukuumadii uu ka tirsanaa ay ku fashilantay iyo hadii uu isagu jagadaa qabto sidii uu u maamuli doono xilkaas. Khudbadaa Musharaxa oo taabanaysay dhinacyo badan Su,aalana laga weydiiyay oo uu ka jeediayay Xarunta weyn ee Maktabada Garoowe.


Musharaxa Jagada DGPL Axmed Saciid Awnuur

Musharaxa ayaa sheegay in ay Dowladii uu ka tirsanaa Madaxda hogaamisaa hada ay isa soo sharixin sabatoo ah ayuu yiri waa ay ku fashilantay howlihii loo idmaday ayuu yiri Musharaxu isagoo sii wata ayuu sheegay in qaar ka mida Xubnaha Xukuumada ay lacagta Canshurta loo dhiibo jeebka ku shuban jireen taasna ay Dadweynaha ay ogaayeen kamana ay hadlin lakiin uu muujiyey in jirto Canshuurta in Bankiyo dibadaa lagu shuban jiray.

Musharaxa oo khudbadiisu aad u dheereed ayaa kaga hadlay Arimo taabtay dareebka dadkii ka soo qaybgalay.


Dadweynahii ka soo qayb galay Xaflada Qada sharafta Musharaxa Axmed Saciid Awnuur

N:B Ogaysiis

Akhristayaasha waxaa ay SomaliTalk ugu bishaaraynaysaa in ay Su'aalahooda u gudbin doonto  Musharaxiinta iyo Xubnaha Baarlamaanka DGPL ee la soo xulayo aana idiin soo gudbin doono jawaabahaa oo Coda. (Intii suurto gal ah)

Hadaba Su'aashaada Qoraala noogu soo dir emailka hoose:

E-mail-ka: somalinews@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 23, 2008

Akhri: Qormadii Musuqmaasuq La Dirir ee Feb 11, 2007

 


aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS