SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qormada Xuuraan oo Xamar usoo jiidey ambalaastii (dhuudhaa) ugu horeysey ee ay helaan boqolaalka dhaawacma.

Kadin qormada Xuuraan ee sida joogtada ah ugu soo baxda shabakadaha Somalitalk.com oo si weyn u ifisey dhibaatada aan la koobi karrin ee heysata dadka dhaawacma ee Xamar ee aan heysan gawaarida gargaarka degdega ah, ayaa maanta todobaadyo kadib markii ugu horeysey lagu tabarucey Ambalaastii (Dhuudhaa) ugu horeysey.

Gaarigii ugu horeeyey oo nooca gargaarka degdega ah ee dadka u daadgureeya goobaha caafimaadka marka ey dhaawacmaan ama waxyeelo soo gaarto ayaa markii ugu horeysey loogu tabarucey dadka tabaaleysey ee Xamar ku nool ee sidda daran adeegaasi ugu baahan.

Gaarigani oo ah nooca Coster loo yaqaano ayaa waxaa ku tabarucey ganacsato Soomaaliyeed waxayna sii mariyeen abwaano Soomaaliyeed oo waxaa furaha lagu wareejiyey Abwaan Abshir Bacadle oo isagana gudoonsiiyey wadihii gaadiidkani caafimaad.

Waxay ganacsatada balan qaadeen in ay ku tallo jirraan in ay bixiyaan 5 kale oo gawaaridani loo yaqaano (ka-beer ama dhuudhaa ama ambalaas), si beey yiraahdeen dadka ay madaafiicda haleesho ee dhiig baxaya loola gaaro isbitaala ayba iska yartahay caawinta dawwo ee ay ka helli karaan.

Waa qudha bil ka dib markii qormada aadka loo xiiseeyo ee Xuuraan ee ay sidda layaabka leh u ifisey dhibaatada dadka ka heysata la'aanta gawaarida gargaarka eee degdega ah, qormada oo uu qalinka u qaato Cabdinaasir Saxansoxo ayaa is barbardhigtey shimbir nooca loo yaqaano shimbir sheegtada ((Parrot) oo ambalaas lagula cararay markii ay xanuunsatay magaalada Pretoria ee dalka K/afrika, iyo boqolaalka sida rajjo beelka ah ugu dhiigbaxaya dariiqyada xabaalo wadareedka noqdey ee Xamar, ee iskaba dhaaf su'aasha ah in ay daryeer caafimaad helaana aanan helin wax gaadiid ah oo lagu geeyo goobta caafimaad ee kaliya ee magaalada ka shaqaysa.

Qormada Xuuraan ayaa waxaa maalintaasi ciwaan looga dhigey (GAWAARIDA DEGDEGA AH EE DAAD GUREEYA DADKA XAMAR (AW-GAARIGACAN).waxayna qoramdu ifisey in gaari gacanka uu yahay kan kaliya ee loo isticmaalo ambalaas ahaan.

Cabdinaasir Saxansoxo ayaa yiri "aad baan ugu faraxsanahay in qoraalkeyga uu gacan ka geysan karro badqabka iyo daryeelka bulshada, mana aanan fileyn, laakiin ugu yaraan kun fariin oo la'igu bogaadinayo ayaa isoo gaartey tan iyo intii aan qormadani qorey 25 kii bishii September, waxaanan filayaa in qoraalkeyga uu ugu yaraan qeyb ka qaatay mashruucani wallow aanan dhibaatada la moogeyn, waanan u mahad celinayaa shaqsi ahaan dadka arrintani sameeyey".
"saxafi saaxiibkeey ah oo lagu macagaabo Ibraahim Da'ud Abdalle "Gentleman"ayaan weeydiiyey abaalmarinta qoraalkani oo kale lagu heli lahaa kadib markii uu si weyn iigu bogaadiyey, wuxuu iigu jawaabay"sxb illaah ayaa kaa abaalmarinaya, ma jirto abaalmarin taasi ka weyn"", waxaan filayaa in an hadda heley abaalmarintii aan saaxiibkeey sida kaftanka ah u weeydiiyey, waanan la'ii aqbalay ducadiisii, aadbaanan ugu faraxsanahay", ayuu yiri Saxansoxo.

Linkiga qormadu waa http://somalitalk.com/saxansoxo/xuuraan7.html

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 24, 2008


aadanJabuuti:-Sheekh Aadan Madoobe "waxyaalaha madaxweynaha markii loo gudbiyo Baarlamaanku uu ku soo celinayo, ma aha kalsooni siin iyo kalsooni kala noqosho…" Akhri...

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS