SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Sheikh Shariif oo ku Laabanaya Jabuuti iyo Dib u Dhac Ku Yimid Magacaabista Ra'iisul Wasaaraha DFKMG

SomaliTalk.com (Feb 9, 2009) -Warar aan ka helay xubno ku dhaw madaxtooyada Muqdisho ayaa tibaaxay in dib u dhac kooban uu ku yimid xilligii lafilayey in madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sh. Axmed uu magacaabo ra;iisulwasaare. Arrintaas oo ka dhalatay wada tashiyo ka socda Muqdisho, wadatashiyadaas oo ka dheeraaday waqtigii la qorshaynayey. Waxaana warku tibaaxay in fursad dheeraad ah la siinayo wada xaajoodyada socda.

Ilaa shalay waxaa si gaar ah wada tashiyo uga socdey Muqdisho ay ka qayb qaadanayeen xubno ay kamid yihiin madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif, oo uu la jiro C/rashiid Cirro oo la filayo in loo magacaabi doono ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Axadii (Feb 8, 2009) ayaa wararku tibaaxeen in Wakiilka Qaraamada Midoobey ee Soomaaliya, Axmed Walad Cabdallah iyo dublomaasiyiin ku sugan Jabuuti ay khadka telefoonk kula xiriireen Sheikh Shariif oo ku sugan Muqdisho, waxayna weydiisteen, waa sida warku u dhigay'e, in Sheikh Shariif uu ku soo laabto Jabuuti, maadaama ay Jabuuti ku sugan yihiin xildhibaanada Barlamaanka DFKMG oo looga fadhiyo inay ansixyaan ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabo Sheikh Shariif. Waxaana warku intaas raaciyey in C/rashiid Cirro uu  Jabuuti u sii raaci doono madaxweynaha DFKMG.

Wararkii hore ee warkan la xiriira hoos ka akhri


Feb 7: Xildhibaan Cabdirashiid Cirro oo La Filayo In Axadda ama Isniinta Loo Magacaabo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG

Warar ay SomaliTalk.com ka heshay ilo wargal oo ku dhaw madaxtooyada Muqdisho ayaa tibaaxay in maalinta Axadda/Isniin (Feb 8-9, 2009) la filayo in xilka ra'iisul wasaaraha DFKMG loo magacaabo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Cabdi Xaashi (C/rashiid Cirro).

Xildhibaan Cirro ayaa ka mid ahaa waftigii madaxweynaha DFKMG, Sh. Shariif Sh. Axmed ka soo raacay Jabuuti oo gaarey Muqdisho, Sabti Feb 7, 2009.

Waxaa warku tibaaxay in magaalada Muqdisho ay uga sii horeeyey saraakiil reer Puntland ah oo ay kamid yihiin Col. Carays, col. Aaden Cabdi Xaashi iyo col. Siciid Dheere. Waxaa kale oo warku tibaaxay in xiriir lala sameeyey xafiiska madaxweynaha DGPL, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, taas oo akhbaarta laga helay ay tibaaxday in Dr. Faroole uu taageeradiisa u muujiyey (ama u muujin doono) Xildhibaan Cirro. Waxa kale oo taageero taas la mid ah muujiyey Isimo ka soo jeeda Puntland iyo jaaliyadda qurbaha.

Dhanka kale waxaa socda qaban-qaabo lagu taageerayo magacaabidda Xildhibaan Cirro, taas oo la sheegay in ay ka socoto Nairobi, Zambiya, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.

Warbixintii hore ee la xiriirta magacaabista hoos ka akhri.


Hay'adda Human Rights Watch oo Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay in uu Ka Laabto Hadal uu ka Sheegay Weriyaasha Soomaaliyeed...
Human Rights Watch waxay Axmed Walad Cabdalla ka Dalbatay inuu Degdeg uga Laabto Hadal uu Weriyaasha Soomaalida ku Barbar Dhigay Raadiyihii Kiciyey Xasuuqii Rwanda.
Akhri


Madaafiic Xooggan oo Lagu Garaacay Villa Soomaaliya, Xilli uu Halkaas Gaarey Sh. Shariif
.
AMISOM: Weerarkaasi waxa uu ahaa daan daansi....
. Cabdullahi Khadar: Cidna kuma dhaawacmin madaafiicda..
. Madaxweynaha DFKMG oo Gaarey Magaalada Muqdisho..
. Dr. Cumar: Dawladda Cusub Waxba kama Duwana Tii Hore..
. Baarlamaanka cusub ee DFKMG oo Gelaya fasax 2 bilood ah
Wararka oo dhan Akhri/ Dhegeysi....


Feb 6: Cabdirashiid Ciro oo lagu wado in loo doorto xilka ra'iisul waraasaha Somalia.

Sida laga soo xigtay warar ku dhow dhow xaafiiska madexweynaha dowlada Somalia Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa tilmaamaya in xildhiban Cabdirashiid Maxamed Cabdi ( C/rashiid Ciro)oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda Puntland, isl markaana ahaa gudoomiyihii gudiga doorashadii dhawaan uu ku guuleystay madexweyne Shariif Sheikh Axmed in loo magacaabo xilka ra'iisul wasaraha cusub ee ay dowlada Somalia yeelaneyso.


 C/rashiid Ciro

Warku wuxuu inta ku darayaa in madexweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed uu aqbalay magacaabista Cabdirashiid Ciro inuu noqdo ra'iisul wasaaraha ay dowlada yeelaneyso, lakiin uu soo jeediyay in marka hore la tashi lala sameeyo maamulka iyo masuuliiyiinta Puntland si taageero looga helo shacabka iyo maamulka Puntland, isla markaana meesha looga saaro madmadoowgii soo kala dhexgalay madexweynaha Somalia Sheikh Shariif iyo masuuliyiinta dowlad goboleedka Puntland xiligii ololaha loogu jiray doorashada madexweynaha Somalia, tasoo ay maamulka Puntland dalbadeen in tiradii xildhinaada garabkii Sheikh Shariif qeyb laga siiyo hadii kalena aysan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashaadaasi.

Jaaliyadda Soomaliyeed ee ku dhaqan qaarada Yurub iyo waqooyiga Ameerika ee ka soo jeedo Puntland ayaa iyaguna wado dadaalo ay ku doonayan in madexweynaha Puntland uu ogolaado aqbalo md Cabdirashiid Ciro in loo magacaabo xilka ra'iisul wasaraha cusub ee Somalia, tasoo dhabaha u sii xaarikarta in Cabdirashiid Ciro ay u sahasho inuu ku soo baxo xilkaasi.

Dhanka kale waxaa iyaguna jiro xubno kala duwan oo loolan xoogan ugu jira inay hantaan xilka ra'iisul wasaraha Somalia, waxaana xubnahaasi ka mid ah nin la yirahdo Aadan Maxamed Ciise oo horey uga qeybgalay tartankii doorasha madatinimada Puntland, waxaana hotelka uu degan yahay madexweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed ee magaalada Djabouti laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay wadan beelaha sharci ahaan u leh xilka ra'iisul wasaraha cusub ee madexweynaha looga fadhiyo inuu dhawaan soo magacabo, iyadoo wararka qaar ay sheegayan in madexweynaha uu doonayo inuu soo magacabo ra'iisul wasaare ka hor inta uusan dib ugu soo laaban dalka.

abdiaziz warsame
abdiaziz46@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS