SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha DGPL oo Magacaabay Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha DGPL, Dr. C/raxmaan Faroole, ayaa maanta (Sabti Janaayo 17, 2009) ku dhawaaqay golahiisa wasiiradda.

Wasiirada ee Wareegtada lagu magaacabay tiradoodu waa 17. Waxaana wareegtada ku xusan "Xubnaha Golaha Dawladda oo aan liiskan ku jirin dib ayaa laga soo magacaabidoonaa." Sidoo kale Madaxweynaha DGPL waxa uu magacaabay "Guddiga Tira Koobka iyo Dib u Habaynta Ciidamada DGPL"

Magacyada golaha wasiirada iyo ku xigeenadooda Hoos ka akhri...

 


 

XEER MADAXWEYNE Lr. 02, 17 JANAAYO, 2009, OO KU SAABSAN MAGACAABIDDA XUBNAHAN GOLAHA XUKUUMADDA CUSUB

17.01.09

MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND:

Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobka 54aad, faqradiisa 19aad

Markuu latashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo xulashada xubnaha Golaha Xukuumadda oo aqoon sare iyo karti leh

Markuu Garowsaday: Hawlaha baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo Xukuumadda Cusub

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabidda xubnaha cusub ee wasiiradda/Wasiir-ku-xigeenada iyo Wasiiru Dawlayaasha Golaha Xukuumadda:

1. Wassaradda Caddalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta
Wasiir C/risaaq Yaasiin C/lle
Wasiir ku xigeen Max’ud Saciid Xusen

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigi
Wasiir C/llahi Axmed jamac
-Wasiir ku xigeen Yuusuf Axmed Khayr
-Wasiir ku xigeen Cali Yuusuf Cali Xoosh

3. Wasaaradda Amniga
Wasiir C/llahi Saciid Samater
-Wasiir ku xigeen Cabdi Yaasiin Xirsi

4. Wasaaradda Maaliyadda Wasiir Dr. Faarax Ali Jamac
-Wasiir ku xigeen Cabdi Ibraahim Warsame
-Wasiir ku xigeen Yuusuf Dahir Qodax

5. Wasaaradda Qorshaynta iyo Xirrika Caalamiga ah

Wasiir Nuuradiin Aaden Diiriye
-Wasiir ku xigeen Saynab Ugaas Yaasiin
-Wasiir ku xigeen Cali Axmed Gamuute

6. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo daaqa

Wasiir Axmed Xuseen Yuusuf
-Wasiir ku xigeen Dr. Nuur Axmed Yuusuf
-Wasiir ku xugeen C/weli Xirsi Nuur

7. Wasaaradda Caafimaadka
Wasiir Dr. Bashir Cali Biixi
-Wasiir ku xigeen Dr. Maxmed Xirsi Ducaale
-Wasiir ku xigeen Maymuun Cabdi Ducaale

8. Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Wasiir Warsame Cabdi Shirwac
-Wasiir ku xigeen C/shakuur Mire Aaden

9. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka

Wasiir Eng. Daahir Khaliif Faarax
-Wasiir ku xigeen Warsame Aaden Guulled
-Wasiir ku xigeen C/risaaq Yuusuf Cilmi

10. Wasaaradda Beeraha iyo Horumarinta Biyaha

Wasiir Xasan Cabdi maxmed
-Wasiir ku xigeen Burhaan Cilmi Xirsi

11. Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Wasiir Suleemaan Ciise Axmed
-Wasiir ku xigeen C/kariim Saalax Cali

12. Wassaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Wasiir Caasha Geelle Diiriye
-Wasiir ku xigeen Xaliimo Max’ud Maxamed

13. Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada Iyo Sportiga
Wasiir Maxamed Nuur Cagweyn
-Wasiir ku xigeen Axmed Cigaal Cawaale

14. Wasaardda Ilaalinta Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska
Wasiir C/qani Yuusuf Cadde
-Wasiir ku xigeen Cismaan Cawad Cali

15. Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
Wasiir Eng. C/risaaq X. Gacayte
-Wasiir ku xigeen Eng. Max’ed Ciise Lacle

16. Wasaaradda Duulista hawada iyo Garoomada
Wasiir Axmed Cilmi Cismaan
-Wasiir ku xigeen C/llahi Jamac Roorshe.

17. Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Maxa’ud Faarax Max’ed

F.G. Xubnaha Golaha Dawladda oo aan liiskan ku jirin dib ayaa laga soo magacaabidoonaa.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Farole)
Madaxweynaha Puntland

magacyada wasiirada oo ku qoran PDF...


Madaxweynaha DGPL oo magacaabay Guddiga Tira Koobka iyo Dib u Habaynta Ciidamada DGPL....


Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2009

 

doorashoDr. C/raxmaan Faroole oo Ku Guulaystey Madaxweynaha DGPL
Madaxweyne ku xigeenna waxaa loo doortay Gen. Cabdisamad  Cali Shire... Akhri

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS