SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA

Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad

 Q-2aad- ASLUUBTA SALAANTA:

ήσΗασ Ηααευ ΚσΪσΗασμ: {νσΗ ΓσνψυεσΗ ΗαψσΠφνδσ ΒγσδυζΗ ασΗ ΚσΟϊΞυαυζΗ ΘυνυζΚπΗ ΫσνϊΡσ ΘυνυζΚφίυγϊ ΝσΚψσμ ΚσΣϊΚσΓϊδφΣυζΗ ζσΚυΣσαψφγυζΗ Ϊσασμ ΓσεϊαφεσΗ Πσαφίυγϊ ΞσνϊΡρ αψσίυγϊ ασΪσαψσίυγϊ ΚσΠσίψσΡυζδσ} {ΣζΡΙ: ΗαδζΡ: 27}.

(Kuwa xaqa rumeeyoow! ha gelina guryo aan guryihiinna ahayn, jeer aad idan weydiisataan ood dadka deggan salaantaan, sidaas baana idiin wanaagsan, waxa laga yaabaa inaad waano qaadataan eh) (An-Nuur: 27).

Salaantu waxay leedahay asluub barbaariyuhu ay tahay inuu ubadka ku beero, si fiicanna u baro, asluubtaas oo ah sidatan:

- Inuu baro shareecada Islaamku inay salaanta amartay:

Eebbe Qur'aankiisa ayuu salaanta ku amray, isaga oo leh:

{έσΕφΠσΗ ΟσΞσαϊΚυγ ΘυνυζΚπΗ έσΣσαψφγυζΗ Ϊσασμ ΓσδέυΣφίυγϊ ΚσΝφνψσΙπ γψφδϊ ΪφδΟφ Ηααψσεφ γυΘσΗΡσίσΙπ ΨσνψφΘσΙπ} {ΣζΡΙ ΗαδζΡ: 61}.

(Haddii aad guryo gelaysaan isku salaama salaan xag Alle ka timid "As-Salaamu calaykum" ahna salaan barakaysan oo fiican) (An-Nuur: 61).

Waxa kaloo salaanta amray Suubbane Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) markuu ummaddiisa asluubta iyo anshaxa wanaagsan barayay.

Cabdullaahi ibnu Camr ibnul-Caas (RC) waxaa laga weriyay: Nin baa Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) su'aalay: Islaannimo tee ugu wanaagsan?. Wuxuu yiri: (Raashinka dadka sii, qofkaad taqaan iyo kaadan aqoonna salaan)[1].

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Allahay nafsaddaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye Janno geli maysaan jeer aad mu'miniin noqotaan, mu'miniinna noqon maysaan jeer aad is jeclaataan. War hooya ma idin tusiyaa wax haddaad samaysaan aad is jeclaanaysaan?. Salaanta iska qaada)[2].

- Cabdullaahi ibnu Salaam (RC) wuxuu yiri: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wax aan ka maqlo wixii ugu horreeyay waxay ahaayeen: (Salaanta qaada, raashinka quudiya, qaraabada xiriiriya, dadkoo hurdana tukada, aad Jannada nabad ku gashaane)[3].

- Inuu baro qaabka salaanta:

Qofka salaanta billaabayaa wuxu dhahayaa: (As-Salaamu calaykum wa-Raxmatul-Laahi wa-Barakaatuh = Nabadda iyo Naxariista Eebbe iyo Barakadiisu korkiinna ha ahaadeen), qofka ka qaadayaana wuxuu u celinayaa: (Wa-Calaykumus-Salaam wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh = Adinkana Nabadda iyo Naxariista Eebbe iyo Barakadiisu korkiinna ha ahaato).

Qaabka salaanta ee caynkaas ah waxa lagala soo baxay Axaadiith saxiix ah oo Suubbanaha (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) laga weriyay.

Cimraan ibnu-Xasiin (RC) waxa laga weriyay: (Nin baa intuu Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) u yimid, yiri: Assalaamu Calaykum. Markaas "Nabigu" intuu salaantii ka qaaday buu "ninkii" fariistay. Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu yiri: (Toban)[4]. Nin kale baa keddib intuu yimid, yiri: As-Salaamu calaykum wa-Raxmatullaah. Intuu ka qaaday oo fariistay buu (Labaatan) yiri. Keddib nin kale ayaa isna intuu yimiday, yiri: As-Salaamu calaykum wa-Raxmatullaahi wa-Barakaatuh). Intuu ka qaaday oo fariistay buu yiri: (Soddon)[5].

Aanas ibnu Maalik (RC) waxa laga weriyay inuu yiri: Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) hadduu hadlayo saddex jeer buu ereyga ku celcelin jiray si looga fahmo, hadduu qolo u yimaadana saddex buu salaami jiray)[6].

- Inuu baro asluubta salaanta:

Asluubta salaantu waxa weeye in qofka gaadiidka saarani kan lugeynaya salaanta ku billaabo, kan socdaa kan fadhiya ku billaabo, tirada yari tirada badan ku billowdo, qofka yarina qofka weyn ku billaabo.

Waxa taas daliil u ah Xadiith saxiix ah oo Abuu-Hurayra (RC) laga weriyay, Rasuulkuna (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ku yiri: (Qofka fuushani wuxuu salaamayaa qofka socda, qofka socdaa qofka fadhiya, tirada yarina tirada badan)[7]. Werin Bukhaari u gaar ahina waxay ku daraysaa: (Qofka yarina qofka weyn).

Asluubta salaanta waxa kale oo kamid ah in aan sidii gaaladii la'isu salaamin ee tacliimaadka Islaamka la raaco kolka la'isa salaamayo iyo marka la'iska qaadayo labadaba. Waxa kaloo loo baahan yahay qofkii carruur yaryar soo maraa inuu isagu salaamo, siduu Nabiguba (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) yeeli jiray. Barbaariyuhu waa inuu ubadka baraa in billaabista salaantu ay sunno tahay, hase yeeshee qofkii salaan kugu billaaba ka qaadistiisu ay waajib tahay, sida kasoo aroortay Nabi Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam).

Abuu-Hurayra (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ka weriyay: (Qofkiin hadduu walaalkiis la kulmo ha salaamo, hadduu geed ama dhagax ka qariyo dabadeed la kulmana ha salaamo)[8].

Isla Abuu-Hurayra (RC) wuxuu weriyay: (Qofkiin hadduu goob la fadhiyo yimaado ha salaamo, hadduu doono inu ka istaagana ha salaamo, tan hore tan dambe kama mudna eh)[9]. 

3- ASLUUBTA IDAN QAADASHADA:  

Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  


 [1] Bukhaari (12, 289, 6236), Muslim (39).

[2] Muslim (54), Tirmidi (2688), Abuu-Daa’uud (5193).

[3] Axmed (24193), Tirmidi (2485), Ibnu-Maaja (1334).

[4] Toban: Toban darajo oo Ajar ah ayuu leeyahay.

[5] Abuu-Daa'uud (5195), Tirmidi (2689), Axmed (20190).

[6] Bukhaari (95).

[7] Bukhaari (6232, 6233, 6234), Muslim (2160).

[8] Abuu-Daa'uud (5200), Albaani (Saxiixul-Jaamic: 801).

[9] Abuu-Daa'uud (5208), Tirmidi (2706).

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS