SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS / CLASSIFIED
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 



Maxey ku doorteen Islaamka?

Hordhac:

Waa Barnaamij taxane ah oo ay isku soo dubariday walaasheen Ikaarm Cali Kaar, oo ah Gabadh dhiirigalin iyo tixgalin ka mudan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, waxay akhristayaasha u balan qaaday iney si taxane ah ugu soo gudbiso qoraallo ay uga cinwaan dhigtay,( Maxey ku doorteen Islaamka?) su’aashaa jawaabteeda kala soco Qoraalaada Ikraam Cali Kaar.

Bahda Tifaftirka Somalitalk.com.

<><><>

Maxey ku doorteen Islaamka?
(Mariam Elbornsson)
Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar

Waa su’aal aad u da’weynoo madaxana daaliyeysa islamarkaasina mudan in la is weydiiyo shaqsiyaadka aan Islaamka aheyn ee qormooyinkeenan kaga hadli doono ka hor inta aaney islaamka qaadaan fikarad noocee ah ayey ka qabeen Islaamka iyo dadka ku abtirsadda, markey soo islaameenna maxaa iska badalay fikradahaasi.

Qaadashada Diinta Islaamka ay qaateen dadka aan udhalan waxaa la oran karaa waxey timid xilli aaney dadkaasi fahmin macnaha buuxa ee nolosha iyo joogitaanka kowkan aannu ku nool nahay, sidaas daraadeedna ay lama huraan ku noqotay iney isbadal ku sameeyaan guud ahaan noloshooda iyagoo baadi goob ugu jiray xaqiiqda iyo macnaha buuxa ee Islaamku xambaarsan.

Hadaba waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa warbixino ku saabsan shaqsiyaad badan oo reer galbeed ah, Islaamkaana qaatay Islaamka ku waasoo aan ku ogaan doono qormooyinkeenan sababihii ku kalifay qaadashada Diinta Islaamka,waxaana kubilaaneyaa sheekadan Mariam Elbornsson oo ah dhaqtarad ka warbixineysa sida ay ku soo islaantay iyo sababihii dhaliyey iney qaadato Diinta Islaamka oo ay ka dhigato diinta saxda ah ee ay u doortay nafteeda ku sugnaanshaheeda.

Magaceyga waa Mariam Elborsson waxaan ahay haweeney swidhesh ah oo dhaqtarad ah aabaheyna waxa uu ahaa baadari kaniisaddda ku xiran, sidoo kale ayeeydaydii dhashay aabahayna waa haweeney aan inta badan laga waayin kaniisadda. Sidaas daraadeed waxaaba la oran karaa waxaan cirifka ku hayaa qoys ay diinta masiixigu ku weyn tahay.

Mudadii aan da’da yar ahaa ee aan garaadkeyga aan weli isku filnaan waxaan is weydiin jiray waxyaabo badan oo ku jira diinta masiixiga kuwasoo ay igu adkaayeen sidii aan u aqbali lahaa. Inta badan waxaa niyad jab ka qaadi jiray sida ay diinta masiixiga u soo bandhigi jirtay sifaha bani’aadamka,tusaale marka aan sameeyo wax qalad ah waxaan oran jiray ”dabeecadda ayaa kaa haleysan” taasina waa mid xaqiiqda ka fog.

Hadaba waxaa jira meelo badan oo dadka diinta masiixiga aamisan ay sawir qaldan kaga bixiyaan Illaahey SWT. Waxaana ay dadkaasi dhahaan ”Illaahey waa jaceyl”… Subxaanalaah sidee ayuu hadaba Illaahey jaceyl ku noqon karaa!!? Sidoo kale waxaa ay qaarkood sheegaan in Illaahey wiilkiisa dhintay oo malaha ula jeedaan Nabi Ciise (CS). Arimahaasi iyo arimo kale oo badan ayaa waxaa ay kamid yihiin warbixinada ka fog xaqiiqada ee ay had iyo jeer sheegaan dadka aaminsan diinta masiixiga.

Shaqsiyan inaan ahaado ruux Islaamka u janjeera ama rabtay iney wax badan ka ogaato waxaa ay igu bilaabatay xilligii kuleylaha sanadku markii uu ahaa 1997-dii,markaas oo aan islaamka si tartiib ah uga baranayey saaxiibadeyda muslimiinta ah,markaasina waxey aheyd markii ugu horeysay ee aan la kulmo ruux islaamnimo sheegto.

Diinta Islaamkuna waxey ila aheyd wax kale. Sidaan ognahayna diinta Islaamku waxey noo sheegeysaa in uu jirro hal Illaah oo kaliya ee aaney jirro Ilaahyo kale.

Sideedana la islama bar bar dhigi karro bani’aadamka iyo Illaahey SWT, mana lugu misaali karro dad Illaahey,maxaa yeelay Illaahey waa kan awooda buuxda leh dadkuna weligood ma dhaafin wax ka baxsan bani’aadam loogana baahan yahay oo keliya camal suuban oo Illaahey raali ka yahay.

Waxyaabihii ugu weynee aan Islaamka u qaatay waxaa kamid ah dhowr arimood oo la xirriira nolosha oo aan ka waayey jawaabahooda diinta masiixiga ee aan heystay. Diinta Islaamka waxey noo sheegtay in Illaahey yahay danbi dhaafe. Waxaan sidoo kale ogaaday in nolosha oo dhan ay ku xiran tahay Diinta Islaamka. Ruuxa aan diin laheyna aanu kala saari karin nolosha iyo nolo la’aanta. ”Dhab ahaan waxaan tabay inaan Illaahey dartiis u noolaaddo”

Markii aan bilaabay inaan Islaamka si fiican u barto waxaa guud ahaan iga muuqday daganaan iyo xasilooni aan horey u qabi jirin.

Maalinbaa waxaa dhacday inaan la kulmay gabar muslimad ah waxaa wada socday iyada iyo hooyadeed waxaana ay xirnaayeen xijaabka,durba anigoo daba taagan su’aalaheygii Islaamka ku saabsanaa ayaan weydiiyey dhowr su’aalood oo ay kamid yihiin ”maxaad u xiran tahay xijaabka, xijaabku qiimo intee la eg buu ka leeyahay agtiina?? Waxaa ay ii sheegeen gabadhii iyo hooyadeed in ay jecleysteen xirashada xijaabka, hase ahaatee jawaabtaasi kooban ay iga siiyeen xijaabka iyo su’aalihiisa ma aheyn kuwa igu filan ama la bar-bar dhigi karro su’aalaha tiradda badan ee maskaxdeyda ka guuxaya, sidaas daraadeed waxaan doonayey jawaab intaa ka badan.

Mudaddii aan ku guda jiray barashada Diinta Islaamka iyo baadi goobkeeda waxaan Illaahey ka baryey in wadada saxa ah igu toosiyo. Waayo waxyaabo badan ayaan ka fekerayey oo ku saabsan diintan cusub ee aan baranayo iyo sida ay reerka aan ka dhashay ee Islaamku meel ka soo gelin u aqbali lahaayeen.

Hase’ahaatee waxay igu qaadatay muddo badan siddii aan guul uga gaari lahaa arimahan curdanka ah hadana waxaan ku guuleystay inaan sameeyo sidii ay niyadeyda jeceleyd ee ah inaan soo islaamo.

Waxaa ay ahedyd maalin jimce ah oo ah maalin u gaar ah dadka muslimiinta ah waayo intooda badan waxaa ay u dareeraan masaajidka si ay maalintaasi qiimaha leh u soo gudaan waajibaadkooda diiniga ah ee la faray.

Sidoo kale waxaan maalintaasi joogay magaaladda Stockholm oo ah caasimadda Sweden oo maalinimadaasi lafteeda uu ku socday shir muslimiintu leeyihiin.

Anigu waxaan taagnaa halkii lugu tukanayey ee shirki ka socday dibadiisa maadama aanan si rasmi ah u noqon Islaam waxaan iska dhowray inta ay ka soo dhameysanayaan muslimiintu salaadooda jimcaha.

Intii sallaadu soctay ayaan nafteydii kula hadlay iney samir lahaato inta laga soo baxayo salaadda markaasna aan ugu bishaareyn doono inaan soo muslimayo.

Sidoo kale waxaan nafteydii u sheegay in maanta aysan jirin wax ka hortaagan iney maanta qirato jiritaanka Eebe iyo islaamkaba.

Intaan sidaas iskula hadlayey ayaa qaar saaxiibadeyda ah oo dibadda ila joogay u sheegay in salaada dabadeed aan qiranayo shahaadada, gabar kamid ah gabdhaha ayaa tiri ” Oo hadey sheekadu sidan tahay ma jirto waxaan dhowrna ee hadaba aan bilowno howsha”.

Marka aan sidaas isleenahay waxaa inagoo dhalinyaro tiro badan ah hor dhoobanahay masaajidka hortiisa waxaaan sheekada lugu soo koobay inaan tago masaajidka oo muslimiinta iyo Imaamka hortiisa ku qirto Ashhaadada.

Dhab ahaana midkeen nuguma jirin qof aqoon u leh sharuudaha laga doonayo in uu la yimaado ruuxa raba inoo soo Islaamo. Saacadu intiiba ka orod badan intii hore waxaa aniga iyo kooxdeydii ku cararnay masaajidka la yiraahdo Raabita oo aan ku gaarnay iyadoo ay socoto saladdii jimcaha. Markii salaaddu dhamaatay ayaan u tagay Imaamkii masjidka oo u sheegnay inaan doonayo inaa soo gallo Diinta Islaamka waxaana kadaba aqriyey Imaamka qirashada Ashhaadada.

Wallaahi baan ku dhaartaye maalintaasi aan qirtay shahaadada iyo Islaamkaba waxey tahay maalin aan ka go’eyn dareenkeyga.

Mana sugeyn maalin sidaas u farxad iyo reyn reyn badan inaan inta aan noolahay la kulmayo. Waa maalin inta aan noolahay aan ilaawi doonin haddii Eebe idmo…….

Qaybta 2aad.... GUJI

Waxaa Tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2003

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.