SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 



Maxey ku doorteen Islaamka?

(Mariam Elbornsson)

Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar

Inkastoo bilowgii sheekooyinkeenan taxanaha ah ay Mariam Elbornsson ka warbixisay qaabkii ay ku soo islaantay iyo sabibihii kalifay iney qaadato Diinta Islaamka hadana weli si buuxda inoogama waramin wixii markii hore aasaas u ahaa iney diinta Islaamka u aragto diin muqadas ah oo mudan in la qaato iyadoo ah tan saxda ah ee xilli kasta shaqeyneysa.

Hadaba waxaan maanta qeybta labaad ee qormooyinkeena taxana ahayad halkeedii ka sii wadeynaa sheekadii ku saabsaneyd islaamiddii ay soo islaamtay Mariam Elbornsson.

Qeybtii 2abaad

Maalintaasi qiimaha badneyd ee Islaamka qaatay waxaa ay ii furtay albaabadda nolosha,waxaan maalintaasi yeeshay saaxiibo badan oo muslimiin ah,ku waasoo intii aan masajidka ku jiray durba aad iigu soo dhaweeyey diinta Islaamka iyagoo xusay inaan qaatay diinta saxda ah.

Saaxiibada cusub waxaa ay ila qeybsadeen farxadii aan dareemeyey,waayo inbadan oo iyaga kamid ah ma'ogeyn waxa ahaa.

Markii aan kasoo tagay masaajidkii ayaan tagay gurigeennii oo aan u sheegay waalidkeygii inaan Islaamay.Runtii waxaa uu hadalkeyga ku noqday dhabano-heysi iyo murugo,waayo qoyskeena kuma jirra ruux sheegta Islaam amaba uu meel ka soo galo.Sidaas daraadeed kuma ayan farxin warkii dhiilada lahaa ee aan u sheegay maalintaasi.

Hooyadeey aad baa looga dareemay wejigeedii carrada xooga leh ee ay ka qaaday hadalka aan u sheegay. Inkastoo ay reerkeena ii sheegeen iyagoo ay ku adag tahay diinta aan qaatay iney igu ixtiraameyaan hadana weli su’aalo badan ayaa maankooda ku meereysanayey.

Markii aan bilaabay xirashada xijaabka aabahey oohin buu ku waashay waxaana uu ku sigtay inuu muraal dilaaco,waayo aad bey ugu adkeyd in gabadhooda ay ka baxeyso diinta ay aaminsan yihiin islamarkaasina ay gashay dadyow kale diintooda.Sidaas daraadeed waxaa danta igu kaliftay inaan diinteyda iyo caqiiqada aan aaminsanahay kala fogaado eheladeydii labo arimood dartood.

Waan tan hore reerkeena oo ay ku adkeyd aqbalka diinta aan qaatay iyo tan xiggta oo aheyd anigoo xilligaas dhiganayey jaamacadda oo aan dhaqtarnimada ka baranaayey. Labadaa arimood waxey kalifeen inaan ka guuro gurgii aan ku dhashay ee aan ku soo barbaaray

Qaar kamid ah qaraabadeyda ayaa maalin walba waxa ay su’aalo iga weydiin jireen sababta aan u qaatay diinta Islaamka, in badan oo iyaga kamid ah ayaa dhaleeceyn dusha kaga tuuray Islaamka, iyagoo u arka iney tahay diin u daran dumarka. Waxaa iyagoo uu weli ku danbeeyo dhakafaarkii ay ka qaadeen qaadashada diinta Islaamka aan qaatay ay su’aal iga weydiiyey “Sababta anigoo ah haweeney reer galbeed ah ku noqaday muslimad?” Runtii su’aashaasi jawaabteeda uma arkeyn iney tahay mid adag, waayo waxaan ogahay ineyan saameyn weyn ku yeelaneyn go’aanka aan gaaray ee cidi badali karin su’aal kasta oo laga qaataba.

Maxaa yeelay aqoon darada ay uleeyihiin ehelkeyga diinta Islaamka ayaan ogahay iyo sida ay warfaafinta reer galbeedka maalin walba waxyaabo xaqiiqda ka fog uga sheegto Islaamka iyagoo ku tilmaama diin danbeysa oo dadka u horseeda dagaalo iyo colaad aan dhamaan.

Diinta Islaamka waxaa ay i siisay xoriyad buuxda iyo raaxo,waayo inta aanan soo islaamin waxaa jiray waxyaabo badan oo had iyo goor welwel igu hayey,welwelkuna ma'aheyn mid la oran karey waxaas iyo waxaas ayaa welwel iga heystaa ee waxa uu ahaa mid waxkasta la xirriiray. Saas daraadeedna markii aan noqday haweenay muslimad ah waxaan dareemay nolo degan iyo xasilooni,waxaana mahad u celinayaa Allihii nafteydii gacantiisa ku jirtay ee ii doortay Islaamka.

Inkastoo aan noqday gabar muslimad ah hadana weli waxaan ahaa mid aad ugu fog reerkeeda marka la eego xirriirkii naga dhaxeyn jiray kol hore iyo sida uu iminka isu badalay.Waase mid aan ku faraxsanahay inaan ka fogaado reerkeena marba hadaan nahay dad heysta diimo kala duwan.

Sideedana waxaa jira ruuxa marka uusan waxba ka aqoon diinta waxaa adag in ruuxaasi hello xaqiiqda iyo macnaha buuxa ee nolosha. Islaamideydii ka hor waxa aan ahaa gabar Islaamka qalad ka fahansaneyd,maxaa yeelay markasta waxaa dhagaheyga ku soo dhacayey sawirada qaldan ee had iyo jeer laga bixin jiray Islaamka.

Aabahey baa maalin igu yiri isagoo sawiradii qaldanaa ka bixnaya Islaamka “Muxamed NNKH waxaa uu ahaa arri raace,la mid ah nin darawal ah oo wada gaari markaasna ku meereysta maqaaxida caffe-ga lacabo” dabcan hadaladaasi waa hadalada xaqiiqda ka fog ee aabahey aqoonta u laheyn Islaamka iyo Nabi Muxamed NNKH jaahilnimada ayaa keentay inuu sidaas u hadlo.

Reer galbeedka ayaa aad looga cambaareeya Islaamka, waxaa diinta Islaamka lugu tiriyaa iney tahay diin u daran haweenka,sidaas daraadeed anigoo ah haweeney swedhishad aqoon sarena leh ma'arag weli waxyaabaha dacaayada raqiiska ah ee had iyo jeer warfaafintu ka bixiso Islaamka iyo gabdha muslimada ahba. Bilcakis Islaamku waxa uu i siiyey degenaan iyo xoriyad buuxda,taaasoo ah inaan ahay ruux bani’aadam ah hadana haween ah. Inkastoo aanu nahay ummado kala duwan oo dhaqmo kala gedisan heysta islamarkaasina ah muslimiin hadana waxaanu wada leenahay Illaahey-ga xaqa lugu caabido. Sidaa daraadeed waxaa farxad leh in diintu siisay haweenka xoriyad iyo aqoonsi buuxda.

Ugu danbeyntii waxaa farxad aan lasoo kobi karin ii ah inaan maanta kamid ahay malaayiinta muslinka ah ee dunidan guudkeeda saaran, sidoo kale waxaa iyana farxad ah in Illaahey ii doortay diinta saxda ah iyo wadada toosan ee hanuunka.

Illaaheyna waxaan guud ahaan Islaamka meelkasta oo ay joogaan uga baryayaa inuu waafajiyo wadada toosan ee xaqa iyo inuu Illaahey mideeyo.

……. Dhamaad……

Lasoco cadadka danbe insha Allaah….!

Waxaa Tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com  

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2003

Qaybtii 1aad

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Sheekadii KIISH

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.