SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
CIBAADADA SALAADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»


Maxey ku doorteen Islaamka?

 Maxamed Knut Bernström

  • Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar

Waxaa uu ahaa muddo badan siyaasi howlo kala duwan dibadda dalkiisa uga soo qabtay. Sidoo kale waxaa uu ahaa sanadihii afartameeyaddii mas’uul katirsan Wasaaraddii Arimaha Dibada Sweden ee ay Qaramada Midoobey u dirtay dalalka Marooka,Venesuela iyo Spain. Misna wuxuu xilliyo kala duwan intii u dhaxeysay sanadihii 1976-dii- 1983-dii, ahaa danjire u fadhiya dalkiisa dalalkaasi kor ku xusan qaarkood, isagoo weliba Islaamka qaatay bilowgii siddeetamayadii.

Haddaba siddii caadada noo aheyd sheekooyinkeenii Maxey ku doorteen Islaamka, ayaa maanta qormadeenan waxaan ku soo qaadaneynaa sida uu ku soo Islaamay danjire reer Galbeed ahaa, Islaanimadiisana aysan la socon dowladii uu magaceeda u fadhiyey  meelihii kala duwanaa ee ka soo shaqeeyey isagoo qarsanaayey Islaanimaddiisa. Sidey arrintaasi ku dhacday isagoo ka sheekeynayana  Maxamed waxaa uu ku bilaabay sidatan: 

Waxaan ahay nin Odey ah, Illaahey baa mahad lahee nolosheyda barkeeda waan soo qaatay, Inaan Muslin noqdana waa mid ay ku jirtay gacanta Alle. Sidaasi aawadeed iminka nolol cusub ayaa ii bilaabatay, intey soconeyso iyo sidey ahaan doontaba waa mid uu ogyahay Allaha weyn ee Xaqa lugu caabuddo. Balse inta ka harsan nolosheyda waxaan jecelahay inaan Islaamka iyo dadkiisa u shaqeeyo.

Anigu markeygii hore waxaan ahaa nin Masiixi ah oo heystay Madhabta Katolska. Waxaa maalin dhacday in la qorsheeyey bal in wax laga badalo Kaniisadaha madhabta Katolska.  Si casriyen iyo dib u habeyn loogu sameeyo intaba. Maxaa yeelay waxaa la ogaaday inaaney dadku iman kaniisada oo aysan cibaadeysan, maba dareensana iney ahaayeen dad Masiixiyiin ah, sidaas ayaa la is yiri dadka waa la soo celin karaa cibadaada iyo kaniisadaba. Isbadalkaasi waqtiga uu dhacayo waxaan ahaa danjiraha Sweden u fadhiya dalka Venesuela. Waxaaban xasuustaa in baaderigii yiri maalintaasi ”Shirkii kaniisadaha ee Roma ka dhacay waxaa go’aan lugu gaaray in Adeegyada bulshada ee Diintu fareyso iyo cibaadeysigaba lugu dhigo ama lugu sheego afka looga hadlo dalka markaasi la joogo oo howlgalka laga fuliniyo” …..Cajiib!!.....oo ma hadda ayaan ku hadli karaa af aanan u dhalan? Weliba aan aheyn tii rasmiga aheyd ee diintu ku soo degtay. Alleylaha waa midaan soconeyn!

Muddo gaaban kadib waxaan iri ” sidan Alleylaha kuma noolaan kartidee , maxaad sameysaa??” Waxaan markaasi bilaabay inaan baadi goobo meel kale oo ka duwan noloshan waxaan qabay dareen ah inaan doorto booqasho aan ku tago dalka Marooko, doorashada dalkaasina waxaa iiga soo baxay waxyaabo ay kamid yihiin.

  • Sida Islaamka halkaasi  ka yahay
  • Sida wacan ee loo tukanayo
  • Iyo Sida quruxda badan ee had iyo jeer looga hadlo bisha Ramadaan iyo fadligeeda.

Waxyaabahaasi oo dhan waa kuwo si xoogan ii soo jiitay annigoo ka hor ogeyn Islaamka waxa uu yahay.  Waxaan markaasi nafteyda ku iri ”sidan quruxsan oo keliya Islaam kuma ahaan karitd, ee waa inaad u tukataa sida wacan ee loo tukanayo. Balse inta aysan taasi dhicin waa inaan marka hore ogaadaa wax badan oo Islaamka ah, sida Islaamku muxuu yahay?? Yaa loogu talagalay iwm? 

Markaasi dabadeed waxaan bilaabay inaan Quraanka Kariimka oo afka Ingiriisiga loo tarjumay akhriyo, waxaan si dareen xoogan ku jirto u akhriyey Suurada Al- Falaq.

Illaahey isagoo suuradaasi ahmiyada ay leedahay ka hadlaya ayuu yiri ” Qul acuudu Birabil  falaq, min shari maa khalaq” ( Waxaad tiraahdaa ”Nabiyow” waxaan ka magan galay Eebaha Subaxa abuuray. Wixii Shar leh sharkiisa). Markii aan Suuradaasi akhriyey waxaan durbaddiiba dareemay iney jirto awood iga sareysa. Quraankuna waa inoo  sheegay in sharta uu Alle abuuray isagana laga wakiisho. Sababtoo ah waxkasta Illaahey baa abuuray isageyna gacantiisa ku jiraan.

Maalin baa tagay kaniisadda ileyn waxaan ahay nin ku xiran kaniisadda, durbadiiba waxaan dareemay in leyla hadlayo oo la ileeyahay ” Adigoo doonaya inaad Islaamka qaadato oo niyada ku haya, hadana masiixi ma ahaan kartidee kala daa” Durba waxaan garwaaqsaday iney tahay xaq inaan labada Diimood kala doorto, Islaamka oo aan hada ku qanacsanahay iyo masiixiyadii oo weli igu dambeysa. Islamarkiiba waxaan qaatay go’aan ah inaan Islaamo, waxaana halkaasi ku qiray Shahaadada anigoo qirtay Jirtaanka Eebbe iyo Rasuulkiisa Maxamed (scw).

Islaamka qaadashadiisa waa sheyga iigu qiimaha badan ee maanta, waayo waxaa guud ahaan isbadal ku dhacay nolosheyda oo dhan. Waxaan xasuustaa in nin Marookan ah igu yiri beri markaan islaamka qaatay kadib ”Dadkiinan reer galbeedka ah waad naga fiican tihiin markaad Islaamka qaadatan, annaga u dhalanay diinta sidey tahay uguma dhaqano” Tani waa mid i tusineysa in arrinkani wax ka jirro.

Xijaabka ay diintu fareyso gabadha Muslimada ah waa mid mudan in la qaato, iyadoo laga tusaalo qaadanayo dar daarankii Rasuulkeena Muxamed (scw). Haweenkuna markaasi waxey ka bad baadayaan sharkasta oo ku soo socotay.

Haweeneyda la yiraahdo Ann Sofie oo iyadu ku xeel dheer Islaamka waxna ka dhigta jaamacadda Lund ee dalkan Sweden, ayaa maalin aan la kulmay igu tiri ”Kawaran haddii arrinka xirashada xijaabku aanu quseyn oo keliya haweenkii u dhaxay Nabi Maxamed (scw) balse ay tahay mid guud ahaan la farayo muslimaadka oo dhan.” Hadalka Ann Sofie aad buu ii farxad geliyey waxaana hubaati ah in dumarka ay arrintaasi fahmi doonaan. Gebebabaddii aad bey farxad iigu tahay in anigoo diblomaasi shisheeya ah  qaatay Islaamka, waxaana Islaamka iyo dadkiisa u rajeynaa hormar adduun iyo mid Aakhiraba insha  Allaah! 

==== Dhamaad=== 

Ikraam Cali-kaar,
SomaliTalk Team, Gothenburg, Sweden
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.