SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
CIBAADADA SALAADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»


Maxey ku doorteen Islaamka?

Dr. Hamid Marcus

Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
E-mail: Ikraam@journalist.com

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad

Magaciisu waa Dr: Xamiid Marcus, waa nin guud ahaan dalka jarmalka oo dhan laga yaqaan, waa nin caan ku ah mufakarnimadiisa, qoraanimadiisa, suxufinimadiisa iyo aqoonta culuumta oo aad ugu taqasusay, sidoo kale waa ninka dhidibada u taagay wargeyska la yiraahdo (Berliner Moslemische Revue.) Dr: Xamiid waxaa uu kamid yahay shaqsiyaadka aan Islaamka u dhalan ee gadaal ka qaatay oo qormooyinkeenan taxanaha inooo ah ee Maxey ku doorteen Islaamka kaga hadli doono. Hadaba isagoo amuurta islaanimadiisa ku saabasan Xamiid inooga hadlayana waxaa uu ku bilaabay sidatan.

Waxaan ahaa caruur aad u da’yar markii aan bilaabay inaan xiiseeyo Diinta Islaamka islamarkaasina aan urruuriyo. Rug buugaagta laga akhristo oo ku taallo magaalada aan ku dhashay ayaan maalin anigoo ku jira urruurinta macluumaad la xirriira Diinta Islaamka waxaan ka helay Quraanka kariimka oo loo badalay afka Jarmalka, kaasoo tarjamudiisa la sameeyey sanadku markuu ahaa 1750-kii, sidda ku cad buug uu kaga faalloonayo qoraaga la yiraahdo Goethe oo isagu qudhiisa ku howlanaa qorista buugaga kaga hadlaya Diinta Islaamka islamarkaasina tarjumay Quraanka kariimka.

Markii aan akhriyey Kitaabkaas qadiimka ah ee loo badalay afka Jarmalka waxaan dareemay inaan helay wax uun nafteyda hagay oo macno u yeelikara. Kolka aan sii dheehday sida qeexan ay diintu wax walba u sheegtay. Waxaan ogaaday markaas in Diinta oo waqti yar jirtay ay tahay mid hormar gaarsiisay qaramo badan oo qaatay, taasoo aan u dareemay hormarka qowmkaasi ay ugu wacan tahay qaadashada Diinta Islaamka ay qaateen.

Muddo yar kadib markii aan ka tagay magaaladeydii aan ku koray waxaan saaxiib la noqday Muslimiin badan oo ku noolaa magaalada Berliin, waxaan u raaci jiray goobaha Diiinta lugu barto waxaan sidoo kale kala qeyb qaadan jiray shirarka ay kaga hadlayaan guud ahaan Diinta Islaamka, taasoo aan si aad ah u xiiseyn jiray. Intii aan ka tirsanaa asxaabtaas waxaan helay xaqiiqda dhabta ah iyo inaan ogaado Diintu waxey tahay, taasoo ugu dambeyntii kaliftay inaan caddeeyo in Diinta Islaamka tahay tan saxda ah ee aan raadinayey islamarkaasina aan aaminsanahay.

Islam Our Choice.... GUJI

Sideedana Islaamku waxaa uu sheegaya in Illaahey oo keliya uu jiro isagana uu yahay kan abuuray kownkan aynu ku nool nahay. Halka diimaha kale ay isku qaseen seyniska iyo hormar ku sheega maanta jira ee casriga looga dhigay cinwaan. Sidaas aawadeed Diintani waa mid aan marna laga been abuuri karan oo naftaada ay jeclaaneyso.

Markaa dabadeed waxaan bilaabay inaan barto Diinta Islaamka oo aan baaritaan ugu dhaqaaqo xaqiiqda dhabta ah ee Diintani xambaarsan tahay. Baariteynkeeygiina kuma aanan guul darreysanee waxaan ogaaday macnaha weyn ee ay xambaarsan tahay iyo iney tahay dhambaal loo soo diray ummaddu iney tahay.

Diinta Islaamka waa diin cadaaladeed oo xaqa iyo baadilka kala saartay sidaas daraadeed waxaan anigoo ku faraxsan kuna qanacsan Diintan iyo sida ay u qurux badan tahay go’aansaday inaan Islaamo, anigoo qiraya inuu jirro Illaaha weyn ee xaqa lugu caabusdo Maxamed-na uu yahay Rasuulkii NNK, waxaana maanta ahay nin Alle qiray jiraankiisa, kana fogaaday dhamaan wixii uu nafeyda ka xarimay.

Lasoco cadadka dambe insha Allaah

Ikraam Cali-kaar,
SomaliTalk Team, Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 18, 2004

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aadQaybtii 4aad  | Qaybtii 5aad

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Sheekadii KIISH

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.