SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MUQDISHO

WARBIXIN KOOBAN OO KU SAABSAN ISBITAALKA DAYNIILE INTII UU JIREY IYO HOWLIHII UU QABTEY  

Isbitaalka dayniile ee magaalada muqdisho waxaa la asaasay 1dii Juun 2004. dhismihiisana waxaa iska kaashaday jaaliyadda soomaaliyeed ee dibadaha ku nool iyo ururka USC, wuxuuna ka kooban yahay sagaal qeybood oo kala ah qeybta jiifka, qeybta gargaarka deg dega ah, sheybaar, MCH, qeybta naaxinta, qeybta qaliinka iyo qeybta maamulka isbitaalka.

Isbitalka dayniile waxaa ka howgala 5 dhaqtar, 2 kalkaaliye,2 umuliso  30 shaqaale joogta ah iyo 10 keyd ah. 

Isbitaalkan oo lagu daaweeyo cudurada guud iyo qalliinka, wuxuu shaqeeyaa 24ka saac, iyadoo ay jiifaan bukaano fara badan oo qaba cuduro cuduro kala duwan una badan  dhaawaca risaasta , kuwaasoo u badan marka laga reebo risaasta , malaariyo iyo cudurada faafa sida shubanka.

Isbitaalkan oo xarun ah saddex xagalka Balcad, Afgooye, iyo Muqdisho ,ayaa  ah kalkaaliyayaasha sida joogtada ah uga howlgala Isbitaalka Dayniile, wuxuuna inoo isbitaalka kaliya ee si mutadawacnimo (lacag la’aan.)

ah ugu daaweeya bukaanada  Mar shabakada Dayniile ay soo booqatay isbitaalka ayaa waxaa noo xaqiijiyey arntaa Kaaliye sare Maxamed Xoosh-cadde, oo ka mid ah sheegay in isbitalkan intii uu furnaa lagu daaweeyey 432 qofood, hal qofna uu u geeriyooday cudurka shubanka,

intii aan ku dhex jirney isbitaalka ayaan kula aragney nin dhaawac cusub ah oo magaciisa lagu sheegay abshir axmed jimcaale oo da.diisu ay tahay 25 jir kaas oo ugu daraa bukaankii aan kula soo kulanay isbitaalka dayniile intii aan ku guda jirney . 

waxaa kale oo uu inoo sheegay in isbitalkan markiiba ay jiifan karaan bukaan dhan 50 qof., sidoo kale Nasteexa xabad Cadow oo ah Kalkaaliso caafimaad ayaa inoo sheegtay shiqada ay qabaneyso suurta gelisay in ay ku farax san tahay sida uu u shaqeeyo isbitaalkan.. 

Faadumo Cadow iyo Sacdiyo Muxiyadiin cumar oo ka mid ah shaqaalaha qeybta MCH ka isbitaalka ayaa yiri anagu heegan ayaan nahay habeen iyo maalin waxaana noo yimaado 24 kii saac laba ilaa iyo afar haween ah oo foolaneyso, iyadoo ay inoo sheegeen in mudadii uu dhisnaa isbitaalkan u qabteen howlo xasaasi ah,  isla markaana ay aad ugufaraxsan yihiin howsha isbitaalku u haayo bulshada weynta somaliyeed gaar ahaan haweenka iyo dhalaanka .

Ma aha markii ugu horeysey oo uu maamulka usc uu ka qeyb qaato horumarka dalka

Waxaana khamiistii lagu soo bandhigay xaflad si heer sare ah lo soo agaasimay . 

 

Dugsiga Horseedka Nabadda oo horay u ahaa Dugsi Hoose Dhexe oo ay hirgeliyeen Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha ayaa haatan waxaa lagu sii kordhiyay dhismo kale oo loogu talagalay in ay Ardayda Dugsiga sare u gudubta wax ku bartaan.  

Dugsigan oo ay wax ku bartaan ku dhawaan 300 oo arday oo isugu jira Caruurta Deegaanka Afisyooni oo u dhow Garoonkii Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyo caruurta dad soo barakacay ayaa waxaa uu sanadkan yeelanayaa labo fasal oo Dugsi sare ah oo ka soo qalin jebiyay Dugsiga Dhexe, kuwaasi oo dhawaan waxbarashadooda ay u bilaaban doonto.  

C/fataax Maxamed Cabdulle (Farey) oo ah Guddoomiyaha Dalladda Ardayda Jaamacad la'aanta ah oo fududeeyay in dugsiga lagu kordhiyo qeybta dugsiga sare ayaa wuxuu sheegay in lacagta lagu dhisay qeybta Dugsiga sare oo dhan 2.600US$ (Labo kun iyo Lix Boqol oo Doollar) uu bixiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax.  

C/fataax waxaa uu sheegay in markii ay ogaadeen baahida Dugsi sare u qabaan Ardayda wax ka barata Dugsiga Horseedka Nabadda ay la xiriireen Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare, isna uu ka ogolaaday in uu dugsigaas ku kordhiyo qeyb ay wax ku bartaan ardayda dugsiga dhexe u gudbeysa.  

Dugsigan oo laga sameeyay qeybtii diyaaradaha lagu dayactiri jiray ee Afisyooni ayaa waxaa markii ugu horeysay qaab dugsi ahaan ah u dhisay Haweenka Hoseedka Nabadda iyo Nolosha, kuwaasi oo dadka deegaankaas u sameeyay Dugsi Hoose/Dhexe oo ay caruurtooda wax ku bartaan, waxaana tallaabadaas si weynu soo dhaweeyay dadka deegaanka. Afisyooni iyo agagaarkiisa dega  

MAC.HADKA AL IMAAM ABII CAAMIR AL BASRIYI  TAXFIIDUL QURUAANKA KARIIM AH IYO BARASHADA TACLIINTA AASAASIGA AH . 

WARBIXIN: Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Bustaale

Waxaa isku soo dubariday

JiisowMuuse Maxamud Jiisow

somali39@hotmail.com


Muqdisho, Soomaaliya

002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 82, 2006

Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho