SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA STANZA

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com


AMMAAL

Jiiftadan waxaa curiyay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza] waxeyna jawaab u tahay suaalaha ka immanaya akhristayaasha suugaanta Abwaanka, gaar ahaan kuwa la xiriira maahmaahyadi cusbaa ee saddaxleeyda ahaa ee uu allifay.

Wuxuu Hal'abuurku ku ifinayaa dulucda murtida oraneysa " guur sokeeye waa inaad ka gadooddaa". Ogoowse jiiftadu waa mala'awaale. Waxeyna soo baxday 12/7/2004.

Tixdan wuxuu Stanza ku cabbiray waxa ka dhalan kara guur sokeeye oo fashilmay iyo aflagaadada dhidibada aasan karta. Akhristoow ha u qaadan dhacda Abwaanka ku dhacday ee waa sida sare ku xusan mala'awaal, afka qalaadna waa [fiction, not fact] ee la soco dulucda.

AMMAAL

 
Ammaaleey Ammaaleey
Ammaaleey abbaayooy
Anoo ina-adeerkaa
Amma ehel dad kuu xiga
Abtirsiinadeennuna
Meel ku wada aroor tahay
Oo aad iigu dheertahay
Isir iyo walaalnimo
Ayaa lai ambiyayoo
Aflagaadda lai baday
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Dab-abuurayaal baa
Ina kala irdheeyeen
Uurnugul walaashayeey
Ina kala asqeeyeen
Marna nagu inshaareen
Wuxuu uurku ladin karin
Marna nagu asteeyeen
Af wuxuunan qaban karin
Aragtida u rooneey
Ma wax loo adkeystaa?
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Dhibka kuwi aloosee
Galiilyada abaabsheen
Alle wuu arkaayoo
Marun bey ku ooljabi
Arrinkeygu ma aheyn
Inaan gocosho ooyaa
Balse ooggi-waaguu
Xaley uurku igu yidhi
Waa inaad oddorostoo
U abtirisa maansada
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Waxaan aamusnaadoon
Dibnaheyga awdaba
Sidii geel irdhabankii
Saqdi ololka reemaba
Afgobaadsi maagoon
Ammakaag la toosaba
Waxaan eed ka cararoon
Gacal kala ilduufnaba
Saw afgaabsa maan oran
Oo afeef ma laasimin
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Nafteydaa la uladubay
Waxaan u ololeeyaba
Illinta iga gobo'leyn
Oogadeyda qoysaba
Aqalkaad ku nooshahay
Waxaan dabin afmeeraba
Sidii hooyo ubadkeed
Mudda ku agwareegaba
Adna ina-abtaayeey
Iimma aad araareyn
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Sidii ubixi nuuraay
Noqo ruux adkeysi le'
Waxaan kugu agloolaa
Asluubtaada gabadhnimo
Ukhtii iga yareyd baad
Ammaal iiga dhigantahay
Dhiiggu waa ka adagyahay
Biyo aburinaayaan
Waxey ili arkeysuu
Aqliguna rummeeyaa
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha. 
 
Ninba agabka xeeshii
Murti iyo aftahankii
Aniguna abwaannimo
Erayada ku faaqiday
Adduun laguma waaroo
Xaqu wuu iftiimaa
Ayaan bey addoomuhu
Idil wada kulmaayaan
Ammarkuna Allahaweyn
U sugnaani goortaa
Hayeeshe'e Ugaasooy
Waxaan aarsan doonnaa
Ayaantii qiyaamaha.

Maxamed C/qaadir Daa’uud (Stanza)
Ayaandhalad5@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD