SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CALANYAHOW BULUUGGA

cabdikhayr cabdiqaadir maxamud [kawtame]
<kawtame24@hotmail.com>


Calanyahow Buluugaa 

Maansadaan waxaa alifey abwaan cabdikhayr cabdiqaadir maxamud [kawtame]. Maansadaani waxay soo baxday 25/7/2004. Waana maanso wadani ah ee gudoon wacan.  Magaca maansada=calanyahow buluugaa 

  • Calanyahow buluugaa

  • Cirka midab wadaagoow

  • Xidigtaa cadaankoo

  • Dhexda kugu calaqanbaa

  • Nacabiraysa anagee

  •  

  • Cadaan duug hanoqonoo

  • Calal madow hanoqonoo

  • Ciso iyo wanaagii

  • Waxaan cood lahaan jirey

  • Calanyahow adaa haray

  •  

  • Cayntaada oo kale

  • Cirka lagama keeninoo

  • Dhulka laguma caaliqin

  • Cidi ma ay maleegine

  • Calanyahow buluugaa

  •  

  • Rabi caadil weeyee

  • Intaad ciidan heleysana

  • Malaa’igo ku caawiya

  • Daa’imkay hakugu culo

  • Calanyahow buluugaa 

  •  

  • Waxaad tahay cad waynoo

  • Calaamado xurnimo iyo

  • Soomaalida cadkeedii

  • Looga cibri qaatee

  • Calan yahow buluugaa

  •  

  • Waxaad tahay cas doogloo

  • Caaniyo biyaba loo

  • Cadceed iyo kulayl iyo

  • Ciid boor ah lagu arag

  • Calan yahow buluugaa

  •  

  • Dugsi caan ah baad tahay

  • Culimadu amaantoo

  • Rabi noo carbiyayoo

  • Carfi iyo udgoonlee

  • Calan yahow baluugaa

  •  

  • Caqligaygi baad tahay

  • Iyo cood maguuuraan

  • Misna ceel ilwaynoo

  • Laga wada cabaad tahay

  • Calan yahow buluugaa

  •  

  • Casiiskaan baryaayee

  • Caadilkay ha kugu daro

  • Dawlad aan mar caagayn

  • Caalim iyo rag doora ah

  • Calanyahow buluugaa

Waa abwaan cabdikhayr cabdiqaadir maxamud [kawtame]
<kawtame24@hotmail.com>

Waa abwaan kawatame dalamr

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 3, 2004

MAANSADA HORE

MAANSADA XIGTA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
CURIYAYAASHA DOODWANAAG



HTML CD