SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BUUG

Koboca Islaamiyiinta Soomaaliya - Q.7aad

(Siraha Qarsoon )


W.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.

cobol319@gmail.com

Qormo Taxane ah...



Cutubka Labaad.

Asaaskii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed iyo Herdintisiii Islaamiyiinta.

Qormadda Todobaad.

Prof.Yuusuf Xirsi Buugiisa Xabsigaygii ee la daabacay 2001-dii boggiisa 22-aad waxaa uu ku qoray in goortii waqtigu ahaa labadii dambe ee habeenimo ( sideeda saaca) ee 01 May 1977-dii lagu amray inay baabuurta fuulaan. Aniga, Shiikh Maxamed Macallin iyo Maxamed Ibraahim Cigaal hal dhinaca ayaa fariisanay. Waxaa dhinaca kale ka fadhiyey baabuurka aan wada saarayn oo nagga soo horjeeday Yuusuf Cisamaan Samantar (Bardacad), Cabdulraxmaan Aswad, iyo nin kale. Markii baabuurka nala saaray ee qof walbaa fariistay ayaa lugaha waxaa looga qoofalay silsilado si aanu qofna u hawaysan inuu cararo. Iyadoo intaas ay sii dheerayd ilaaladda xoogan ee baaburta aan saarayn korka ka ilaalinaysay. .

Waxaa uu Prof.Yuuusf Xirsi xusay safarkii dhibka badnaa intii maxaabiistaas siyaasadeed loo sii waday Xabsiga Laabaatan Jirow. Isagoo sheegay in ku dhowaad kontomeeyadaas maxbuus ahaayeen kuwii ugu horeerey ee Soomaaliya oo lagu furo Labaatan Jirow Xabsigaas la magac baxay.

Bishii Agoosto 1977 ayaa waxaa si gaar ah loogu xiray meel Qamta la yiraahdo oo ka gaar ahayd Xabsi weynaha Labaatan Jirow rag ay ka mid ahaayeen Maxamed Abshir, Shiikh Maxamed Macallin, Shiikh Cabdiqani Shiikh Maxamed, Maxamed Ibraahim Cigaal iyo Cali Hayje nin la oran jiray oo isaga markii dambe lagu dilay Xabsiga Labaatan Jirow.

Ciririgii siyaasadeed iyo la socodka dhaqdhaqaaq-yadooda ee kacaankaasi saaray Islaamiyiinta kama hakin ujeedooyinkoodii. Waxay si mug ah u lahaayeen isku xirnaansho iyo wada shaqayn taas oo ay ku jaah-wareereen NSS-tii. waxaa la qiraa in Islaamiyiintu xilligaa adkaa kaga soo gudbeen adkaysi iyo dulqaad xad dhaaf ah oo ay arrimaha ugu dulqaadanayeen si aan caadi ahayn. Taasoo ku riixday inay higsadaan maanta halka ay ku haminayaan oo ah hanashada hogaaminta awooda dalka iyo dadka Soomaaliya. Wadan in ka badan 17 Sano aan helin dawlad hogaamisa isla markaana hanata maamulkiisa .

Islaamiyiinta ayaa lagu tilmaami karay in kaga faa’iidaysteen waqtigaas inay afkaartayrabeen ka dhaadhiciyaan shacabka oo ahaa in shuuciyaynta dadku ay tahay ka saarida diintooda. Waa la oran karay inuu fikirkoodaasi miradhalay ka dib markay dadku bilaabeen inay diintoodau soo noqdaan. Isla markaan barashadeeda si qoto dheer u fahmaan.

Xubnihii14 ka midka ahaa Islaamiyiinta oo la qabqabtay bartamihii sanadkii 1976-tii ayaa kuwoodii ugu horeeyey waxaa laga soo daayey xabsiyadda dabayaaqadii Sanadkii 1977-dii xilligaas oo siyaasadii XHKS caga dhigatay. Qodobka loo cuskaday xabsigooda qarkood wuxuu ahaa qodobka 52-aad ee xeerka anshaxa. Waxaa xusid mudan in qodobkaasi uu ahaa mid loogu tala-galay dumarka jirkooda ka ganacsada, kaas oo saamaxayay in qofka eedeysan, saddex cisho lagu hayo xarunta booliskaka dabadeedna ama la daayo ama loo gudbiyo maxkamaddii ku caddeyn lahayd dembiga.

Sanadkii 1977-kii iyo ka horba waxaa wadanka ka baxay xubno muhiim ahaa oo ka tirsanaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta. Waxaa ka mid ahaa Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Axmed Nuur Carab, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, Axmed Cismaan Dheel, Cabdisalaan Cismaan Cabdisalaan iyo rag kale oo badan, waxayna kicitimeen wadanka Sacuudiga iyagoo halkaas ka galay jaamacado islaami ah, kana soo kororsaday aqoon diineedkii loo baahnaa. Waxaa saldhigtay fidinta dacwadda dalka gudihiisa. Iyadoo uu mira dhal noqday halgankii baraaruga dadka ee dhinaca diinta.

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay xagga fikirka ah Islaamiyiintii. waxaa meesha ka baxay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Al-ahli oo isagu shaqaynayey Sanadkii 1971 ilaa 1977-dii. Khilaafka ku soo kordhay Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa xiriir la lahaa kooxihii Islaamiyiinta Masar ee xabsiyadda laga soo daayey, waxaana la xusaa in Sheikh Cabdulqaadir Sheikh Maxamuud inuu markaas u Janjeersaday afkaarta kooxda Jamaacatul Mu’minuun dadka badankiisu u yaqaanaan Tak-fiir. Warar dad dhowr ahi ii sheegeen ayaa waxaa ka mid ahaa in Islaamiyiinta badankoodu kuwa joogay gudaha Soomaaliya ay qaateen fikirka Jamaacatul Mu’minuun. Marka laga reebo xubnihii ku jiray Xabsiyadda. Hase ahaate markiiba waa laga noqoday qaadashada afkaarta takfiirnimadda. Kolkii loo caqli celiyey in badan oo ka mid ahayd dhalinyaradii Baraaruga Islaamka.

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaan si aan u xaqiiqsado u janjeersiga dhalinyaradda Baraaruga ee dhinaca Takfiirka. Waxaan weydiiyey waxa ka jira arrinkaas. Waxaa uu si guud mar ah iigu jawaabay:-

’’ Fikirkaasi waxaa uu asal ahaan ka yimid Wadanka Masar. Kolkii dawladaasi xirxirtay oo ciqaabtay Muslimiinta xabsiyadda ku xirayd. Waxay fikradu ka soo faaftay xabsiyada Masar’’

Sidee ayey inaga Soomaali ahaan inoo saamaysay?

’’ Dhalainyaradii Baraaruga Islaamka ee Al-Ahli ayaa joogsanweyday. Maadaama kacaanku xabsiyadda dhigay cullimadii waaweynayd ee hagi jirtay baraaruga Islaamka. In badan oo dhalinyaradda ahayd oo dhinac u liicday waa jireen; Balse markii dambe ee cullimadda xabsiyadda laga soo daayey ayaa si weyn wax looga qabtay. Oo si aad ah loogu caqli celiyey dhalinyaradii degdegaysay.”

Sidoo kale waxaa dhinac noqday ururka Al-Islaax Shiikh Maxamed Garyare ayaa dhinaca ula ruqay. Ururkii Jamciya Islaamiya waxaa madax looga dhigay sheikh Maxamuud Cumar. Iyadoo Waqooyiga Soomaaliya uu ka jirtay ururu Islaamiya oo la oran jiray Waxdada. Waxaa kaloo jiray xarako la yiraahdo Aalla Sheikh oo uu madax ka noqday Sheikh Maxamed Macallin kolkii xabsiga laga soo daayey1978-dii. Bilowgii Sanadkii 1978-kii ayaa noqday Sanad ku kowsaday khilaafka Islaamiyiinta Soomaaliya u dhexeeyaa iyo asaasid ururuo Islaamiyiin ah xanbaarasan fikirka Islaami Siyaasi..

Dagaalkii 1977-kii ee Soomaalidu la gashay wadanka Itoobiyakama marnayn in xooggaagii dagaalamayey ay ku dagaalamayey si jihaad ah isla markaana fulinayeen qodob diimeed ah xoraynta dhulka Islaamka ee la haysto (Ogaadeenya).

Saraakiisha ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qayb gashay dagaalkII Ogaadeenya ayaa in badan oo ka mid ahaa waxaa saaqday saxan saxada dabaysha diinta. Kuwaas oo ku hamiyeey inay Soomaaliya u horseedaa dawlad Islaami ah. Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo rag kale. Xunaha ka mid ahaan jiray Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee sida weyn uga qayb qaatay ku baraarujinta Islaamka bulshadda Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Shiikh Maxamed Cali Dahir oo door muhiim ah ku yeeshay kobcinta Islaamka.

Ustaad Cabdulraxmaan Baadiyow15 oo ka mid ah aqoonyahanadda Islaamiyiinta, kana tirsan xarakada Al-Islaax ayaa waxaa la weydiiyey maxaa lagu garan karaa muuqaalka baraaruga islaamka? Waxaa uu ku jawaabay:

” Waxaa lagu garan karaa(baraarugaas) sida looga hadal-hayo warbaahinta caalamka oo dhan iyo sida ay u soo kordhayso ka qaybgalka xisbiyadda Islaamiga ah ee xukunka iyo siyaasadda. Gaar ahaan dalalka ay ka jirto doorashooyinka iyo tartanka siyaasada. Meel kasta waxaa lagu arkaa muslimiin ka shaqaynaysa soo noolaynta ku dhaqanka diinta islaamka, waxayna ka muuqataa dugsiyadda, masaajiydyada, jaamacadaha, goobaha shaqadda, ganacsiga, waxay kaloo ka muuqataa dhaqanka nolosha, xiriirka qoyska, qaabka salaanta iyo asluubta dadka iyo weliba bangiyadda islaamka oo si weyn ugu fiday dunidda daafaheeda.’’

Xigasho.

  • 14- Qoraalkii Dagaalkii Ogaadeenya ee uu Qoray Dr.Sadiq Enow.
  • 15- Waraysi uu Cabduraxman Badiyow Siiyey Ogaalonline.com.

Akhri... Qaybta 8aad....

mireW.Q. Cabdishakuur Mire Aadam.
cobol319@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraha ku saxiixan - waxana uu ku salaysan yahay buug uu qoraagu qorayo....

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2008

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS