SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print

MUQDISHO & MAANTA | Feb 6, 2005
  • Wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaarey Muqdisho
  • Kulan dhex maray Maxkamahada Islaamiga ah  iyo Wafdigii Xildhibaanada
  • Wafdigii Dowladda ee Muqdisho hore u joogay oo kormeeray goobo Muhiim ah

SomaliTalk Muqdisho
muqdisho@somalitalk.com

Muqdisho - Soomaaliya


Wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho. 

Abaarihii 1:30 Pm ayay soo caga dhigatay diyaaradii siday Wafdigii uu hogaaminayay Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana markii ay soo degeen garoonka ay salaam sharaf ka qaateen ciidamada qalabka sida,  waxaa garoonka aad u soo buux dhaafiyay dadweyno aad u tiro badan oo ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, sida ardayda iskuulada, qeybaha ciidamadda, Ururada Bulshada rayidka, Dhalinyarada, Haweenka ku dhaqan Magaalada Muqdsho, culumaa’udiinka, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir. 

Garoonka Dayniile ayaa maantay u muuqday mid ay buux dhaafiyeen dadweyno aad u tiro badan, iyagoo wajiyadooda ay ka muuqdeen farxad, dadka qaarkii waa ay ilmeynayeen farxad ay u qabaan aragti hanaan dowladeed oo ay indhaha saaraan.  

Dadkan isku soo baxay oo sita Calanka Soomaaliya iyo sawirka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa luxayay caleemo qoyan, waxaana ay dadkaasi ku qeylinayeen erayo ay ku soo dhaweynayaan dowlada. 

Wafdigaan oo ka koobnaa 40-xubnood waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka amniga Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka owqaafta Cumar Maxamed Maxamuud “Cumar Finish.”, Wasiirka Lacagta C/kariim Axmed Cali, Caasha Cabdi Sheekh, Jaamac Cali Jaamac, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf dheeg). Iyo kuwa kale. 

Dad lagu qiyaasayo 10-KUN oo qof ayaa iyagana ku sugayay Fagaaraha Tarabuunka, markii ay yimaadeen wafdiga ayaa waxaa dadkii isugu soo baxay fagaaraha la hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax, waxay labadaba sheegeen hadalo ay uga mahadcelinayaa dadka reer Muqdisho sida ay u soo dhaweeyeen, waxay sheegeen in ujeeddada socdaalkooda ay kaga hadli doonaan Shir jaraa’id, markiiba wafdiga waxay u sii gudbeen Hotel Saxafi oo qaar badan oo ka mid ah wafdiga ay fariisin u noqon doono. 

Kulan dhex maray Maxkamahada Islaamiga ah  iyo Wafdigii Xildhibaanada.

  • Maxamed Cabdi Yusuuf: “Waxay taagan tahay maanta in la yiraahdo Xabashi hubka ha ka dhigto Soomaaliya”
     
  • Sheekh C/Qaadir Cali Cumar “Maxkamaduhu waxay taagan yihiin in dadka Soomaaliyeed loo siiyo xorriyad Diintooda, xaq ayeyna u leeyihiin inay taasi helaan” 

Shalay waxaa kulan ku dhex maray Magaalada Muqdisho Wafdigii ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka iyo Midowga Maxkamahada islaamiga ah, wuxuuna kulankaas ka dhacay Xarunta Maxkamahada Islaamiga ah ee Shiirkole.  

Kulankaas oo looga hadlayey xaaladda uu maanta dalku marayo iyo aragtida keenista ciidamo shisheeye ee soomaaliya ayaa halkaas waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha ah Sheekh Shariif Sh. Axmed wuxuuna yiri “Maxkamaduhu waxay soo dhaweynayaan in dowlada la helo, madaxda dowladana waxaa looga baahan yahay inay Kitaabka qaataan,” Wuxuu Sheekh Shariif sheegay in dalka laga sameeyo dib u heshiisiin dhab ah.  

Waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga ah ee Shirkole Sh. C/qaadir Cali Cumar wuxuuna yiri “Maxkamaduhu waxay taagan yihiin in dadka Soomaaliyeed loo siiyo xorriyad Diintooda, xaq ayeyna u leeyihin inay taasi helaan.” 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Cabdi Yuusuf:  “Waxay taagan tahay maanta in la  yiraahdo Xabashi hubka ha ka dhigto Soomaaliya,” waana nasiib darro arrintaas ayuu yiri Maxamed Cabdi Yuusuf oo shalay ka hadlayay kulankii dhex marayay Wafdiga Xildhibaanada ah iyo Midowga Maxkamahada Islaamiga ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.

 “Maalin walba waxay u yeeraysaa Itoobiya mid ka mid ah Madaxda gobolada soomaaliya” wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga hortago in arrintaasi ay dhacdo si ay u maleegto shir qoolo ka dhan ah Umada Soomaaliyeed, mana dooneyso Itoobiya in ay aragto Qaran-kii Soomaaliya oo dib ugu soo laabta,” Ayuu yiri  Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ku tilmaamay wax nasiib xumo ah in Soomaalidu isku dhiibto Cadow-ga Itoobiya. 

Wafdigii Dowladda ee Muqdisho hore u joogay oo kormeeray goobo Muhiim ah.

Wafdigii uu hogaaminayay Guddoomiyaha ku xigeenka labaad ee baarlamaanka soomaaliya Cusmaan Cilmi Boqore ayaa shalay kormeeray goobo ay ka mid yihiin: Xarunta maamulka Gobolka Banaadir, Xabsiga dhexe ee Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Xarunta Radio Muqdisho. 

Wafdiga waxaay xarunta maamulka G/Banaadir sii-hayayaasha Guddoonka Gobolka iyo Duqa Magaalada Muqdisho ay uga warbixiyeen Maamulka Gobolka iyo Howsha uu hayo, waxayna cadeeyeen inay sii diiran u soo dhaweynayaan Dowladda cusub si ay uga howlgasho Magaalada Muqdisho. 

Wafdiga waxay kaloo tageen xaruntii madaxtooyada soomaaliya ee VILLA SOMALIA oo ay kula kulmeen taageerayaasha iyo Kusimaha Xuseen Caydiid oo halkaasi ku soo dhaweeyay waxayna wafdiga kala ahaayeen: Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cabdi Xaashi Dhuxulow (Dhegdheer) Wasiir ku xigeenka Xanaada Xoolaha Maxamed Jaamac Furux, iyo C/laahi Geedi Shadoor. 

SomaliTalk Muqdisho
muqdisho@somalitalk.com

Muqdisho - Soomaaliya

WARARKA KALE EE MAANTA KA AKHRI HALKAN... GUJI...
»Hargeysa: Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada oo la ansixiyey
»Muqdisho: Kaalmo loogu yaboohay Faadumo Macbuud Cabdi
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 6

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005


»»DR. IBRAHIM: SU'AALIHII & JAWAABIHII CAAFIMAADKA [2001]
»»Dr. Osman: Saliidda [Batroolka] ku jira Soomaaliya
»»HTML Ku Baro Af-Soomaali

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD