SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NUURUDDIIN

Jawaabta Hadalkii Saahiid Yuusuf

Qore : Maxamed Maxamuud Cabdulle
Emial: asadka11@hotmail.com

Marka hore waxaan salaan khaas ah salaamayaa Xasan Dhooye (Abuu Xafso).

Marka xiga waxaan la hadlayaa ninka la yiraahdo SAAHID YUUSUF.

Maxamed Dheere vs Xijaabka
- 2004

Nuuruddiin Faarax vs Xijaabka - 2007

Qoraaga (maqaalka "Nuuradiin Waa Oday Soomaaliyeed!!!!") adiga waxan ku weydiiyay Maxamed Dheere meesha diin kuma maamulayn, mujrim ummadda laayay ayuu ahaa, kadibna xijaabkii gabdhaha soomaaliyeed ay ku asturnaayeeen wax ka sheegay. Horta waxaa is waydiin leh dhiigii ummadda ee uu daadiyay iyo culimadii uu dhiibay iyo dulmigii uu ummadda ku haayay oo dhan ayaad waxaa ula sii garab istaagtay inaad ku taageerto niqaabkii dumarkeena ee uu diiday ooy culimadeena khayr allaha siiyee ka kululaadeen. Dabcan ummada oo dhana way ka xuntahay arinkaa uu ku dhaqaayay mujrimka dagaalka waxa uu sameeyay.

Tan labaad ninkan qoraaga Soomaaliyeed ah horta markiisii horeba kuma dhisneyn qoraaladiisa diin ee waxa uu sheegaa inuu ka hadlo dhaqanka soomaalida inkastoo dadka qaarba si u arkaan. Maxuma soomaalida dhaqankeeda cid wax ka qorta waa ay u baahnayd laakiin in uu isku xayaysiiyo salmaan rushdi baa amaanay buugtayda isagoo la ogyahay cadawgaa rabi waxaa uu yahay, teeda labaad mardhexdaan ah oo la lahaa waxaa loo qondeenayaa nopal prize in la siiyo waxaasoo dhan waxay dabada ku wadatay inuu hadana xijaabkii dumarkeena dhaqanka kuma jiro yiraahdo asagoo ku jeesjeesayna yiri waa shaqadii afgaanka ama sacuudi baa dhaqaalo ku bixiyay anaga iyo sacuudi maxaan ku kala duwanahay ? maxaase afgaanistaan keenay meesha ?

Afgaanistaan iyo soomaalida diinta ayaa walaaleysa waxaana ay u wada qaateen xijaabka amar alle uu faray ee uma qaadan ganacsi ama wax la mid ah say qabaan dadka aan wax ogeyn ama meel ama juhalada ah. Marka ninkaan sheeganaya inuu difaacaayo qofkii diinta wax ka sheega waxaan u sheegayaa diintaan rabi ayaa leh dagaal kasto oo lagu qaado ama maangaab walba oo afka ku taaga cadaab ayaa u danbeysa ee adiga hadaad tahay nin islaam ah oo rabigii ka cabsanaaya iska ilaali waxyaabaha aad isku dayayso inaad ummadda u qurxiso. Ummadda ma indho la'a, waxna ma garan la'o ee rabigaa ka baq oo duulkii afka ku taaga diinteena sharafta leh anaa difacaaya meesha ha la iman.

Qore : Maxamed Maxamuud Cabdulle
Emial: asadka11@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH