SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NUURUDDIIN

Nuuradiin Waa Oday Soomaaliyeed!!!!
SAAHID MAXAMED YUSUF,  USA, VA
 
DFKMG Ah Iyo Ciidamada Ethiopia Oo Baaritaan Ku Haya Haweenka Qaata Indha Shareerka
''Weligay xijaab iyo indho-shareer la,aan ma socon ilaa iyo 16-kii sano ee bur-burka waxan oo kale ima soo marin xataa mooryaanta iyo tuugada dadka dhaca ma aysan fara gelin jirin xijaabka iyo indho shareerka '' ayay sii raacisay shariifo xasan oo indha heeda ay ilmo ka muuqato.  AKhri...
Maqaalkaygaan waxaan ku eegi doonaa hadalkii Qoraaga Nuuradiin uu ka jeediyey minneapols oo xiisad ka dhaliyey arrinta xijaabka gabdhaha soomaaliyeed.

Inkastoonan madasha joogin waxaa ka hadlayaa anigoo tixraacaaya qoraayaashii iga horeeyey hadalladoodii iyo waxa aan ka aqaano qoraaga Nuuradiin farah !!!

Horudhac: haddii doodi jirto waa in la isfahmaa???

Asalka dooda waxaa tiir dhexaad u ah in labada ruux ee doodeysaa ay isla fahmaan waxa ay ka doodayaan !!! haddii aysan isla fahmin isku meel waxba kama cabiri karaan ama ismaba fahmi karaan, markaasna doodoodu cilmi kuma dhisna.

Haddii aan Soomaali nahay doodaheenu cilmi kuma dhisna maxaayeelay waxay ka dhar la' yihiin tiir dhaxaadka doodaha oo ay ka mid tahay in la fahmo waxa laga doodaayo(1).

 
Haddii aan u noqono fiqhiga islaamka oo ah in nusuusta laga soo dhirindhiriyo axkaamta Diinta ayaa culumada islaamku ku kala gedisan yihiin ayadoo lala qabo fikradahooda kala gedisan ee Allaah ku abuuray siduu allah ku yiri Quraankiisa :(... ka suulimaayaan in ay is khilaafaan intuu Allaah u naxariistay mooyee sidaas ayaana ku abuurnay...)

Haddaba markii la doodaayo waxay asalka dooda ku saleeyeen in horta la isla fahmo waxa la isku khilaafsan yahay taas oo loo yaqaano ( taxriirul maxali nizaac)oo macnaheedu tahay in la isla garto waxa la isku khilaafsan yahay.

waana mid ay soomaalidu ka dhar la' yihiin xataa wadaadada oo fiqhiga islaamiga ah barta ayaan doodooda ku saleyn karaynin in ay helaan marka horeba waxa la isku khilaafsan yahay??? markaas ayey noqotay markii geel loo heesaayo ayaad goroyo u heestaa!!!

Akhristaheygoow arrinkaas waxaan tusaale uga soo qaadan karaayaa arrinka xijaabka oo haatan ka hor Dood dheer ka dhacday markii la yiri Maxamed dheere ayaa diiday(2).

Doodaas oo mudo socotay ayaan ka mid ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee Maxamed dheere difaacay, maxaayeelay doodiisu waxay ku saleysneyd cilmi meesha ay wadaado badan duurka jafaayeen!!! Maxamed dheere wareysi lala yeeshay ayuu ku cadeeyey in uusan xijaabka ka soo horjeedin ee uu diidan yahay Niqaabka oo uu ka baqday in loogu soo gabado,wuxuuna yiri haddii uu niqaabku waajib yahay ha la ii keeno waliba madhabteena shaaficiya ha la iiga keeno !!! Waxaa ugu yaabka badnaa in Dalladda culumada muqdisho ay banaan bax dhigeen ay kaga soo horjeedaan diidista xijaabka la diidaayo, waxaana webside-yada buuxiyey maxamed dheere xijaabkii ayuu diiday !!!asaguna wuxuu la soo taagan yahay anigu Niqaabka ayaan diiday ee daliil ha la ii keeno,waana meesha aan anigu ku difaacay maxaa yeelay markuu geel u heesaayo goroyo ayey u heesaayaan.

Waxaa la sheegay in caalimkii weynaa ee Ibnu xazam ay nin doodeen markaas ayuu ninkii daliishaday wax aanba daliil aheyn,markaas ayuu ibnu xazam oo hadal adkaa yiri aniguna waxaan daliishanayaa ( Qul huwalaahu axad) !!! asagoo ku jees jeesaaya.

 
Nuuradiin waa oday soomaaliyeed:
 
Haddii aan u soo dhaadhaco doodii xijaabka ee labaad ee ka dhex dhacday Nuuradiin iyo soomaalida ayaan waxaan shaqalka saarayaa xuruufta dushooda anigoo soo qaadanaaya  wuxuu meesha ka jeediyey iyo sidii ay Soomaalida badankoodu u qaadatay!!!!,
haddii aan si kale u iraahdo waxaan ka hadlayaa meesha khilaafku ka taagan yahay( taxriirul maxali alnizaac)oo ah maxay isku khilaafsan yihiin Nuuradiin & dhageystayaashiisu, taas ayaana ku saleynayaa doodeyda kadibna waxaan ku dari doonaa soomaalida & waxbarashada islaamka sida ay ugu baahan yihiin ayadoo lala qabo dadkooda caqliga leh ama indheer garadka ah sida gabyaaga ,qoraaga,mu,alifka iwm.
 
 Haddaan ku hormaro maqaalkii walaalkeen xasan dhooye wuxuu yiri:
 
Nuruddin oo buug cusub oo uu qoray kahad layey Febraayo 08, 2007, kulan lagu qabtay meesha lagu magacaabo "The Loft Literary Center" oo kutaala Magaalada Minneapolis, halkaas oo ay isugu yimaadeen dad badan oo aan Soomali ahayn balse Somali ku jirtay, ayuu  hadalkiisii kusoo daray xijaabka ay xirtaan gabdhaha Soomaaliyeed. Markuu ka hadlayey dumarka Soomaaliyeed wuxuuna yiri; " Gabdhaha Soomaaliyeed in badan oo kamida waa wanaag san yihiin, waana ku faraxsanahay……. Laakiin marmarbaan waxaan ka xumaadaa  xirashada ay xiran yihiin dharka Sacuudi Caaraabiya, waxay xiran yihiin dhar aanan lahayn… kadibna waxay igu yiraahdaan waa dhaqan kayagii, ma’ahan dhaqankayagii, malihin Shuko, xaqiiqadu waa sidaa………(isagoo sii hadlaya wuxuu yiri) sababtuna waxay tahay illaahay wuxuu yiri is astur, mase dhihin xiro dharka afqaanta…. Arimahaas waa kuwa aan daneeyo, waxaan rabaa hal qof oo Soomaali ah oo istaaga oo yiraahda Shuko, Niqaab kuwaasoo dhan waa dhaqankeena? Ma'ahan, ma'ahan; Dhab ahaantii markaan qoray buugaygii ugu horeeyey, gabadhii lagu matalayey "Cebla" markay aragtay gabar xiran xijaab way ka carartay, maxaa yeelay waxay u malaysay CIRFIID! Waligeed ma aysan arag dumar carbeed oo shuko kor iyo hoos qaba. Labaatan ilaa sodon sano kadib carabtii waxay ka tageen lacag badan si ay u ISLAAMEEYAAN Soomaalida……… miyaanan illaahay ka cabsan Karin inagoo Muslim ah oo aan wadan ganacsigaan Afqaaniga ah"
 
Akhristaheygoow bal aan qodobo soo koobo Nuuradiin waxa uu ka hadlay:
  • shuko iyo niqaab dhaqanka soomaalida ma ahan
  • waa dhaqan carbeed ama afqaaneed
  • ceebla markii ugu horeysay ay arragtay naag shuko qabta waxay u maleysay cirfiid
  • asturku niqaab & shuko kaliyah ma ahan
  • xijaabka & niqaabka sidaan haatan u qaadano waxay soo bilaabatay labaatan ilaa sodon sano
  • carabtaa lacag ku bixisay in aan sidaas u labisano
Intaas kadib wuxuu dadkii ka codsaday hal qof oo istaaga oo ku sheega shuko iyo niqaab in ay yihiin dhaqankii soomaalidii hore !!!
 
      Haatan aan u soo daadagno hadalada Nuuuradiin soomaalidii hore sidee haweenkoodu u labisan jireen oo dhaqan u aheyd, soomaalidu waa dad islaam ah se waxaa caado u aheyd in aysan xijaabka haatan ay xirtaan xiranin, waxaana xijaab ugu muhiimsan ahaa garbasaar laga kor gashado toobka, dirica, guntiinada, canbuurka iwm.

taas oo mararka qaarkood khafiif ah siiba gabdhaha gashaantimada ah,waxay kaloo caado soomaali aheyd in garbasaarta marna madaxa lagu dado marna qoorta uun ay saaran tahay,taas waxaa ka sii daran in ay soomaalidu caado u aheyd in aysan habooneyn gabadhu in ay qariso tinteeda intaan la guursan oo gashaanti ayaa la oran jiray tinteeduna waa la tidci jiray!!! Gabayaaga caanka ah ee qarnigaan Cabdi Galayax ayaan ka dhageystay cajal uu ku xusay 16 qodob oo uu iskaga daayey tirinta gabayga waxaa ka mid ahaa in gabdhihii soomaaliyeed ee tintooda tidci jiray banayna jiray ay is badaleen oo ay haatan ganbo wada qaateen oon la kala garaneynin midda gabadha ah iyo midda marwada ah sidaas darteed waa akhiro sabaan oo in aan gabyo waan ka toobad keenay ayuu yiri.(3).

Marka haddii uu Nuuradiin yiraahdo xijaab & niqaab caado uma lihin se carabta ayaa qaadan jirtay ama afqaanka run buu sheegay waana odey ka mid ah odayaasha soomaaliyeed ee caadooyinkii hore ku dhagan.(4).

midda labaad haddii ay ceeblo oo ka timid baadiyo ay la yaabto haween shuko gashan oo ka baqato una maleyso cirfiid wey ku saxan tahay ileen waxaan ognahay in soomaalidii hore ee baadiyaha degi jirtay aysan ruux shuko qaba arkin.

waxaa mudan in aan halkaan ka sheego in soomaalida qaarkeed siiba Reer aala shiikh ee dega shangaani & reer banaadiriga xamar weyne iyo carabta muwalidiinta ee beexaani ay shuko madoow qaadan jireen caado na u aheyd se markaan soomaalida leenahay waxaan ka wadnaa soomaalida badankeeda oo ah faradheerta kor timid sida loo yaqaano !!!

wuxuu kaloo Nuuradiin ka waramay in Allaah uu yiri is astura !!! soomaaliduna astur u gooni ah ay leedahay,taas ayuu ka duulayaa marka asaga iyo odayaal soomaaliyeed oo fara badan ayaa u baahan in ay dhaqankii soomaaliyeed ee diinta ku gurucnaa ay ka tagaan, ama aan si kale u iraahdo caadada diinta islaamka ah ka hor imaaneysa in ay ka tanaazulaan inta goori goor tahay.(5)

wuxuu kaloo Nuuradiin sheegay in xijaabka & Niqaabkaba ay soo galeeti ku yihiin dhaqanka soomaaliyeed oo lagu qiyaasi karo waqti aan ka badneyn ugu badnaan 30 sano.taasna Nuuradiin wuu ku saxan yahay jilbaabkan aan naqaano haatan 1976kii wuxuu ahaa shaati gacmo dheera ah oo garbasaar adag laga sareysiiyo,kadibna waxaa ku soo xigsaday go' weyn oo loo aqoon jiray ( la jacuur) kadibna siddeetamaadkii waxaa bilaawday jilbaabka haatan ay gabdhaha soomaaliyeed caanka ku noqdeen(6).

Tan ugu danbeysa wuxuu Nuuradiin ku sifeeyey fiditaanka xijaabka & niqaabkaba ay sacuudigu maalgeliyeen ,taasina waa mala awaal ee waxaan leeyahay xijaabku wuxuu soomaaliya ugu fiday waa gabar soomaaliyeed oo allah oraahdiisa rumaysay oo xijaab xiratay,markaasna ka naxday hooyadeed ,habaryarteed,eedadeed ,wallaasheed, gabadheeda oo ayagana fartay allaahna ku hanuuniyey !!!(7)

Sidii uu allah Quraankiisa ku yiri :(Haweenku ha dajiyeen jilbaabkooda dushooda oo yeysan quruxdooda u muujinin ragooda mooyee) xataa lacag iska daaye jilbaabku kuma fidin karbaash sida maxaakiimta caadada u aheyd ee wuxuu ku fiday naxariis,taas oo allaah nagu maneystay anagoo nool in ay soomaaliya oo idil oo xijaaban na gaarsiiyey !!!

walow Nuuradiin iyo odayaashiisa xaaladoodu ay tahay is marjiya kani waa fiday ee ku kale ma heysaa!!! Quraanka waxaa ku jirta Ayaad la macne ah oraahda soomaaliyeed ee is marji!!!
Allaah wuxuu quraankiisa ku yiri:( Ruuxa u maleynaaya in allaah uusan u gargaareynin nabigiisa & Diintiisa xarig samada ha u taagto kadibna ha gooyo oo ha is marjiyo,markaas kadibna ha fiiriyo in ay cardiisii ka tagtay )

Nuuradiin maxaa la guboon:

waxaan maqaalkeyga ku soo gabgabeynayaa waano aan u soo jeedinaayo  wax garadka soomaaliyeed sida qoraayahanka,gabyaaga,suugaanleyda,profesoriinta, ha ugu horeeya qoraageena weyne ee Nuuradiin faarax xasan,waxaana ku leeyahay barta diinta islaamka waxaad ka faaideysan laheydeen dhaqan, sheekooyin, cilmi,iimaan, caddalad,ilbaxnimo ka qoto dheer tan dhalanteedka ah ee reer galbeedka !!!.

 Nuuradiin oo buugtiisa aan qaar badan ka akhriyey ayaa soo bandhigay buugaag taxane ah oo uu ku magacaabay( the triology of dictatorship) oo uu ku dhaleeceynaayey dawladii kacaanka waxayna ahaayeen taxane aad u fiican oo ka tarjumaayey noloshii hantiwadaaga ee waagaas !!! waxaan aad u jeclahay dhamaadka buugiisa (sweet & soure milk)oo laba wiil oo kacaan diid ah uu midna dhimanaayo midna uu fara cidi leh ku baxsanaayo oo galabtii uu dhoofay ay NSS gurigiisa imaaneyso si ay u xiraan !!!
Se wixii buugaagtaas ka danbeeyey Nuuradiin wuxuu ahaa nin darjo doon ah oo u tartamaaya darajooyinka qoraayaasha sida neustede & nopel prize,taas oo dhaxalsiisay in uu qoro buugiisa ( secrets)oo uu ku helay darajadaas (nuested 1998) se ahaa bar madoow uu kaga been abuurtay dhaqanka soomaaliyeed xataa magacyada ka shaqeynaayey af soomaali ma aheyn sida kalaman iwm.
Nuuradiin waxaa cibro ugu filan in ay gabar yar oo soomaali ah oo mareykanka ku barbaartay ay u cadeyso waxa diinteenu ka qabto xijaabka & niqaabkaba !!!
Nuuradiin oo dad aad u fara badan u han weyn yihiin markii uu buugtiisa halheys uga dhigo waxaan ummadeyda ku xusayaa qoraalka & baasaboorka madoobe dheere uu dalalka adduunka ah ku mushaaxaayo ayaa waxaa haboon in uu soomaaliya si fiican uga tarjumo ma ahan kaliyah dhaqanka soomaaliyeed kuwiisa xun xun ee waliba in uu xuso, bartana diinta islaamka ah ee nadiifta ah asagoo ka biyo cabaaya Quraanka iyo sunaha ee uusan ku dabaqeynin caadooyinkii xun xumaa ee soomaalidu laheyd asagoo ku anadacoonaaya caadadaas ayaan laheyn, haddii aan soomaali nahay se waa in uu caadooyinka soomaaliyeed ee fiic fiican ee aan ka hor imaaneyynin diinta islaamka uu daliishadaa kana haraa caadooyinka xun xun ee diinta meel xun uga dhacaaya ama aayad quraan ah ama xadiis rasuulka ka sugnaaday ka hor imaanaaya !!!
Nuuradiin oo caadooyinka western-ka aad u bartay rabana mararka qaarkood in uu dhaqan soomaali nooga dhigo oo soomaali sidaas u dhaqmeysa nooga sheekeeyo sida buugiisa(gifts)oo aad ku arkayso qoyska uu ka sheekeynaayo dad soomaali ah, se dhaqan galbeed wata sida reerka oo dhan oo leh bushkuleetiyaal ay tabar ku sameeyaan iyo ayagoo subaxdii ordaaya taas oon caado soomaalidu taqaano aheyn !!! waxaan ka jeclaan lahaa in uu soomaalida ku sifeeyo dad faqri ah oo rooti iyo moos is dhex gashada,habeenkiina muufo iyo saliid cadeey ku casheeya !!!
Marka maxaa Nuuradiin oo ah nin mutacallin ah u diiday in uu Barashada diintiisa barto taas oo uu ka heli lahaa suugaan qayim ah,sheekooyin halaasi ah, caadilnimo taam ah,dhaqan sharaf leh,ilbaxnimo xeel dheer sida tii Al-Andulus ama spain & portugal 800 oo sano uu islaamku ka talinaayey,iyo ilbaxnimada dhismihii Taj maxal uu boqokii islaamku u dhisay boqoradiisii mumtaz !!! taas ayey u baahan yihiin akhristayaashaada aan soomaalida aheyn ama islaamkaba ee uma baahna in aad uga sheekeyso dhaqankooda khaniisnimada & dhilanimada & tuuganima & basaasnimada 007 iwm.
Waxaan halkaan ku xusayaa sugaan yaqaanka weyn ee Maxamed xaashi dhamac gaariye oo wadaado ay isku qabsadeen London mar uu u tagey muxaadaro suugaanta soomaalida ah in uu ka jeediyo, markaas ayey wadaado uu ku tilmaamay kitaab gaabloow ay haweenkii u diideen in ay tagaan muxaadatradaas ?
Gaariye waa is difaacay oo wuxuu yiri haddii aan gabayaa nahay Allaah suurad dhan ayuu nagu magacaabay oo la yiraahdo(Alshucaraa)!!!
wuxuu allah yiri:( gabay tiriyayaashu waxaa raaca kuwa lunsan,miyeydaan arkaynin in ay waadi kasta dhex dabaalanayaa,oo ay oranaayaan wax aysan sameyneynin,kuwa Allah rumeeyey mooyee oo camal saalix ah sameeyey ....) 
Markaas ayuu gaariye yiri ( Waar annagu kuwaas Allaah soo reebay ayaan nahay ee Allah rumeeyey ee camal saalix ah sameeyey..)
Halkaas ayuu ku af jaray kuwii weeraray ee kitaab gaablowga ahaa sidaas oo kale ayaan ka rabnaa Nuuradiin waa in uu ayaad Quraan ah isku difaaci karaayaa ee ma ahan in uu dhaqan soomaaliyeed oo caado xun ku saleysan uu daliishado oo xijaab allaah waajib ka dhigay, uusan la soo istaagin dhaqankeenu sidaas ma ahan ee waa in sida Gaariye oo kale uu aayado cad cad isku difaacaa!!!
Nuuradiin waa in uu barashadiisa Diinta islaamka hormiyaa ( UP GRADING) MA AHAN UU UU DHAQAN ODAYAAL  XABAAL KU FOGAADAY UU SHIIKH BAHALAABOOW YIRAAHDO EE WAA IN UU AAYAD CAD IYO XADIIS NABIGA KA SUGNAADAY UU DALIISHADAA)!!!.
 
                                                      FII AMAANI LAAH
SAAHID MAXAMED YUSUF
             USA, VA
 
(1) waxa la isku waafaqsan yahay iyo waxa la isku khilaafsan yahay waa in ay cadahay
(2)maqaalladii maxamed dheere vs xijaab /saahid
(3)soomaalidii hore gabdhuhu tintooda wey baneyn jireen sida uu sheegaayo gabayaagaasi
(4)ku noqo maqaalkeygii caado laga tegey carro alle ayey leedahay !!!
(5)ku noqo maqaalkeygii xijaabkii oo dhaqan noqday !!!!
(6)ku noqo Nuuradiin waa salmaan rushdi saaxiibkiis xasan dhooye qeybta taariikhda xijaabka !!!
(7)ku noqo maqaalkeygii kismaayo & kandhahaar qeybta aan kaga hadlaayey sida uu ku fiday xijaabka

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH