SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

FAALLO : Muxuu Yahay Heshiiska Qarsoon Ee Dhex Maray Madax Ka Tirsan DFKGS Iyo Shirkada Kuwait Energy Oo Sheegatay In Ay Maamuleyso Shidaalka Soomaaliya

  • Waxaa soo diyaariyey | Aug 10, 2007
    S.E.C.G. [Somalia Energy Concern Group]

Waxaa billihii la soo dhaafay soo baxayey haddalo iyo qorraalo badan oo is barbar socda kuwaaso inta badan ka hadlayey arrimo la xirriira baarista shidaalka Soomaaliya la sheegay in uu ku jiro. Qorraaladaaso inta badan shirkado ama mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS ka soo kala baxay taas oo ay ugu dambeysay maanta oo ay taariikhdu tahay bisha 8aad, maalinteeda 9aad ee 2007 uu qorraal ka soo baxay magaalada Nairobi xafiiska ninka sheegta in uu yahah Ergeyga  Soomaaliya u fadhiya Nairobi Mr. Maxamed Cali America wareysi uu siiyey Reuters uu sheegayay in " sharcigii Batroolka Maanta ama Berri uu ka doodi doono Baarlamaanka Soomaaliyeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, taas oo uu ku daray in uu rumeysan yahay dooda ka dib in la gudbin doona sharicga Maareynta Shidaalka si aanan shaki ku jirin".

 
Ayadoo aad moodid Mr. Maxamed Cali America howlihii sugayey safaarada Soomaaliyeed ee Nairobi ku taal in uu ka door bidey in uu ka hadlo arrimaha Shidaalka Soomaaliyee ee tartanka ba'ani shirkado badani ka dhaxeeyaan ee daneynaya howshaan, ayaad waxaad moodaa in uu Ergeygu shirkadan Kuwait Energy iyo lamaanaheeda shirkada Indonesia laga leeyahay ee la yiraahdo PT Medco Energy in ay ka door bideen in ay baalka geliyaan isaga iyo mas'uuliyiin ka sarreysa ee howshan u xil saarey in uu ka hadlo, ayaa waxay nasiib darada noqotey in marka koowaad Mudanahu uusan ka midka aheyn Gollaha Wasiirada ee arrintan quseyn karta, Marka xigta uusan ka tirsaneyn Wasaarada Batrooka ee Arrintan hoos timaado, Marka Seddexaad uusan ka mid aheyn xubnaha Gollaha Baarlamaanka DFKGS ee arrintan u fadhida in ay ka doodaan si loo arko waxa ugu haboon ee ummada Soomaaliyeed dhaxalkooda noqon kara in ay go'aan ku gaaraan, iyadoo ay seddexdaas arrimood ay jiraan ayaad haddana waxaad moodaa in Mr. Maxamed Cali America amar lagu siiyey in arrimahan aan quseyn uu dhex dabaasho,isagoo kalsooni badan ka heysta Mas'uul sarre.
 
KUWAIT ENERGY IYO MEDCO ENERGY MAXAY KALA YIHIIN ?
 
Waa su'aal u baahan in ay ummada Soomaaliyeed  odorosaan si ay u ogaadaan shirkadahani halka ay ka yimideen iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta tahay labada shirkadoodba in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar, dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baaritaaneed aysan laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xirriir dhow oo ay wada yeesheen mas'uuliyiin sare DFKGS ka tirsan dartood ay u suurtowday in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan shirkada u qaabilsan Maareysta shidaalka Soomaaliyeed (Somalia Petroleum Authority ).

Shirkada Kuwait Energy oo ay horboodo ama saamiga ugu badani ay leedahay Inanta la yiraahdo Sahra Akbar oo reer Kuwaiti ah, Diinteeduna tahay Shiico, kana shaqeyn jirtey Shirkada Dowliga ah ee Shidaalka u qaabilsan dalka kuwait ayaa sannadkii 2005 dabayaaqadeedii waxay aas-aastey shirkadan Kuwait Energy oo ka mid ah shirkado yar-yar oo tira badan waddamadan Khaliijka sannadaha dambe ka soo baxay iyagoo ka faa'ideysanaya qiimaha sicir barar ee Saliida ceyriin soo food saartey, ayaa waxay la midowdey shirkadan la yiraahdo PT Medco Energy,  oo ah shirkada xarrunteedu tahay Indonesia oo iyadu ah shirkad aad u yar wax soo saarkeeduno liito, sida ku soo baxay Joornaalka caanka ah ee JAKARTA POST Qeybtiisa Businesska ayaa waxa uu sannadkii hore bartamihiisa ka qoray shirkadan Medco Energy in ay Deyn badan ku jirto lana liic-liiceyso buuq dhaqaalle,  ayey waxa ay soo bandhigtay dhaqaalo xumida soo food saartey awgeed in shirkadan ay shacabka reer Indonesia u soo bandhigto in ay maal gashtaan oo ay Saamiga  (shares ) shirkada wax ka gataan, taasoo deymo badan oo ay ku lahaayeen Bangiyada Credit Suisse Group iyo Deutsche Bank AG ay noqdeen kuwa u maareeya iibka saamiyada si ay deymo gaaraya  $ 177.000.000 ( Boqqol iyo Todobaatan iyo Toddoba Malyuun ) ay ku lahaayeen ay dib ooga soo ceshtaan shirkada.

 
MUXUU YAHAY HESHIISKA QARSOON KUWAIT ENERGY (SARA GROUP) IYO MEDCO ENERGY.
 
Sida ay sheegtay wareysi ay siisey Reuters Sara Akbar, gabadha madaxda "CEO" ka ah Kuwait Energy bishan Augost 9keeda 2007, saamigana inta badana iyadu iska leh, ayey waxay suxufigii Reuters u soo bandhigtey in sidan loo kala leeyahay : Kuwait Energy : 40% waxaa iska leh shirkada la yidhaahdo Kuwait Global Investment Group, 37% waxaa iska leh Aref Investment Group, 15% waxaa leh Chicago Based Company, inta soo hartey ganacsato reer Khaleej ah iyo Mas'uuliyiin ka tirsan DFKGS oo dhowaantan ku biirey shirkadan howshan sharci gudbinta Baydhabana wax ka wada.

Heshiiska Qarsoon ee meesha ku jira ayaa waxa uu yahay in marka la dhiso Somali Petroleum Authority ( SPA ) ay iyadu ahaan doonto mid ka madax banaan Wasaarada Tamarta Iyo Batrooka, taasoo ay SPA iyo Kuwait Energy ay iyagu ka mas'uul ahaan doonaan waxyaabaha soo socda : Cabirka Dhulka, Qeybinta Dhulka ama Block-yada, Bixinta Qandaraasyada,  Bixinta Ruqsooyinka ama Licence, Qiimeynta Shidaalka, Suuq Geynta Batrooka iyo Waxa Ka Soo Hara , La Xisaabtanka Shirkadaha Cida Soo Galeysa Iyo Cida Ka Baxeysa, iwm.  Taaso ay sida ay Reuters u sheegtay Sara Akbar The CEO of Kuwait Energy in shirkadeedu lahaan doonta dhaqaalaha ka soo gala maamulka iyo maareynta iyo iib geynta shidaalka ummada Soomaaliyeed ay u oomanaayeen in ka badan kontomeeyo sannadood  49% wax  u dhow ay Kuwait Energy iyo Medco ay lahaan doonaan,  taasoo ku ah ihaano iyo xaq daro aad u weyn Ummada Soomaaliyeed ee u ooman horumar iyo nabad gelyo, tasoo runtii ah Percentage ama tirro aad u badan oo ay shirkad shisheeya ku lahaato Maamulka Shirkada Maareynta Batroolka Soomaaliyeed, marka loo eego shirkadahan Kuwait iyo Medco Energy oo haba yaraatee wax qarash ah ee la taaban karo aysan ka gelin howlahan cilmi baarista shidaalka ku saabsan arrimaha, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada Soomaliyeed ku saabsan oo aysan waxba ka geysan.

 
SHARCIGA MAAREYNTA SHIDAALKA IN LA HELO MA MUHIIM BAA ?
 
Jawaabtu waa Haa. Runtii caqliga saliimka ahi wax uu inoo sheegayaa, in haddii aanan la helin wax sharci ah oo kala haga ummada ama hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aanan dowliga aheyn, shirkadaha caalimaga ah iyo kuwa aanan aheyn, eysan marnaba suurto galeyn in uu waddanku horumar gaaro, taasoo helida sharcigu uu muhiim yahay markii uusan ku xirneyn dano gaar ah oo shaqsiyaad wataan ama sida hadda u muuqata in ay shirkado dano gaar ah wata ay hor boodayaan sida Kuwait Energy iyo Medco Indonesia. 

Muxuu yahay danaha u qarsoon ee ay shirkadaha wataan oo eynaan shacbi weynaha Soomaaliyeed  ogeyn ? Waxa uu yahay in shirkadahan  lacag gaareys dhowr boqqol oo kun oo dollor ku bixiyeen diyaarinta sharcigan caalamiga ahi taasoo dhowr waji soo kala marey shirar lagu kala qabtey ; Jakarta Indonesia, Malindi Kenya, Paris France, Abu Dhabi UAE, iyo Kuwait oo saldhig u ah hagida howshaan,  ayaa lagu go'aansadey in shirkadan loogu badalo 4 Blocks oo waa weyn oo shidaal laga baarayo in la siiyo iyo in 49% ay xaq u leeyihiin in ay qaataan maareynta Somalia Petro. Authority,  taasoo markii wax soo saar yimaado isu roggi doontaa in ay Boqolaal Malyuun oo Dollar ay si fudud ku helaan shirkadaha shisheeyey iyagoon waddan waxba maal gelin. 

 
Labadan shirkadood haddii ay ahaan lahaayeen labo shirkadood oo heysta dhaqaalle badan oo ay kaga qeyb qaadan karaan raadinta shidaalka la sheegay in uu Soomaaliyo dhex ceegaago waxba kuma jabnaateen.  Balse markey door bideen ay ogaadeen in aysan u aheyn dhaqaalle badan ay kula tartami karaan shirkadahii waa weynaa ee horey dhaqaalaha badan ku bixiyey baadi goobka shidaalka sida : Conoco, Chevron, Shell, Agip, Elf, iwm iyo kuwa cusub ee hadda raba in ay baadi goobaan oo ay leedahay dowlada China oo ka midka ah shirkadaha adduunka oogu waa weyn sida : CNOOC, CNPC, iwm. Ayaa shirkadahan yar-yar ee Kuwait Energy iyo Medco Energy waxay door bideen in ay meel soke ka soo laabtaan oo yiraahdaan, haddii aanan marnaba dhaqaalle ahaan la tartami karin shirkadahan waa weyn, kolka waa in aan kaga hormarnaa maareynta maamulka shidaalka iyo walxaha la xirriira. Sidaa darteed ayaa misana haboon in la is weydiiyo muxuu yahay waxa ku hoos qorsoon gudbinta sharciga shidaalka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed la hor dhigey maanta in ay aqriyaan, muxuuse noqon doonaa ma mid maskax iyo caqli taam ah loogu fakarey lagu falanqeeyey looguna aayi doono mustaqbalka fog ee ummada Soomaaliyeed ayuu ahaan, mise mid lacagta dollarka ee Kuwait laga keenay mid lagu kala tuuro ayuu ahaan, sida uu Mudane Maxamed Cali America sheegay in si fudud loo gudbin doono kal fadhiga Baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo u hadlayey in uu ka war hayo codeynta mustaqbalku sida ay u dhaci doonto.
 
SHAQSIYAADKA FARANSIISKA AH EE HOWLAHAN KU MASHQUULSAN " FRENCH CONNECTION"
 
Somali PM Ali Mohamed Gedi, left, listens to his special advisor Daniel Bourzat before giving a press conference on the final day of AU summit in Accra (File Photo)
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi oo dhegeysanaya lataliyihiisa khaaska ah Daniel Bourzat ka hor intii uusan warsaxaafadeed ka jeedin maalintii u dambeysey shir-weynihii Midowga Afrika ee Accra [3July2007]..VOA...
Somali Officials Deny Selling Oil Rights
Patric Mollier oo ah nin ay dhalashadiisu tahay Faransiis, isla markaasna ah CEO shirkada PT Medco Energy ayaa waxaa la soo xirriirey la taliyaha siyaasada iyo dhaqaallaha xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFKGS Prof. Cali Maxamed Geedi Mr. Daniel oo ay isaguna dhalashadiisu  tahay Faransiis.  Labada nin ayaa waxay ahaayeen khuburada ka dambeysa in qorshahan la dejiyo, taasoo hadda ka hor ay dhowr jeer isku dayeen in ay shirkado reer galbeed ah oo ay kula shireen France iyo Swiss-ka iyo Italy ay guul daro ku dhamaadeen markii ay u babac dhigi waayeen xaaladaha murugsan ee markaa ka jiray Soomaaliya. 
May 2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah. Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida Shiidaalka.

Taasoo tuhunka hadda ugu badani ee ka imaanaya Nairobi uu yahay in ninka shisheeye ee Faransiiska ahi uu yahay midka ka dambeeyo qorraalada is barbar yaaca ah ee baryahan dambe ka soo baxay wargeysyada caalimaga ah ee reer Galbeedka, taas oo kaga dan leeyahay in lagu jahwareeriyo shirkado waa weyn oo hami u soo hayey bal mar uun in ay Soomaaliya degaanadeeda nabdoon wax ka eegaan.

 
MAXAA LA GUDBOON BAARLAMAANKA KU MEEL GAARKA SOOMAALIYEED.
 
Soomaalidu waxay yidhaahdaan : Waarimeysaan e' War Ha Idin Ka Haro.  Ha isku dayina marnaba in aad gudbisaan sharci aan dan iyo maslaxad u heyn ummada Soomaaliyeed, taasoo haddii aad ku dhacdaan dabinkaa eydaan u maara heyn doonin sidii aad oogu bixi laheydeen 25ka-35ta sanno ee soo socda.

Sharcigu Maareynta Batroolka haddii uu noqdo mid aanan sharuudo iyo dano gaar ah ku lamaaneyn wey haboon tahay in la gudbiyo, balse sida ay durbadiiba madaxda shirkadaha Kuwait Enery iyo Medco sheegteen in ay 49%  ( Afarta iyo Sagaal Boqqolkiiba ) ay iyagu leeyihiin dhisida Maamulka Maareynta Shidaalka Soomaaliyeed, cidii gudbisaa ama u codeysaa gudbinta barnaamijkan, wuxuu ahaan doonaa dambiile Qaran oo dollar walba ay shirkadahaas qaateen mas'uuliyadeed qaadi doono. 

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss),  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nur Elmy Osman. Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons. Guji...

Qoraalkeygaan aan oogu tallo galey in aan ku dareen geliyo ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in ay wacaan lana xirriiraan wakiilada xildhibaanada beelahooda ama degaanada ay ka soo jeedaan una sheegan in aysan sidan macquul aheyn in sharci lagu gudbiyo, hana weydiistaan xildhibaanadu in ay arkaan heshiisyada qarsoon ee aan miiska ummada Soomaaliyeed loo soo bandhigin.

Somalia Energy Concern Group 
somalienergyconcerngroup@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh S.E.C.G.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2007

  • Medco to Expand Oil Business to Somalia
  • Somalia debates law to open oil exploration up to foreign firms
  • Several foreign oil companies are seeking permission to resume the search for oil.
  • Somali parliament debates oil law this week - envoy
  • Ethiopia rebels warn oil companies to stay away
  • Read here..........

Puntland oo aan Sharraaxaad ka bixin $20 million oo lagula kala wareegey Consort
.Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo Gaagaab?
.Range oo la wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii Consort
Akhri Faallada Maanta.....

Baydhabo: Baarlamaanka oo bilaabey inuu su’aalo kulul weydiiyo Xukuumada

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH