SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA AFRIKA

Puntland oo aan Sharraxaad ka Bixin Saamiga $20 million oo doolar oo lagula kala wareegey Shirkaddii Consort

Maxaa Sababay Khilaafka Cadde Muuse iyo Gaagaab?

Range Resources oo la wareegtey 100% Saamiyadii Consort - Haddaba xaggee martay saamiga $20 million kaga soo aadey Consort?

  • Faalladii: SomaliTalk.com | May 26, 2007

Waxaa beryahan ka soo shaac baxay Puntland in khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi iyo Wasiirkiisa Maaliyadda, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab). Dad badan ayaa is weydiinaya waxa khilaafkaasi ku salaysan yahay. Taas oo jirta ayaa waxaa soo shaac baxay in lala kala wareegey saamiyaddii shirkaddii Consort. Haddaba waxaan qormadan faallo kooban kaga bixin doonaa xiriirka u dhexeeya labadaas arrimood - (Khilafka madaxda DGPL iyo saamiga $20 million ee Consort).

cade muuse
Madaxweyne Gen. Cadde
afqurac
M/Xigeenka: Afqurac
gagaab
W/Maaliyadda: Gaagaab

Gaagaab ayaa u safray Dubai, safar aan la cayimin. Waxaa safarkaas ka dambeeyey Cadde Muuse oo u safray Dubai, muddona halkaas ku maqnaa. Labadaas safar wixii ay ku saabsanaayeen warbixin lagama siin shacabka, baarlamaanka Puntland xukuumaddu uma sharxin.

Safarradaas isku-xig-xigey waxaa garab socdey qorshe ay shirkadda Range Resources ku iibsaneyso gebi ahaan saamiyada shirkaddii CONSORT intii ku harsanayd oo ahaa 49.9%, arrintaas oo loo arkay mid la rabey in kor loogu qaado qiimaha saamiyada shirkadda Range ee suuqa ganacsiga Australia. Qorshahaas si ay u fuliso RANGE waxay bishii April 23keedii 2007 sheegay in ay isku dubbaridey lacag dhan $20 million oo doolar oo qayb ka ah la soo wareegidda 100% saamiyadii Consort.

Waxaa xusid mudan in agaasimihii hore ee RANGE, Mr. Jim Marinis, uu mar sii horeysey sheegay "in Consort agaasimayaasheeda ay ka mid yihiin wasiiro ka mid ah DGPL", taas oo ah in saamiyada lacagta lagu iibsanayo ay toos u yeelan doonaan wasiirada ka tirsan xukuumada ee uu xusay agaasimahaas hore ee RANGE. Dhanka kale, Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Jasiiradda Maldives waxay caddaysan in shirkadda Consort ay dalkaas ka diiwaan gashan tahay.

May 24keedii 2007 waxay RANGE RESOURCES shaaca ka qaaday in ay dhamaystirtay lasoo wareegidda 100% saamiyadii CONSORT. Arrintaas waxay ku cadaysay warqad ay u direen suuqa ganacsiga Australia. Su'aasha is weydiinta leh waxay tahay: Lacagtii lagu kala iibsadey CONSORT yaa loo dhiibey, maadaama RANGE aysan cadayn rasmi ah ka bixin cidda ay lacagtaas u dhiibtey.

Ilo wargal ah ayaa tibaaxay in khilaafka Gen. Cadde iyo Gaagaab uu la xiriiro arrinta CONSORT ee hadda la kala iibsadey - ilaa haddana aysan maamulka Puntland caddayn ka bixin khasnadda ay ku xerootay lacagtii lagu kala iibsadey shirkaddaas saamigii kusoo aadey maamulka Puntland maadaama ay wax ka asaaseen shirkadda Consort ee hadda la iibsadey saamigeedii.

Marar badan oo hore ayaa madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse waxa uu wasiirka maaliyadda DGPL, Gaagaab, ku eedeeyey in uu lacago lunsaday, laakiin aan wax laga qaban musuqmaasuqa uu madaxweynuhu farta ku fiiqay.

Waxaa xusid mudan in waqtigii u dhexeeyey markii ay RANGE sheegtay in ay diyaarisay lacagta $20 million (April 23, 207) ilaa markii ay sheegtay in ay la soo wareegtey 100% saamiyadii CONSORT (May 24, 2007), in suuqa ganacsiga Australia uu shaki weyn ka muujiyey dhaqdhaqaaqa saamiyada RANGE oo aad u batay iyadoo aysan muuqan sababta arrintaas keentay, sidaas daraadeedna May 13, 2007 warqad uu suuqa ganacsigu u diray RANGE lagu weydiinayo in ay arrintaas cadayn ka bixiyaan.

Waxaa kale oo xusid mudan xilliga lagu soo beegay la wareegida CONSORT oo ah waqti magaalada Boosaaso iyo xeebaha woqooyi-bari laga xagaa baxayo cimilada oo aad u kulul awgeed, arrintaas oo keeni karta seeta-dherayn maaweelada shidaalka, maadaama xilliga xagaaga ay yaraadaan hawlaha ka socda magaalooyinka xeebaha badda Cas, cimilada oo kulul awgeed.

Sidoo kale waxaa muuqata "xaalad-abuur" lagu majara habaabinayo arrinta dhabta ah ee ay tahay in xukuumadda wax laga weydiiyo, xaalad-abuurkaas oo ah in loo muujiyo in khilaaf soo kala dhex galay xukuumada iyo Baarlamaanka DGPL, gaar ahaan in la yiraahdo waxaa khilaaf soo kala dhex galay Baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweynaha & kuxigeenkiisa oo dhinac ah, muddon alagu mashquulo xallinta khilaafkaas, ka dibna la yiraahdo waxaa la xaliyey khilaafkii baarlamaanka iyo Xukuumada, halkaasna lagu ilaawo in laga hadlo iibsiga shirkaddii CONSORT.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka DGPL ayaa laga sugayaa in ay arrimahaas maamulka kula xisaabtamaan, su'aalona ka weydiiyaan saamiya $20 million kaga aadey DGPL meesha ay martay. Waa haddii baarlamaanku yahay mid madax bannaan.

  • Shacabka Soomaaliyeed haddii ay danaynayaan in ay arrinta shirkaddaas Consort ee lala kala wareegey ee ka diiwaan gashanayd Maldives, ay wax ka weydiiyaan xisbiyada iyo xukuumada Maldives, waxaa lala xiriiri karaa xisbiga Maldivian Democratic Party, xoghaynta Gen. Hamid Abdul Ghafoor, oo toos loogala xiriiri karo +960 777 8285 ama email: secretariat@mdp.org.mv . Sidoo kale waxaa lala xiriiri karaa Wasaarada Ganacsiga ee Maldives, Telefoon:: +960 3323668, ama +960 3315593. Fax: +960 3323840. Email: contact@trademin.gov.mv  ama xafiiska Madaxweynaha Maldives, Maumoon Abdul Gayoom, Emailka: info@presidencymaldives.gov.mv .

Tixraac qoraalka hoose:


April 23, 2007[1]: Qoraal ay Range Resources u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia ayey ku caddaysay in ay si rasmi ah usoo gabagabaysey isku dubarididda lacag dhan $20 million oo doolar, isla-mar-ahaantaasna ay si rasmi ah u bilaabeyso sidii ula soo wareegi lahayd Shirkadda CONSORT oo ay ku harsanayd boqolkiiba 49.9% xuquuqda macdan/shidaal qodista Puntland, sidaasna ay saamiyada oo dhan ku yeelaneysa RANGE, taas oo 80% sidii iibineysa CANMEX. - Waxaa xusid mudan in agaasimihii guud ee Range Resources, Mr. Jim Marinis uu bishii October 2005 shaaca ka qaaday in Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland. Taas oo muujineysa in haddii shirkadda CONSORT lakala iibsado uu saamigoodu kusoo hagaagayo wasiirada uu xusay agaasimahii hore ee Range Resources. Shirkadda CONSORT in ay ka diiwaan gashan tahay Maldives waxaa caddaysan Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives.

May 13, 2007[2]: Maamulka sare ee Suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) ayaa aad ula yaaban dhaqdhaqaaqa degdeg ah ee ay sameynayaan saamiyada shirkadda Range Resources, sidaas daraadeedna waxay warqad degdeg ah u direen maamulka RANGE. Warqadaas oo Fax lagu diray waxaa RANGE lagu weydiistey in ay kaga soo jawaabaan ugu dambayn May 15, 2007, 7:30 waqtiga Galbeedka Australia.

Warqaddaas wixii ku qornaa waxaa ka mid ahaa: "Waxaan aragnay in isbedel ku yimid qiimaha saamiyada shirkadda oo May 11, 2007 ahaa $0.49 in uu maanta (May 14, 2007 oo ah markii fax-ka la diray) noqday $0.64 oo ah doolarka Australia. Waxaan kale oo aragnay in uu siyaadey dhaqdhaqaaqa kala iibsiga saamiyada xilligaas." Waxaana RANGE la weydiiyey in "shirkaddu ay ka war hayso akhbaar arrintaas la xiriirta oo aan weli shaaca laga qaadin, taas oo haddii la ogsoon yahay loo baahan yahay sharraxaad laga bixiyo dhaqshqaaga saamiya ee shirkadda. Haddii jawaabtu haa tahay, si degdeg ah arrintaas shaaca malooga qaadi karaa? Haddii aan shaaca laga qaadi karin, sabatee ayaa arrintaas keentay, goormaase la filayaa in shaaca laga qaado? Haddii jawaabtu haa tahay, isla mar ahaantaasn aan shaaca laga qaadi karin waa in aad degdeg noola soo xiriirtaan. Waana in aad xaqiijisaan in shirkaddu aqbashan tahay xeerka ganacsiga ee lambarkiisu yahay Rule 3.1[3] [Xeerka "Listing Rule 3.1" ee Suuga Ganacsiga Australia waxaa ku qoran: Waa in si dhaqso ah suuqa Ganacsiga loogu sheego akhbaar kasta oo uu hayo qof macquul ah taas oo saamayn ku yeelan karta qiimaha saamiyada].

May 14, 2007: Range Resources oo u jawaabeysa Suuqa Ganacsiga Australia, waxay warqad ku qoreen in aysan ka warqabin arrintaas [isbedelka ku yimid saamiyada], aysana jirin akhbaar aan la shaacin. Arrintaas oo dadka suuqyada indha-indheeya ka yaabisay sababta saamiyaddaasi isu bedelayaan iyadoo aysan muuqan wax sabab u ah.

May 24, 2007[4]: Shirkadda RANGE waxay shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ula wareegtey 100% saamiyadii shirkaddii CONSORT. "Range Resources waxay ku faraxsan tahay in ay idinla socodsiiso in ay dhamaystirtay lahaanshada boqolkiiba 49.9% ka dhinaa xuquuqda Puntland ee Consort Private ltd." waxaa warqad sidaasi ku qoran tahay suuqa Ganacsiga ee Australia (ASX) u diray agaasimaha RANGE oo magaciisa la yiraahdo Mike Povey.

Ugu horayn waxaa la ogsoon yahay in Puntland ay muddo ku mashquul sanayd heshiis dhex maray shirkadda CONSORT

Sarifka Lacagha - Eeg: http://www.somalitalk.com/sarif/

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH