SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Shirkadda Range Resources oo Si Kulul u Cambaaraysay Cali Maxamed Geedi iyo Sharciga Batroolka Soomaaliya....

Tarjumadii iyo Warbixintii SomaliTalk.com | Aug 21, 2007

  • Range: Ficil kasta oo uu ku dhaqaaqo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo lagu carqaladaynayo hawlahaas ma aha arrin loo dul qaadan doono.....
  • Range: Sharciga Batroolka Soomaaliya waxa uu hadimo ku yahay Puntland iyo Soomaalida oo dhan....
  • Jariidada The Australian: Arrinta mudan in la mala awaalo waxay tahay in Dawladda Soomaaliya ay dhici karto in aysan kala jeclayn ama (wax dan ah ka lahayn jiritaanka) heshiisyada lala galay shirkadda da'da yar ee reer Sydney oo hadda waxay (Soomaaliya) heshay ballan qaadka shirkadda lacata badan ee CNOOC in la geeyo Puntland.

Shirkadda Range Resources oo Warqad u Dirtay Suuqa Ganacsiga Australia

RangeShirkadda Range Resources ayaa warqad uu ku saxiixan yahay Michael Povey oo ah agaasimaha shirkadda waxay Talaadadii (Aug 21, 2007) u dirtay suuqa Ganacsiga Australia (ASX), warqaddaas oo hadaalladii ku qornaa oo kooban ay SomaliTalk.com soo tarjumtay waa kuwan:

geeddiRange Resources waxay warqadeeda ku bilowday: "Kaddib markii warbaahintu soo werisey in Dowaldda Federaalk Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya (DFKMG) ay diyaarineyso dhaqan gelinta sharciga Batroolka, Range Resources kaddib markii ay la tashatay madaxweynaha iyo Dawladda Puntland, waxay soo saartay warbixintan:"

"Shirkadaha Range iyo Africa Oil (oo loo aqoon jirey Canmex Minerals) waxay Dowladda Puntland ka haysaan heshiisyo Wax-Soo-Saar-Wadaag (WSSW) oo baarlamaanka Puntland si aan kala har lahayn u ansixiyeen December 2006. Madaxweynaha iyo dawladda Puntland waxay mar labaad xaqiijiyeen sida ay u taageersan yihiin jiritaanka heshiisyada WSSW, waxa kale oo ay garwaaqsadeen dadaalka (iyo kharshka ku baxay) labadii sano ee la soo dhaafay baaritaanka shidaalka iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Puntland. Waxa kale oo la garwaaqsaday in Range/ Africa Oil iyo shirkadaha kale lagu casumey in aysan Puntland u horumarin khayraadka dabiiciga oo keliya balse sidoo kale ay horumariyaan mashaarciida bulshada iyo dhaqaalaha, in ay 100% hubaan oo kalsooni ku qabaan habka iyo awooda Dawladda Puntland iyo baarlamaanku ay xaqiijinayaan in qandaraasyadaas iyo WSSW la kala saxiixday mar kasta la aqoonsanaado oo la xejiyo."

Range oo muujineysa gol-daloolada sharciga Batroolka ee loo dejinayo Soomaaliya waxa ay tiri: "Waxaa muhiim ah in la fahmo xaaladda sharciga Batroolka Qaranka. Sharcigaas si rasmi ah baarlamaanka DFKMG looguma soo bandhigin si looga doodo, waxayna Dawladda Puntland si dhow ula shaqayneysaa xubno maqaam weyn ku leh Baarlamaanka DFKMG oo ku saabsan xagga waqtiga sharcigaas la hir gelinayo iyo in marka hore la dhaqan geliyo Dastuur guud oo u cuntama dhammaan gobolada madaxa bannaan ee Soomaaliya (sida Puntland) ka hor inta aan la dhaqan gelin sharciga Batroolka. Inta xilligaas laga gaarayo Puntland ma aqoonsan doonto sharci kasta oo ku saabsan batroolka Qaranka Soomaaliya oo ay hir geliso DFKMG."

Range Resources waxay xustay in "Hay'adda Batroolka Soomaaliya ay boqolkiiba 49% ay yeelan doonaan shirkado shisheeye oo ah Medco Energi (Indonesia) iyo Kuwait Energy. Sidaas daraadeedna ay muuqan karto in lacag aad u badan loo weeciyo shirkado ay leeyihiin kooxo shisheeye oo aan ka qayb qaadan batrool baarista. Waxaa aad iyo aad maskaxda uga weyn in habkaas dadka lagu qanciyo, waxaana si cad u muuqata in ay hadimo ku tahay danaha Puntland iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed."

Marka la eego jadwalka batroolk qodista (Drilling) ee Range iyo Africa Oil oo yoolkiisu yahay ilaa dhammadka sannadka (2007) iyo dawladdu heleso macaashka soo saaridda Batroolka, ficil kasta oo uu ku dhaqaaqo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo lagu carqaladaynayo hawlahaas ma aha arrin loo dul qaadan doono maadaama dadka Puntland aysan aqbalayn in laga hor istaago khayraadkooda baaxada weyn ee la heli karo mustaqbalka dhow. DFKMG hore ayey u ansixisay dhamaan heshiiskyada Khayraadka Dabiiciga ah ee Puntland, laakiin Ra'iisul wasaaraua waxa uu hadda go'aansaday in uu qaato waddo kale isagoo aan latashan Dawladda Puntland taas oo curyaamineysa isku dayga Puntland in ay dalka keento maalgashi shisheeyey.



"The point that is worth speculating is that the Somalia government probably couldn't care less about what agreements a little-old Sydney company has got now that it has promised a cashed-up CNOOC support for moving into Puntland."

The Australian | Aug 21, 2007


Range waxa kale oo ay tiri: "Dawladda Puntland waxay Range kula talisay in Baarlamaanka DFKMG uusan is hortaagayn ka doodista sharciga muranka dhaliyey ee uu baarlamaanka soo hordhigay Ra'iisul wasaaraha. Waxaa (sharcigaasi) dhalin doonaa carqaladayn, is aaminad la'aan, waxana uu burburin doonaa wada shaqaynta mustaqbalka ee Dawladda Puntland iyo DFKMG."

Waxaa xusid mudan in Range qoraalkeeda aysa ku istcimaalin oraahda Dawlad Goboleedka Puntland, waxay bedeleeda adeegsatey Dawladda Puntland.

Dhanka kale qoraal ay Talaadadii (Aug 21, 2007) qortay jariidada The Austrlian qaybteeda Ganacsiga ayaa sheegay in shirkadda Range Resources iyo dadka saamiyada ku leh ay aad uga walaacsan yihiin Sharciga Batroolka ee la sheegay in Soomaaliya loo samaynayo.

The Australian waxay tiri: Arrinta mudan in la mala awaalo waxay tahay in Dawladda Soomaaliya ay dhici karto in aysan kala jeclayn ama (wax dan ah ka lahayn jiritaanka) heshiisyada lala galay shirkadda da'da yar ee reer Sydney oo hadda waxay (Soomaaliya) heshay ballan qaadka shirkadda lacata badan ee CNOOC in la geeyo Puntland. [CNOOC waa shirkadda Shiinaha ee uu heshiiska la galay madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf laakiin heshiiskaas waxaa diidey Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Geeddi oo dhankiisa ka taageersan shirkadaha Kuwait Energy/Medco Energi).

Dhanka kale waxaa Talaadadii (Aug 21, 2007) hoos u dhac weyni ku yimid saamiyada shirkadda Range Resources ee Suuqa Ganacsiag Australia "ASX", arrintaasi waxay ka dambeysey kaddib markii saamiyada Range oo toddobaadkii hore hakad la geliyey dib loo furay. Waxaynta saamiyada Range hoos u dheceen -22.63% taas oo ka dhigay in saamiyada lagu kala iibsanayey 53 centi oo lacagta Australia ah (Eeg shaxda dhanka midig).

Dhanka kale, Barak Muluka oo ah ka mid ah dadka siyaasada odorosa oo la hadlayey Raadiyaha Maraykanka ee Voice Of America ayaa sheegay in ay sii kala fogaanayaan DFKMG iyo DGPL.

Axadii (Aug 19,2007) ayey ahayd markii madaxd sare oo ka tirsan Puntland ay ka hor yimaadeen sharciga batroolka Soomaaliya, muujiyeena in xiriirka DGPL iyo DFKMG uu xumaan doono haddii sharcigaas ay baarlamaanka DFKMg ahi ansixiyaan.

Qoraalkii uu Michael Povey u diray suuqa Ganacsiga Australia:
Ka Akhri Halkan ama Halkan Akhri....

Tarjumadii iyo Warbixintii SomaliTalk.com | Aug 21, 2007

"Puntland oo Xiriirka u Jareysa DFKMG haddii Baarlamaanku Ansixiyo Sharciga Batroolka"
Waraysi ay Reuters la yeelatay Madaxweynaha DGPL iyo madaxa waaxda macdanta Puntland ayaa cadeeyey in.. Akhri

caddeCadde Muuse iyo Cali Max'ed Geeddi kee hadalkiisu meel mar noqon doonaa marka laga hadlayo Batroolka Soomaaliya..

Madaxaweynaha DGPL aaya sheegay in heshiisyadii PL aan waxba iska bedeleyn..


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH