SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Ruushka oo Loogu Gacan haadiyey in uu ku soo biiro Tartanka Batroolka Soomaaliya, gaarna loo siinayo macdanta Yuraaniyumka...


Dr. Mohamed Mohamud Handule, safiirka Soomaaliya u fadhiya Moscow
Isha: Sawirka: http://myafrica.ru/
  • Tarjumadii SomaliTalk.com

Moscow. Aug 22, 2007 (Interfax) - Soomaaliya ayaa Ruushka ugu baaqday in uu kusoo biiro soo saarista batroolka Soomaliya, waxaana Ruuska loogu yeeray in si khaas ah oo aan cidna kula tartamayn loo siinayo rarista macdanta loo yaqaan Yuraaniyumka (uranium), sidaas waxaa Arabacadii soo werisey hay'ada wararka u faafisa Ruushka ee loo yaqan Interfax.

"Waxaan ku casumeynaa shirkadaha Batroolka iyo tamarta ee Ruushka in ay sida ugu xawliga badan uga qayb qaataan hawsha hadda ka socota Soomaaliya," sidaas waxaa yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Xandulle oo Arbacadii (Aug 22, 2007) shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Moscow.

Waxa uu safiirku sheegay in sharciga batroolka (draft) ee Soomaaliya uu shirkadaha shisheeye u fudadaynayo in ay khayraadka macdanta ee dhulka hoostiisa ku jira soo saaraan.

Waxa kale oo Safiirku sheegay in Soomaaliya ay rabto in si firfircoon ay Ruushka wada shaqayn ugala yeelato dhinaca maadada loo yaqaan "radioactive".

Xandulle waxa kale oo uu sheegay in wadashaqaynta xagga farsamada militariga ay noqon karto dhinac kale oo rajo leh oo laga wada shaqayn karo, gaar ahaan in uu Ruushku kobciyo ama horumariyo hubka Soomaaliya.

"Waa noo sahlan tahay in aan Ruushka arrintaas kala macaamilo (ama kala xaajono)" ayuu yiri Safiirku.

Intaas ayuu ku ekaa warkii Interfax.

Waxaa kale oo jira qoraal la faafiyey March 15, 2007 ayuu safiirku (Maxamed Maxamuud Xandulle) waxa uu sheegay in Soomaaliya ay Ruushka ku casumeyso ama siineyo macdanta Yuraaniyumka iyo dahabka. Waxana su'aalo uu safiirka weydiiyey Alex Andreyev (Novea Isvestie) ka mid ahaa:

- Midowgii Soofiyeeti ee Ruushka (USSR) iyo Soomaaliya ma waxay dhamaystireen heshiis ku saabsan macdanta uranium-ka?

- haa, ayuu ku jawaabey, waxay arrintaasi dhacday sannadkii 1976 xilligaas oo la daah-furay kaydka Yuraaniyumka-dahabka.

- Heshiiskaasi ma rasmi ayuu ahaa mase qarsoodi sir ah?

- Wax sir ah ma jirin haba yaraatee. Hadda waxaan wada xaajood kula jirnaa Ruuska ku saabsan qodista Yuraaniyumka iyo dahabka. Taas waxaa dheer in shirkadda "Zarubezhgeologia" ay danayneyso baaritaanka batroolka iyo gaaska (Soomaaliya). Waxaa sidaas oo kale ku andacoonaya Canadian iyo dalal kale. Hadda waxaan ku hawlanay qorista sharciga kaas oo xallin doona dhammaan dhibaatooyinkaas. Waxaan la shayneynaa Ruushka iyo Maraykanka, laakiin dhammaan waan u furanahay.

ISHA: interfax | Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH