SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Cadde Muuse: (Baarlamaanka DFKMG) Hadday mariyaan wax (Sharci bartool) aanaan ogeyn iyaga ayey jirtaa.

VOA: Haddii ay DFKMG ay ku adkasato in aydinaan cid heshiis la geli karin, maxaa idinla gudboon?: Cadde Muuse "Salaad la arko waqtigeeda ayaa la tukadaa. Markaas ayaa go'aankayaga maqli doontaan"

cadde muuse xirsi puntland
Janaraal Cadde Muuse: hadday mariyaan wax aanaan ogeyn iyaga ayey jirtaa.
  • Aug 24, 2007

Waraysiga oo Dhamaystiran halkan ka dhegeyso...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo u waramayey idaacaddaa codka Maraykaanka laanteeda afka Soomaaliya, barnaamijkeeda fiidnimo ama caweysinka (oo Washintong looga yaqaan Evening Edition) ayaa mar kale waxa uu ku celiyey in heshiisyadii ay la galeen shirkadaha shidaalku uu sidoodii u jiri doono.

Waraysigaas oo ahaa Jimce (Aug 24, 2007) Idaacadda Codka Maraykanka (VOA) waxay marka hore Cadde Muuuse weydiisey:

Waxaa soo baxayey in DFKMG ay sheegtay in Puntland aysan xaq u lahayn in ay shirkado shisheeye la gasho heshiisyo xagga shidaalka ah iyadoo aan soo marin Dowladda Kumeel gaarka ah:

Cadde Muuse: "Arrinta "già" (mar hore) ayaan heshiis anaga iyo Dowladda Federaalka ka gaarney, annagu Dawlada Federaalka waa aaminsanahay, laakiin waxa ay Puntland leedahay iyada ayaa dhamaystiraneysa, heshiisyadii ay hore u gashay weligood waa jirayaan, annaga shaqadanadu ma aha shaqo hadda laga wada hadlayo (negotiation), waa shaqo (già) bilaabaneysa, hadda waxaa la geli doonaa qoditaankii iyo shaqadii, intii shirkadood ee aan heshiiska la galay sidoodii ayey u soconayaan, Dowaladda Federaalkana badi waa u sheegnaa saas iyo meesha ay mareyso...."

Qodista shidaalka markaas Dawladda Federaalka Heshiis ma ku tihiin?

Cadde Muuse: "... (heshiis) waa ku nahay, maxaan kula ahaan weyney, annagaa leh go'aanka, aniga ayaa hadda la ii doortay, baarlamaankii ayaa joogaa, wasaaradii ayaa joogta, Dowladda Federaalkana heshiis baan ku nahay."

Imminka Baarlamaanka Dowladda Federaalka waxay u fadhiyaan oo ka wada hadlayaan shuruuc cusub oo ku saabsan heshiisyada ay maamul goboleedyadu la galaan shirkadaha taas oo kale marka miyaa la oran karaa waad heshiiseen?

Cadde Muuse: "Mayee iyagu kan ay keenaan markay keenaan annagana dad ayaa noogu jiraya, annaguna wax ayaan xag u leenahay, hadday mariyaan wax aanaan ogeyn iyaga ayey jirtaa."

Haddii Cadde Muuse ay DFKMG ay ku adkasato in aydinaan cid heshiis la geli karin, maxaa idinla gudboon?

Cadde Muuse: "Salaad la arko waqtigeeda ayaa la tukadaa. Markaas ayaa go'aankayaga maqli doontaan"

Malaga yaabaa faragelinta ay DFKMG ay idinku hayso ay idinku kallifto in aad kalsoonida kala noqotaan.

Cadde Muuse: "Ma dhacayso maxaajira midnimada Soomaaliya waa muqadas.. Puntlandna waa hayneysaa...."

Halkaas ayuu ku ekaa waraysigii idaacadda codka Maraykanka, qaybtii ku saabsanayd shidaalka ee ay ka weydiisey madaxweynaha DGPL.

Waxay ahayd Aug 22, 2007 markii ay Reuters waraysi la yeelatay madaxweynaha DGPL iyo madaxa macdanta Puntland, waxaana hadaladoodii ka mid ahaa

  • Gen. Cadde Muuse: "Puntland iyo khayraadkeeda ugu horayn anagaa iska leh, waana garanaynaa tallaabooyinka ku haboon ee aan qaadi karno ee dhanka ka ah anxisinta soo socota ee sharciga Batroolka kaas oo naga xayuubinaya xuquuqdayada,"..
  • Xasan Aloore: "Geeddi ololayntiisu waa sharci darro, waxaana xiriirka u jari doonaa dawladda (FKMG) haddii baarlamaanku ansixiyo sharciga hordhaca ah "Draft" ee Batroolka"... "Sharciga Batroolka Soomaaliya ee la sheegay in laga ansixinayo Baarlamaanka lagama yaqaan halkan, sidaas daraadeed waxba kama khuseeyo Puntland haba yaraatee."

Waxaa xusid mudan in sharciga ay qorshaynayso DFKMG in ay ka ansixiso baarlamaanka in uu baabi'inayo heshiisyadii shidaalka ee la galay kaddib 1990 December 30keedii.

Cali Maxamed Geeddi ayaa hore u sheegay in sharcigaas la hor keeni lahaa Baarlamaanka Baydhabo Sabtida (Aug 18, 2007), taas oo muuqata in aysan weli (Aug 24, 2007) hirgelin.

Waxaa jira shir ay toddobaakii tegey magaalada Muqdisho ku yeesheen Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi, shirkaas oo qabsoomay markii Geeddi Nairobi ka soo laabtay ayaan la ogeyn waxa ka soo baxay, waxaana shirkaas goob joog ahaa sida wararku  tibaaxeen, afhayeenka Baarlamaanka DFKMG.


Wareegto Madaxweynaha DGPL: Gunnooyinka xubnaha golaha xukuumada Puntland,  agaasimayaasha iyo...

Xeer Madaxweyne Lr. 135 ee August 23, 2007 kuna saabsan gunnooyinka xubnaha golaha xukuumada, agaasimayaasha guud, nabaddoonnada iyo kharajka hawl socodsiinta maamulka gobollada ayaa ka soo baxay xafiiska madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse.

Waxaa wareegrada uu soo saaray madaxweynaha DGPL lagu caddeeyey in gunno xileedka wasiirada ay tahay 15 milyan oo Shillin So (oo u dhiganta $11,200)., halka Wasiir ku xigeenada ay tahay 10 milyan SH.So, Agaasimayaasha /maareyayaasha guud 5 milyan SH.So, Nabadoonada 600 kun SH.So, gobollada ayaa loo qoondeeyey lacag hawleed dhan 50 milyan SH.So iyadoo 5 milyan SH.so oo ka mid ah loogu talo galay ururka haweenka.

Waxaa wararku tibaaxeen in wareegtada oo lagu soo bandhigay shirkii todobad laha ahaa golaha xukuumada Cadde Muuse, waxana uu go'aankaasi ka dambeyey talooyin ka yimid guddiyo qaabilsan sixitaanka xukuumada DGPL, waxana uu go'aankaasi dhaqan geli doonaa September 1, 2007.

caddeCadde Muuse iyo Cali Max'ed Geeddi kee hadalkiisu meel mar noqon doonaa marka laga hadlayo Batroolka Soomaaliya.. Madaxaweynaha DGPL aaya sheegay in heshiisyadii PL aan waxba iska bedeleyn..

SomaliTalk.com | Aug 25, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH