SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIDAAL

Petronas oo wali Hunguri ka hayo Ogaadeenya

Sharikada shidaalka ee Petronas, oo laga leeyahayw addanka Maleesiya, ayaa u muuqata in wali hunguri kaga jiro inay soo saarto shidaalka Ogaadeenya. Sharikada Petronas ayaa hadda ka hor sheegtay inay ka noqotay damicii kaga jiray soo saarista shidaalka Ogaadeenya, ka dib markii CWXO ay burburiyeen ciidammo Wayaane ah oo ilaalinayay shirkada Shiine ah oo shidaal ka baadhaysay deegaanka Cobolle bishii April eek al hore.

Sharikada Petronas ayaa hadda la sheegayaa inay wadaxaajood kula sharikad kale oo lagu magacaabo Sino Africa, oo uu leeyahay maalqabeen Itoobiyaan ah, si ay sharikadaasi u fuliso hawlaha baadhsita iyo qodista shidaalka Ogaadeenya, sidaas waxaan ka soo xiganay wargays ka soo baxa magaalada Addis Ababa, xarunta gumaysiga Itoobiya.

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa shidaalka Ogaadeenya heshiisyo kala duwan kula gashay sharikado badan oo meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ka kala yimid, hase yeeshee waxba way ka socon wayeen, ka dib markii dadwaynaha Ogaadeenya ay si cad u diideen inay gumaysatada Itoobiya ay ku tagri fasho khayraadkooda dabiiciga ah ee Eebe ku mannaystay, isla markaana CWXO dhaae ku mareen inay cashar lama illaawaan ah siinayaan cid kasta oo isku dayda inay xoog kula soo baxdo shidaalka Ogaadeenya, ka hor intaan dadwaynaha Ogaadeenya xaq loo siinin inay aayohooda iyagu ka taliyaan.

C/llaahi Yuusuf oo Gabre ka dacawooday

Madaxwaynaha dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa kaligii taliye Meles Zenawu uga dacawooday jannaraalka xukuma ciidammada Soomaaliya, oo lagu magacaabo Jannaraal Gabre, kaasoo uu codsaday in la baddalo.

C/llaahi Yuusuf ayaa Jannaraal Gabre ku eedeeyay inuu laaluush ka qaato gganacsatada Muqdisho. Wuxuu kaloo ku eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha dagaallamaya iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda dowlada ku meelgaadhka ah.

C/llaahi Yuusuf ayaa kaligii taliye Meles ka codsaday inuu baddalo Jannaraal Gabre oo taliye cusub u magacaabo ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya ka hawlgala. C/llaahi Yuusuf ayaa Jannaraal Gabre ku eedeeyay inuu ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho u oggolaaday inay samaystaan ciidammo u gaar ah oo ka madaxbannaan dowlada uu C/llaahi Yuusuf sheegto inuu madax ka yahay.

Wuxuu kaloo ku eedeeyay inuu masuul ka yahay in xoogagga Maxkamaduhu ay awood ballaadhan ku yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

C/llaahi Yuusuf, Nuur Cadde iyo Aaden Madoobe, oo ah seddexda nine e ugu sarreeya dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, halkaasoo looga yeedhay, ka dib markii khilaaf adag ka dhex oogmay C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde.

19 August 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com, Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2008

BAARID | SEARCH


Shirkii Jabuuti oo la soo geba-gebeey iyo Qodobbo sharaxaad badan yeelana oo laga soo saarey
Warbixin iyo Sawirrada Gabagabadii shirka Guji.. AUg 19


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS