SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA DABIICIGA

  • Boosaaso: Maamulaha Macdan-Baarista Puntland Liibaan Muuse Boqor oo lagu wado in xilka laga Qaado...
  • Garoowe: Daahir Ciiro oo eeday Kulul u jeediyey Cadde Muuse...

Boosaaso: Maamulaha Macdan-Baarista Puntland Liibaan Muuse Boqor oo lagu wado in xilka qaadis lagu sameeyo, Booskiisana loo magacaabayo Eng. Cabdi Madoobe

  • Isha warka: Wargal jooga Boosaaso oo weydiistey in aan la magacaabin | Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 17, 2007

Liibaan Muuse Boqor

Sida ay sheegayaan warar laga helay ilo wargal ah oo kasoo baxaaya xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso oo dhawaanahaanba uu ka taagnaa muran u dhexeeya madaxweyne Cadde Muuse iyo maamulaha shirkadaha baara macdanta Puntland ayaa sheegaya in uu madaxweynu wado dadaal uu ku doonaayo inuu xilka kaga xayuubiyo maamuliha hore ugu xilsaarnaa shirkadaha khayraadka ka baaraya Puntland, Liibaan Muuse Boqor, islamarkaasina iminka ladoonaaya in lagu badalo Eng. Cabdi Siciid Jaamac oo la sheegay in uu yahay khabiir ku xeel dheer shaqadaasi, uuna doonaayo madaxweyne Cadde Muuse inuu u magacaabo jagadaasi, kadib markii la sheegay in uu hanan waayey Liibaan Muuse Boqor oo ah nin ay isku dhowyihiin madaxweyne Cadde Muuse.


Liibaan Muuse Boqor, Safarkii Range Resources ee Puntland.... Daawo Video

Liibaan ayaa lagu eedaynayaa inuu sidii loogu talo galay u maareyn waayey lacago badan oo ay bixiyeen shirkadaha tartanka ugu jira lasoo bixida khayraadka Puntland oo in badan uu muran kataagnaa  balse iminka si toos ah ay ugu soo xirmeen shirkado ajnabi ah oo ay kamid tahay shirkada sida xoogan lacagta ugu bixisa sida ay u heli lahayd  fursaddaasi oo ah kii  ugu wayna  oo aabid soomara maamulka Puntland tan iyo intii uu gacanta ku dhigey hogaaminstiisa madaxweyne Cadde Muuse.

Shirkadda Range Resources oo ka mid ah shirkadaha heshiiska la galay Puntland ayaa qoraal ka soo baxay 25kii May 2006 waxay agaasimayaasheeda ku dartay Liibaan Muuse Boqor.

Eng. Cabdi Siciid Jaamac (Madoobe) oo ah nin qurbo jooga ah islamarkaasina dhawaan yimid Puntland ayaa laga soo xigtey in uu sheegey inuu wadanka dibadiisa kayimid kadib markii isaga iyo madaxweynaha Puntland uu wada hadal dhex marey ku saabsan qabashada shaqadaani islamarkaasina uu madaxweynaha hadalkiisa ku yimid wadanka.

Waxaana ilo xog ogaal ah tibaaxayaan in imminka uu Eng. Madoobe dadaal ugu jiro sidii uu ula wareegi lahaa shaqadani uu horey u hayey Liibaan Muuse Boqor oo ay madaxweyaha isku dhowyihiin islamarkaasina lagu tilmaamay in uusan Khibrad u lahayn howlaha ku saabsan soo saarista  macdanta iyo  shidaalka oo uu madaxweynuhu dadaal ugu jirey sidii uu usoo saari lahaa, balse lawaayey dhaqaale aad u fara badan oo  maamulka Puntland ay ku kaabeen shirkadahaan sheegay in ay soo saarayaan khayraadka, taas oo la sheegay in ilaa iyo hadda lawaayey meel uu marey kharashkaasi, waxaana wararku tibaaxeen in lagu rajo weyn yahay inuu arrintaas wax kaba dalo Eng. Cabdi Siciid Jaamac "Madoobe" magacaabista kadib.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2007


Garoowe: Shir Saxaafadeed uu Qabtay Xisbiga Ramaas RPP

  • "....waxaa nasiib daro ah Mas'uul ku fashilmay beekhaaminta Qorsha-hawleedka Dhulka korkiisa in uu yiraahdo waxaan soo sarayaa khayraadka dhulka hoostiisa ku jira oo aan doonaya in aan u beekhaamiya Soomaali oo dhan, isaga oo kufashilmay Beekhaaminta 7-Gobal ee Puntland mas'uulkaas oo ah Madaxweyne Cadde Muuse...." sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga(RPP), Daahir ciiro. Qormada shirsaxaafadeedka hoos ka akhri....
oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya.
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Puntland Somalia
Ramaas Political Part(RPP)
RPP/01/G/07 Date: 18/02/07

Ku: Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somalia
Og: Shacab waynaha Puntland

Ramaas CiiroMudanayaal iyo marwooyin waxan idinku salaamaya salaanta islaamka, salaan kaddib waxaan idinka mahad celinayaa sida qaaliga ah oo aad u soo ajiibteen warsaxafadeedkaan aan ugu talagalnay inaan shacabka ugu muujino dhaliilaha maamulka sidaadba horey nooga barteen.

Mudanyaal iyo Marwooyin waxaa nasiib daro ah Mas'uul ku fashilmay beekhaaminta Qorsha-hawleedka Dhulka korkiisa in uu yiraahdo waxaan soo sarayaa khayraadka dhulka hoostiisa ku jira oo aan doonaya in aan u beekhaamiya Soomaali oo dhan, isaga oo kufashilmay Beekhaaminta 7-Gobal ee Puntland mas'uulkaas oo ah Madaxweyne Cadde Muuse.

Mudanayaal iyo marwooyin waxaa wax laga xishooda ah in had iyo goor laysla soo taago saxaafada wax aan sal iyo raad toona lahayn iyo indho adayg lagu burburinayo Dastuurka Dawlad Gobleedka Puntland, Meeshii laga sugayey inuu u horseedo ummadda hormar lagu faani karo Taariikhna unoqon karta isaga .

Waxaa nasiib daro ah in shaqaalaha danyarta ah inuu ula dhaqmo sida in ay ka shaqeeyaan gurigiisa oo uu lataagan yahay Xaqoodii aniga ayaad igu leedihiin mar walbana u qaadanayana sahay safar si uu ugu ilaaliyo caafimaadkisa.

Waxaad ogtihiin walaalayaal in marba marka danbeysa uu si bareero ah ugu dhar dhiganayo burburinta Dastuurka Dawlad Goboleedka Puntland isaga oo u diyaarinaya Dhaxaltooyo aan sharci ahayn Wiilkiisa oo ku daba wada Dawada.

Walaalyaal sida aad lasocotaan anaga xisbi ahaan waxaanu diyaar idiinla nahay wax alla wixii fududaynaya hormarka dalka, waxana diyaar idinka nahay inaan helno afkaarihina kala duwan oo aad lashaqysaan mas'uuliyiinta kala duwan ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo daafihiisa kana turjumaysa hormarka dalka, waxaan idin leenahay guul eebe.

Gudoomiyaha Xisbiga(RPP)
Daahir ciiro
daahirciiro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2007


Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya. Akhri

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH