SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Heyb-Soocii Gaalkacyo iyo Hoy Wanaagii Hargeysa
(xeer dhaqameedkii somladi xagee aaday)

Hor dhac  

SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA

Waxaan qormadeydan ku bilaabayaa  magaca soomaali meesha uu ka soo jeedo iyo xikmada uu xanbaarsan yahay, sida aan la wada soconaba magaca soomaali waxa uu ka yimid xili hore dhulkan  geeska Africa waxaa loo yiqiinay  dhulkii xabasha (ardul xabasha) sida ku cad waqtii dacwada islaamka socotay oo saxaabada (RC) qeyb ka mida u soo hijirootay   dhulkan ayna ka soo galeen zeylac.

Xiligii uu jiray ganacsiga carbeed iyo kii faariska (Persia) waxaa dhulkan loogu imaan jiray ganacsi xura iyo waji fur furnaasho lixaad leh sida uu  qoray bad mareenkii carbeed ibn baduuda marki uu yimid dhulka somalida dagta iyo sida  wanaaga leh ee loo soo dhaweeyey.

Asal ahaan magacan (Somali) waxaa la isku raacsan yahay inuu ka kooban yahay laba eray oo isi saran oo kala ah SOO iyo MAAL waxana la sheegaa in marki ay yimaadaan ganacsata dhulkan inta aan la guda galin ganacsiga in la marti soori jiray waxayna aad u maqli jireen  eraygan SOO MAAL  marki ay soo marti yaan kaasoo looga jeedo in loo maalo xoolaha si ay u cabaan caanaha (milk) oo ah cabitaanka  ugu qiimaha badan xiligaas iyo xliganba  oo aan la siin jirin biyo caadi ah  ama cabitaano kale.

ALLAH subxaanahu watacaalaa waxuu  nagu galadeystay diinta islaamka maanta aan nahay dalka kaliya ee dunidan ku noo ee 100% muslina hadana  Sunni ah .

Hadaba sidaas ayaan hadii aad nahay umad soomaaliyeed  ku hananay magac wanag,saqinimo iyo deeqsi wanaagba intaana asal u  ah diinta iyo dadnimada aan ku faano maanta

Umadda somaaliyeed ee lagu aqoon jiray is jacayl,  isu tanaasul iyo in lagu dhameeyo dhib kasta oo dhaca geed hoostiis, waxaa jiray dagaalo dhex mara bulshaddi somaaliyeed ee reer miyiga ahayd waxa lakala qaadan jiray xoolo uu GEELLA mudane u ahaa, haddaba akhristow markasta waxa jiray xeer beegti u xilsaaran xalinta dhibaatooyinka dhex mara beelaha somaliyeed ee ab iyo   isir iyo islaanimo intaba wadaaga, waxa xusid mudan inuu jiray xeer hoosaad lagu kala saaro bulshadda xeerkaas oo ay dejiyeen boqolaal sano ka hor gar yaqaano soomaliyeed.

Gumeysigii (the colonist) wadankeena qabsaday qarnigii 19aad ayaa si hurriyey xurguftii soo tiilada ahayd ee somaaliddi hore u dhexeyn jirtay wuxu isku dayey gumeystihii inuu saaxiibo ka dhex samaysto bulsho waynti soomaliyeed isagoo ku fushanaya dantiisa gaarka ah, wuxu dhici jiray geela iyo gamaanka (fardaha) ama (horses), labadaa ayaa ahaa gaadiidka ugu qaalisan wakhtigaas isagoo beelana ka qaadaya beelaha ay gacan-saarka leeyihiinna ku abaal marinaya.

Sida qoraayaal (authors) badan oo soomaali ah aaminsan yihiin dhagarihii gumeysigu la maaganaa somaliya iyo isku dirki beelaha walaallaha ah ee soomaliyeed si buuxda uma hirelin waxaana wiiqay xeer beegtida oo wakhti kasta u taagnaa suluxa iyo heshiisiinta (peace) beelaha soomaaliyed waxay ahaayeen xeer-beegtidu marjac loo noqdo.  

Akhristow waxan la yaabay markaan taariikhda indha-indheeyey qiimihi soomaliddi hore iyo isu tanaasulkii inuu meesha ka baxay, waxaa igu adkaatay inaan is bar bar dhigo somalida maanta iyo tii hore waxa ku so baxaya inay ad u kala duwan yihiin marka laga fiirsho dhinacyo badan waxa dareemeysa in uu dhacay dulmi weyn oo beelaha soomaliyeed is dulmiyeen, waxa lawada ogsoon yahay dawladdi ugu danbeysey waxay soomaali dhex dhigtay oo xumaan ah.Waxa so baxay qab qablayaal dagaal oo dantooda gaarka ah ka hormariya tan guud waxay gumaadeen (genocide) shacab weynihi somaliyeed ee walaallaha ahaa laga bilaabo Raas-casayr ilaa Raas-kabooni, waxa ku daatay dhulki soomaliyeed xinjiro, dhiig (blood) badan oo an waxba galabsan, waxay sababeen dagaalo macno darro ah iyago ku ilaashanaya kuraastooda, qab-qablayaashu waxay heshiis la galeen shirkado maafiyo ah kuwaaso ku aasay sun dhulkii soomaliyeed waxay jireefeen (tir tireen) badda, dhirta, daaqa, duurjoogta, beeraha waxay ku guuleysan waayeen inay heshiiyaan oo talada wadanka qaybsadaan, waxay fashiliyeen 15 shir oo loo qabtay somalida, taladdi soomalida waxa gacanta ku dhigay qabqablayaan aan la dooran, kuwaaso u horseeday wadanka dawlad la'aan, bur-bur, dhiig macno darro loo daadiyo, dhaca dadka laga tabar roon yahay, maroorsi taladdi soomaali ka dhexeysey, kufsi iyo DALKI soomaaliyeed oo gabi ahaanba loo gacan galiyay cadaw in badan ku taamayay inuu ku dhax tibaaxo gudaha soomaaliya.  

Hadaba akhristow waxaa isweydiin leh goormuu shacab weynaha soomaliyeed la xisaabtami doonnaa nimanka dhiigooda ka ganacsada dalkiina cadaw ku cusuumay. 

Murtidda qoraalka  

Waxaan la soconaa in Soomaali badan ku noolyihiin dalka dibadiisa ayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

Dalka boqortooyada sacuudiga (KSA) ayaa ah wadamada ay soomaliadu u nabad iyo neecaw baxdsadaan ayagoo ka baxsanaya dhibaatadda 16jirsatay ee ku habsatay dalkeena hooyo maanta , Dalka sacuudiga oo  la sheego  inuu soomaalida si uun u caawiya ayaa hadana dhibaatooyin fara badan  u geysta oo ay ugu horeysa musaafurin tarxiil (immigrate).

Waxaa dhacaday maalintii  talaadadii (Tuesday) 03/04/06  in diyaarad raacsan shirkada duulimaadka JUBBA AIR sodcaalkeeduna ahaa Jeddah to Mogadishu ay qabsatay mucjiso .

Diyaaradan ayaa lagu war galiyay dagaallada gobanima doonka ah ee ka socdo muqdisho oo ayna u suuruubeyn inay diyaaradu caga dhigto muqdisho international airport ama balidogle, Diyaaradan ayaa qasab noqotay inay gaca dhigto garoonki diyaaradaha ee gaal kacyo (Gal kayo airport) balse akhristow waxa ka dhacay garoonkaas ayaa ahaa mid baal madaw u gali doonta umadda soomaaliyeed oo dhan,  dhaqan ahaana aan lagu aqoon umaddan  meel kasto ha joogtee dal iyo dibad.

Waxaa dhacday akhirstow inay sameeyeen maamulka  eela boorka gaal kacyo (galkayo airport) -ee raacsan maamul goballeedka  punt land-waxa loo yaqaan midab takoor (discrimination) afka carbeedna lagu yiraahdo (timyiiz jinsi). 

Rakaabka saarnaa dulimaadkaa ayaa lagu amray inay is tibaax sheegaan qabaa'ilkooda si loo kala saaro taasoo  noqotay amakaak iyo anfariir ebed soo marin umadda soomaaliyeed , marki ay is qabiil turxaan bixiyeen rakaabka diyaaradaas saarnaa oo in badan dhibaato soo arakay ayaa dhacday in la loo ogalaaday 7ruux oo ka mida 100-120ka rakaaab ee saarnaa diyaarada in  loo ogalaaday inay galaan  gobolka punt land  oo ay ka soo jeedeen halka inta kalana lagu amray inaysan ka soo dagin diyaaradi maadaama ay ka soo jeedaan gobollada koonfureed iyo caasimada muqdisho . 

Qoraalada qaar ayaa cadeynaya inay halkaas yimadeen ciidanka punt land oo ugu hanjabay rakaabka inaysan cagaha dhulkaas dhigin hadii kalana ay dhib la kulmi doonaan  

Arintan ayaa noqotay mid ka tarjumeyso colaad qabiil iyo aar goosi aan la aqoon halka uu   ku salka hayo, waxaa su'aal taagan noqon doonto sababta keentay musaafiriin  hadana tarxiil ka sii ah la yiraahdo qolmaa tahay  

Maamulka shirkada JUBBA AIR oo in badan isku dayay inay u sharxaan rakaabkan inaysan qabiil wax shaqaa ku leheyn ina yihiin dad la soo musaafuriyay kuna xirnaa xabsiyada dalka boqortooyada sacuudiga muddo sanadaa ayna qabaan dhibaatooyin badan ay ka mid tahay xanuunyo qaarkoodka la sheegay inayba wax cunin.

Carabi waxay ku maah maahdaa (laqad asmacta low naadeyta xayan laakin laa xayaata liman tunaadii) waxayna macna ahaan noqon 'waad maqli lahayd hadii aad noole u qeylin lahayd balse qofka aad u qeylini nololba uma sugna', dhibka iyo daruufta ka muuqata rakaabka diyaarada saarnaa  oo qaarkood da' ah waxaa ka weynaa siyaasada qalafsan  iyo qabiil xumaha na laayay.

Diyaaradaas ayaa la sheegay inay galabinimadii salaasadi  (tuesday) ay ka kacday garoonka diyaaradaha gaalkacyo kadib marki ay ku guul darasyteen maamulka shirkada JUBBA AIR in loo ogaalado in rakaabka  galaan gudaha magaalada  si loogu sii qaado gawaari loo diyaariyay inay u sii gudbiyaan gobollada dalka, balse  diyaadan ayaa la sheegay inay galabnimadii abaartay dalka jabuuti inkastoo hadadana shidaal qaadasho ugu dagtay hargeysa oo ayadana ay kala kulmeen rakaabka iyo maamulka shirkada JUBBA  arin kale oo hor leh balse ka duwan waxii  ay  kala  soo kulmeen dhulka punt land oo lagu tiriyo nimaad ahaan inuu hoos yimaado dhulka jamhuuriyada soomaliya .

 Maamulka ka jira hargeysa ayaa albaabadda u furay rakaab diyaadaas ku dhibanaa  ayna ku war galiyeen inay iyagu marti u yihiin, arintan ayaa noqtay mid  lama filaana iskuna badashay lama ilaawaan uur ku taalo ah. 

Waxaan xasuusanahay in marki ay dagaalada ka dhaceen  koofurta soomaaliya uu maamulka ka jira gobaladaas  waqooyi ay u ogalaadeen dadka ka baxsanayay dagaalada ka jira koonfur  inay u gudbaan dhulkaas, hadana markii la sheegay inuu dilaacay cudurka  dilaagaa ee koleeraha (cholera) ay xayiraad ku soo rogeen dulimaadyada uga  yimaada koofurta,  hadana dib uga laabtay go'aankaa ayagoo ku macneeyay inay u adkeysan Karin dhibka heysta walaalahood cudurkasta oo jirana  ey  ka daran tahay xabada iyo madaafiicda cadawga ku habayo .

Arintan oo aan dareemi karo akhristow inay ku dareensiineyso inaan wali lumin magaca soomali meesha uu ka yimid si kasto uu xaalka ahaado, ku darso gobalado waqooyi maanta waxay go�aan ku gaareen inaysan dib ula midowbeen Somali inteeda kale balse taas kama reebin inay ka naxaan xaalada adag ay ku sugan yihiin maanta  waalallahood Somaliyeed  anagoo og waxii dhibaato ahaa ee loo  geestay walaalaheen waqooyi taasoo maanta keentay inay ka calool duubtaan umadda soomaaliyeed kuna taagnaadaan xaqa ay u lee yihiin  gobi nima doonka iyo aaya ka talinta danahooda.

Ku sii darso akhristow walaaallaheen waqooyi galbeed waa kuwii keenay midowgii 1960 nana dareen siiyay mancaha midownimo (united) ka hor inta aanaan dareemin manacaha wadanimo (nationalism), waxaanse amaan iyo bogaadin u jeedinaayaa shacabka ku nool dhulkaas ee dhiigooda ku jiro magacii soomaliyeed ayagoo ku han wayn inay hantaan dhulkii soomaaliyeed teedna rumeeya magaca Somali iyo dhulkiisa oo manca ahaan imaan dhulkii soomaalida (Somaliland). 

Gaba gabada qoraalka 

Madaxa ugu sareeya maamul gobaleedka punt land mudane cade ayaa muujiyay mar uu la hadlayay idaacad gudahaa inaysan dhicin waxa midab takoora uuna diyar u yahay inuu baaro arintaas waana talaabo ku dayasho mudan waa hadii ay ka dhabeeyaan in arintaaas in la sal raaco.

Si  kastaba ahaatee arinta ka soo yeertay punt land waa uur ku taalo umadda soomaaliyeed maalin uun laga geed fadhiisan doono koley  ficilkan xun  kuwa ku kacay waa maamul (authority), maamulkana waxuu matalaa (representative) shacab shacabkuna waxuu lee yahay oday dhaqameedyo(cuqaal) hadaba waxaan ka codsan oday dhaqmeedyada reer punt land inaysan arintan dhagaha ka fureysan (xiran) oo dib u soo celiyaan dawrkii weynaa ee ku lahaayeen xalinta dhibaatooyinka dhaci jiray.

Koley  qoraalkeygana kuma af xumeynayo shacab ama qabiil gaara  inkastoo somalidu qaar isku qotomisa aallaaba middida (knife) balse waxa aan raba ayaa ah inaan muujiyo waqtigan inuu  dalku u baahan yahay odayaashi shalay keenay gobanimadii, maanta waxaa muqdisho nabad iyo cimaamad cad ku baaqaya waa odayaashii dhaqanka ee beelaha daga  dhulkaas.

Bulshada qayb ayaa qabta in odayadu in yar oo ALLAH u naxariistay mooyee ay dhibka jirra qayb ka yihiin iyagoo la kala saftay beelehooda gacan saarne la leh qabqab layaasha.  

Culumadda, Indheergaradka, Aqooyahanka iyo intii wax uun samo ah ku hartay waxaa ka codsanayaa in soomali la bad-baadiyo, cadowgu wa badan yahay waana dul joogaa , waxa imaan doonta in magaca soomaali la waayo hadii aan wax laga qaban xaalka la marayo

 Mar hadii aan maqalnay xanti xuseen ka fakatay, xal xaloolidii diinaari, normal la'aanta yuusuf sheegay iyo xil ka qaadistii geedi ee xuseen intaa oo dhan  inay ka turjumeyso in dalku Qatar ku sugan yahay ayna suurtal tahay  -ALLAH nooma keenee- in aan marno wadadii eratareeya (Eritrea) soo martay  markii ay dawladii wasaayada (trust ship government)  iyo baarlamaankiisu (the parliament) ku afti qaaday December 1950 Eritrea inuu yahay qeyb (part) ama muqaadaca ka mida dal weynaha Ethiopia .

Waxa is weydiin  mudan odayaddi xeer beegtidii meeye xagee ka dheceen, waxaa maran kaalintoodi waxa laga rabaa inay somali heshiisiyaan oo wanaaga ka shaqeeyaan siddi looga bartay.

Waxaan mar labaaad iyo mar boqolaad ku celinayaa gabagabaddi qoraalkeyga  inta samaha iyo nabadda jecel, indheer garadka, culimadda, aqoon yahanka, siyaasiyiinta daacadda ah, fanaaniinta, gacansatada, ururada bulshada  iyo ardayda waxaan ka codsanayaa inay u kacaan wax ka qabashadda arimaha cakiran 16-ka sano iyagoo la kaashanaya ALLAH  si looga xoroobo cadawga dalka ku gaardinaya iyo  qab qaylayaasha  qabiilka qalbigeena ku beeray ,laguna so celiyo DALKA iyo  talada umadda soomaliyeed si ay u dhistaan dawlad loo dhan yahay oo cadaalad ku salaysan ..  

Walaahu almuwafaq

Dalmar Omar Gacal
Islamabad-Pakistan
E-mail: dalmaryare@hotmail.com
ama dalmardayax@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Apr 9, 2007

References: - 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD