SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


Warsaxafadeed uu soo saaray af hayeenka xisbiga RPP ee midowga yurub C/Naasir Guure Faarax [jeer]
jeer
C/Naasir Guur Faarax[jeer]

Puntland state of Somalia
Ramaas Political Party
RPP/03/07/London/12/04/07
Ku: saxaafada madaxa banaan
OG: Shacab waynaha Soomaaliyeed

Ujeedo: Dagaalka mashruuca ee u dhaxeeya SL iyo PL iyo qorshaha ka danbeeya.

Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan way salaaman yihiin, salaan kadib xisbiga RPP wuxuu aad uga xunyahay shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho Itoobiyaanku ku xasuuqeen, wuxuu xisbigu tageer sanyahay iska caabinta ay dhalinyarta Soomaaliyeed kaga soo horjeedan Itoobiyaanka. Waxaanu tacsi u dirayna ummadii Soomaaliyeed ee khasaaraha maal iyo mawd ba leh kasoo garay dagaalada dabar goynta.

Waxaanu shacabka Soomaaliyeed la socodsiineynaa in dagaalka malmahan u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland uu san ahayn midxaqiiqa ee uu yahay mashruuc labada maamul isla og yihiin, looguna gogol xaarayo in ciidamo Itoobiyana lasoo dhigo meelaha dirirtu kasocoto, iyadoo ula jeedada ugu wayn ee Itoobiyaanka loo keeni ay tahay sadex arimood oo kala ah in raga hada madaxda ka ah S/L iyo P/L ay xukunka koror sadaan iyo in shirkado layiri shidaal bay qodin dhulka la keeno iyadoo aan wada og nahay inaysan jirin shirkad shidaal soo sari balse ay jiraan kuwo xaalufin khayraad u socda, iyo tan u danbayso ah in wadaadada SL iyo PL xoolahada la kantaroolo dhaq haqaaqodana la xadado. Heshiiskan ayaa kadacay magaalada Adis abbaba mar labada maamul ay tageen.

Xisbiga RPP oo goobjoog ka ahaa shirkii ka dhacay wadanka UK maagalada LEISTER 6/4/07 ayaa tageer san wixii kasoo baxay waa haday hana qaadane. [eeg sawirada hoose]

Waxaan usoo jeedinayna Ra,isul wasaare Cali Maxamed Geedi in uu joojiyo booqashooyinka uu ku tagaayo degaamada Puntland ilaa iyo inta ummadda Soomaaliyeed samaysanayso wax ay kuwada qanacsan yihiin, waana inuu faraha kala baxaa arimaha khayradka Puntland ee uu leeyahay waxaan u saxiixi shirkado cusub oo yimaada Puntland, haddii Geedi ka waan toobi waayo arimaha xisbiga RPP Waxaay ka qaadin talabo uu san ku farxin.

Ugu danbayn tii RPP wuxuu usoo jeedin ummadda Soomaaliyeed in ay ka waan tooban qabyaalada oo ay gacmaha is qabsadan Itoobiyaankana ay meel uga soo jeestan.

Afhayeenka RPP ee midowga Yurub
C/Naasir Guur Faarax[jeer]
London, keenadiid18@hotmail.com

Afeef: Fikradda qoraalkaan waxaa leh RPP



Faafin: Apr 12, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD