SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


Wararkii: Nov 11, 2006
Waxaa  soo ururiyey:
CabdiRisaaq Koronto oo jooga Garoowe.

  • Galkacyo: Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya oo ku soo fool leh Gaalkacyo ee DGPL.
  • Xaafuun: Care International oo qalab doonyo ah ugu deeqday Kaluumeysatada Xaafuun.
  • Badhan: Biyo la'aan ba'an oo laga soo shegayo Degmada Badhan.
  • Yemen: C/Laahi Yuusuf oo Gaarey Sanca
  • Boosaaso: Digniin ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso.
  • Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo soo saaray bayaan uu ciwaan uga dhigay Dalka iyo dadku uma baahna majaajilo.

Galkacyo: Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya oo ku soo fool leh  Gaalkacyo ee DGPL.

Warar hoose oo ka soobaxaya madaxtooyada Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Baydhabo ayaa sheegaya in madaxwaynaha DFKMG ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed uu dhawaan booqasho ku iman dono Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Booqashada madaxwaynaha DFKMG ee magaalada Galkacyo ayaa la sheegayaa in ay ku lugleedahay sidii uu madaxwaynuhu uga dhaadhicin lahaa beeshiisa in ay ka digtoonaadaan isusii dhawaanshaha ay u hayaan maxkamadaha islamarkaana ay ku egaanalahaayeen ka sii mid ahaanshaha puntland.

Sida laga warqabana dhawaan ayay ahayd markii ay beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamuud) ay magaalada Galkacyo kaga dhawaaqday maxkamad  la shaqaynaysa maxkamadaha Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho, madaxwaynaha puntland gen: cade muuse ayaa gaaray magaalada Galkacyo si uu uga hortago isku dayaga beelaha ee ay ku doonayaan in ay maxkamado ku dhawaaqaan isaga oo madaxwaynuhuna sheegay in aysan dhici akrin in Puntland laga dhiso maxkamada muqdisho waa sida uu hadalka u dhigaye. 

Wararka ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne C/laahi Yuusuf lagu wado inuu kulammo la yeesho madaxda Maamul Goboleedka "GALMUDUG" ee dhawaan looga dhawaaqay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Xaqiiqo ahaana lamana garanayo xilliga uu C/Laahi Yuusuf booqan doono ama kusoo beegan yahay magaalada Gaalkacyo. (Lamana hubo in safarkaasi dhici doono maadama dagaalo cusubi ka soo cusboonaadeen aagga Bandiiradley.)


Madaxweynaha DFKMG, Cabdullahi Yuusuf Axmed (Bidix), Madaxweynaha Yemen Cali Cabdullah Saalax (midig) iyo Wasiirka arrimaha dibada Yemen Abu-Bakr al-Qerbi oo lugaynaya kaddib kulankii ay ku yeesheen magaalada Sanca November 11, 2006. | Sawirka: Reuters

Booqashada Madaxwaynaha DFKMG C/laahi Yuusuf Axmed ee laga filayo Magaalada Galkacyo ayaa timid iyada oo madaxwaynaha Puntland uu maanta (Nov 11) ku soo laabtay Caasimada Puntland ee Garowe in kastoo uu Madaxwaynaha Puntland Grn: Cade Muuse khudbad uu dhawaan ka jeediyay Magaalada Galkacyo uu sheegay in ay Bosaso tahay caasimada puntland hadalkaasoo aan wali nina jawaab ka bixin marka laga reebo Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas Political Party (RPP), oo isagu jawaab kulul ka bixiyay Hadalkii Gen: Cade Muuse. 

Yemen: C/Laahi Yuusuf oo Gaarey Sanca

Madaxweynaha DFKMG ayaa maanta (Nov 11, 2006) waxa uu gaarey Magaalada Sanca ee dalka Yemen. Waxaana waftiga madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibada Yemen, Dr. Abu Bakr al-Qirbi, Safiirka Yemen ee Soomaaliya Axmad Omar iyo Safiirka Soomaaliya ee Sanca CabdulSalam Aadam. Soo dhoweynta kaddib madaxweynaha DFKMG Cabdullahi Yuusuf waxa uu la kulmay madaxweynaha Yemen, Cali Cabdalla Saalax, waxana uu uga warbixiyey xaaladda kasoo cusboonaday Soomaaliya si la isugu dayo isku soo dhoweynta fikradaha kala durugsan ee Dowlada Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga, waa sida wargeysyada Yemen hadalka u dhigeen'e. Waxa kale oo uu uga warbixiyey wixii ka kasoo baxay kulankii Shiinaha iyo madaxda Afrikaanka.

Dhankiisana Cali Cabdalla waxa uu ku celiyey taageradiisa nabadda iyo deganaanshaha Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay in faa'iido ugu jirto Yemen iyo gobolka oo dhan. Caalamka uu ugu baaqay nabadaynta Soomaaliya.

Xaafuun: Care International oo qalab doonyo ah ugu deeqday Kaluumeysatada Xaafuun.

Hay'ada Care international ayaa  deeq doonto ah ku ugu deeqday  qaar kamid ah kaluumeysatada magaalada Xaafuun.

Deeqdan ayaa kamid ah taakulo loo fidinayo deegaanadii ay dabayaaqadii sanadkii 2004 ku habsatay musiibadii Tsunamiga oo wali raadkeedii iyadu ka sii guuxaysa dadka deegaanadii ay ku dhufatay oo aan wali si wacan u helin deeq islamarkaana u baahan wali in laga taakuleeyo sidii ay markale u soo celin lahaayeen meeshaamkii iyo ganacsigii ay kaga jireen bulshada.

Hay' adaha caalamiga oo ay ku jiraan UN HABITAT, Care, Save the Children iyo kuwa kale oo badan ayaa  mashruucyo kala duwan  ka sameeyey Deegaanadii ay sida wayn ugu habsatay badgariirkii Tsunami.

Inkastoo ay dhamaan dadkaasi si wayn wali ugu baahan yihiin caawin ayaa hadana waxaan la dhayalsan kari wax qabadkii loo sameeyay in tii ka danbaysay dhulgariirkii Tsunami waxaana jira mashaariic badan oo isugu jira kuwa hormarineed iyo kuwa wax qabadba intaba oo loo sameeyay dadkaasi ay sida wayn u waxyeelaysay Tsunamigu  oo ay maanta ku diirassdeen hadana ay wali u baahan yihiin wax qabad xoogleh. 

Badhan: Biyo la'aan ba'an oo laga soo shegayo Degmada Badhan.

Wararka ka imaanaya amagaalada Badhan oo ka tirsan Gobalka Sanaaag ayaa laga soo sheegayaa biyo la'aan kadib markii uu jabay ceelkii ay shacbaka magaaladu ka cabijireen biyaha iyo xoolaha deegankaba.

 Jabida ceelka Badhan ayaa keentay in ay halkaasi ka dhacdo biyo la'aan ba'an waxaana hada biyaha looga soo dhaamiyaa magaalada badhan magaalooyinka ku dhaw dhaw oo ay booyado ka keenaa biyaha halkii booyad oo ah kuwa wiyeerka loo yaqaano ayaa lakala siisanayaa halmiyan oo shilinka somaliga ah oo u dhiganta 70$.

Degmada Badhan ayaan wali helin roobabkii guga waxaana ka jira roobyari Degmada Badhan sidoo kale ma jiraan dad wali u dhintay oonka biyo la'aanta ah ee soo food saartay Magaalada Badhan balse waxaa jiri kara maalmaha soo socda hadaan dadkaasi aysan helin biyo in ay jiri karto dhimasho, xoolaha ayaa ugu daran  waxaana ka bilowday in reer guraaga ku dhaw dhaw  degmada Badhan ay bilaabaan in ay xoolaahooda u raraan meelo biyo leh.

Boosaaso: Digniin ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso - Qardho.

Digniin  si waadix ah ugu socota madaxda Puntland, isla markaana lagu wargalinayo shacabka Puntland ayaa ka soo baxday Agaasimaha Mashaariicda iyo Tamarta Puntland  ee ha'yada PSAWEN ayna u qornayd sidatan: AKhri halkan...

A/rizak koronto
Garowe puntland


Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo soo saaray bayaan uu ciwaan uga dhigay Dalka iyo dadku uma baahna majaajilo.
 
 
Puntland state of somalia                  Garowe 09/11/2006
 
Ramaas Political Party
 R/PP/105/06                                    
 
ku: saxaafada somalia
ku: shacabwaynaha puntland
 
Ujeedo: dalka iyo dadku uma baahna majaajilo
 
Ramaas CiiroMudanayaal iyo marwooyin dhamaan kasoo qayb galayaasha warsaxaafadeedkaan iyo intiina nagala  socota mediaha waxaan kusalaamayaa salaanta islaamka A/C/W/W .
 
Salaan kadib sidii aad uga barateen Xisbiga Ramaas Wuxuu diyaar idiin layahay inuu idiin soo bandhigo Wax alla iyo wixii dhaliilo ah oo dalka kajira una baahan in latoosiyo waayo hadii dhaliilaha loo daayo maamulka wuxuu moodayaa inuu wasdo sax ah kutaagan yahay .
 
Haddii Xisbiga Ramaas uu kuguuleysto hogaanka siyaasadeed ee Puntland wuxuu diyaar idiin layahay ilaalin dastuur iyo kudhaqankiisaba iyo wax alla wixii lagu gaarikaro horu mar , sida nabad galyada oo gacan bir ah lagu qabto , dhaqaalaha oo lakobciyo , tacliinta oo dhalinyarada lagu baraarujiyo jaamacado gudaha iyo dibadaba lagu taageero ama lala baadi goobo oo aanu ubalanqaadayno in ay helaan deeqo waxbarasho (Scholarships).
 
Mudanayaal iyo Marwooyin mar uu madaxwaynaha D/G/P uu furayey kalfadhigii 17aad ee golaha wakiilada shacabka D/G/P wuxuu kumacneeyey maqnaanshihiisi safarkii dibadda in uu  macaadinta dhulka hoostiisa jiifta uu kala munaaqishoonayey mu,asasado shishiiye ah , wuxuu madaxwaynuhu muhiimada siiyey mudanayaasha in uu maaganyahay in uu meesha kasaaro macaluusha shacabka mulkiday arintaas oo uu ku  qarinayo maamul xumadiisa musuq maasuqa xambarsan .

Haddaba Cadde Muuse ma iswaydiiyey maamulka uu madaxda kayahay meesha uu ku danbeeyey ama uu marayo .

 
Madaxwaynuhu ma iswaydiiyey mushaharkii shaqaalaha danyarta ah waxa kudhacay ama loo bixin la'yahay , iyo mushaharkii ciidanka miiganayaasha ah oo har iyo habeen utaagan difaaca xaqoodi .
 
Hadaba ma'orankarnaa madaxawaynuhu mas'uuliyadiisa way baylahday ama way dayacantahay , ama wuu majaajilaynayaa , ilaa waxaa horu mar lahiigsankaraa markii la ilaaliyo dastuurka dalka oo lagu dhaqmo , lagana shaqeeyo adeegyada bulshada oo ay ugu horayso tacliinta oo la hormariyo .
 

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]... AKhri
Hadaba runtu waxa ay tahay ilmo dhiil caano ah ubaahan dheel dheelin ama ciyaarsiin ama majaajilayn ilmada kabi'inmayso .
 
Hadaba mudanayaasha Xisbiga Ramaas mar hadii barnaamijkaagi fashilmay waxay ku gulatalinayaan in aadan noqon nin daad qaaday xumbo cuskay oo aad umada masiirkeedi aad ku  fashilantay aad dib ugu celiso si dalka iyo dadkuba ubad baadaan .
 
Gudoomiyah Xisbiga Ramaas                  E-mail; daahirciiro@hotmail.com
daahir c/qaadir muuse (Leedo)               Mopel;  747090

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2006


Duqa Caasumada Puntland Ee Garowe oo Suuq Cusub Xariga ka jaray.
iyo Xero Lagu Bacrimin doono Digaaga oo la Dhagax Dhigay iyo qoraal uu soo saaray.... Guji..

Xisbiga Ramaas oo si kulul uga horyimid Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha DGPL
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Guddoomiyaha xisbga Daahir Ciiro Guji

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

Caasimada Puntland waa Bosaso waxay ka dhigan tahay kutumashada dastuurka ee uu caadaystay Madaxwaynuhu...
Cade muuse wuxuu caadaystay in uu yiraahdo Garowe waxaan ka badalayaa Magaala madaxda Puntland waxayna ka mid tahay kutumashada sharci ee uusan meelna uga waabanayn... Guji...
 


Garowe: Xaflad casho sharaf ah oo si weyn loo soo agaasimey oo ay  soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada ee Garowe.

A/rizak koronto, Garowe puntland | Nov 3, 2006

Xaflad ay si wayn u soo qaban qaabiyeen maamulka degmada iyo kan gobalka Nugaal oo ahayd xaflad casho sharaf ah kana dhacday habeen kii xalay ahayd xarunta maamulka Puntland ee garowe.

Xafladda ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse  iyo golihiisa xukuumada, Guddoomiyaha baarlamaanka  Axmed Cali Xaashi iyo goloihiisa Wakiilada, isimo, waxgaradka gobolka Nugaal, Aqoonyahanada, Nabadoonada, Shacabweynaha gobolka Nugaal iyo Haween-weynaha gobolka Nugaal,

Xafladan ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobalka iyo kan degmada Gobalka Nugaal ayaa ula jeedkeedu ahayd   sidii ay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradkeedu ay ugu xog warami lahaayeen dawladda uu horkacayo Madaxweyne cadde muuse  iyo baarlamaankana.

Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminyeyna ay u xog waramaan dadweynaha iyo maamulkaba ee gobolka Nugaal.

Duqa degmada Garowe ahan gudoomiyaha golaha shacbka degmada ayaa ugu horaynba ka hadlay xafladii xalay isaga oo ka hadlay arimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen, Nabadgalyada, Caafimaadka, Nadaafada, Biyaha, Hormarka,Ganacsiga, Waxwada qabsiga, iyo Waxbarashada, Duqa degmada Garowe C/qaadir Cismaan Samatar ( Food cade) ayaa ku booriyay maamulka uu horkacayo cade muuse in wax loo qabto bulshada islamrkaana ay bulshadu u heelan tahay wax qabad  lataaban karo.

Food cade ayaa sheegay in Puntland ay tahay deegaano nabdoon loona baahan yahay in laga sii qaado halka ay hada marayso loona dhaafo dhan walba  oo la higsankaro.

Gudoomiyaha gobalka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in amaanka Puntland uu yahya mid adag  islamarkaana la iska kaashan lahaa sidii loo hagaajin lahaa waxa uu ugu baaqay maamulka puntland in wax laga qabto dhanka hormarka iyo hagaajinta caasimada, waxa uu shegay in aysan maanta ka jirin  deegaanada puntland wax amaan daro ah lakiin intii la isku mashquulin lahaa xaalad abuur xooga lasaaro in hor marka laga shaqeeyo.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Suldaan Siciid Maxamed Garraase, isagoo sheegay in uu aad ugu hambalyeynayo maamulka gobolka iyo kan degmada ee xafladan soo agaasimay, dadkana ku booriyey in la adkeeyo nabadgelyada iyo midnimada, Suldanka ayaa isna dhankiisa ka codsaday maamulka puntland in lagu dadaalo ka shaqaynta dhanka hormarka Halkaasina uu ugu duceeyey ummadda puntland iyo soomaali weynba in ilaahay haybaddeedii u soo celiyo.

Hadaba ugu dambayntii ayaa waxa halkaasi qudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha DGPL,taasi oo taabanaysa dhinacyo badan oo ku wajahan waxqabadka dawladda iyo arrimaha nabadgelyada in la adkeeyo lagana shaqeeyo dawladda, iyo warbixin ku saabsan safarkoodii guulihii ay ka soo gaareen iyo waxa ay rajenayaan.

Sikastaba dhamaan madaxdii iyo marti sharaftii halkaasi isugu timid habeenkii xalay ahayd ayaa waxa ay ka sinaayeen sidii maamulku uu u hormarin lahaa arimaha bulshada oo aan tan iyo intii uu maamulku dhisnaa waxba laga qaban, maamulka ayaa isagu dhankiisa garawsaday  in ay habacsanaan ka jirto wax u qabadka bulshada.

Fagaarayaasha magaalada garowe ee loo yaqaano fadhi ku dirirka ayaa maalmahaan waxa laga hadal hayay wax qabad la'aanta maamulka cade muuse iyo sida cade muuse uu isugu haysto nin karti wax qabad leh dadka qaar ayaaba u arka dhagax la soo tuuray oo aan dan u hayn bulshada inteeda badan lakin xiriir la leh cid gaara  oo qalin shubato ah dhaqaalihii wadankana galisay jeeb ama meel iyaga u gaara.

Cade muuse ayaa waxaa maamulkiisa lagu eedeeyaa  mid aan dan u hayn mushtamaca oo  islamarkaana aan lahayn awood wax qabad iyo mid daacadnimo ku dhisan toona.

A/rizak koronto, Garowe puntland 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2006


Dagaal ka Saakay (Nov 12) ka Dhacay Bandiiradley

Nov 12, 2006: Wararka ka imanay magaalada Bandiiradley ayaa tibaaxay in halkaas uu saakay oo Axad ah ka dhacay dagaal xoogan oo ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwa Cabdi Qaybdiid oo garabsanaya Ciidamada DGPL, waa sida wararku tibaaxeene, welina ma cadda khasaaraha halkaas ka dhacay.

Wararka ka imanaya Garoowe ayaa sheegay in madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, uu saakay ka ambabaxay Garoowe asagoo usii jeeda magaalada Galkacyo. Cadde  Muuse shalay ayuu tegey Garoowe asagoo markaas ka yimid Galkacyo oo ah magaalada uu maanta dib ugu laabtay kaddib markii aaggaas laga soo sheegay dagaalo cusub, gaar ahaan dagaal ka dhacay Bandiiradley.

Warka oo faahfaahsan ka akhri halkan... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD