SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bosaso: Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire oo xilkii laga qaaday, iyo Madaxwaynaha Puntland oo wareegto ka soosaaray arintaas.


Khadar oo khudbaynayey xilligii markii la doortay June 19, 2005

Duqii degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire ayaa ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaalada Bosaso in xilkii laga qaaday kadib markii ay isugu yimaadeen kalfadhi aan caadi ahayn Golaha deegaanka degmada Bosaso kuwaasi oo ku eedeeyay Duqa in uu lunsaday Hanti iyo sidoo kale in uusan waxba ka qaban adeegyadii uu horay u balan qaaday Duqu isaga oo ku tagri falay Hanti loogu tala galay Horumarka Degmada kaasi oo ay ku deeqday Hay'ada UNDP ee qaramada Midowbay u qaabilsan horumarka.

Wax yaabaha lagu eedeeyay ee uusan waxba ka qaban, sida wararku sheegeen, Duqa Degmada Bosaso ayaa waxaa ka mid ah waxyaabihii uu balan qaaday markii uu u tartamayay xilka Gudoomiyanimada Degmadaasi oo ay ka midka ahaayeen, Hagaajinta wadooyinka, dhisida wadooyin cusub, Banaynta Jidgooyooyinka, Dayactirka wadada Laamiga ah ee dhexmarta Bosaso taasi oo ahayd mudadii ugu danbaysay mid aad u liidada, iyo sidoo kale wadada aada Garoonka Bosaso oo uu duqu sheegay in hadii la doorto uu wax badan ka qabanayo iyo dhamaan adeegyada kale sida Caafimaadka, waxbarashada, dhamaan balan qaadyadaasi oo uu duqu sameeyay ayaan ilaa iyo hada waxba laga qaban oo ah kuwo sidoodii u taagan waana waxyaabaha sababay in duqa laga xayuubiyo Mansabka uu umada u hayo Maadaama uu hanan waayay wax u qabadka dalka iyo dadka, waa sida laga helay ilo wargal ah. 

Golaha deegaanka degmada Boosaaso oo ka kooban 27 xubnood ayaa saakay waxaa fadhiyey kolkii xilka looga qaadayey guddoomiyaha 21 xubnood oo 19 ka mid ahi ay u codaysay in la xilka laga qaado guddoomiyaha, halka labada xubnoo oo kalena ay ka aamuseen.

Dhinaca kalena Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse ayaa digreeto uu arintaas ku hor istaagayo ka soosaaray xafiiskiisa Magaalada Garowe isaga oo wareegtadiisa ku sheegay in xilkaqaadista lagu sameeyay Duqa Degmada Bosaso aysan sharciga waafaqsanayn is la markaana aysan ahayn mid munaasab ah.

Ilaa iyo hada wax jawaab ah kama aysan bixin Golaha deegaanka Degmada Bosaso wareegtada uu soo saaray Madaxwaynuhu lamanagaranyo in mar kale cod loo qaadi dono iyo in kale ama in uu duqu ahaandoono duqada degmadaasi Bosaso isaga oo xilkii laga qaaday laguna hor istaagay digreeto Madaxwaynenimo.

Duqa Degmada Bosaso ayaa waxaa loo doortay Duqnimada Degmadaasi markii ugu horaysay oo ay degmadaasi yeelato Nidaamka Golayaasha deegaanka waana Duqii ugu horeeyay isaga oo ay garbinayaa wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga iyo Madaxwaynaha Puntland si wayn u taabacsan loogu doortay duqnimada Magaalada Bosaso iyada oo ay doorashadaasi ahayd mid si wayn loo khilaafay maadaama ay doorashadaasi ka maqnaayeen murashaxiin badan oo u tartamaysay doorashada duqnimo ee Degmada Bosaso xiligii doorashada.

iyada oo ay duruufahasi oo dhami ay jiraan ayaa hadana si cod aqlabiyad ah loogu dortay duqniamdoo Khadar Xaaji Mire islamarkaana maanta Xilkii si cod aqlabiyad ah looga qaaday hase ahaatee Cade Muuse uu ku hor istaagay digreeto Madawayne nimo.

Maahan duqii ugu horeeyay ee xilka laga qaado inta la ogyahay degaanada Puntland tan iyo markii loo gudbay Nidaamka Golayaasha degaanka ee waxaa jiray in mar hore tiro ka laba jeer xilalkii ay hayeen laga qaaday duqii ugu horeeyay ee Golayaasha deegaanka lagu furay ee Magaalaada Caasimada ah ee Garowe iyo sidoo kale kii isaga markaasi badalay oo isna mar danbe xilkii laga qaaday waxaana is waydiin mudan sababaha xilka qaadista loogu samaynayo duqmagaalo oo aan mudo dheer xil hayn.

Ilaalada Cadde Muuse iyo Kuwa Gaagaab oo isku rasaaseeyey Xarunta Baarlamaanka Garoowe
Waxaana furmay kalfadhigii 18aad ee Baarlamaanka DGPL

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com