SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Abdulkadir F. Botan
Tel: (416) 235-1661
Tel: (416) 625-1661   - Cell
afna50@hotmail.com


WADDANIYADDA

BUUGGA MA HURAAN...

Waddaniyadda waxay yiraahdaan waa xaalad dunida soogalooti ku ah oo ka askuntay ama ka soo ababtay in loo qaato oo la aamino ama la rumaysto duddooyin dad ah oo isku meel ka soo jeeda oo isku sooyaal ah (taariikh ah) ama isku af ah inay dabeeciyan (sideeda ahaan) kuwa ka midihi dhulkooda, afkooda, dhaqankooda iyo diintooda daacad u ahaadaan. Waa wax aan ur iyo dhadhan toona lahayn, oon arag iyo muuqaal lahayn, oodan taaban karin ama aan midabya iyo summado lugu garto midna lahayn, ama aan baaxad iyo ballaar ama joog iyo jiif toona wax leh loo nisbayn. Hase yeeshee , waa xaalad nolosha iyo dhaqanka dadka ku lug leh oo saamayn ku yeelata, waaya kasta oo lugu jiro, miradhalkeeduna uu gedo iyo isbeddel muujiyo, weliba intii adeegsideeda macnaha loo yeelay.

Markii hore dhul la kala lahaa ma jirin, dabadeedse markay xigaal iyo dana abuurmeen  oo meelaha biyaha, beeraha, bacrinta iyo carrasanka ah nacfigooda la ogaadey ayay qoqobsho bilaabatay. Isriixid baa ku xigsatey. Kadibna kala sheegasho iyo soohdimo iyo astaamo laysku kala aqoonsado ayaa soo baxay. Dabadeed waxtarka waxaaga markii la ogaadey ee ay dhulka iyo dhaqanka iyo afka iyo diintu ka mid yihiin, lana aaminey, ayay waddaniyaddu noqotay wax lugu andacoodo oo la sheegto.

Dadka qaar baa ciiddooda ama degaankooda laga sandareertayn karaa ama laga laaluushi karaa. Waa meeshii uu abwaanka Somaaliyeed ka lahaa; “ Sandareerto lo’da way sabtaa soor siday tahaye”. Qaarse dhulkooda ayaa wax kasta ula qaalisan, qiime ay siisan karaanna ma jiro. Kuwa ciiddooda sida doqon-magaratada ah looga gatay , ahaydna siyaasad Reer Galbeed watey, ayaa dhibta ka haysata og.

Daacadnimada waddaniyadeed oo aan weligeed si weyn isku mid looga noqon wuxuu dhaqangalkeedu ku bilawday, markii baahideeda la dareemay, horin-horin ama xig-xig dana ka dhexeeya yeeshay ama awood talis dhul ay u dhasheen ku hantiyey ama hab diimeed isu dhisay, oo dabadeed ay taasi daacadnimada waddaniyadda loo yahay saldhig u nqotay.

Caqiidooyinka la kala rumaysan yahay iyo diimaha lugu kala dhaqmo ayaa waddaniyad diineed loo qaatay, oo sida loo aamino iyo jacaylka badan oo loo hayaa ay ku wacnaadaan in la dhawro ama la difaaco oo aan wax kasta la siisan, taasina waxay ka qaybqaadatay waddaniyadda.

Diinta Islaamka, qofka muslinka ahi meel uu joogaba waxaa wajib ku ah inuu daacad ka ahaado rumaystiisa, walaalkiisna uu kan kale oo muslinka ah yahay.
Xaddiisku waa tuu ahaa; “Innamal Muslimuuna ikhwatun”, iyo “Al Muslimu akhul Muslim………”

Tan Christaanka, dadyawga haysta waxaa laysku yiraahdaa “CHISTENDOM”. Taas macneheedu waa shristaanka addunku waa mid qura ama hal qof.
Aamintooyada heerkaasihi waxay qofka gaarsiineysaa daacadnimo qoddo dheer oo uu caqiidadiisa u yahay, markaasna waddniyad diineed bay noqonaysaa.

Dhinaca waxqabadka ama adeegsiga siyaasadda/xirribta, in waddaniyadda lugu dabbaqaa fudayd kuma aysan imaan. Sababo ay ka mid yihiin cabburinta, gaboodfalka, dulmiga, hagardaamada, iyo keligitalisnimadu, ama nolosha heerka gaarka ah ahayd oo dadka intiisa badani ka takoorrayd iyo aqoontii waxbarasho oo in yar u xayndaabnayd, waayihii dhulgoosigoo kale iyo dabaqadihii tahan-dhaafay goor inta kale biddood tahay ama sabool hoose, ama af laga yaabo in aag kooban laga yiqiin oo dadweynaha lugu kallifay/ khasbay inuu ku hadlo, wax ku barto ama ku adeegto ayaa gacan ka geystey inay ummaddu (qoloba duruufihii qallafsana oo markaas haystey) kacdoon midaysan oo danta guud lugu horseedayo dulmigana laysaga tuurayo ay kala hortagto, oo si waddaninima ah xididdada ugu siibto. Taas waxaa loo adeegsanayey luguna suurtageliyey waddaniyadda.

Tusaale dhaw, beryihii Fashiistada Talyaanniga ee koofurta Soomaaliya Xeebta Liido caddaanka iyo dadka ay beelaysanayeen (gumeysanayeen) isku meel inay ku dabaashaan iyo isku bas inay raacaan ma bannaanayn, meelaha qaarkoodna sida Kurraajo Del Sud iyo Bar Savoya heedalkooda dadka dalka u dhashay inay u soo dhawaadaan looma oggolayn. 1948kii markay dhacday “HA NOOLAATO”, halkudheggii Leegadu ee gumeysi-diidka ahaa ayay maalin dhallinyaro waddaniyaddu si weyn ugu abuurantay, mintidkii horseedka S.Y.L.-na ka midahaa, Xeebta Liido baskii caddaanku ay keligood raaci jireen isku gureen oo xoog ku galeen. Waxay caddaankii Talyaannigu isku dayeen inay u awood sheegtaan oo xoog uga saaraan, wayse u suurtoobi weydey. Goobtaas waxaa ka dhacay dagaal aysan Soomaalidu u kala harin, oo dhib iyo xaqiraad badan laga xoroobey. Liilligii maalintaas iyo kacdoonkii dhacay wuxuu suurtageliyey in Xeebtii, basaskii, iyo barihii kale dabadeed loo sinnaado oo takooriddii waddanigu dhammaato.

1952kii Kismaanyo goortuu Isticmaarkii Talyaannigu xubnihii Leegada ku xirxiray, isagoo ku khasbaya inay qabiil-qabiil kala sheegtaan iyaguna Soomaali wax ka hooseeya ay diideen waa taariikh waddaniya. Xabsiga dhexdiisii ayaa midba mar la soo bixinayey, iyagoo la soomiyey, oo midba la weydiinayey qabiilkuu Soomaali ka sii yahay. Kii “Soomaali” yiraahda inta kale hortooda ayaa lugu garaacayey. Kii qabiil Soomaali ka hooseeya sheegtase waa la sii deynayey. “Mugga jaw Abgaalaan ahay”, Siyaad Togane ayaa goortaas ku baxsaday, wuxuuna ahaa mintid Leega ah. Wuxuu u jeedaa; “Marakan aan idinla taagnahay keliya ayaan reerkaas ahay, markaanse idinka dhaqaaqo Soomaali baan ahay.
Timara Cukaash baa maalintaas xabsigii ku ummushay, iyadoo qaddaniyadda waddaniyadda u xiran. Bishu Agoosto bay ahay, gabadhay xabsiga ku dhashayna waxaa loo bixiyey “Agoosto”.
Buraanburkii loo tiryey waxaa ka midahaa:
“Agoostoy aabbahaa aakhiruu jiraa
Ikhyaartii Leegaduu kaaga dhigay ammaan”.

Leegadu guulahay gaartey oo gobannimadii lugu suurtageliyey waxaa ugu weynaa la dagaallankii iyo tirtiriddii qabyaaladda.
Dhibtaas tirada badan waxay u soo mareen waa madaxbannaanideenna, waa aayaha ummaddeenna, waa difaaca diinteenna, dhaqankeenna iyo dhulkeenna, iyo xorriyadda dhalashadeenna.

Waxaa kaloo xusid taas la mida mudan, markyanu waddaniyaddu siday ku soo hanaqaadday ee dunida ka hadlayno, inay arrimaha dhul iyo dhaqan jeclida, diinta iyo caqiidada iyo siyaasad adeegsiga ay feer socdeen koboca gananacsiga iyo macaamilka wax isdhaafsiga, hantigoosadnimada oo hannaan maamul u dhisantay, iyo hirgelintii warshadaha, kuwaasoo keenay baahida loo qabo in qaran midaysan la dhisto oo ay dabaqadda dhexe si toos ah waxqabadka iyo hawlaha dawladda uga qaybqaadato. Arrimahaasoo dhammi waxay abuureen in dalka loo dhashay la jeclaysto, oo waddaniyadda ciidu ay saamayn weyn yeelato.
Kalsooni baa timid uu qofku dalkiisa ku qabo inuu ka shaqaysto, ku dhaqamo, kuna noolaado. Iska daa wax kalee, qofku markuu geeriyoodo wuxuu jecel yahay in ciidduu u dhashay lugu xabaalo.

Diinta la wada haysto, dhalashada faraca, siyaasadda hay’adaha loo dejiyo oo hab waddaniyadeed maaraynteed loo adeegsado, iyo arrimaha badanoo waddaniyadda ku lug lihi waxay saamayn ku yeeshaan shuruucda/ xeerarka ummaddu degsato oo nolosheeda ku dabbaqado.

Waddanuyadda Dhaqanka, markaan xaggeeda jalleecno, waxay dhiirrigelisaa halkudhegyada dabeecadda, sida loo nool yahay, farshaxanka, cayaaraha, durbaanka, sacabka, muusikada, suugaanta, iyo dhinacyada kale ee oollimaadka.
Kuwaan hirgelintooda, soobandhigiddooda, ku-tartamiddooda, farakuhayntooda, iyo in fagaarayaal loo sameeyo ama looga qaybgalaa lihida dhaqanka, haybadda, sharafta, iyo magaca waddanka ayay ka turjumaan, markaasna waddaniyadda qofka iyo jacaylka uu dalkiisa iyo dadkiisa u qabo ayay quudiyaan korna u qaadaan.

Dhinac kale haddii loo fiirsho, waa dhaqaala-abuur weyn iyo maskax bacrimin aqoon dhaliya oo bulshada horumarkeeda muuqaal shariifa ka bixisa.
Qolo walba baaxadda dhaqankeedu leeyahay iyo siday u horumariso ayaa mugga ilbaxnimadeedu yahay.


Sidaas darteed, qofkii afkiisa iyo dhaqankiisa aan aqoon ama aysan qiima la lahayn waddaniyad abuuran la laha, dareenkeedna aad u saamayn mayo. Qofka caynkaasihi wuxuu u nuglaadaa ummada kale hab-dhaqameedkood iyo qaab-nololeedkood, waxaana markaas meesha ka baxaya macnaha waddaniyadda qofkaas. Kan kale, qab iyo isla-weyni iyo faan buu leeyahay. Qaddarin iyo qiime loo ogyahay luguna ixtiraamo baa jiraya.
Ka soo qaad markaad ciid iyo calan xor ah leedahay.
Ka soo qaad markaad far leedahay oo aadan mid cid kale afkaaga ku qoran. Ka soo qaad markaad taariikhdaada, dhaqankaaga iyo culuumta kale afkaaga ku barato, afafka kalena  luqado ahaan uga faa’iideysato iyo aqoontii kaloo looga maarmi waayo.
Ka soo qaad markaad afkaaga ku hadasho oo uusan mid shisheeye luqad kuu ahayn, sida dadyaw badan haysata.

Haddaba, innaga ahaan, si aan cawaaqibxumo  inoo ku dhicin waxaa inala gudboon inaynu afkeenna barahadiisa xoojinno, carruurteennana barno, isla markaasna diinteenna iyo dhaqankeenna xagsanno ilmeheennana ku ababinno.

- Soomaali ahaan, waxaa inaka maqan waddaniyadda ciidda, calanka iyo Qarannimada.
- Waxaa inaka dhintay waddaniyadda Diinta, Afka, Dhaqanka, Hiddaha iyo Oollimaadka.
- Waxaynu qiimadilley waddaniyadda aqoonsiga, lihida iyo dhalashada.

Inaan xaaladdaas mudnaanno waxaa inoo ku wacan burburka qaran oynu ku jirno. Waxaa keenay heshiis la’aanta danaysiga ku dhisan qabyaaladdana ku daaban. Waa tan keentay walaahowga siyaasadeed asii xiniftanka reereed ah. Waa tan kalliftay markay dhinacna u irkan weydey, illeen waddaniyadi shaqayn maysoo hadafkeed laga duulimayee, in la yiraahdo qabyaalad qaran ha lugu dhiso.
Waa labo aan iskeeni karin. Waa hal xaaraanihi nirig xalaala ma dhasho.

Waa meeshay Hooballadii Soomaaliyeed ka lahaayeen:
“ Dab iyo dhagax layskuma dhuftee kala dhawraay,
  Wax ka dhigan gobannimo qabiil dhex galee kala dhawraay”.

Waa arrin wax-kaqabadkeedu ina wada sugayo. Waa meeshii laga yiri;
“ Ceelna uma qodna, cidina uma maqna”.



Abdulkadir F. Botan
Tel: (416) 235-1661
Tel: (416) 625-1661   - Cell
afna50@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003

Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Guji July 8

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD