SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 ILOOWSHA DHOWAA MA UMULBAA! 

Dadyowga dunidu kala ayaan, hoodo iyo nasiib badan. Wadama dhan ayaa waxay ka tanaasulaan ujeedadooda iyo damacooda si ay u badbaadiyaan hal qof oo keliya oo iyaga ka dhashay oo cadow gacantii galay. Qowmiyado dhan ayaa waxay ku halaajiyaan kumanaan nafood iyo maal aan lasoo koobi Karin sidii ay sharaftooda oo lagu xadgudbay usoo dhacsadaan. Alla qofka ka dhashay qowmiyadahaasi sharaf badanaa! Yaa ka laandheereysan! 

Waxaaba intaa ka sii xag jira in marka qof ka mid ah dadkaas caqliga u saaxiibka ahi uu guto hawl qaran ama uu noqdo hawl gab in la dhowro sidii dhala jabaysa oo adduun iyo raaxo horey loogu salaxay uu dhex dabaasho. Waxaad suuqyada iyo makhaayadaha ku arkaysaa kiiyoo xidhan bilado iyo koofiyado ama dhar waa hore lagu sharfay oo shaqa wanaag loo siiyey. Waxaad kaloo milicsanaysaa gawaadhida ay wataan oo ay taargadooda ku qortaan hawlaha kala duwan ee ay u soo qabteen wadankooda. Tusaale ahaan haddii uu qofkani ahaa askari u soo halgamay wadankiisa oo ka soo qayb galay dagaalo kala duwan, wuxuu ku qortaa taarkada baabuurkiisa sidan: "waxaan ahay halgamaa hawl gab ah", "waxaan ahay askari hore oo ka qayb qaatay dagaaladii Fiyentnaam, Ciraaq iwm". Waxaad arkaysaa dadkan hawl gabka ah oo ka mid ahaa ciidamadii hore oo ka sheekeynaya dhibaatadii ay u soo mareen xoreynta wadamadooda, difaacida dalkooda iyo sidii ay u soo kifaaxeen. Waxaa marar badan dhacda in ay iska muraaqoodaan oo illintu ka soo daadato marka ay xusuustaan waayo waayo ama marka ay qaadayaan heesaha wadaniga ah iyo hal ku dhegyada ciidamadii ay ka tirsanaan jireen sida kuwa ay leeyihiin ciidamada Mariiniska ee Mareykanku ee aan xafidi jirey waagii aan qortay ciidamadaas "Nasan maayo ilaa aan soo taabto xeebaha Triboli ama aan soo burburiyo Timbuktuu". Sidaasoo kale ayaanu u lahayn heeso wadani ah ama hal ku dhegyo lagu amaanayo Xooggii Dalka: "Waa Xoogga dalka, wa Xooga Dalka Xamdi baa leh", "Cabsan mayno maanta cudud baanu leenee…", "Ciidankiyo Xoogga Alla ha ciseeyo" iwm. 

Haddaba Cududda iyo Ciidanka lagu faano waxay qolo waliba u dhisatay in ay cadowgeeda dibada iyo kan gudaha casharo lama ilaawaan ah siiso. Waanu garanay cadawga dibadee, kan guduhu waa kuma?. Kan guduhu waa kuu eke kaa eke ah, kula jire kaa jire ah, kula hadle kaa hadle ah iyo kula dirire kaa dirire ah. Cadawgan khatarka ahi ee jirjiroolaha ahi haddii uu bulsho ku dhex beermo si looga badbaadin karaa way dhib badan tahay in salka hoose laga rujiyo mooyaane. Wuxuu jirjiroolahani sida saarsaarka isku duuduubaa bulshada uu asal ahaan ka soo tafiirmay si uu ugu dhex badbaado isagoo ku baraarujinaya in ay yihiin kuwii la doortay, kuwii sarreeyey, kuwii laandheeraha ahaa iyo kuwii aan bulshooyinka kale la dhaqmi Karin ayna khasab tahay in ay ka fogaadaan. Daljiraha ay ummaduhu ku faanaan wax iska caabintooda ayaa lafahooda uga baqa Jirjiroolaha waayo wuxuu isku marmaray carruur, ciroole, maato iyo rayid uusan dan iyo muraad ka lahayn baaba’ooda kol haddii uu isagu dantiisa ku gaarayo. 

 Waxay dhibaatada Jirjirooluhu sababay ka dhacday meelo badan oo dunidan ka mid ah, waxaana laga dheefay halaag iyo baaba’ mood iyo noolba leh. Waxaanu tusaale usoo qaadanaynaa tii ka dhacday Soomaaliyadii hore kadib markii Jirjiroolayaashii SSDF, SNM, SPM iyo USC ay afartuba duulaan ku soo qaadeen deegaano nabad iyo caano ku jiray iyagoo inbadan ku laayey Xooggii Dalka iyo shacabkii deganaa meelahaa ay duulaanka ku soo ahaayeen. Jirjiroolayaashan isku ujeedada ahaa ayaa waxaanu kala soo dhex baxanaa SNM oo iyadoo dabaal joogtaynasa moolka Hargeysa iyo Burco soo dhex istaagtay. Waxaa suuqyada lala maray sidii iyadoo la roob doonayo maansooyin ay ka mid ahaayeen: "Waxba dhoowran meynee cirkow dhagaxya soo daadi"! Daljire oo aad u necbaa in Jirjirooluhu uu magaalo weyn soo galo ayaa waa ku beryey. Wuxuu Daljire dib ugu noqday taariikhihii hore iyo sidii ay dadyowga dunidu ula dhaqmeen marka jirjiroole ka buuxsamo magaalo weyn oo uu weliba taageero ka helo shacabka deegaanka. Wuxuu Halyey Daljire akhriyey taariikhdii Dagaalii Sokeeye ee Mareykanka iyo sidii gobolada koonfureed loo caburiyey lagana hor istaagay riyadoodii ahayd gooni isu taaga, sidii Daraawiishtu u wiiqday gaala raacyada, sidii Turkigu u dulmaray Qubrustii la doonayey in afka lagu rito, sida Ingriisku u cabudhiyo oo uusan u ogolayn Ayrishka doonaya dibad u baxa iwm. 

Jaalle Daljire oo noloshiisa, hamigiisa iyo fikirkiisuba ay tahay ka difaacida dalka hooyo cadowga gudaha iyo ka dibeda ayaa Jirjiroole jiif cabee u galay. Halkaa waxaa lagu galaaftay maatadii iyo shacabkii nabada u deganaa inta uusan Jirjirooluhu saar-saar ku noqon. Jirjiroole oo aad u careysan, bacad cidla ahna taagan, sida dabangaalahana marba kor u taagsanaya si uu u ogaado in Daljire gabalkiis dhacay ayaa lagu wargeliyey in Faqashtii ay mid fiigta, mid faniinta iyo mid aan fiyoobayn ka dhigtay Jirjiroole USC iyo SPM.  Maalinkaa Jirjiroole SNM qamaamkii iyo fadalkii ka baxay waa la ogaa! Waxay SNM-tu timid beled ay ku nooshahay bulsha weyn Soomaaliyeed oo nooc walba leh, waxaana sida balka loo shafay bulshadii aan SNM ahayn. Waxaa lagu qamaamay xeryihii qaxootiga ee ay ku jireen maatadii ka soo qaxday Ogadeenya ee ku yaalay duleedka Hargeisa.  Halkan arag oo akhriso.  

Xasuuqyadaas rayidka aan waxba galabsan ee SNM-tu u horseeday dadkeeda iyo tii ay u geysatay kumaankunka aan u dhalan deegaandaas ay soo gashay ayaa waxaa mas’uuliyadeeda dusha looga tuuraa Daljire gudanayey waajibaadka ka saaran dalkiisa inuu ka difaaco cadowga gudaha iyo kan dibedaba. Waxaa beryahaan soo badanaya dacwooyinka loo geysanayo mas’uuliyiin jago sare ka hayey dowladii galbatay ee in badan ay maanta iska ilmeeynayaan marka ay soo xasuustaan. Mas’uulkii ay Daljireyaashu jeclaayeen ee weligii usoo taagnaa u adeegida waajibaadka ka saarnaa dalkiisa iyo dadkiisa ayaa waxaa maanta nala barayaa waa denbiile dagaal. Waxaa la soo dhoodhoobay in Gen. Cali Samatar uu yahay ninkii ka danbeeyey burburintii Magaalooyinkii Waqooyi iyadoo aan marnaba la sheegeyn in ay eeda leedahay SNM, tahayna in madaxda SNM-ta maxkamad la soo taago. Waxaa in badan lagu soo eedeeyey ama meela badan lagu qoray in SNM-tu qoriqaadkeedii hore iyo markii ay Beled-Amiinkii soo galeenba ay dadka xasuuqayeen. Waatan warbixintii uu ka diyaariyey Michael Johns.

"Nonetheless, the number of accusations against Siad, coming  from diverse sources, leave little doubt that a very serious human rights  problem exists in Somalia. But such abuses are not restricted to the governments.  Somalia's major armed rebel movement, the Somali National Movement, also  has been criticized for violating human rights. According to Gersony:  "During the first three months of its 1988 offensive in northern Somalia,  SNM combatants killed unarmed civilians in individual instances which together may have resulted in the deaths of at last several hundred or more persons  . . . . 

During its presence in Burao (in northern Somalia), the SNM conducted summary executions of fifty or more prisoners, some after perfunctory court martials." 

(n16) The fierce tactics of both the government and the SNM in  northern Somalia have forced some 400,000 Somalis to seek refuge in Ethiopia. [Eeg halkan

Jirjiroole SNM oo waayadii hore waxay gumaaday aan cidi iswaydiin ayaa maanta ku fashilantay in ay adduunka ku maslaxdo kuna sasabato in ay tahay Dimuqraadiyad aan la mid ahayn Soomaalida kale ee waxshiga ah. Waxaase la yaab leh meesha ay cadaawadu ka gaadhay iyagoo u dhiibay cadawga Soomaaliya dadyow badan oo masaakiin ah oo u arka in Hargeisa ay tahay dhulkoodii kuwa kale oo badana soo masaafuriyey soona tubay maato, carruur iyo duqow banaan cidla ah oo halkaasi ay ku dhamaadeed dad aad u badan. 

 Waxaa kaloo jeelasha uu maamulo ninka ku caanbaxay gumaadkii Reer Waqooyiga ee ahaan jiray NSS uu ka buuxiyey dadyow fara badan oo aan u dhalan Goboladaas ama kuwo u dhashay oo diidan riyadooda ay ka dhex arkeen sunta cagaaran. Waxaa kaloo xusid mudan sidii ay ula dhaqmeed maxaabiistii dagaal ee la qabtay iyagoo difaacaya dalkooda iyo qaranimada Soomaaliyeed diidana in wadanka la kala gooyo. Waxaa nimankaas qaar ka mid ah lagu dhex laayeen xabsiga Burco kuwii kalena ay la taahayaan hawlaha ay ku caan baxday NSS-tu. Waxaa wax dhaqan, diin, aadnimo ka fog ah markii Daljirayaashaas laga soo saaray maydkoodii oo dhiigii ka daadanayo Tv. Hargeisa: "Waxaanu maantana idiin haynaa Faqashtii oo dhiigu ka sayrmayo…..". 

Waxaaba intaa ka sii daran tan haatan taagan ee ah in madax furasho loo haysto gabadh yar oo la silic mardaamiyey. Runtii gabdhaha Soomaaliyeed meel walba waa ku dhiban yihiin, laakiin arrinta ZamZam ayaa ah mid u dhexeysa SNM Dawlad ah iyo Saqiir yar oo waxay galabsatay aan la garanayn. Waxaan isleeyahay NSS-tu maadaama ay sanooyin badan xagga maanka iyo muruqaba ka jafaysay SNM-ta, maanta oo NSS-tii ay madax tahayna Jirjiroole SNM ma hadli karaa? Alla maxay Raaqiya ka digtay! Bal ila akhri qoraalkan: [Eeg halkan

Waxaa kaloo ay kooxdan mudiciga ahi ee magacyadooda qarisay ku doodayaan in marxuumiintii xaqdarada lagu laayey ee Jaziira uu ka danbeeyey Gen. Cali Samatar. Laakiin waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah dadkani lagu xanto in  ay dad badan oo rayid ah ku laayeen Muqdisho markii ay dowladii burburtay iyagoo u aargudaya marxuumiintii Jaziira!. Waxaa kaloo xusid mudan in qolyahan qaylinayaa ay maalinba meel ku nasiibsadaan. Kal hore ayay ahayd markii ay Madaxweynihii hore ee C/ Qaasim ay ku eedeeynayeen inuu arrintaas xasuuqa ah ku lug lahaa, maantana waa Generaalka. Webkii uu qoraalku ku qornaa waxaa uu hawada ka baxay intii la qoray qoraalkan ka dib qoraalkii ku qoranaana ka [Akhri halkan] 

Sidoo kale ayaa Cali Duul-duulayaashani ay kal hore sheegeen in ninka burburiyey Magaalooyinka Waqooyi uu ahaa Gen. Gaani, maantana waa Cali Samatar. Webkii uu qoraalku ku qornaa waxaa uu hawada ka baxay intii la qoray qoraalkan ka dib qoraalkii ku qoranaana ka  Halkan ka akhri. 

Haddaba waxaan halkan ka cadeynayaa in aanan marna ku faraxsanayn qof biniaadam ah oo aan dambi lahayn in waxyeelo loo geysto. Reerka Soomaalna maanta meel u fiyoow baaba iska yar. Laakiin waxaan khalad u arkaa in mas’uul dawladeed maxkamad la soo taago iyadoo lagu eedeynayo Xasuuq iyo xadgudub, isla markaana fidnawadayaashii bilaabay dhibaatada oo iyaguba xasuuq ba’an sameeyey loo aqoonsado Mujaahidiin ayna madax u yihiin masaakiintii ay xabada isaga dhigeen. Waxaan kaloo arkaa in Gen. Cali Samatar loo xushay in magac iyo mansab lagu raadsado ama layska dhaadhiciyey inuu ka soo jeedo qoys aan tiro iyo tabar lahayn sida ay ila qabaan ee ay soo qoreen dadyow badan oo qalbi furan.  [Halkan akhri

Laakiin, ogow in Generaalku uu yahay nin Soomaaliyeed oo qadiyad iyo wadaninimo leh, SNM iyo Soomaalina, Soomali baa badan! Soomaaliduna aad ayay u taageersan tahay samata bixinta halyeygooda sidii laysugu dhaarsaday shirar badan oo ka dhacay meelo badan oo kala duwan oo uu ka mid ahaa   kii ka dhacay Magaalada Minneapolis. 

Waxaan ku soo gabagabeynayaa Sidii Halyeygii Ayax Dhowre uu yidhi: 

  • Qalbi ma lihid shaydaan hadduu qaalib kaa yahaye 

  • Fara yari ninkii iga damcaa waw quluub xuma-e 

  • Waa qawlal low kaaga dhacay talada qaarkeede 

C/rahman Eelay  eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005

Qoraaladii Hore ee Eelay...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD