|
MARKAY EEBBE JECLAADEEN BUU
ASNA JECLAADAY
Waxaa laga soo guuriyey Kitaabka "
Dhaqankii dadkii ehlu khayrka ahaa"
Waxaa Ingiriis ku baddalay Shiik Axmed
fariid,
Waxaa Soomaali ku tarjumay,
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
BISMILLAAH ARRAXMAAN ARRAXIIM.
Assalaamu calaykum,
~ SHIIKH kamid ahaa dadkii Alle doortay
ee hore wuxuu yiri: Xigmadda waxaa lagu qurxiyey saddex arrimood: "Ka
qoomamayn kaddib markii dambi lasameeyo, caloosha oo aan aad loo buuxin,
iyo in had iyo jeer lala fariisto kuwa saddex kufuray adduunka".
~ IMAAM ASH-SHAAFICI: Allaha unaxariistee wuxuu yiri: " Qofkii
dadka hadalladooda kuu soo guuriya hadhoow buu adna hadal kaaqaadaa,
qofkii dadka kugu ag-xanta hadhoow buu adoo maqan ku xantaa, Qofkii
markaad raalli gelisid kugu sheega wax aadan ahayn, hadduu hadhoow kaa
xanaaqana wuxuu kugu sheegaa wax aadan ahayn (oo xumaan ah)"
~ FUDAYL IBNU CIYAAD: Allaha
unaxariistee wuxuu yiri: " Qofkii eed-sheegashadiisu badato
saaxiibadiisaa yaraada"
~ IBRAAHIIM AN-NAKHACI: Allaha
unaxariistee wuxuu yiri: " Haddii aad eegtid meelaha laysugu
yimaado(oo khayrka leh), qofka ugu sharafta badan meeshaas weligiis waa
kan aammuska badan, maxaa yeelay aammusku wuu qurxiyaa qofka caalimka ah,
wuxuu kaloo yareeyaa dhacdhaca qofka aan cilmiga lahayn".
~ MACRUUF AL-KIRAKHI: Allaha
unaxariistee wuxuu yiri: Haddaad aragtid qof mar walba isaga-hadlaya wax
aan Alle raalli ka ahayn, taasi waxay calaamad utahay in qofkaas uu
Ilaahiis ka siijeestay".
SHIIKH horana Allaha unaxariistee wuxuu
yiri: " Qofka markii hadalkiisu kordhaba waxaa bata dhac-dhaciisa".
~ SUFYAAN ATH-THOOWRII: Allaha
unaxariistee wuxuu yiri: " Walaalkaaga Muslimka ah markuu kaa
maqanyahay khayrkiisa sheeg, sida aad adiguba ujeceshahay in lagaa sheego
khayr marka aad maqan tahay".
SHIIKH kamid ahaa dadkii hore ee khayrka
badnaa wuxuu yiri: " Qof idinka idinka mid ihi wuxuu ogyahay
ceebtiisa, laakiin wuu jecelyahay, hayeeshee wuxuu walaalkiis oo muslin ah
ku nacayaa war laga sheegay, taasina xaq maaaha".
~ ASH-Shacabi: Allaha unaxariistee wuxuu yiri:" Qofka qodqoda
ceebta walaalkiis, walaalo la'aan ayuu soo baxaa".
~ SUFYAAN ATH-THOOWRII: Allaha unaariistee: Waxaa layiri haddii uu
miskiin soo garaaco albaabkiisa aad buu u farxi jirey, wuxuu oran jiray:
" Soo dhawoow waxaad tahay mid uyimid inuu dambigayga iga dhaqee"
~ FUDAYL IBNY CIYAAD: Allaha unaxariistee wuxuu yiri: "
Masaakiintu waa dad aad u fiican, maxaa yeelay waakuwa risiqayaga qaada oo
kaddib ku rida kafadda xasanaadka ee taalla Ilaahay hortiisa maalinta
qiyaame".
SHIIKH Kamid ahaa raggii hore ee khayrka
badnaa Allaha unaxariistee wuxuu yiri: " Ka dheeraanshaha meelaha
buuqa iyo dooddu kasocotaa waxay kamid tahay dhammaystirka dabeecadda
qofka".
DHAMMAAD TAXANIHII XIGMADDA LATARJUMAY.
~~~
~~~
Waxaan kadaba geynaynaa dhoowrkaan sadar
oo xigmadda ah iyana:
IMAAM XASAN AL-BASRII: Allaha
unaxariistee, ayaa wuxuu yiri Carabi ahaan: LEEYSAL IIMAANU BIT-TAMANNII,
WALAA BIT-TAXALLII, WALAAKIN MAA WAQARA FIL QALB WASADDAQAHUL CAMAL oo
micnaheedu yahay(iimaanku maaha wax layska rajeeyo helidiisa, wax laysku
dhedhejiyo ama laysku qurxiyana maaha, laakiin waa wax qalbiga ku sugnaada,
kaddibna camalfalku uu rumeeyo)".
Sidoo kale, Maalin baa Imaam Xasan Al-basrii
arkay wiil dhallin yaro ah oo aad uqoslaya, markaasuu wuxuu ku yiri carabi
ahaan: "HAL JUZTA AASIRAADH(Wiilyohow ma jidkii siraad baad gooysey),
wiilkii wuxuu ugu jawaabay maya, markaasaa Imaam Xasan yiri: "Hadde
maxaa qosolka kuugu wacan haddaadan jidkii siraad ee qiyaame aadan gooyn".
XIGMAD marka lasheego ma fiicna in aan
laxusin LUQMAAN AL-XAKIIM, oo ilaahayba quraanka kusheegay inuu siiyey
XIGMAD.
LUQMAAN AL-XAKIIM: Allaha unaxariistee, ayaa isagoo wiilkiisa
waaninaya maalin wuxuu yiri carabi ahaan: YAA BUNAYYA LAA YAKUUNANNA
ADDIIKU AKYASU MINKA YUNAADII BIL ASXAARI WA ANTA NAA'IM(Wiilkaygoow diiqu
yuusan noqonnin mid adiga kaa fiican, maxaa yeelay, salaadda subax ayuu
qaylinayaa diiqu, adiguna waad hurudaa"!.
Qaybtii hore.. GUJI HALKAN
Waxaa tarjumay,
Maxamed Axmed,
Toronto, Canada.
alhudaa1@yahoo.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2003
Isxisaabi
inta aan lagu xisaabin..... GUJI
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|