SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YAGOORI
Dariiqada Timawaynta oo aan umadda la Ciidin maalintii khamiistii

Waxaan u hoydey magaalada Burco habeenkii ciiddu soo gelaysey oo ku beegnaa maalintii khamiista 20 January 2005, waxaan ka jarmaaday intii aan salaadda subax la tukan, inkastoo aan keligay ku ahaa gaadhiga aan watey haddana ma dareemin wax baqdin ah oo aan ka ahayn dhurwaaga xilligii aan tukanayey salaadda subax oo aan ku beegmay meel hawd ah oo cidla ah.

Qorshahaygu wuxuu ahaa inaan ku ciido magaalada Laascaanood oo u jirta Burco 240KM anigoo ku qiyaasayey socodkayga 2:30hrs.
2-Million oo Muslimiin ah oo Arbacadii isugu yimid Carafat
» Marabtaa labo Sano ee Dembi dhaaf ah
» Caado Soomaali Dumisey Ciid-Al-Axdaa
Dhaammaan ka akhri halkan Jan 19

Goortii aan marayey tuulada Yagoori oo Lascanod dhinaca Burco ka xigta qiyaastii 50KM ayaan la kulmay niman culimo ah oo aan garanayey una diyaar garoobayey inay tukadaan salaaddii ciida, ka dib markii aan is bariidinay waxay iga codsadeen inaan salaadda la tukado iyaga oo aanan dhaafin, waana ka yeelay maadaama aan saaka markaan soo baxayey aan u soo diyaar garoobay tukhashada ciida.

Waxaase fajiciso iyo la yaab igu noqday ka dib markii aan ogaaday in dariiqada Timaweyntu ay go'aansadeen in aysan maalintaa dadka la tukan, sidoo kale ay dadkii tuulada deganaa ay ku qalqaalinayaan inaysan tukan maanta salaadda ciida.

Tuulada Yagoori waxay xarun u tahay dariiqada loo yaqaan Timaweyn ama Rabiiciya oo looga jeedo magaca ninka asaasay oo la yidhaahdo Maxamed Rabiic oo ilaa maanta ku nool xaruntiisa Yagoori. Waxay xarumo badan ku leeyihiin meelo badan oo wadanka ka mid ah, waxaana lagu gartaa timaha oo ay la baxaan raggu ka dibna ay labada dhinac u kala rogaan, waxay kaloo qaataan rag iyo dumarba tusbax madow oo aan bul lahayn, dumarkoodana way kala dagaalamaan xijaabka, dadka lama tukadaan haddiise ay kelifto waxay isku dayaan inay iyagu tujiyaan.

Way jiraan qaar aysan waajib ku ahayn inay timaha la baxaan, sida dadka ay u diraan siyaasadda iyo kuwa askarta ah, laakiin waa ku khasbanyahay inuu tusbaxa dariiqada qoorta ku sito.

Dariiqadan taariikh ahaan waxay ku beegnayd asaaskeedu xilligii uu Ingriisku gumaysanayey Somalia, waxaana la sheegaa in ninkan asaasay dariiqadani uu ka faliidhmay dariiqo kale oo weli ka jirta galbeedka Somalia ee hadda xabashidu weli gumaysato.

Ninkani dhalasho ahaan uma dhalan Yagoori, wuxuuna kasoo jeedaa beelaha dega galbeedka Somalia, hase ahaatee waxaa taabacsan dad badan oo deegaanka ah.

Dariiqadani sida la wada ogsoonyahay waxay xidhiidh wayn la lahayd dawladdii burburtay ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa, waxayna saami ku lahaayeen dhaqaalaha ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale waxay xidhiidh aan kaa ka duwaynayn ay la leeyihiin maamulkii C/laahi Yuusuf ee Puntland iyo kan Somaliland ba.

Taas waxaa cadayn la taaban karo maanta u ah goobta ay degan yihiin oo sida lawada ogsoonyahay labada maamul isku hor fadhiyaan ciidamo laxaad leh, iska hor imaadna ka dhacay, haddana ay weli iyagu hubkoodii oo nooc walba leh ay ku dhex haystaan iyagoo aan cadaysan inay qolana la jiraan ama ka soo horjeedaan!!

Sidoo kale waxay aad isugu taxalujiyaan inay hantiyaan dadka dhaqaalaha ay ku tuhmayaan si ay dhaqaalaha uga faramaroojiyaan xeelad kastaba ha isticmaaleene.

Dariiqadani waxay isticmaashaa farsamooyin badan oo ay dhaqaale ku hesho, qofkii aad ugu fiirsada wuxuu u fahmayaa inay yihiin koox hadafkooda ugu wayni yahay inay dhaqaale uruuriyaan.

Waxaa kamid ah farsamooyinkooda; inay ninba ninkuu ka aftahansanyahay u diraan tolkiis si uu xoolo uga soo uruuriyo, xoolahaas waxaa lagu magacaabaa siyaaro, waxaana lagu soo qaadayaa magaca shiikha, dadka xoolaha laga qaadayo waxaa loogu bushaaraynayaa inay xoolo iyo dadba helayaan, haddii ay ku gacan adaygaana waxaa loogu hanjabayaa inay xoolaha iyo dadkuba ka baaba'ayaan barakada shiikha awgiis. Xeelahada ay wax ku qaataan waxaa ka mid ah inay adeegsadaan sixirka iyo jinniyada, dadka iyaga raacsan ee dhaqaalaha leh ayaa ka muhiimsan kuwa culimada u ah maxaa yeelay iyaga waxbaa laga helayaa, waa u tirsanyihiin meel uu joogaba ninka jeebkiisu qoyanyahay.

Dhaqanka iyo Caqiidada Dariiqada Timaweyn

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay diin ahaan ugu dhaqmaan arimahan:

1. Wayneynta Shiikhooda Maxamed Rabiic: Waxyaalaha ay aaminsanyihiin oo ay dadka kula murmaan waxaa ka mid ah in Shiikhoodu meel ay joogaanba arkayo, sidoo kalana uu maqlayo waxa ay ku hadlayaan sidaa awgeed waxay si xadka ka baxsan uga baqaan shiikha inay soo hadal qaadaan.

2. Jimce iyo jamaaco midna ma tukadaan: waxaa la yaab leh in xarunta Yagoori ay ku leeyihiin ee shiikhoodu fadhiyo aysan masaajidba lahayn, waxay leeyihiin meelo waaweyn oo ay ku qaadaan xadrada qaadkana ku cunaan, salaadana mid ba mar buu iska tukadaa, sidoo kale lama arag timawayn jimce tukanaya, inay tukadaan iska daaye dadka ayayba kala dagaalamaan inay tukadaan.

3. Xajka oo ay la dagaalamaan: waxay iyagu sheegtaan in xajkii bidco qabsatay oo aysan banaanayn in la aado, laakiin waxaa cad in dadka iyaga taabacsan ay kala dagaalamaan inay xajka aadaan.

4. Sakada oo aysan bixin: xoolaha ay dadka ka qaadaan aad bay u badan yihiin, xoolahaas geel, adhi iyo lo'ba leh oo gaadhaya kumanyaal waxay ka aaminsanyihiin inaysan sako ku waajibin maadaama ay dariiqadu leedahay, sidoo kale dadka xoolaha ay ka qaadaan waa siyaaro ee sako maaha.

5. Adeegsiga sixirka iyo falka: waana ta ugu badan ee ay dadka ugu hanjabaan, dad badanina kaga baqaan, waxay sixirka ugu adeegaan dadka madaxda ah ee ay markaa la socdaan.

Silsiladdii Taariikhda Islaamka: Qaybtii 10aad

»Quwadda Sabarka ee Sugnaanshaha Dhalisey
»Marxaladdii saddexaad Ee Dawrka Makko
»Gaarsiinta Dacwada Islamka Meelo Ka Baxsan Gudaha Makko
»Rasuul Alle (scw) oo Daaif Jooga
»Islaamka oo Loo Bandhigayo Qabiilooyin & Shakhsiyaad
»Qabiilooyinkii Islaamka Loo Bandhigay
»
Guurkii Caaisho ... Dhammaan ka akhri halkan... Jan 17

6. La dagaalanka faafista tawxiidka, cilmiga, wanaaga iyo barashada quraanka iwm.

7. Cunista qaadka iyo faafintiisa.

8. La dagaalanka xishoodka iyo dhowrsoonaanta: Haddii aad meel ay ku badanyihiin tagto oo aad dumarka gacan qaadi waydid waxaa laguu qaadanayaa inaad bidco tahay.

9. Yaqiinta: Waxay aaminsanyihiin in qof ka shiikha aad daacad ugu noqda uu gaadhayo darajada yaqiinta, taasoo cibaadada oo dhan laga dul qaadayo markuu gaadho yaqiinta.

10. Khilaafka umadda: Had iyo goor waxay khilaafaan umadda sida aragtida bisha soon, maalmaha ciidaha iwm.

11. Faafinta jahliga: dariiqada dadka ka sheqeeya waxay badankoodu raacaan xoolaha shiikha, waana dad lagu shaqaysto oo adeega shiikha iyo reerkiisa oo dhan.

12. Guurka oo la xadido: Dadka dariiqada ka tirsani xoriyadooda uma guursan karaan ilaa loo fasaxo.

Qisooyin Dhab ah

1. Xilligii aanu salaada ciidda u fadhiney garoon tuulada ka baxsan ayaa waxaa na soo hormaray nin aan ku qiyaasay 50 jir oo timuhu u kala jeexanyihiin oo aan wadan go' iyo cimaamad midna, keliya wuxuu gashanaa macawis aad duug u ah iyo shaadh, ninkaasi wuxuu dabada ka waday lo' aad u buurbuuran oo farabadan kana soo dareertay xarunta shiikha oo aan sidaa nooga durugsanayn, dadkii garanayey waxay ii sheegeen inuusan weligii ninkaasi guursan muddo dheerna uu lo'da u raacayey shiikha.

2. Waxaa kaloo jirey inan aan garanayo oo dhowaan la keenay xarunta oo isagu nasiib u helay inuu shiikha geela u raaco, waxaana loo diray Wardheer oo beryahan dambe xoolaha badankoodii loo wareejiyey, inankaasi ka dib markuu sanad ka maqnaa reerkoodii ayaa loogu warkeenay hooyadii in inankii isagoo waalan ku xidhxidhanyahay xarunta Yagoori oo ay tahay inay soo kaxaysato inankeeda !!

3. Reer hebel haddii aad 100 halaad keentaan waxaan idin le'ekaysiinayaa reer hebel oo waad tarmaysaan waa qiso kale oo dhacday, ka dib markay keeneen waxay sugayaan maanta inay dhowaan tarmaan oo gaadhaan reer hebel !

Qoraalkani maaha daraasad tafatiran oo si qota dheer uga turjumaysa dariiqadan iyada (Timoweyn), sidaa darteed waxaan ka codsanayaa waxgaradka umadda Somaaliyeed inay wixii macluumaad ah ee ay ka hayaan dariiqadan iigu soo diraan emailkan: jamaalm@gmail.com 

Jamaal Maxamed
jamaalm@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraagaku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 23, 2005

WAHAABINIMO MISE ISLAAMNIMO? [Q.2aad]

HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD