Saadaal laga bixinayo Qofka uu C/laahi Yuusuf u magacaabi Doono Ra'iisul
Wasaaraha Somalia.
Cabdi Casiis M. Guuleed "Afrika"
abdiazizafrica@hotmail.com
Mogadishu, Somalia
Inkastoo ay adag tahay in Saadaal laga bixiyo Qof aan wali Miiska la soo
saarin haddana waxaa illaa iyo hadda socda La Tashiyo uu la leeyahay
Madaxwaynaha Cusub ee Somalia Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo
Siyaasiyiin aan ka mid ahayn Baarlamaanka oo uu kala tashanayo Qofkii uu
umagacaabi lahaa Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Somalia.
Xeel Dheerayaasha Siyaasadda Somalia ayaa sii saadaalinaya in Madaxwaynaha Cusub uu Saddex qof
midkood uu u magacaabi doono inuu noqdo Wasiirka Koowaad
ee Xukuumadda Ku Meel Gaarka ah ee Somalia. Waxaana Saddexda Qof ee loogu
hadal haynta badan yahay ay kala yihiin Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed
Dheere", Xuseen Maxamed Caydiid, iyo Maxamed Qanyare Afrax.
Inkastoo Jagaddan loo magacaabi karo Siyaasiyiin aan Saddexdanba ahayn
haddana waxay hadal hayntu u badan tahay in Saddex Nin Midkood loo magacaabi
doono Jagadda Ra'iisul Wasaaraha Somalia. Waxaana Saddexdan Nin uu mid
kastaa Heshiis hoosaad horay ugula galay C/laahi Yuusuf in haddii uu ku soo
baxo Jagaddan inuu u magacaabo Ra'iisul Wasaaraha Somalia.
Su'aasha taaganse waxay tahay Saddex Nin mid kastaa Miisaan intee le'eg ayuu
ku leeyahay Gudaha Somalia. Muxuuse soo kordhin karaa haddii xilkan loo
magacaabo. Waxay Dadku ka bixinayaan Fikrado kala duwan. Inkastoo aanan mid
mid u soo xigan doonin Magacyadda Dadka sii odorasaya Mustaqbalka
Siyaasadeed ee Saddexdan Nin waxaan Haddana si kooban u eegaynaa Awoodooda
iyo Miisaankooda Siyaasadeed ee ay ku dhex leeyihiin Koonfurta Somalia.
Maxamed Dheere.
Maxamed Dheere waxa uu ka mid ahaa Musharixiintii la tartantay C/laahi
Yuusuf ee ku haray Wareegii Koowaad ee Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana uu
ka mid ahaa Golaha SRRC ee ay Itoobiya taageerto oo C/laahi Yuusuf oo ka mid
Xubnihiisa.
Maxamed Dheere waxa uu heshiis hoose billawgii Shirka kula galay C/laahi
Yuusuf inuu u magacaabo Jagadda Ra'iisul Wasaaraha Somalia haddii uu ku
guulaysto Jagadda Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana Maxamed Dheere laf
ahaantiisu Waraysi uu Habeenkii Xalay ahaa siiyay Iddaacad FM ah oo Jawhar
ku taala ku sheegay inuu rajaynayo inay hogaamiyaan inta ka dhiman Dawladda
mar haddii uu C/laahi Yuusuf ku guulaystay Madaxwaynanimadda Somalia.
laakiin Rajadii laga qabay in Jagadaasi loo magacaabo Maxamed Dheere waxaa
shaki galiyay markii uu Heshiis la galay C/qaasim Salaad Xasan intii uu
socday Ololaha Musharixiinta Madaxwaynanimadda Somalia. iyadoo wixii
waqtigaasi ka dambeeyay uu Maxamed Dheere badalay Mawqifkiisa kuna dhawaaqay
in Beelaha Hawiye ay Xaq u leeyihiin inay helaan Jagadda ugu saraysa
Somalia. sidaas darteed Rajadda laga qabi karo in Jagadaasi loo magacaabo
Maxamed Dheere waxaa la oran karaa waa 60%.
Maxamed Dheere Beel ahaan waxa uu ka soo jeeda mid ka mida Beelaha Awooda ku
leh Muqdisho. Waxaana ay isku beel yihiin Ganacsato Awood leh isla markaana
gacanta ku haya Illo Dhaqaale oo Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Abuukar Cumar
Cadaan oo Maamula Dekadda Ceel Macaan, iyo Bashiir Raage oo Maamula Garoonka
Cisaleey. Iyadoo la aaminsan yahay in haddii uu ku guulaysto Jagadaasi in
Maxamed Dheere uu taageeri ka heli doono Ganacsatadaasi.
Maxamed Dheere waxa uu Maamulaa Qaybo ka mida Gobalka Shabeeladda Dhexe oo
uu ku faano inuu ka dhigay Goob Nabdoon. Laakiin waxaa lagu tilmaamaa inuu
yahay Nin Hogaan Ad Adag oo aan ka dabcin Mawqifkiisa. Waxaana Goobaha uu ka
taliyo ay Dadku ka cawdaan Qaabka uu Maamulkiisu u shaqeeyo iyo Canshuuro
Xad Dhaaf ah oo uu ka qaado Dadka ku dhaqan Deegaanadda uu ka taliyo.
Maxamed Dheere oo haatan Xubin ka ah Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa
haddii aan loo magacaabin Jagadda Ra'iisul Wasaaraha waxaa la filayaa inuu
noqdo Wasiirka Arrimaha Gudaha. Inkastoo Jagadaasi laftigeeda ay jiraan
Siyaasiyiin kale oo ku haminaysa in loo magacaabo isla markaana ay isku hayb
yihiin Maxamed Dheere.
Xuseen Maxamed Caydiid.
Xuseen Caydiid Waa Nin Dhalinyaro ah oo Siyaasadda ku soo biiray markii uu
dhintay Aabihii Marxuum Gen Maxamed Faarax Caydiid. Waxaana uu ku hantay
Mansabka Siyaasadeed ee uu jooga Wadadii uu Aabihiis u jeexay oo ahaa
Hogaamiyaha Koonfurta Muqdisho.
Xuseen Caydiid Waxa uu laf ahaantiisu ka mid ahaa Musharixiintii ku hartay
Wareegii Koowaad ee Tartanka Madaxwaynanimadda. Waxaana ay taasi Niyad Jabku
abuurtay Siyaasiga Da'da Yar ee isku haystay inuu Xaq u leeyahay Hogaaminta
Dalka Somalia. isla markaana uu Dalka u baahan yahay Hogaamiye Da' yar oo
Habeen iyo Maalin u soo jeedi kara Xallinta Mashaakilka ka jiraSomalia.
Xuseen Caydiid waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Heshiis Hoosaadka kula
galay C/laahi Yuusuf inuu u magacaabo Jagadda Ra'iisul Wasaaraha haddii uuku
guulaysto Madaxwaynanimadda Somalia. Waxaana uu ka mid noqday Xubnihii ugu
horeeyay ee taageera Madaxwaynanimadda C/laahi Yuusuf. Isagoo waliba kala
qayb galay Madaxwaynaha Somalia Kulankii uu la yeeshay dhigiisa Kenya, Mwai
Kibaki.
Xuseen Caydiid Beel ahaan waxa uu ka soo jeeda mid ka mida Beelaha Awooda ku
leh Muqdisho. Waxaana uu Maamulaa Xaruntii hore ee Madaxtooyadda Qaranka,
Wasaaraddii Warfaafinta, Taliskii Ciidanka Booliska iyo Goobo Istaraatiiji
ah. Waana taa midda keeni karta in loo arko Hogaamiye Muhiim ah oo Muqdisho
wax ka tari kara haddii loo magacaabo Ra'iisul Wasaare.
Laakiin waxaa la aaminsan yahay in Xuseen Caydiid Awood ku filan inuu helo
mooyaanee inuusan lahayn Diblomaasiyad uu ku kasban karo Taageeradda
Beeshiisa haddii loo magacaabo Jagadaasi. Waxaana Xuseen Caydiid oo ay isku
beel yihiin C/qaasim Salaad Xasan caqabad ku noqon karta sidii uu uga hor
yimid Dawladii uu Madaxda ka ahaa Ninka ay Beesha Wadaagaan marna Abtiga ugu
aadan. Iyadoo Jufadda C/qaasim iyo Taageerayaashiisu ay suurtagal tahay inay
ka hor yimaadaan Xukuumad uu horkacayo Xuseen Caydiid.
Xuseen Caydiid waxaa
sidoo kale ay Caqabadda ugu wayn ka soo wajihi kartaa
Ganacsataddii Shirkadda Barakaat Group of Companies oo Xuseen la aaminsan
yahay inuu lahaa Sababtii lagu xiray kadib markii uu Maraykanka u gudbiyay
in Shirkadaasi ay xiriir la leedahay Urur Waynaha Al-Qaacidda. Waxaana Mr
Caydiid uu u muuqdaa Siyaasi leh Hami Siyaasadeed. Laakiin Rajadiisa
Xilkaasi ku aadan ay le'egtahay 70%. Iyadoo la aaminsan yahay in haddii
Xilkaasi loo magacaabana inuu ka soo dhalaali karo.
Xuseen Caydiid ayaa haddii uu ku guulaysan waayo Jagaddan Ra'iisul Wasaaraha
waxay dad badan sii saadaalinayaan in loo magacaabi karo Wasiirka Arrimaha
Dibadda.
Waxaana Xuseen Caydiid uu haystaa Dhalashadda Dalka Maraykanka.
Isagoo ka mid ahaa Ciidamadda Mariiniska Maraykanka kuwooda Kaydka ah.
Laakiin wixii ka dambeeyay markii uu ka goostay Ciidamadda Maraykanka waxaa
yarayd Xiriirka uu lahaa Dawladda Maraykanka.
Maxamed Qanyare.
Maxamed Qanyare Afrax waxa uu ka mid ahaa Musharixiintii la tartamay C/laahi
Yuusuf. Waxaana uu ahaa Musharixii Saddexaad ee ugu codadka badnaa Wareegii
Koowaad. Isla markaana u gudbay Wareega Labaad kadib markii uu diiday inuu
tanaasulo. Waxaana uu Qanyare la soo baxay Miisaan Siyaasadeed oo aan horay
loo filayn intii lagu guda jiray Tartanka Madaxwaynanimadda Somalia.
Qanyare ma ahayn Hogaamiyayaasha Xiriirka wanaagsan la leh C/laahi
Yuusuf.Iyadoo tan iyo Billawgii Shirka uu ka mid ahaa Hogaamiyayaasha
Caqabadda ku ahaa Hamiga Siyaasadeed ee C/laahi Yuusuf. Wuxuuna ka mid ahaa
Koox la baxday G-8 oo billawgii Shirka ku bahoobay inay ka hortagaan C/laahi
Yuusuf Laakiin Xilli dambe ayeey Ciyaartu is badashay kadib markii Maxamed
Qanyare
iyo C/laahi Yuusuf ay isaga soo dhawaadeen dhinaca Siyaasadda.Maxamed
Qanyare waxa uu la xulufoobay C/laahi Yuusuf markii ay Saaxibadiis Muuse
Suudi iyo Cusmaan Caato ku biireen Isbahaysi la baxay Golaha Samata Bixinta
Qaranka oo looga dhawaaqay Balcad. Wuxuuna wixii waqtigaasi ka dambeeyay
Qanyare noqday Siyaasiyiinta ay isku mawqifka yihiin C/laahi
Yuusuf.
Laakiin Waraysi uu bixiyay Maxamed Qanyare xilliyo Xasaasi ah waxa uu u
muuqday Nin aan dhinacna haysan oo Saaxiibadiisii horana ka horay kuwa
cusubna aan la jaanqaadi Karin. Wuxuuse Qanyare ahaa Siyaasiga kaliya ee
Soomaaliyeed ee ay ku daba faylsantahay Beeshiisa oo dhan. Isla markaana
aysan jirin cid ka daba qaylinaysa.
Maxamed Qanyare ma jiro Heshiis hoose oo uu horay ula galay C/laahi Yuusuf.
Waxa uuna ahaa Siyaasi Hankiisa uu Runta ka fogaa oo aaminsanaa in la dooran
doono. Waana taa midda keentay inuusan wax heshiis ah la galin C/laahi
Yuusuf marka laga reebo inay ku bahoobeen Nacaybka Kooxo kale oo ay
Siyaasadda isaga soo horjeedeen.
Qanyare waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta is bad badalka badan ee hadba
Mawqifka qaata. Waxaana is bad badalkiisa Faraha badan ee ka soo billawday
markii uu Cali Mahdi kala soo goostay Jagaddii uu u magacaabay ee
Guddoomiyaha USC oo uu ku soo biiray Dawladdii Maxamed Faarax Caydiid ay
keentay inuu waayo Isbahaysi iyo Siyaasiyiin si dhab ah u aamina Ballamada
iyo Axdiga uu gallo.
Inkastoo uusan jirin Heshiis la ogyahay oo qeexaya in Maxamed Qanyare loo
magacaabo Ra'iisul Wasaare haddana heshiis hoose oo Habeenkii Doorashadda
Madaxwaynaha dhex maray isaga iyo C/laahi Yuusuf markii uu dareemay inuusan
u gudbin Karin Wareega Saddexaad ayaa la rumaysan yahay in loogu
ballanqaaday Qanyare in loo magacaabi doono Ra'iisul Wasaare haddii uu
Codadka Taageerayaashiisa ku biiriyo C/laahi Yuusuf taasoo keentay in
C/laahi Yuusuf uu Aqlabiyad Ballaaran ku helo Madaxwaynanimadda Somalia.
Waxaana Qanyare wixii waqtigaasi ka dambeeyay soo baxayay Tuhumo muujinaya
inuu Xilkaasi isku diyaarinayo. Inkastoo Waraysi uu BBC-da siiyay uu ku
sheegay in Xil kasta oo loo magacaabo uu ka fiirsan doono. Taasoo shaki sii
galisay Rajadda laga qabay in Qanyare uu ku soo baxo Jagadaasi.
Maxamed Qanyare Beel ahaan waxa uu laf ahaantiisu ka mid yahay Beelaha
Awooda ku leh Muqdisho. Inkastoo uu ku kooban yahay Deegaano yar oo Muqdisho
ka mida. Haddana waxa uu leeyahay Ciidan xoogan oo ka amar qaata iyo Goobo
Rasmi ahaan loogu aqoonsan yahay inuu ka taliyo. Waxa uu Maamulaa Garoonka
Dayniile oo ka mida Garoomadda Macmalka ah ee Diyaaradaha Jaadku ay ka
soodagaan.
Ma ahan Deegaanadda uu ka taliyo Qanyare kuwo Istaraatiijiyad ahaan loogu
xilan karo in loo dhiibo Ra'iisul Wasaare, mana laga fili karo Awood Beeleed
uu Muqdisho uga socod siin karo Dawladda lagu soo dhisayo Kenya. Waxaase la
aaminsan yahay in haddii la doorto uu ugu yaraan Wax dhaqaajin
karo.
Gunaanad.
Si kastaba ha ahaatee Jagaddan oo sida aan Billawgii Qormadaydaba ku sheegay
aan loo nisbayn Karin Saddexdan Siyaasi oo kaliya haddana waa kuwa loogu
hadal haynta badan yahay. Waxaase Hubaal ah in Ra'iisul Wasaaruhu uu ka soo
dhex bixi doono Beelaha Hawiye Shaqsigii doonaba ha ahaadee.
Madaxwaynaha Cusub oo illaa iyo hadda ay ku adag tahay Saaxiibadiis sidii uu
ugu qaybin lahaa Halka Jaggo waxaa looga baahan yahay in Shaqsiga uu
magacaabayo uu ka fiiriyo dhinac walba. Mana ahan Arrintu anigaa Warsangali
Abgaal ah oo Muqdisho Maalin ku qaban kara, iyo Anigaa Sacad ah oo Xafiiskii
Madaxwaynaha haya, iyo anigaa Mudan oo Murursade ah, kaagana hiiliyay Hawiye
ee Xuliddu waxay noqon doontaa mid dad badan lagala tashado oo laga eego
Qofka Jagaddan loo magacaabayo Miisaankiisa Ciidan, Siyaaso, Beeleed, iyo
Aqoontiisa gaarka ah. Waa inuu noqdaa Ra'iisul Wasaaruhu Shaqsi ka gadmi
kara Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulsho Waynta Caalamkaba.
Cabdi Casiis M. Guuleed "Afrika"
abdiazizafrica@hotmail.com
Mogadishu, Somalia
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2004