Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya.
Asad
Caddaani Ibraahim
Laascaanood Somaliya
assadlaska@yahoo.com
Sida aynu ognahay Soomaaliya waxay
dawlad La’aan Ahayd Muddo dhan Shan iyo Toban Sanno oo xidhiidh ah,
waxayna mugdiga ku soo kacaa ku faysay muddo iyana ku siman toban sanno
bur burka ka hor, waxaana intaas oo dhan jiray marxalado kala duwan oo
ay soo mareen bulshada Soomaaliyeed,Dagaalo sokeeye, Gaajo ay u ledeen
ama u dhamaadeen 350 kun oo qof, ayna ugu darnayd sannadii1992kii.
Xilligaas oo is caydhsigii Caydiid Iyo
Siyaad, uu keenay in Baydhabo laysla jiidhay loona bixiyey magaaladii
dhimashada, taas oo markhaati cad u noqotay bahal nimada Soomaali
dhexdeed halka uu gaadhay, taariikhda aduunkana gashay.
Waxaa kale oo intaas u dheeraa
jiritaankii Soomaaliya oo hawada u baxay, taas oo keentay in uu
maamuuskii qaran lahaa uu masaxmo iyana ay keentay in Soomaalidii
Karaamadeedii ,jiritaakeedii iyo dad nnimadeediiba u lumay.
Waxaa maanta la hadal hayaa in Ciidamo
la kiino, soo celiya nidaamkii iyo kala danbayntii, iyada oo laga
dhaxlay shirarkii hore ee marka laysku afgarto in maamulka la dhaqaajiyo
ba ay soo baxayeen kuwo laba masfac iyo hal suug, wata oo gaadhaan
gegida diyaaradaha , dekada , iyo goobaha dadku ku badan yihiin
dabadeedna la beegsada oo maalinba meel weerar ku qaada, dhiciseeyana
maamulkasta oo la soo dhiso sida , Kii Cali Mahdi, iyo C/qaasim oo
tusaale inoogu filan.
Iyada oo hadaba laga duulayo waayo
aragnnimadaa hadii la yidhi ciidamo isku dhafan oo shisheeye hala keeno
ilayn innagu is maqli weynaye maxaa ku jaban?.
Waxaa iyana jirtay in ummadda
Soomaaliyeed Beelaha Hawiye ee Muqdisho ku dhaqan u xayirnayd muddo dhan
15 sanno, taas oo Soomaali oo dhami lahayd noo taliya Laakiin ay
xaaladoodu ku soo biyo shubatay.
- Soomaali:- Reer Muqdishoow Noo
Taliya.
- Reer Muqdisho :- Idiin Talin
mayno,Tashanna mayno.
- Soomaali:- Aanu Idiin talino.
- Reer Muqdisho:- Noo talin maysaan.
- Soomaali:- Aan Kal Tagno.
- Reer Muqdisho:- Kala Tagimayno.
Oo ay reer muqdisho Hor iyo dabadiid
noqdeen, jeclaysteena in ay hantida sida fudud ku soo galaysa iska
gurtaan, gegida diyaaradaha ee nin waliba mid iska yeeshay,badeecadaha
cashuur la’aanta ku soo dega ee socda ilaa Afrikada Koonfureed, oo
dhamaantood ah Hanti qaran, waa arrin aanay Soomaali u sii
dulqaadanayn.
Waxaa iyana isweydiin mudan walaalkay
Fahad Yaasiin Kooxahan uu tilmaamayo ee Itixaad Al-Islaami, Salafiya
Jadiid,Salafiya Qadiima, Al-Islaax, iyo kuwa kale ee iyaguna qarsoon
miyaanay ahayn kuwo Fashilaad Siyaasadeed uu kaga habsaday Geeska afrika,
oo ilaa iyo xilligan aan joogno aan laha hayn wax Faa’iido ah oo aan ka
ahayn in ay shirkiyaadka la dagaalamaan, talaabooyinka kale ee ay
qaadaanba ay noqdeen kuwo aan la mahadin, laga Soo bilaabo Saliid Ilaa
iyo Luuq ,Baladxaawo iyo goobo kale oo tiro badan, maanta oo ay xaaladu
marayso sidii Guuguulihii, oo ay ahayd Guuguuloow Gaabso Yaan Gaadh
lagaa qabane , maxay Siyaasada Soomaaliya ka tari karaan aan ka ahayn in
ay Isqarxiyaan sida kooxa aan la aqoon ee ismiidaamiya.
Arrinta kale ee iyana la yaabka noqotay
waxa weeye, Itoobiya maxaa iyada kaliya ciidamada looga tilmaamay ,
Soomaali dhexdeeda ayaa Itoobiyaanka iska xun, iyadii ayaa qarankeedii
diiratay, oo maanta laba isku aragtiya aysan jirin, waxaadna moodaa
walaal kay Fahad Yaasiin in uu Muqdisho uun aragtida Siyaasadeed ee laga
qabo Ciidanka ay ku soo noq noqto maskaxdiisa , taas oo ay ugu wacan
tahay xidhiidhka Gaarka ah ee uu mindhaa la leeyahay Muqdisho, waxaa
haboonaan lahayd in uu Fahad Muusanowga ku yara daro xoogaa dheeli tir
ah oo uu Fikrada Dadka ku dhaqan Puntland iyo Gobollada dhexe, Bay Iyo
Bakoolna u tooga Hayo.
Maanta Soomaali waxaad moodaa inteeda
badani in ay Soo dhaweynayaan Kenida ciidamada shisheeye iyada oo aan
Itoobiya si gaar ah Sumad loogu yeelin,laakiinse ay jiraan Koox muqdisho
ku salaysan iyo qaybo ka mid ah warbaahinta Muqdisho oo aad ugu jibaysan
toosh ku ifinta Ciidamada Shisheeye, waxaana haboon in Fahad uu ogaado
in aanay Dadka Muqdisho ku nool ahayn Dad ku hadli kara Fikirka Bulshada
Soomaaliyeed ee ay yihiin qayb ka mid ah.
Ugu danbayntii anigu waxaan qabaa
Ciidamada Shisheeye oo Soomaaliya La keenaa ama Itoobiya Ha ku jirto ama
yaanay ku jirine, ay Dadka Soomaaliyeed ee qalbigooda uu ka dhintay waxa
la yidhaahdo qarannimadu ay yeelanayaan wax mideeya, isla markaana ay
soo yaraan karto kala qaybsanaantii hore u jiri jirtay.
Hal Soo dhaweeyo ayaan qabaa Ciidamada
Shisheeye, Itoobiyana waa run Cadow ayey inoo ahaan jirtay , laakiin
hada mindiyaha aynu inagu isu qaadanay ee isku qudh goynay , ee aynu
ilaa iyo maanta isu sidano ayaa ka soo soke maray, waxaan odhan lahaa
reer muqdishoow in badan ayey gacan tiina ku jirtay badbaadinta
qarannimada Soomaaliya , Maantana way ku jirtaaye hadaba sidii aad
kaalintiina u gudan lahaydeen falowgeed qabta, wixii horena halla
ilaawo.
Fahadna waxaan ku odhan lahaa Ururadan
Islaamiga ah ee aad Guubaabinaysidna , waxaan u malaynayaa in ay kaa
Caqli Badan yihiin , Guuguulihiiyoow Hadaad Gu’ga U ooyeydid, Oo aad
mooday inuu Kaligaa Gubayo Jiilaalku, Abaar Gaag mareebtaa dhacdiyo
Gaatamoo kale,…………………… Gaagaabso Yaan Gaadh Lagaa qabane , ayey adeer ku
jiraane cagta u dhig nimaankaas, mana aaminsani in ay maanta Soomaali
xamali karto Kooxo hadana isa soo maqiiqa , is qarxin iyo fawdo kale.
Intii hore inagu Filan.
Asad Caddaani Ibraahim
Laascaanood Somaliya
assadlaska@yahoo.com