Baarlamaanka FKMG ah oo
dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore.
BAARLAMAANKA IYO
XAALADDA SOOMAALIYA.
SIDEE WAX U DHACEEN
MAANTA!
Canab
Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Maarso 17, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama
canabmumtaz@hotmail.com
Baarlamaanka
FKMG ah oo dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore.
Gudoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa ku dhawaaqay in
baarlamaanku isku raacay in aan la keenin ciidamo ka socda
wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag
ah,waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay
in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la
geeyo soomaaliya,waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217
Waxaa diiday safka hore 156 waxaa ogolaatay in la keeno safka
hore 55 halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen,sidaas ayaana lagu
ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la
ah soomaaliya.
SIDEE
WAX U DHACEEN MAANTA!
Saakay tobankii iyo barkii
subaxnimo ayaa la furay kulanka baarlamaanka oo loo balansanaa
waxaana soo xaadiray xildhibaanada baarlamaanka oo dhan intii ku
sugnayd shirka,ugu horeyna waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka
shariif xasan sh aadan oo sheegay in maanta ay ka doodayaan
barnaamijka ay dowladdu keentay ee ku saabsan ciidamadda la
gaynayo soomaaliya.
Amaanka hotelka uu ka dhacayay
shirka ee Grand Regency ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la baarayay
soomaali walba noocii uu noono,waxaana hotelka banaankiisa iyo
gudahiisaba la keenay booliis si wayn ula socnaya dhaqdhaqaaq
walba oo meesha ka dhaca inta uu socdo shirkani,waxana banaanka
laga reebay odayaal badan bakoorado iyadoo looga baqayay in ay
waxyeelo isku gaarsiiyay marka codku dhamaado.
Gudoomiyuhu waxa uu ku soo
dhaweeyay wasiirka koowad ee dowladda FKMG ah Cali Maxamad Geddi
waxa uuna ugu horeyn wasiirka guda galay in uu aqriyo qodobadii
ay ansaxiyeen dowlada ee ku aadanaa ciidamadda la gaynayo
soomaaliya,waxana uu sheegay in dowladdu dalbatay ciidamo laga
keeno midaga afirka iyo jaamacadda carabta ee aanay u kala
saarin kuwa safka hore iyo kuwa IGAD.
Intaas kadib waxaa la bilaabay
in xildhibaanadu isku diiwaan galiyaan hadii ay ka doodayaan
barnaamijkaas ay dowladdu keentay,hadalo dheer iyo doodo ka dib
waxaa lagu soo gabagabeeyay in doodu u badan tahay in aan la
keenin ciidamo ka socdda safka hore ee IGAD.
Feerkii ka dhacay
codbixintii ciidamada shisheeye, Maarso 17, 2005 | Kenya
| Sawirka: AP
Gudoomiyuhu waxa uu intaas ka
dib u kala diray qaddo waxana dib la iskugu soo laabtay saacad
ka dib si loo bilaabo dooda xildhibaanadda wax yar ka dib waxa
gudoomiyaha dalbaday in ay 15 daqiiqo ka dib salaada casir la
isku soo laabto si loo gudagalo codka qarsoodiga ah,daqiiqadaas
gudahood waxaa dhacday in doodo badan ay dhex mareen
baarlamaanka waxana aad looga baqayay in dagaal dhaco waayo
hadalada meesh ka socday ma ahayn kuwo dabacsan ee mid walba
waxa uu soo bandhigay waxa uu hayay ku aadanaa ciidamadaas haday
wanaagsan yihiin ama xun yihiin.
Markii lagu soo laabtay hoolka
ayaa la soo dhigay goobta cod bixinta laba santuuq waxa uuna
gudoomiyaha u aqriyay baarlamaanka laba waraaqaha lagu codaynayo
sida ay kala yihiin iyo waxa ku qoran,waxaana ay kala ahaayeen
sida gudoomiyaha u aqrinayay,in loo codeeyo in ciidamo ka socda
midaga afrika iyo jaamacadda carabta la keeno soomaaliya oo lagu
qorayo HAA ama MAYA.iyo mid kale oo ay ku qornayd in la keeno
ciidamo ka socda jaamacada carabta iyo midwga afrika oo aysan ku
jirin safka hore,HAA ama MAYA.
Intaas markii uu gudoomiyuhu
sheegay waxaa hal mar isla qayliyay dad aad mooday in ayba is
ogaayeen kuna fooriyay gudoomiyaha iyagoo ku tilmaamay waxa uu
sheegay in ay tahay qalad,waxa ayna dadkaas qabeen in qaabkii
codaynta la badalay oo aysan ku jirin meesha in loo codeeyo
ciidamo safka hore ka socdda ee loo codaynayo oo kaliya
barnaamijka dowladda oo aan waxba laga badalin lagu ansaxiyo
sidiisa ama lagu diido(dowladdu kalama saarin ciidamadda la
gaynayo dalka waxa ay ka hadashay ciidan meel walba ka yimaada
in loo ogolaado dowladda).
Waxay gaartay nin walba taagtaa
iyo tabartaa waxaa jaanis isku helay rag ciil isku qabay
itoobiya rabay ama diidanaa,Gacan ka hadal kii ugu xumaa ayaa ka
dhex dhacay xildhibaanadda baarlamaanka,waxba ma doorinin dad
cadaawad ay daashay muddo Is baadi goobayay, mana aysan ahayn
kuwo waxyeelo gaarsiinaya hadba kii ka horyimaadee waxayba
gaartay in ay isku soo hiiliyaan,waxaana markii ugu horeysay
waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar badan oo ka mid ah
wasiiradda iyo baarlamanka.
Banaanka hoolka ayaa noqotay
meesha ugu darnayd oo ay ku dagaalamayeen xilhibaanadu waxaana u
taag waayay askartii oo dalbaday booliis amaanka suga,iyagoo
kala garan waayay mid ay qabtaan,xaalka waxa uu gaaray halkii
ugu xumayd oo aan horey loo arkin loona maqlin “aarlamaan laga
rabo in ay ummad isku keenaan hadii ay sii kala fogaanayaan
maxay ka qaban karaan xaaladda dalka soomaaliya oo ay
sheeganayaan mas’uuliyadiisa”hadaladaas waxaa kuwo ka imaanayay
dadka ajnabiga ah ee daganaa hotelka uu ka dhacayay shirka.
Xildhibaan Cali Baashi ayaa
noqday kan ugu dhaawac darnaa waxaana bakoorad kula suuxay
xildhibaan kale,waxyar ka hor ayuu baarlamaanka ka sheegay in
dadka amxaaradda raba ay iyaga iyo kuwa diidanba u siman yihiin
cadawna u noqon doonto ee la iska daayo safka hore isagoo
cabirayay fakarkiisa.
Gudomiyaha baarlamanka,ku
xigeenadiisa iyo wasiirka koowaad ayaa la waayay meel ay jaan
dhijeen dagaalka xumaa oo meeshaas ka dilaacay awgiis,waxaana
laga cabsi qabay in laftooda lagu daray dagaalka iyo feerka u
dhexeeyay baarlamaanka.
Waxaa lagu kala tagay iyadoo
qaar badani ay la hoyadeen ciil iyo jug halka kuwo kalena ay ku
faraxsanaayeen in aan loo codaynin ciidamadda dhiigoodu haba ku
baxee inaan soomaaliya ciidamo itoobiya loo gacan galin waxaana
hadalkan ii sheegay mid ka mid ahaa baarlamaanka oo lug ka socon
laa,waxana alla mahadiis ah in uusan halkan oolin hub ee waxaa
shaki la'aan ahayd in la isku adeegsan lahaa.
Halkan ka daawo Baarlamaanka
oo kuraas isla dhacaya....
BAARLAMAANKA IYO XAALADDA
SOOMAALIYA.
Baarlamaanka iyo dowladda FKMG
ah waxa ay ka kooban yihiin 275 waxa ayna matalaan ummadda
soomaaliyeed iyagoo ka soo baxay shir socday muddo ka badan laba
sano,dhisamahoodi waxaa ka soo wareegtay muddo lixbilood ku
dhaw,illaa waqtigaasna wax ay qabteen ma jirto sababo badan
awgood oo ay ugu wayn tahay in aysan haysanin meel ay ka
howlagalan iyo qarash,tan ah in ay ka seexdeen ayaa ah in aysan
wali shacabka ku qancinin barnaamij Nabad galyo iyo dib u
laabasho,labadan golle ee matala qaranka soomaaliyed waxa ay ka
badin waayeen in ay dhexdooda isku mashquulaan una kala saftaan
dowladd iyo baarlamaan iyagoo meesha ka saaray in ummadi sugayso
oo ay mas'uuliyad saaran tahay.
Somaaliya waxa ay ka koobneyd
shab qaybood sida ku xusan calanka soomaliya,ka hor gumaysigii
laakiin hadda waxa ay ku kala maqan tahay wadamadda dariska la
ah kadib markii ay yimaadeen dalka gumaysato reer yurub ahi
waxana laga hayaa laba qaybood oo aan laftooda amaan iyo midnimo
buuxda ka dhex jirin,malahan illaa hadda xoog midaysan oo xitaa
la'iskugu keeno labadan qaybood ee hadda la hayo.
Somalia MPs meeting ends in bloody fight
Dalalka dariska la ah
soomaaliya sida itoobiya iyo kenya ayaa ah meelaha uu gumaysigu
siiyay dhul iyo dad soomaaliyeed una sharciyeeyaym,laakiin
soomaalidi joogtay 1962 shirkii lagu qabtay masar ee looga
hadlayay dhulkii uu gumaysigu ka tagay kuna maqan dalalkan ayaa
loo soo bandhigay in ay iska daayaan waxii gumaysigu
qaybiyay,balse somaliya waa diiday iyagoo sheegay in ay dagaal
wadayaan inta ay ka helaan dhulkoodaas.
Isku daygii ugu horeeyay ee ay
soomaalidu ku raadinaysay dhulkaas ka maqan waxa uu dhacay 1964
,laakiin wax badan laguma guulaysanin,midkii ku xigay ayaa
dhacay 1977 waxaana ay soomaalida gacanta ku dhigeen dhulalkaas
balse ma noqonin kuwo ku waara oo quwaddo ka badan ayaa ku
qasbay in ay ka baxaan ciidamada soomaaliya halkaas.
Intaas ka dib waxa ay ku
waramayaan dad taariiq yahano ah in dalka itoobiya uu guda galay
sidii uu abuuri lahaa jabhado mucaarad ku ah dowladi milatariga
ee soomaaliya ka dhacday 1991 si ay dhexdooda iskugu mashquulaan
waana kan taagan illaa hadda in waxwalba ay ku dhamaadaan is
fahmi waa loona kala baxo sida hadda socota waana mid socon
doonta inta laga helayo soomaali uu shaqaynayo caqligiisa kana
badbaaday sunta qabyaaladda ALLE yaqaana ah.
Wali
dowlada dhinaceeda wax war ah kama soo baxin dowladda oo ku
saabsan dagaalkan iyo sida uu u dhacay codkaba waxana la filayaa
bari in ay ka soo saarto hadal ku saabsan codayntan.
Qore:Canab
Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Maarso 17, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama
canabmumtaz@hotmail.com
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino... iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...