SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Geeddi: Hadday Xamar igu soo Dhoweeyeen, Anigu Xabashi ma ku soo Dhoweynkaraa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

 Nin Mele Zenawi macallin u yahay; C/hina madaxweyne; Maxamed-dheerana uu meesha uga baxay; Muuse Suudina uu mucaarad ku yahay; Muqdishana ay magaaladiisii tahay wax kasta ka filo. 

Haddii Geeddi Muqdisho iyo Jowharba uu tagay oo dadweyne intaas le’egi soo dhoweeyeen muxuu u rabaa inuu ciidamo shisheeye Jowhar keeno? Yuu Jowhar uga baqayaa? Ma Maxamed-dheeruu iska waardiyeynayaa? Ma dadkii reer Jowhar ee riwaayadda u dhigay soona dhoweeyey baa Xabashi iyo kuwo Yugaandha u dhashay la iskaga dhigin?  

Madaxweynaha Maraykanka, Bush iyo Tony Blair ka Britian midna ma heli karo shacab intaas le’eg oo isu soo baxa si ay u soo dhoweeyaan. Qof kasta waa la socdaa tartankii doorashooyinkii madaxweynanimada ee Maraykanka 2004-tii; markasta oo Bush, boqolaal ka mid ah xisbigiisa oo cabsan ku soo xaraysto meel; waxaa jira kuwo ka badan oo muddaharaad ka dhan ah ka sameeya hadba magaalada uu markaas joogo. 

Haddeertaan ooy maalmo naga xigaan doorashada xubnaha Baarlamaanka ee dalkan Britian; waxaadan ilsaarayn ra’iisul wasaarihii Britian meel uu ka baxay. Waxaan xasuustaa sanooyin hore, adoo raba inaad masaajid gasho baa waxaa kaa horimaanaya ra’iisal wasaaraha ama madaxda mucaaradka! Adoo yaabban oo is leh ma muslimeen ayaad ogaaneysaa inay iimaamka masaajidka u dhiibeen warbixin ku saabsan qorshaha ay doorashada ku galayaan “manifesto” , sidoo kalana ay cod ka rabaan muslimiinta! 

Sidii uu Blair udabo-orday Bush, waxaa ku adkaatay inuu dadweynaha soo hor-istaago. Dagaal-oogayaasha iyo madaxda dunida seddexaad keliya ayaa ku dhaca inta dadkooda xasuuqaan inay haddana sheeko-xariir ku hor akhriyaan. Ogoow haddee Tony Blair kama baqayo in la dilo ee wuxuu ka baqayaa inay haweeney xanaaqsani  ukun ku tuurto ama lagu orsho ama su’aal uusan jawaab u hayn la weydiiyo. Si aysan taasi u dhicin, wuxuu goostay in hadba inta dhowr ardey ama qof loo soo xulo meel loogu xareeyo dabadeedna sidoo kale dhowr weriye inta la casuumo ay filim ka qaadaan hadhowna taleefishinnada iyo raadiyayaasha laga soo daayo. 

Waxaan xasuustaa macallimiintii loo yaqaanay Biibii oo loo diyaarin jiray inay ubadka Soomaaliyeed ay waxbaraan oo barbaariyaan in lagu xaraynjiray xerada Xalane ooy xukumeen saraakiil ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tirsanaa. Waxaan filayaa in saraakiil hoos hoose ay horjoogayaal u ahaayeen macallimiinta. Bal adigu suureyso macallimiin lagu gaardisiinayo garoonkii Qalbi-dile ee ku daalay Xalane? Qof qalbi-dile kasoo qalinjabiyey, ma u maleyneysaa in lagu aamminikaro qeybta ugu muhiimsan bulshooyinkoo dhan, dhallaanka/ubadka? 

Soow meynaan arki jirin cunug yar oo inta waalidkii dhalay u dadaaleen oo canjeelo iyo saliid cadday soo siiyeen (ileyn dadka badankiisu danyar bay u badnaayeene) uu macallin Biibii ahi leeyahay dhagaha qabso! Waa ciqaab aan dhallinyaro lagula tacaali karin iska daa carruure. Macallinka Biibiida ahi wixii Xalane looga soo jaray buu carruurta ka jeebi jiray. Inkastoo dhallaanku ay macallimiinta u istaagi jireen haddana dhallaanku ma helin xannaanadii la rabay. 

Dhallaankaas canjeelada laga matajiyey waxay qaadeen falsafad ah waxaan hooyadood soo siin in loogu yeero waxa dowladda. Waxaa ugu caansanaa GD oo laga wado gaadiidka dowladda. Waxaa jirtay marka ilmuhu dhammeeyaan sanad-dugsiyeedkaas oo la rabo inay dib u ceshaan buugtii waaweyneyd ee aan waalidkood siin laakiinse ka soo gaaray dhinaca iskuulka (text books) inay ku ciyaari jireen banooni/kubbad iyagoo u qaba buug-dowladeed! Waa buugaagtii uu beri isticmaalilahaa kan halka sano ka yar ee walaalkiis ama walaashiis ahayd. Hadda qof la arko wuxuu u arkaa waxaan qoladiisa ahayn tuugo, maangaab, wax-iskuma-falayaal, laangaab iyo wax la mid ah. 

Cagligu wuxuu keeni lahaa in macallimiinta loo diyaarinayo dhallaankaas wax lagu baro meesha ugu fiican meel wax lagu barto hadday diin ama maaddi tahayba. Waxaa la rabay in la baro sidii suubbanihii, nabi Muxamed (SCW) uu dhallaanka ula dhaqmi jiray. Soow nabiga (SCW) isagoo tukanaya, gabar yar oo awoowe uu u yahay kama dhigan daabbad oo dusha ugama bixin? Nabigu (SCW) wuxuu diiday inuu sujuudda ka kaco iyadoon ka bogan. Soow Isagoo (SCW) Jimce ka khudbeyna masaajidkiisa, mey soo gelin Xasan iyo Xuseen (RC) oo ku dhacdhaca safafka dhexdooda dabadeedna inta naxariis is-heynwaayey mimbarkii kama soo deign oo kor uma qaadan? Yaa maqlay nabi Muxamed (SCW) oo carruur xaarxaarinaya iska daa inuu ciqaabo ama garaacee? Ma jirto. Marka laga reebo dad yar oo muslimiin ah oo Ilaahay u naxariistay waxaa xaquuqda dhallaanka laga ilaashaa waddamada reer Galbeedka. Ilaa ay gaareen inay dhahaan xitaa waalidku ilmahooda ma dharbaaxi karo. Dadkaan aan gaalada dhahno ayaa nabiga (SCW) arrintaas ku raacay. Nabigu xitaa ilmaha wuu la ciyaari jiray sidii qisadii “yaa Abuu Cumayr maa facala al-naqiiru”. Xaddiiskaas waxaa weriyey Anas Binu Maalik (RC) isagoo leh nabigu (SCW) wuxuu ahaa dadka kan ugu akhlaaq fiican. Waxaa jiray walaalkey yar oo la oran jiray Abuu Cumeyr. Marka markii Nabigu (SCW) noo yimaado wuxuu wiilkaas yar uga tacsiyeyn jiray shimbir yar oo ka bakhtiday isagoo nabigu (SCW) yiri hadalkaas kore. 

Dadkii ka badbaaday Doonta iyo Dhaawacii iyo Dhimashadii oo la keenay Boosaaso
Tirada dadka ka soo badbaadey doontii ku degtey Badda Cas ee la keenay Boosaaso waa 89 qof..
Warbixin & Sawiro

Waxaan uga danleeyahay ka warran madaxdii la rabay inay qaran iyo dowlad Soomaaliyeed dhisaan haddii la leeyahay waxaa tababar siinaya dowladda Itoobiya? Haddeer baa la leeyahay Itoobiya waxay tabar u biloowday ciidamo ay leeyihiin “midland”. Wasiirro badan oo Xudur jooga waxaa tababar u furay dablayaal Itoobiya u dhashay! Ka warran “wasiirka dastuurka” oo dable tabobar u furayo? Haddii macallimiintii Xalane lagu soo tababaray sidaas dhallaankii ula dhaqmeen maxaad ka filayaa dad ay Xabashi tabobartay? Ama ciidamo Ugaandha iyo Suudaan u dhashay? Dhoodaan markaas oo kale wuxuu yiraahdaa: sidii ari qayiley oo dhurwaa shaac u karinaayo. Ma jiraa farqi u dhaxeeya arigaas uu hal-abuurkii sheegayo iyo dad leh waxaa tabobar na siinaya cadowgeenna? 

Markaan soo qoray maqaalkii ahaa: haddii Suudaan Ciidan Soomaaliya u soo dirayso; Samatabixintuna waxay u diraysaa Daarfuur; dhowr qof baa i yiri oo awal Xabashi-diidkii la garaye maxaa muslin-diidka keenay? Muxuu yahay muslinka aan isla nahay wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan ee leh – waxaa Soomaaliya jooga argagixiso? Soow sheekadii Zenawi maaha? Yuu yahay qofka dambe ee Soomaaliga ah ee soo dhoweynaya ciidamo Suudaani soo dirtay? Anigu maahmaahdii Soomaaliyeed baan ku dheggennahay ee lahayd: nin hooyadiis qorrax u jiiday, aayadiis hoos ma hariyo. Ciidanka Suudaan ha joojiyo xasuuqa ay ku hayaan dadkooda. 

Waxaa la arkaa in mar loo baxsado aqoonta halka aan jaahilka marna faa’iido laga sugin. Marka qof qof dhif ah laga reebo yaa qoomkii Fircoon ku kufriyey Fircoon oo Ilaah rumeeyey? Waa dadkii sixirloowyaasha ahaa. Waxay fahmeen in waxa nabi Muuse (CS) la yimid aysan sixir ahayn ee ay tahay mucjiso dabadeedna wey muslimeen. Ma dhicikartaa in Geeddi ka faa’iideysto aqoontii lagu baray canshuurtii laga qaadi jiray dad ay ka mid yihiin kuwii shalay cadceedda u tubnaa? Sidoo kalana uu garto khiyaannada uu wato Mele Zenawi isagoon da’ ahaan ka weyneyn, aqoon ahaanna uu Geeddi ka sito dabadeedna u soo jeesto dadkiisa iyo dalkiisa? 

Waxaa la sheegaa in mar oday Soomaaliyeed ku soo baxay balli la oranjiray Ximcaddo oo biyo ceegaagaan oo afkaas haya. Balligu wuxuu ku yaal Doollo. Odaygii inta balligii u dhawaaqay buu yiri: Ximcaddoow, Ilaah deeq kuuguma dhimanna ee biyaha cesho. 

Waxaan Geeddi ku leeyahay marba haddey dad intaas tiro le’eg oo Soomaaliyeed una badan qoladaada ay saas kuu soo dhoweeyeen; ha iska lumin fursadda ee ku dadaal sidii Soomaali wax ugu qabsoomi lahaayeen sidoo kalana loo fashilin lahaa dhagarta nacabka Soomaaliyeed. Gabyaa Soomaaliyeed baa yiri: 

  • Wararkaan masaafada u diray mahadi Iidoore
  • Marwo iyo hablaba dumarkii waa ii mashxaradeene
  • Teer iyo marsada Saylac bay mir iska taageene

Marka waxay ila tahay marba haddii intaas oo qof ay Lambar 50 iyo Xamar kuu dhoobnaayeen inay shacabkii Soomaaliyeed ku sharfeen. Marka ama shaqiyad cusub la soo bax ama sheydaankaas Zenawi ah dhegaha wax hakuugu shubo. 

Waxaa dhici karta inay jiraan dad aan rabin inay Xamar degto oo fulinaya danaha cadowga Soomaaliyeed sidii qolyihii dilay gabadhii weriyaha u ahayd BBC-da ama isbitaallada ku tuura banbaanooyinka. Marka waxaa dhici karta inaad aragto iyagoo dhib sameeya inta Geeddi Xamar joogo si loo dhaho Xamar foodda lama siin karo.

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005

Booqashada R/Wasaaraha Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Afhayeenka DFKMG ayaa  sheegay in uu Prof. Geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey... Guji.. Apr 30


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD