SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print
:::C/LAAHI YUSUF & AWEYS::

Hadaladii C/Laahi Yuusuf (Jawhar) iyo Sh. Aweys (Muqdisho)... Guji
:::JAAMACADA KISMAAYO:::

Dhagax dhigga jaamacada Kismaayo... Guji..
SHACABKA PUNTLAND vs TERRY:

Puntland iyo Terry (oo sheegtay Shirkad aan la aqoon) oo Dubai ku kala saxiixday heshiis... Guji

01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 |
:::UGAAS MAXAMED WALI:::
YAA MAALI JIREY? Faallo:Ugaas Max'ed Wali oo ku bilawday C/ahi Yuusuf Axmed Muxuu Kusoo Kordhin Karaa Somalia Guji..
::MPLS: BUUGGA XASUUS QOR :::

Xaflad Lagu Soo Bandhigay Buugga "Xasuus Qor" oo Lagu Qabtay Minneapolis.. Guji...
19-JIR LAGU DILEY MINNESOTA:

Wiil Soomaaliyeed oo La Toogtey Asagoo Dhex Fadhiyey Gaari Taagan Meel Gaaska Laga Qaato oo ku yaal Magaalada St.Paul, Minnesota, USA... Guji
::SH. CIISSE XASSAN JUMALLE::

Walaalahayga Soomaaliyeed baan gargaar ka sugayaa; UAE way iga tuureen cusbitaalkii aan xaqa u lahaa... Guji... 
:::C/NUUR FAARAX CALI:::

Xaflad Shahaado Master oo ka dhacday Qaahira.. Guji..
:::MAQAALKII YUSUF SHABAC:::

XAMAR CAASIMADA HALAGA BEDELO; Calankana bil halagu saa’idiyo... Guji...
:GAAJADA & CARRUURTA SOM:

Carruurta Soomaaliyeed ee gaajada iyo cuduradu ku aafeeyeen dalkooda Soomaaliya oo ay hay'adda MSF Video kasoo duubtay...daawo Halkan
[Waxaad u baahan tahay Windows Media oo laga soo Rogan karo halkan]. Qoraal Soomaaliya la xiriira oo ku qoran English ka akhri halkan...
:::XAFLADII DHALLINYARADA:::

Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada... Guji...
::: LAASCAANOOD:: ALHUDA:::

Masjidka Al-Huda oo Saddex Dabaq ah oo Laga Dhisayo Laascaanood... Guji..
.
::: MASJID DAR AL-HIJRA:::

Nala Iibi Dhismaha Masjidka Dar Al-Hijrah, Minneapolis... Guji

warar ku saabsan Xariga Cabdi Qaybdiid

Imaamka C/llaalhi khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku shareerayaa dib u heshiisiinta .

Qoraal uu soo saaray Imaamka beesha Habargidir Imaam C/llaahi Khaliif Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Col, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo 17-kii bishan lagu xiray wadanka Sweden wuxuuna imaamku xarigaasi ku tilamaamay mid sharci daro ah oo aan waafaqsanayn qaynuunka caalamiga ah, maadaama Cabdi Qaybdiid uu ahaa mas’uul ka mid ah wafdi qaranka o ka socda Dowlad xor ah.

 Wuxuu ugu baaqay Dowladda Sweden in ay si shuruuf la’aan ah ku sii daayaan isla markaana ay raagelin ka bixiyaan xirigaa si aysan labada shacbi u xiriirkoodu u xumaanin iyo dekano ka dhex dhalata labada shacbi, wuxuu kalloo cambaareeyay shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee ka dameeyay xirida mas’uulkaasi, waxayna cirka ku laali doonaan dib u heshiisiin soomaaliyeed haddii aan laga fiirsan talaabooyin noocaas oo kale ah.      

Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo ..

Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano ayaa dadaal ugu jira ama u ololeenaya sidii maxkamad loo soo taagi cid kasta oo xadgudub ka gaysatay gudaha dalka Soomaaliyaa gaar ahaan markii ay jirtay dowladdii Max’ed Siyaasad Barre ilaa iyo Dagaaladii sokeeya.

“Shacabka Soomaaliyeed ma aysan cafin gacan ku dhiiglayaasha waayo iyaga ayaa is cafiyay” ayay yiraahdeen xubnahaasi oo la sheegay in ay warqad qoraal ah u gudbiyeen Qaramada Midoobey oo ay kaga dalbanayaan in Maxkamad caalami ah la soo taago intii ku lug lahayd wixii ka dhacay Soomaaliya.

Hadalkaan ka soo yeeray xubnahaani waxa uu ku soo beegmay xilli Dowladda Sweden ay gacanta ku soo dhigtay Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo qaar ka mid dadka Soomaaliyeed ku eedeeyeen in falal xasuuq ah ka gaystay gudaha dalka Soomaaliya.

Xubnahaan oo ku kalan sugan wadamada Mareykanka, Canada Australia iyo Yurub ayaa sidoo kale waxay qoraalo u gudbiyeen wadamadaasi si ay gacan uga gaystaan soo qabashada qabqablayaasha. 

imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..

            Iimaan Xasan Jiirow oo sheegay in uu yahay guddoomiyaha Gobalka Mudug shalayna nakala soo xiriiray Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa cambaareeyay falkii xariga ahaa ee loo gaystay Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

            “Xariga Cabdi Qaybdiid waxa uu dhabar jab ku yahay Dowladda Federaalka gaar ahaan guddoomiyaha Baarlamaanka” ayuu yiri Iimaan Xasan Jiirow oo ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay gacan ka gaystaan sidii loo sii deyn lahaa muwaadinkaa Soomaaliyeed.

            Sidoo kale wuxuu ugu baaqay booliiska Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan sii deynta Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

            Iimaan Xasan Jiirow oo hadalka sii wata waxa uu sheegay denbi la isku raacdo waxaa lagu soo afjaray Embagathi oo waxaa lagu heshiiyay Dowladda Federaalka kaddib ciddii danbi gasha in loo raacdo, mar uu ka hadlayay arrimaha Gobalka Mudug waxa uu sheegay in heshiiskii nabadeynta ee u dhexeeyay beelaha Sacad iyo Suleymaan waxgaradka Soomaaliyeed looga baahan yahay in mar kale boorka ay ka jafaan wuxuuna ugu mahadceliyay in intii u soo gurmatay heshiisiinta labadaasi beelood ee walaalaha ah.

            Dhanka kale waxa uu ka hadlay arrimihii dhawaan ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna  sheegay Iimaan Xasan  Jiirow in xaaladda nabadgelyo ee Gobalka Mudug ay wanaagsan tahay isla markaana heshiis hordhac ah laga gaaray wixii ka dhacay Garoonka diyaaraha ee Magaalada Gaalkacyo balse waxa uu u soo jeediyay dadaka kale ee degan waqooyiga Gaalkacyo in si cadaalad ah lagu qaybsado wixii daqli ah ee soo gala Gobalka Mudug.    

Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..

            Ciidanka Booliiska wadanka Sweden ayaa weli waxay su’aalo weydiinayaan G/sare Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ay dhawaan xabsiga u taxaabeen ciidanka Booliiska ee wadankaasi kaddib markii lagu soo eedeeyay in uu falal xasuuq ah ka gaystay dalka Soomaaliya, wuxuuna Cabdi Qaybdiid eedeymahaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

            ‘Ciddii caddeyn haysa waa in ay la timaadaa’ ayuu yiri Cabdi Qaybdiid oo la filayo in maalinta arbacada ah maxkamad la soo taago.

            Dhinaca kale waxaa weli socda baaqyada Dowladda Sweden lagaga dalbanayo sii deynta Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid waxay baaqyadii ugu dambeeyay ka yimaadeen Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Caydiid oo sheegay in Dowladda Sweden looga baahan yahay sii deynta mas’uulkaasi, maadaama uu shacabka Soomaaliyeed ku heshiiyeen shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Nairobi. 

Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..

            Waxaa maalintii shalay ahayd fagaaraha Tarabuunka ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo ay dhigayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxayna banaanbaxaani kaga soo horjeedeen xariga Cabdi Qaybdiid loogu gaystay wadanka Sweden waxayna ku tilmaameen mid xadgudub ku ah sharafta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

            Xubnaha Booliiska ee banaanbaxayay ayaa waxa u ay ku dhawaaqayeen ereyo ay kaga dalbanayeen dowladda Sweden in la sii daayo dibana loogu soo celiya sharaftiisii iyo sumcaddiisii, sidoo kale waxay dowladda federaalka ka dalbadaneen in ay gacan ka gaysato sidii loo sii deyn lahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo isagu ka mid ahaa wafdigii guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka qaybgalayay shir looga hadlayay arrimaha dowladda wanaaga iyo nabadeynta wadamada geeska Afrika.

            Dhinaca kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Sweden aya iyana dadaal ugu jirta sidii loo sii deyn lahaa Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, waxayna jaaliyaddu la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan wadanka Sweden. 

Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..

Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Magaalada  Jowhar ayaa ka hadashay xariga Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo haatan ku xiran saldhig booliis oo ku yaala wadanka Sweden kaddib markii lagu eedeeyay in uu xasuuq ka gaystay gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan markii ay socdeen dagaaladii sokeeye, waxaya sheegtay Dowladdu in ay aad uga xumaadeen

“Waa muwaadin Soomaaliyeed oo nooga baahan in aan u gumano” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Dowladda Federalka, wuxuuna ugu baaqay Dowladda Sweden in ay si deg deg ah ku sii deyso sarkaalkaasi.

Salaad Cali Jeelle waxa uu sheegay in Dowladda Sweden ay kala hadli doonaan sidii loo sii deyn lahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka qaybgalayay shir ka dhacayay wadanka Sweden waxaana, xariga Cabid Qaybdiid si xun uga xumaaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Sweden oo sheegay in Dowladda Sweden looga baahan yahay in si cadaalad ah arrintaasi uga howlgasho.    

Safaarada Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.

Wararka ka imaanay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay sheegayan in xildhibaano Soomaaliyeed oo ka mid ah garabka Dowladda ee Muqdisho ay warqad qoraal ah u gudbiyeen safaarada Sweden ay ku leedahay Magaalada Nairobi oo ay kaga dalbanayaan sidii loo sii deyn lahaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) kaddb markii lagu xiray wadanka Sweden iyadoo dowladda wadankaasi ay ku eedeeysay in uu xasuuq ka gaystay wadana Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Safaarada Sweden ee Kenya iyada ayaa ahayd tii Cabdi Qaybdiid siisay dal ku galka Sweden, halkaas oo uu kaga qaybgalay Cabdi Qaybdiid shir looga hadlayay dowlad wanaaga iyo nabadda wadamada Geeska Afrika.

Markii qoraalka loo gudbiya safaarada Sweden ee Dalka kenay waxay u sheegtay xubnihii Dowladda in ay gacan ka gaysan doonto  sidi loo sii deyn lahaa sarkaalkaasi.

Xubnaha Dowladda ee iyana ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga xumaday xariga la kula kacay Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) waxayna ka dalbadeen Dowladda Sweden in si shuruud la’aan u sii daayaan Sarkaalkaasi oo ka mid ah ciidanka Booliiska. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro      
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 19, 2005


Terry oo Xusuusan Waayey Heshiiskii  Shiidaalka ee "Consort" iyo Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada 'The AGE'
Guji... Oct 17



»CIR-MAAXIYAAL SHIINEES AH OO SAHAN HAWADA SARE UGU BAXAY
»
Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha iyo Dhibaatada Aabbe La'aanta
»“Qoor-qabad Waxaruhu Biyaha kuma Qurquriyaan” | C/waaxid
»Dowladda Karaamaysan Hala Taageero Si Aanu U Helno Kala Dambeyn
»Oktoobar iyo Xafladda lagu Samaynayo Jawhar | Bashiir
»Qarnigii hore  ee somaaliya & qab qab layaasha  maanta jooga | Jamal
»Doorashadii Golaha wakiilada somaliland | Qodax
»Miyaa Maxamed-dheere la Masaafurinayaa | C/waaxid Khaliif
»CIIDAMADA QARANKA OO LOO ABAABULAYO QAABKII USC | C/risaq
»
Madaxda PL  oo Jowhar Lagu Maamuuso, kuwa kalena la Xiiro  | c/waxid
»INJ. MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY | Abucar
»Jini Boqor oo Muqdisho looga baxshay ALLE BOQOR | C/raxman
»Dib u heshiisiinta Soomaaliya: Maxaa qaldan? | Raage
»Somaaliya Katarina iyo Rita | Amiin Yuusuf

»Waraaq furan oo ku socota Ururka midnimada islaamka | Saciid
»HALKEEN XALKA KA RAADINAA??? | Xuseen
»
Hargeysaay hambalyo | C/Raxmaan Taysiir
»Dalka Yaa Iska Leh, Dadka Yaa Umaqan | Axmed Cali
»Xasuuqii Malka-durduro | Warfaa 
»Morgan oo Noqday Makaalintii Barre Hiiraale | Maxamed
»Qarnigaan qabiil ku faan qiimo Ma leedahay | Mowlidyare
»MIDOWGA AFRIKA: MIDNIMO KATALIN MISE MINDIYO AFAYN? | Garaad
»
DIGNIIN CULUS: AIDS-KA & SOOMAALIDA | Dhagaafe
»S.Y.U.P oo War ka Soo Saaray Doorashada ka Dhacday Somaliland
»Gabadhii xumaan damacda: "nin iga weyn ayaa lagu dari lahaa"| Ikram

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD