Soomaalida Minnesota oo Taageeray
Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
ee Baarlamaanka Kenya
- Faarax Macallin: Soomaalidu waa Midoobi
doontaa, xabashiduna waa kala
goo go'i doontaa
- Faarax Macallin: "Nabadda Geeska Afrika
waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Warbixintii:
SomaliTalk.com | Dec 3, 2006
Xaflad si weyn loo soo
agaasimey oo habeenimadii Axad (Dec 2, 2006) lagu qabtay
magaalada Minneapolis ayaa si weyn loogu taageeray
musharaxnimada Mudane Faarax Macallin Dawaara uu u sharaxan
yahay xubin ka noqoshada Baarlamaanka dalka Kenya.
Xafladiina waxay u dhacday sidan:
Ugu horayn waxaa
munaasabada lagu furay wacdi oo qaybgalayaashii la xuusiyey
in aysan kedin qafladda adduunku ee ay markasta
xusuusnaadaan Allaha abuuray.
Cusmaan Ducaale:
Kaddib waxaa madasha lagu
soo dhoweeyey Cusmaan Ducaale oo ah gabayaa Soomaaliyeed oo
aad looga yaqaan gobolka Minnesota, waxana uu soo jeediyey
gabay Guubaabo ah, waxana uu Faarax Macallin xusuusiyey in "Soomaaliya
aan cidna u maqnayn, ceelna u qodnayn", hadalkaas oo
dulucdiisu ahayd guubaabo sidii ummada Soomaaliyeed wax
loogu qaban lahaa.
Shaafi Xaashi Cabdi:
Kaddin madasha waxaa lagu
soo dhoweeyey Shaafi Xaashi Cabdi waxana uu durbadiiba
madasha xusuusiyey in Faarax Macallin uusan ahayn nin matala
hal-beel ama hal-qabiil ama Soomaalida Woqooy Bari Kenya oo
Keliya, balse uu yahay nin metela dhammaan Geeska Afrika.
Waxa kale oo madasha xusuusiyey sida ay muhiimada u leedahay
in Soomaalidu bartaan dadka qiimaha leh ee ku dhex jira isla
mar ahaantaasna ay dadkaas u ixtiraamaan. Waxana uu markaas
dadkii kulanka isugu yimid weydiiyey in ay "diyaar ma u
tihiin in aan taageerno musharaxnimada Faarax Macallin",
waxayna hal dadkii oo dhami yiraahdeen "Haa, diyaar ayaan u
nahay in aan is garab taagno". Sidaas ayaa reer Minnesota ku
garab istaageen musharaxnimada Faarax Macallin.
Prof. C/Qaadir Xuseen:
Waxaa kaddib madasha ka
hadlay Prof. C/Qaadir Xuseen, oo isaguna dadweynaha
xusuusiyey wax qabadkii Faarax Macallin, waxana uu xusay
sida uu uga qayb qaatay wax u qabadka Soomaalidii kusoo
qaxday Kenya, gaar ahaan sida uu ugu dadaaley wax u qabadka
xeryaha Qaxootiga ee DHADHAAB (IFO, XAGARDHEER, DHAGAXLEY).
Cabdalla (reer
Rochester):
Waxaa kale oo madasha ka
hadlay Cabdalla oo ah oday Soomaaliyeed oo matalayey
Soomaalida ku dhaqan magaalada Rochester ee gobolka
Minnesota, waxana uu xusay qiimaha uu Faarax Macallin ku
dhex leeyahay bulshada ku dhaqan Geeska Afrika, waxana uu
yiri "Aan Garab Istaagno qofka Soomaali wax u qabanaya".
Cabdalla waxa uu sheegay qiso uu uga sheekeeyey oday
Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Maalin-Guur,
qisadaas oo ahayd:
Maxamuud Maalin-Guur ayaa
yiri: "Waagii Leegadu (SYL) ku jirtey halgankii gobanimo
doonka ayaan tagnay gobolka Soomaalidu degto ee Soomaali
Galbeed (Ogaadeenya) dadweynihii ayaan ku dhex wareegney si
aan lacag uga soo ururino lagu taageerayo Leegadii. Lacag
ayaan soo ururinay, waxaana ku soo ridney sanduuq aan dusha
kaga soo qornay magaca Leegada. Gaari ayaan soo raacnay,
waxaa gaariga saarnaa 50 qof, markii aan soo mareyney meesha
la yiraahdo Qurac Joome ayaa waxaa na heshay Shufto
jid-gooyo ah, dadkii oo dhan ayey gaarigii ka soo dejiyeen
si ay u baartaan, aniga oo sanduuqa wadey waxaan iri waan
xanuunsanayaa gaariga kama degi karo, markaas ayaa waxaa la
ii soo diray ninkii shuftada watey ku xigeenkiisii oo la
yiri ninka gaariga saaran soo baar, markii uu ii yimid ayaan
ku iri 'waxaan wadaa sanduuqan oo inta aanfuray ayaan tusay
lacagta ku jirta, waxaana ku iri lacagta waxaa leh Leegada
Gobanimo Doonka Soomaaliyeed, ninkii dib inta uu u noqday
ayuu soo kaxeeyey ninkii watey shuftada oo waxa uu ku jiri
bal kaalay arrintan ninkani sheegayo ila arag, markey ii
yimaadeen ayaan ku iri sidii oo kale in lacagtan ay leedahay
Leegadu, markaas ayuu ninkii shuftada watey waxa uu yiri 'lacagtaan
qaadan meyno waayo waxaa lagu xoreynaa dalka, lacagtii
leegada sidaas ayey shuftadii uga tageen, waxayna qaateen oo
keliya lacagihii ay ka heleen 50-kii qof ee kale ee gaariga
saarnaa".
Halkaas waxa uu Cabdalla
dadweynaha ku xusuusinayey in xilligaas xitaa shuftadu aysan
hunguriyeyn jirin lacagtA lagu xoreynayo dalka. Maanta
haddaba, ayuu yiri, waxaan soo taabanay guntii, waxaana uu
xusay sida cilmigii loogu soo laabtay. Waxana uu halkaas
shacabka ku xusuusinayey in maanta uu jiro halgan kii
Leegadii la mid ah ayna tahay in laga qayb qaato. Waxana uu
Faarax Macallin xusuusiyey in ay dhiiri geliso in intaas oo
dad ah oo madasha soo camiray ay isaga garab taagan yihiin.
Jaamac Khaliif:
Kaddib madasha waxaa lagu
soo dhaweeyey Jaamac Khaliif oo ah musharaxii madaxweynaha
ee dawladii lagu soo dhisay Kenya. Ugu horayn waxa uu
sheegay qiimaha uu leeyahay qof wax bartay oo ku kalsoon
diintiisa Islaamka. Waxana uu madasha xusuusiyey in Faarax
Macallin uu u taagan yahay wax u qabadka ummada. Kaddib waxa
uu xusay xaaladda ay hadda Soomaaliya mareyso, isagoo
sheegay in dhowaan qaraar la hor keenay Golaha Ammaanka,
kaas oo uu sheegay in ay tahay in ummaadda Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan ay ka mudaharaadaan, waxana uu yiri "Waxaan
ku baaqaynaa in la dhigo mudaharaadyo". Waxana uu yiri
Muslim ayaan nahay, argaggaxiso ma nihin, diinteena cidna
uga haybasan meyno.
Cabdirisaaq Lafoole:
Kaddib waxaa madasha lagu
soo dhoweeyey Dr. Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Cabdirisaaq
Lafoole), waxana uu sheegay in haddii la siin lahaa fursad
ah in uu sheego sida uu la jeclaan lahaa in ay Soomaaliya
ahaato waa: Soomaali oo dhan oo midaysan (shanta qaybood:
NFD, Soomaali-Galbeed, Jabuuti, British-Somaliland,
Italian-Somaliland) oo uu madaxweyne u yahay Islaamcii
Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti), ra'iisul Wasaarena uu
ka yahay Faarax Macallin Dawaara (musharraxa Baarlamaanka
Kenya). Kaddib waxa uu dadweynaha xusuusiyey in aysan ka
gabban sheegida xaqa, isagoo halkaas si xeel dheer uga
hadlaya waxa uu madasha xusuusiyey in jihaadka rasmiga ah uu
yahay in qofku uu hadal xaq ah ka ag yiraahdo meel ama
maamul uu ogyahay in uu ciqaab ku mutaysanayo haddii uu
sidaas sheego.
Dr. Nuur Faarax:
Dr. Nuur Faarax oo madasha
ka hadlay waxa uu yiri muddo 14/15 sano ah ayaan soo
dagaalameyney, hadda waxaa soo baxay IFTIIN, waxa keliya oo
aan ku heshiin karaana waa KITAABKA QURAANKA. Waxana uu
markaas guubaabiyey dadweynaha Soomaaliyeed.
Cabdifataax Cali Cabdi
Maxamed Wardheere iyo
Murshid oo madasha daadihinayey ayaa magarafoonka waxay ku
wareejiyeen Cabdifataax Cali Cabdi, kaddib markii uu
dadweynihii madasha ka soo qayb galay iyo soo
qabanqaabiyashii u mahadnaqay, waxa uu si gaar ah ugu mahad
naqay: Dr. Xuseen Mataan, Maxamuud Cashuur, Xaashi Xamare,
Cabdi Xaabsade, Muno Xaaji Cabdi, Amaal Maxamed, Suldaan
Cabdiqani Cali Saafi, Idris Cabdi, Maxamed Ismaciil,
CabdiBashiir, Caade, Carab, iyo intii ka qayb qaadatay
qabanqaabada xaflada iyo dumarkii xaflada keenay cashada.
Mahadnaqaas ka dib waxa uu waxa uu madasha ku soo dhoweeyey
Faarax Maxallin Dawaara.
Faarax Maxallin Dawaara
Faarax
Macallin waxa uu markiiba sheegay in Soomaalidu ay yihiin
hal-QOYS: Hal Diin (Islaam, Sunni), hal Af, hal suuran (isku
midab). Waxana uu sheegay in Soomaaliya ay burburiyeen arrimaha
ay ka mid yihiin: (1) Dadaalkii ay Soomaalidu ugu jirtey
midaynta dhammaan Soomaaliya - soo mideeyaan NFD, S/galbeed:Ogaden,
Jabuuti - markaas ayaa Soomaalida loo tashaday, waxaan ahaan
jirney dad aaminsan qaran midaysan (supper-Nationalist:
Soomaali-midaysan), ilaa la inaga dhigay kuwo oggol qaybinta
dalka (sub-nationalist:). (2) Herdankii adduunka, gaar ahaan
Hanti-Goosadka iyo Hanti-wadaagii. Waxaan noqonay
Hanti-goosad aan wax dan ahni inoogu jirin, kaddibna
hanti-wadaag aan sidaas oo kale wax dan ahi inoogu jirin.
Asagoo halkaas sharraxaad
dheeraad ah ka bixinaya waxa uu yiri: Waxaa la rabaa in
Soomaalida lagu
mashquuliyo si aan looga hadlin fikirka midaynta Soomaalida.
Waxana uu Faarax Macallin halkaas dadweynaha ku xusuusinayey
dhibaatada haysata Soomaalida in ay tahay isku dayga la rabo in laga suuliyo hab
fikirka ah wax la yiraahdo Midowga Soomaalida oo dhammaanteed
xor ah, si aan taas loo helina Soomaalida lagu mashquuliyey
dhibaato daba dheeraata. Halkaas isagoo ku xeel dheeraada
waxa uu yiri: "Soomaalidu waa Midoobi doontaa, xabashiduna waa kala
goo go'i doontaa".
"Libaax nin aan aqoon iyo
wiil yar ayaa lax ka rita" ayuu ku maahmaahay Faarax
Macallin. Dulucda hadalkaas isagoo faahfaahinayana waxa uu
yiri: Xilligii uu bilaabaney qarnigan 2000 ayaan imid kulan
ballaaran oo lagu qabaney Maraykanka, anigoo shirkii jooga
ayaa nin Islaamka Maraykanka deggan ah uu i weydiiyey meesha
aan ka imid, waxaan ku iri Kenya, markaas ayuu igu yiri
waxaad u egtahay Soomaali, waxaan ku iri Soomaali ayaan ahay,
wuxuu igu yiri burburkii Soomaaliya waa ka naxnay, laakiin
anaga haddaan nahay Muslimiinta Maraykanka waxaa na xoreeyey
Soomaalida, markii ay dalkan yimaadeen marka ay salaadu soo
gasho ayey meesha ay joogaan salaadii ku xiranayaan, marka
ay dadku fiirinayaana marka ay salaada ka baxaan ayey ku
oranayeen 'maxaad naga fiirineysaa'... aad ayaa hadalkaas
loogu qoslay... asagoo hadalkiisii sii wata Faarax macallin
waxa uu yiri: hadda maahmaadii Libaaxa nin aan aqoon ayaa lax
ka rita ayaa taagan, Itoobiyana waa jabi doontaa.
Faarax Macallin waxa uu
madasha xusuusiyey in "wax aan loo dhidin dheefteeda la
helin" - isagoo xusaya maahmaahda afka Ingriiska ah ee "No
Gain Without Pain".
Waxana uu markaas xusay
arrinta salka u ah dhibaatada haysata Soomaalida, taas oo ah
dagaalka muddada dheer u dhexeeyay Soomaalida iyo Itoobiya.
Colaadaas oo ah mid gaamurtey oo bariga Afrika, waxana
uu xusay halgamaagii Axmed Gurey ee Xabashida baday in ay
hilibka ceeriin cunaan. Haddaba xilligan la joogo dhibaatada
Soomaaliya waxaa xidid u ah dhulka la gumeyso, ayuu yiri.
Waxana uu hadalka ku adkeeyey oraah la macne ah: "Hal
qaarkeed qalan yahay, qaarka kale nabad kuma seexdo" -
oo ah Soomaalida oo qayb la gumeysto qaybta kale loo ogolaan
maayo in ay nabad ahaadaan.
Faarax Macallin waxa uu si
xeel-dheer u xusay khiyaanooyinka ay xabashidu adeegsatey si
dhibaatadaas Geeska Afrika ay iyadu raad ugu yeelato. Ugu
horayn waxay gumeystayaashii la gumeysatay dhul, dhulkaas oo
ay ilaa hadda gumeysato. Xilligii la sameeyey midowga Afrika,
waxay 1945 Afrikaanka ka dhaadhicisay in xarunta Midowga
Afrika laga dhigo Addis-Ababa.
"Nabadda Geeska Afrika
waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
ayuu yiri Faarax Macallin. Waxana uu xusay in ay jiraan
xeelado ah aan xorriyaadi dhicin looga hortegeyo taas oo ah in
lakala qaybiyo dhulka Soomaaliyeed ee hadda midaysan, in la
sameeyo Somaliland iyo Puntland, oo markaas loo sameeyo
baarlamaano hoos yimaada Itoobiya. Muddo ka dibna la
yiraahdo Afrika oo dhan ayaa midoobeysa, halkaasna lagu
baab'iyo hab fikirkii Midowga Soomaalida.
Faarax Macallin oo ka
hadlaya kuwa hadda soo wada Itoobiyaanka waxa uu yiri: "Rah
ayaa hadlay, oo wuxuu yiri: Biyo haddey nafaqo leeyihiin
lugahaygaa laga arki lahaa", marka "Haddii Itoobiya nafaqo
leedahay halaga fiiriyo sida ay yihiin dhulka ay hadda
gumeysato".
Waxana uu Faarax Macallin
Soomaalida xusuusiyey in hadda ay Xabashidu liidato, lagana
guulaysan doono. Waxana uu ku baaqay in dhammaan dadka
Soomaaliyeed ay dalkii ku laabtaan oo la dagaalamaan
Xabashida.
Faarax Macallin oo ka
hadlayey sababaha la sheego in lagu diidan yahay maxkamadaha
Islaamiga ah ee Soomaaliya in ay ka mid yihiin:
- Dilka Qisaasta: Waxa uu hadalkaas Faarax Macallin ka
yiri: Maraykanka waa laga fuliyaa dilka dadka, gaar
ahaan waxa uu xusay gobolka Texas oo uu yiri xilligii uu
madaxweyne Bush gobolkaas barasaabka (governatooraha) ka ahaa isaga
ayaa saxiixi jirey qof kasta oo la dilaayo.
- In ay Maxkamaduhu ay
yihiin Islaam: hadalkaas waxa uu ka yiri: Saaxiibka ugu
weyn Maraykanka waa Israel, waxana loo yaqaan Jewish
State, taas oo ah dalkii diinta Jewish-ka, marka maxaa
Soomaaliya loogu siidayaa Maxkamadaha Islaamiga? Sow ma aha diinta Islaamka?
- Waxa kale oo uu xusay in dalka Zambia in loogu yeero
Zambiyadii Christianka ahayd, marka maxaa lagu diidayaa
maxakamduhu in ay qaataan magaca Islaamka?
- Xuquuqda Dumarka:
Waxa uu hadalkaas ka yiri: Waxaa la yiraahdaa Islaamku
xuquuq ma siiyo Dumarka, laakiin xaqiiqadu waxay tahay
dumarka ayaa xuquuqda ugu badan leh Islaamka dhexdiisa,
dumarku waxay dhaxlaan ninkooda, wiilkeeda iwm,
maalkeeda iyagoo gooni u leh, ninkaana waxaa laga rabaa
in uu maalkiisa ku quudiyo. Halka reer Galbeedka ay
yihiin 50-50 in ay bixiyaan quudinta guriga --- aad ayaa
halkaas loogu qoslay....
Intaas markii uu yiri, waxa
uu Faarax Macallin sheegay in arrinka meesha yaal uu yahay :
Kitaabka Diidney. Taas oo aan cidna laga yeelay ama looga
haybasaneyn. Waxana uu yiri "bal eega waxay dhehi jireen
Soomaaliya mukhaadaraad ayaa lagu cunaa, intii ay
Maxkamaduhu qabsadeen waxaa laga mamnuucay QAADKII, markaas
ayaa waxaa la bilaabay dadkii ayaa "xorriyadii ama
Freedom-kii" laga qaaday.
Bal eega, ayuu yiri, in Maraykanka uu mamnuuc ka yahay
Qaadku.
Waxa uu
xusay qiso ka dhacday Kenya, taas oo dhex martay Maxkamadaha
Islaamiga ee Soomaaliyeed iyo Itoobiya. Qisadaas waxay ahayd
ayuu yiri sidan:
Itoobiyaan joogey Nairobi ayaa u yeeray
rag ka tirsan Maxkamadaha oo iyaguna joogey Nairobi in ay wada
hadlaan, Maxkamadihii waxay Itoobiyaankii ku yiraahdeen "idinkaa dan wata
ee idinku noo imaada oo nagula kulma halka aan doorano". Itoobiyaankii inta ay isku laabteen ayey
yiraahdeen, waayahay ee aan ku kulano Hoteel, markaas ayey
Itoobiyaan diyaariyeen qayb Hoteelka ka mid ah, oo wax aay
doonaan ay ku xirteen. Maxkamadihii waxay yiraahdeen
Hoteelka haddii aan idinkula kulano waa in ay ahaato meel
aan anagu dooranay. Itoobiyaankii inta ay isku laabteen ayey
taas aqbaleen. Markii ay kulmeen ayaa Itoobiyaankii waxa ay
yiraahadeen haddii aad maxkamadaha tihiin ogaada in aan idin
burburin doono, oo aan haysano ciidan xoog badan. Markaas
ayaa Maxkamadihii waxay yiraahden: Idinkaa burburuya, wax
aad cid ka qaadi kartaana ma jiraan, waxayna Itoobiyaanka
xusuusiyeen in ay jiraan dad dhan oo Soomaali ah oo deggan
dhul baaxad weyn oo xabashidu gumaysato iyo in ay jiraan dad
badan oo Muslimiin ah oo deggan Itoobiya sida qowmiyadda
Oromada, iwm. Markaas ayaa Itoobiyaankii dib u laabten oo
inta ay
waraysi ugu dhaqaaqeen Jaajuusyadoodii ayay waxay yiraahdeen
'waxaa soo laabtay Soomaalidii dhibka badnayd ee hore".
Waxaa meesha ka baxay kuwii ay markasta isaga yeeran jireen
oo waxay rabaan ka fushan jireen.
Waxana uu Faarax yiri "Soomaalidu
waa dad muwaadiniin ah", waxana uu sheegay in uu ku
dadaalayo in Soomaalida la isaga dhex baxao, markaas wey
heshiinayaan.
Waxa uu
markale ku celiyay cawaaqibka ay la kulmaan dadka xabashida
miciinka bida, isagoo taas ka hadlayaana waxa uu yiri:
Qofkii raba in uu ogaado in Xabashi ay nafac leedahay, ha
weydiiyo Cumar Xaaji Masalle, oo ah ninkii xabashida keenay
Gobolka Gedo, kaas oo aan maanta Gedo tegi kari.
Waxana uu yiri: Cumar Xaaji Masalle waa
saaxiibkay, laakiin waa in taariikhda laga run sheego.
Faarax Macallin waxa uu la
dardaarmay Soomaalida deggan Maraykanka, waxana uu
xusuusiyey in ay ku dadaalaan waxbarashada, oo bartaan cilmi
nafac leh, markaas ayey iyaguna wax is tarayaan, narsina ugu
noqon karaan Soomaalida deegan dalkii. Dalkaan Maraykanka
waad deggan tihiin ee wax ka qabsada, waxana uu xusuusiyey
maahmaahdii ahayd "Meel ama ka muuqo ama maqnaw."
Waxana uu xusay haddii
loo doorto xildhibaan baarlamaanka Kenya in uu xoogga saari doono aqoonta (waxbarashada),
iyo in uu kobcinta Xoolaha (Suuqgeyn, wershedeyn, kobcin).
Waxana uu sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay in uu
guulasan doono.
Ugu dambayntii waxa uu
dadweynihii madasha isugu yimdi uga u sheegay qiso ku
dhacday isagoo da'yar, waxana uu yiri:
Waxaan dhigan jirey ay
dhigtaan 1200 oo arday, waxaa Soomaali
ka ahaa 9 arday oo keliya. Maalintii dambe ayaa ardaydii loo
kaxeeyey meel, markii aan meeshii tagnay ayaa waxaa is
raacay aniga iyo mid ka mid ah ardaydii Soomaalida ahaa oo
aan saaxiib ahayn, markii cabbaar la joogey ayaan isku
qabanay lacag naga dhexeysey waxa aan ku samayn lahayn,
markaan ku heshiin weyney ayaan kala qaysanay, labadanadiina
waa kala dhirifnay ama kala xanaaqney, markaas ayaa midba dhinac u dhaqaaqay,
cabbaar markii aan socdey ayaan garabka ku dhftay mid
Kiinyaati ah oo aad xoogweyn, inta uu i qabtay ayaa kor ii
qaaday isagoo i ceejinaayo. Saaxiibkaygii aan kala xanaaqney
markii uu cabbaar sii socdey ayuu gadaal soo eegay isagoo is
dhehaaya bal eeg meesha aan sii marayo, markaas ayuu arkay
anigoo oo derbi ku calaqan oo lugaha ka firig-firig siinaya
ama firxanaaya, markaas ayuu soo
qorday, aad ayuu xoogweynaa saaxiibkay ee inta uu nasoo gaarey ayuu
ninkii i haytey feer ku bilaabay, oo iga fujiyey markaas
ayaan ninkii anagoo wada-jir ah ayaan cayrsanay anigiina dhagax
inta aa qaatay ayaan ka daba turay, isagoo dhiig leh ayuu naga
cararay." Marka, ayuu yiri Faarax, sidaas oo kale ayaa
Soomaali midba meel loogu ceejinayaa haddii aynaan midoobin.
Mar su'aal laga weydiiyey
hay'adaha sida Qaramada Midoobey ee lacagaha badan adduunka
weydiistey si ay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliya ku
dhibaataysan waxa uu yiri: Hay'adahaasi waxa ay u dhisan
yihiin in aan weligeed fakhri laga bixin, waxana uu xusay
sida wax kasta oo hay'adahaasi helaan ay badankeedu iyaga
ugu laabtaan oo qiyaastii 25% oo keliya ama ka yar ay dadkii
loo qoondeeyey gaarto (sidaasna 75% ay hay'adahaasi dib ugu
laabato). Halkaas waxa uu Soomaalida ku
xusuusiyey in ay iyagu tashadaan oo aysan cidna wax ka
sugin... AKHRI..
Waxaa isku doo dubaridey:
SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 3, 2006
|