SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TIGREEGU WAA SAXIIBADEEN WAYNA TABABARAYAAN DALKANA WAY NOO QABANAYAAN?

Yusuf Mohamed abdi yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Akhristayaasha Soomaliyeed ee sharafta leh  waxaan rabaa inaan ka waramo arimo dhawr ah ,kuwaas u baahan in la ogaado oo aan lagu qaldin dadka Soomaliyeed.

Sida aynu wada ognahay  waxaa jira hadalo  muhiim  u ah dadka Soomaliyeed oo u baahan in loo diiwaan geliyo (ama loo rikoor gareeyo) si mustqbalka  loogu baro tariikhda dalkeena u maraayo, ha ahaadeen kuwo fiican ama kuwo xun, waayo tariikhda dalkeena oo aan la qorin ama la keydinin ayaa sababay in dadkeena & dalkeenaba ay ka haraan mujtamaca aduunka ku nool,tasoo aan la ogeyn qofkii dalkiisa usoo halgamay iyo kii khaa'inka ahaa.

Anigoo ka duulaya aragtida qoraalkeyga ayaan hadana rabaa inaan dadka Soomaliyeed ugu baaqo in aysan marnaba hilmaamin ninki dadkiisa iyo dalkiisa ka galay qalad  ama u sameyey wanaag, si mustqbalka soo socda uga abaalmarino kaalintii u ka galay xiligi u dalkeena marayey marxalada xun ee uu maanta u maraayo ,kuwaas oo u baahan in qalin loo qaato oo la qoro hadba meesha ay tagan tahay adigoo cabiraayo damiirkada Soomalinimo ee wadanimo, runtana ka shegaayo waxaad qoreyso adigoo u eegaynin  nin jeclaysi iyo eex ku dhisan hayb laga been sheego oo ku  dhisan danaysi ama u daneyn shaqsi aan  arxan u heynin dadkisa iyo dalkiisa. 

Aan u soo laabto maqaalkeyga waxaa aniga shaqsiyan maqlay oo aan hubo inay dadbadani maqleen in raga qaar ay  dhaheen mar laga waydiyay arrimaha ka taagan dalkeena si dadka u ogaadan ayaa waxay yiraahdeen sidatan:

  • Madaxwayne C/laahi Yusuf  : Ethopia maanta ma ahan Ethopiadi hore waa dal aynu nahay saaxiibo oo raba inay wax nala qabsadaan.
  • Ina jengali ( wasiirka warfaafinta): Aan ka xishoono wadamada dariska ah ,sooma ahan kuwii dowladeena dhisay ee 2 sano jiif iyo cuno na siiyay ,mar u doodayay in Soomaliya la keeno ciidamo safka hore ah
  • Buuba waxa u yiri mar nin odey ah u waydiyay faragalinta Etoopia ku heyso Soomaliya mar  ka khudbeynayay xafada Camden London:ayaa ina Buuba yiri adeer waxaa joogtaa 1970 caqligii ahaa Etopia maanta waa Ethopia cusub oo an walaalo nahay dhul iyo dadna nagama heystaan.
  •  Xuseen caydiid : Ethopia dano ayay naga leedahay waa in aan u fulino si aan u nabad galno ,iyagana u isticmalaan dekadahena iyo ciidena si shurud la ‘aan ah.
  • Ali geedi  Ethopia ciidankeeda dalka ku qabsaneynaa si aan u xukuno xoog baana ku galeynaa muqdisho iyo meelo kale, anagoo garab ka heleyno ciidamada Ethopia anigaana dalka ka noqonaayo Soomaliya madaxwayne oo Ethopia kalsooni igu qabtaa.sida u ka yiri xildhibaan ideecad ka hadasha Muqdisho laga wareystey
  •  Salad ali jele ku  xigenkii Mohamed dhere  eeJowhar ciidamo Ethopia ma joogan waxaa joogan tababarayaal mar British Broadcasting Corporation waydisay ciidanka  badan ee ETHOPIA ee baydhabo ku sugan iyo gaalkacyo
  • Cade Muse Ethopia xirirka aan la leenahay waa sii adkeyneynaa ciidamadoodana anigaa dalka soo galiyay una fasaxay waana saaxibaden ahna walalaheen.
  •  Faysal Ali Waraabe gooni goosadka xag jirka ah :wiilka Addis ku dhashay ayaa naga xiga kan xamar ku dhashay maanta, marka Ethopia waa walalaheena jira
  •  Dadka indho la’aanta ku tageera warlords Ethopia cidamadeeda dalka noo qabaneysa anaganayna no dhibeysaa xukunka.

Waxaan is waydiyay suaalo badan kadib markii aan  maqlay sida aan xishoodka laheyn ee damiir la aanta jirta ayaan waxaan rabaa inaan sharaxaad ka bixiyo maxaa ka run ah arimaha jira ee ay ku andacoonayaan raga aan kor ku soo xusay. 

Ethopia waa walalaheen, ciidamadooda dalka ma joogan waa tababarayaal, waxaan nahay saaxibo  

  • Ethopia hadaynu nahay walaalo maxumo waayo waxaynu nahay daris ku wada nool  dhul daris ah oo waynu noqon karnaa dad wax wada qabsada oo iska kaashada waxyaabo badan balse hadii ay walaal ku tahay Ethopia, maxay horumarin u gaarsiin waysay dadka Soomaliyeed ee ku jira gacanta Ethopia ? oo aysan Soomalida walaalahada ah u heysanin xornimo taam ah,waxbarasho ,caafimaad ,shaqo  & xuquuq la mid ah xuquuqda ay tigreega ku heystan Ethopia kuwaas ah kuwa ku amar taagleeya dalkaas,hadiiba aad ku doodeyso walaalnimada aad adiga sheeg sheegto ee aan ku dhisneyn xaqiiqda jirta ee iska ah dano qaas ahaaned oo aan cago badan ku taagneyn.

Marka walaalnimada aad ku doodeyso maxay tahay oo Ethopia aysan walaal kugu arkin adiga iyo kuwa ay gumeysato ee walalahaada ah Soomaliyeed ? 

  • Ciidamada Tigreega dalka kuma jiraan iyo waa ku jiraan  qofka ku andoocanayo ee an ka maqalno oo hadaladooda is burinayaan waa idinka waayo qaar idin ka mid ah way cadeyeen in TIGREE  dalka ku jirto,qaarna si kale ayay u dhigeen, balse ma is waydiisen in shacabka Soomaliyeed inay idinka caqli badan yihin ayna og yihin xaqiiqda jirta ,marka sidee uga dhadhicin kartaan dadka aad rabtaan inaad u noqotaan madax in la idinka ilaaliyo oo walina dalkii dhamaa aad Tigree gacanta u galisaan ,waxaanse is waydiyey sida hadalkina isku qabanayo oo ah Etopia waa tababarayaal halka Ethopia ay isku si ugu aragto kuwa u yeertay iyo kuwa ay la dirireyso ,tusaale  waxaanu ognahay in Ethopia cidankeeda ee jooga Baydhabo  ay aamini waayen cidamadii dowladii u yeeratey ee ku jirey danuuneey ,hubkina kadhigatey xeradii ka saartey oo maantey ay meel cidlo ah fadhiyaan,tasoo ku ah waji gabax  kuwii u yeeray ee rabay in   ay ku layaan walalahooda Soomaliyeed si ay u garan dano shaqsiyadeed.

Waxaan rabaa inaan ummadeena ku baraarujiyo qodob asaasi ah oo u baahan in si fican lo darso,

Qofkasta oo Soomali ah wuxuu mudan yahay in loo doorto maamulka wadanka min madaxwayne ilaa isbasiini ( dhulxaaqe),taasi macnaheeda ma ahan, in xilki qaranka ee loo doortay inuu ku iibsan karo dhulka,dadka & diinta, hadiisa u arinkaasi galo waxaa sharciyan lumaya masuuliyadi loo doortay,sidaa daradeed kuwa hada ku andacoonaya  in  la doortay sida dowlada ku meel gaarka ah & maamul gobaleedyada jira ,kuwaas oo baneestay in ay dhulka & sharafki ummada Soomaliyeed ku soo hogaamiyaan cadaw TIGREE ah oo soo jireen ah

Waxaa cad in xilkii loo doortay inay buriyeen aysana jirin maamul iyo hogaan  lagu tilmaamo karo waqtiga xaadirka ah oo sharci ah, ayna mudan yihiin in laga hortago oo lala diriro si looga xoreyo qaybaha ay ku harsan yihin si loo helo maamul iyo madax cusub oo soomaliya ka saara marxalada uu manta dalka marayo .

Yusuf Mohamed abdi yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD