Soomaalida Minnesota oo
$20,000 u ururiyey Dadka Soomaaliyeed ee ku Tabaaloobey
Fatahaada iyo Daadadka..
- Warbixintii:
SomaliTalk.com | Dec 4, 2006
Xaflad xalay oo Isniin soo
geleysey lagu qabtay magaalada Minneapolis ayaa guddiga isu
xilsaaray qabanqaabinta lacag u ururinta dadka Soomaaliyeed
ee ku tabaaloobey fatahaada webiyada iyo roobabka waxa ay
sheegay in ay lacag ururintii mareyso meel wanaagsan oo ay
reer Minnesota si hagar la'aan ah u wadaan soo ururinta
deeqdaas.
Guddigu waxa ay sheegeen in
ilaa hadda ay hayaan lacag dhan $20,000 (Labaatan kun oo
doolar) oo loogu deeqay ummadda Soomaaliyed ee ku
tabaaloobey daadaka iyo fatahada.
Kulanka xalay waxay dadkii
isugu yimid iska ururiyeen $4,300 (Afar kun iyo saddex boqol
oo doolar). Waxa kale oo guddigu sheegeen in masjidka
Abuubakar uu soo ururiyey $11,000, masjidka Dar-Al-Hijrana
$1,500, masaajida kalena lacag laga soo ururiyey,
ururintiina deeqduna ay weli socoto. Dhammaan dadka
Soomaaliyeedna waxaa lagu dhiiri gelinayaa in ay ka qayb
qaataan deeqdaas bini aadamino, ayagoo deeqda geynaya
masjidka ugu dhow.
Kulankii xalay Dec 3: Fatahaada Webiyada Jubba
iyo Shabeelle iyo Roobabka burburiyey Xeryaha Qaxootiga ee
aagga Dhadhaab...

Kulankii Minneapolis ee loo qabtay u gargaarida
Soomaalida ay webiyadu ku soo fataheen... |
Shirkii looga hadlayey sidii deeq
loogu ururin lahaa ummadda Soomaaliyeed ee ku tabaloobey
fatahaadii webiyada Soomaaliya iyo roobabkii xoogga badnaa,
oo sida habsamida u qabsoomay ayaa dadkii ka hadlay ay ka mid ahaayeen Shaafi, Sh. C/salaan
Aaden, Maxamed Maxamuud Ciise, Suldaan Ibraahim Ibro, Sh. C/Raxmaan
Shariif, hay'ada
ARAHA iyo akhyaar kale oo dhammaantood ummadda ku
booriyey sidii gacan looga geysan lahaa u gargaarida dadka
Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka soo gaartey roobabka iyo
fatahaada. Waxaana shirkaas lagu soo bandhigay sawiro laga
soo qaaday dadka ku tabaaloobey fatahaada iyo daadadka.
Warbixin halkaas laga
sheegay ayaa lagu xusay in ay roobabkaas ay ku dhinteen ilaa
116 qof, 9 qofna uu yaxaas cunay, dad lagu qiyaasay 100,000
ay ku maal beeleen ama ku barakaceen, boqolaal tuulona ay
webiyaashu ku fataheen. Xeryha Dhadhaabna ilaa 3,000 oo qoys
ay ka burbureen guryihii. Waxaa taas sii dheer biyaha oo
wasakhaysan oo aan la cabi karin, iyo meel wax lagu karsado
oo aan jirin maadaama dhulkii oo dhan ay biyo jiifaan iyo in
Cuduro laga cabsi qabo in ay ka dillaacaan. Sidaas
daradeedna loo baahan yahay gargar degdeg ah.
Dadkii shikraas ka hadlay
waxaa kale oo ka mid ahaa Faarax
Macallin, musharaxa baarlamaanka
Kenya oo booqasho ku jooga Maraykanka, waxana uu dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay
sidii ay arrintaas gacan uga geysan lahaayeen. Waxana uu
ummadda Soomaaliyeed xusuusiyey in aan cidna u maqnayn ee ay
tahay in ay ayagu tashadaan.
Faarax Macallin waxa uu
sheegay in Soomaaliya ay hagradeen aqoonyahankeedii. Isagoo
arrintaas ka hadlaayana waxa uu yiri: Dalka Soomaaliya waxaa
gabay aqoonyahankii, oo noqday kuwo ah karaaniyaal wax u
qora qabqablayaal. Dal ma hormaro ilaa aqoonyahanku
hoggaamiyaan.
Mar su'aal laga weydiiyey
hay'adaha sida Qaramada Midoobey ee lacagaha badan adduunka
weydiistey si ay wax ugu qabtaan dadka Soomaaliya ku
dhibaataysan waxa uu yiri: Hay'adahaasi waxa ay u dhisan
yihiin in aan weligeed fakhri laga bixin, waxana uu xusay
sida wax kasta oo hay'adahaasi helaan ay badankeedu iyaga
ugu laabtaan oo qiyaastii 25% oo keliya ama ka yar ay dadkii
loo qoondeeyey gaarto (sidaasna 75% ay hay'adahaasi dib ugu
laabato). Halkaas waxa uu Soomaalida ku
xusuusiyey in ay iyagu tashadaan oo aysan cidna wax ka
sugin.
Guud ahaan arrinka
Soomaaliyana waxa uu ku mataley sidii sac (lo') oo soo
ordaaya oo haddii uu jac (ama joogso) ku istaagi waayo ay
tahay in geeska la qabto, waxana uu yiri: Soomaaliya
xaalkeedi waa "Jacdii soo dhaaftay ee Geeska qabo." Halkaas
oo uu ku muujinayey in guntii la soo taabtay oo ay tahay in
Soomaalidu iyagu inta ay midoobaan dalkooda wax u qabtaan.
Waxana uu markale ummadda
Soomaaliyeed ugu baaqay in ay midoobaan, kuna dadaalaan
waxbarashada, akhriyaana taariikhda.
Soomaalida
Minnesota oo Taageeray Musharaxnimada Faarax Macallin Dawaara
"Nabadda
Geeska Afrika waxay ku xiran tahay xorriyad la siiyo gobolada la Gumeysto"
Sidaas waxaa yiri Faarax Macallin, waxa kale oo uu yiri "Soomaalidu waa
Midoobi doontaa, xabashiduna waa kala goo go'i doontaa"....
Akhri....
Waxaa isku doo dubaridey:
SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 4, 2006


|