Markii laga takhalusay
qarankii Soomaaliyeed,
qabaa'ilkii Soomaaliyeedna
qolo kastaa meel lagu ooday
oo hubna laysugu dhiibay, si
ay isu laayaan, ayuu
Maraykanku go'aan ku gaaray
inuu ciidamo u soo diro
waddanka Soomaaliya. Si uu u
dhammaystiro ama u khatimo
ruwaayaddii socotay.
Arrintaasna waxaa ku raacay
oo u sii ololeeyay qaramada
midoobay (U.N) oo uu hor
kacayay Budrus Ghali.
Ciidamadii qarmada
midoobay ee Soomaaliya loo
diray waxay tiradoodu
dhannayd 38,000 oo askari oo
ka kala yimid 21 waddan.
25400 oo ka mid ahna waxay
ahaayeen ciidamada
Maraykanka. Laakiin
ciidamada Maraykanka intaas
way ka badnaayeen.
Dhammaan ciidamadaas
qaramada midoobay waxaa loo
gu magac daray:-
”Ciidamada rajo soo
celinta”.
Xaqiiqdiise waxay ahaayeen:-
”Ciidamadii rajo sii
cayrinta).
Haddii si kale loo
yiraahdana waxay ahaayeen
gumaysi cusub oo shaadh loo
soo galiyay, si loo
baabi'iyo, midnimada,
dhaqanka, diinta iyo
sharafta ummadda
Soomaaliyeed.
Arrintaasna waxaa kuu
caddaynaya falalkii
waxashnimada ahaa ee ay
ciidamadii U.Nta ku kaceen.
Ciidamadii falalkaas
gaystayna waxaa ka mid ahaa
ciidamadii Kanada oo
Soomaaliya joogay laga soo
billaabo December 1992kii
illaa May 1993kii, kuwaasoo
sannadkii 1995kii lagu soo
eedeeyay inay jidh dil ku
sameeyeen hal ruux oo
Soomaali ah illaa uu ka
dhintay.
Saddex kalana ay si toos ha
u toogteen. 4-3-93kiina laba
nin oo Soomaali ah ayay u
taxaabeen xaruntii
fadhiisinka u ahayd
ciidamada Kanada, dabadeedna
intay meel ku tuureen ayay
toogteen. Nin labadaas nin
ka mid ah ayaa halkaas ku
dhintay, kii kalana waxaa
soo gaaray dhaawac.
Arrintu waxay ahayd mid
hoos u qodan. Sababtoo ah
markii ay eedayntaasi sooo
baxday waxaa is casilay
wasiirkii gaashaan-dhigga ee
Kanada isagoo ka xumaaday in
la soo eedeeyo ama
ceebahooda la soo faago
ciidamadiisa. Walina waxaa
hortaagan in baaritaan
fiican la sameeyo
masuuliyiin sarsare oo
ciidamada Kanada ka tirsan,
sida ay sheegeen guddi
baaritaan oo arrintaas loo
xilsaaray.
Wargaysyada Talyaaniguna
waxay daabaceen, askarta
Talyaaniga oo wiil
Soomaliyeed luqunta koronto
kaga xiraysa, si ay
jiidhkiisa koronto u
qabadsiiyaan. Waxay kaloo
daabaceen sawirro muujinaya
askarta Talyaaniga oo
kufsanaya gabadh
Soomaaliyeed.
Maxkamad milatari oo
ku taalla waddanka Biljam
caasimaddiisa Brussels waxaa
la hor keenay labo askari oo
Biljam ah oo la kala
yiraahdo Claude Baert
iyo Kurt Coelus,
kuwaasoo la sawiray iyagoo
dab holcaya ku dul haya oo
ku solaya wiil Soomaaliyeed.
Waxayna labadaas askari
sheegeen in wiilkaas uu isku
dayay inuu xado cunto. Waxay
kaloo sheegeen inuu wiilkaas
ku dhintay kontaynar uu ku
xirnaa 48 saacadood.
Askari kalana waxa lagu
eedeeyay inuu dilay qof
Soomaali ah oo la sawiray
isagoo wajiga uga kaadinaya.
Kuwo kalana waxaa lagu soo
eedeeyay inay wiil
Soomaaliyeed ku qasbeen inuu
cuno hilibka Doofaarka.
Falalkaas waxashnimada ah ee
loo gaystay ummadda
Soomaaliyeed ee aan is
difaaci karin intaas oo qura
ma aysan ahayn ee intii ay
qariyeen ayaa aad iyo aad
uga sii fara badan.
falalkuna dhammaantood waxay
ahaayeen kuwo la xiriira
midab kala sooc iyo
cunsurinimo, sida uu sheegay
askari ka mid ahaa
eedaysanayaashii Talyaaniga,
isagoo yiri;
”Maxay qiimo leeyihiin?!.
Maxaase ku jaban?! Waayo oo
waa dad addoomo ah”
Arrintu waa sidaas uu
askariga Talyaaniga ah u
sheegay oo wax qiimo ah oo
aannu ugu fadhinay ma aysan
jirin. Waxayna la ahayd
inaanu nahay addoomo ay
leeyihiin. Cid wax ka
qaadday ama wax ka qabatayna
ma ay jiraan sida labadii
askari ee wiilka dabka ku
solaysay, iyagoo waliba
maxkammad horteeda ka qirtay
inay falkaas gaysteen.
Waxaase wax lala yaabo ah in
xeer ilaaliyihii muduciga ku
ahaa labadaas nin ee wiilka
Soomaaliga ah dabka ololaya
ku solaysay uu dalbaday in
xarigii ugu yaraan ahaa
halka sano looga dhigo hal
bil oo qura.
Waxayse murugada iyo
ciilku kugu sii kordhayaan
markaad ogaatid inay
labadaas askari ku
andacoodeen inay ku
cayaarayeen markay wiilka
dabka ku solayeen oo aysan
cadawtinimo ka ahayn. Taasna
ay keentay in la iska sii
daayo. Run ahaantii waa wax
lala yaabo ruux dhan oo
banii'aadmi ah inta lala
boodo oo dab lagu solo sida
hilibka in la yiraahdo
waannu ku ciyaaraynay.
Arrintuna waxayba noqottay
uun Mulucii ay carruurtu
dabada ka gooynaysay iyagoo
ku cayaaraya, ee deedna la
yiri ”
Mulacu daba ka goynta waa
ku dhimasho, carruurna waa
ka cayaar”
FG: Maqaalkan waxaan
qoray 1997kii bishiisii
9aad. Waxaana lagu soo
dabacay wargeyd la odhan
jiray ”Dhanbaal” oo
ka soo bixi jiray magaalda
Stockhom ee waddanak Sweden.
Waxaan hadda ugu soo
celiyayna waxaa weeye yaab
aan la yaabay dadka maanta u
riyaaqaya in ciidamo
shisheeye la keeno.