16 Sano oo ka soo wareegtey Geeridii Ismaaciil
Jimcaale....


Maalinta July 22, 2006 ahayd Hotel Ambaasadoor
waxaa ka dhacday xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo isugu jirtay labo
Manaasabadood oo kala ah Geeridii Allaha u Naxariistee Ismaaciil Jimcaale oo ka
soo wareegtay 16-sano iyo maalinta xaquuqda Aadanaha soomaaliyeed waxaana
xafladaas ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxaana ugu horayntii
halkaas ka hadlay Madaxa Baarista ee Xarunta Ismaaciil Jimcaale C/laahi Calas
Jimcaale wuxuuna halkaas ka aqriyey farriintii hay’adda Amnesty international
Waxay Xambaarsaneyd Fariintaas Sidii loo ilaalin la haa xaquuqda Aadanaha ee
soomaaliya waxayna hay’adda u Mahadcelisay xarunta Ismaaciil Jimcaale oo ayadu
si weyn isugu howshay sidii u uruurin lahayd Tacdiyadii ka dhacay Soomaaliya,
waxaa kaloo ka hadlay C/laahi Maxamed Shirwac oo asna ku booriyry ururada
bulashada rayidka inay qayb ka qaataan sidii loo adkayn lahaa nabadda ka
dhalatay Magaalada Muqdisho iyo waliba sidii ay uga hortigi la haayeen in dagaal
dambe ka dhaco,

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cadde Gaabow oo isna
halkaas ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in bulshada ku nool Gobol Banaadir ay ka
qayb-qaataan sidii ay u xajisan lahaayeen Nabada ka soo iftiintay Magaalada
Muqdisho waxaa kaloo ka hadlay Maryan Xuseen Owreeye oo ayana halkaas ka soo
jeedisay xadgudubyadii dhacay 22-kii luulyo 2005 illaa 20kii Luulyo 2006,
waxayna sheegtay in xadkudub yadaas ay gaarayaan 265, Tirada isticmaalka xoog
siyaada ah 417, tirada dadka la faraxumeeyey 20,iyo tirada dadka la afduubay oo
iyana gaaraysa 17.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
MAGACYADA
DADKA RAYIDKA AH EE LA DILAY MUDDADII U DHAXAYSAY 22KA JULY 2005 – 20KA JULY
2006

Arooskii Muqdisho:
Akhri
Qore: Amiin Yuusuf

|