Qaar ka
mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga
Tamarata Qoraxda
20
haween ah oo ka socday degmooyinka G/Banaadir ayaa magaalada Muqdisho
uga furmay Tabar la xariira qaabka ugu wanaagsan ee looga faaiideysto
tamarta Qoraxda, isla markaasna cuntada loogu karsan karo qoraxda,
iyadoo la adeegsanaayo qalab ay Unafrik bixisay oo isugu jira Baako iyo
baco loogu talagalay in lagu karsado Raashinka iyo wixii kale ee loo
baahdo in la kariyo.
Waxaa ugu horeyntii halkaas ka hadlay sarkaal sare oo ka socday ururuka
beera yaqaanada Soomaaliyeed ee Sacra C/qaadir Nuur Hadaafow oo isagu
haweenkaaas ku booriyay inay aqoonta ay halakaan ka korarsadaan ay u
gudbiyaan dhigooda aan u saamixin tababarkaa inay ka qeyb qaataan.
"Mashruucaan waxaan ku rajaweynahay inaan gaarsiino gobolo dhowr ah oo
aan laga fulin" ayuu yiri C/qaadir Nuur Hadaafow oo sheegay in Ururka Un
Afrik uu xafiiskiisu ku yaal dalka Sweden, wuxuuna cadeeyay in
deegaanada Baydhabo iyo jowhar horay looga hirgeliyay Mashruucaan ka
faaiideysiga Tamarta qoraxda, isagoo xusay in deegaano Cadle iyo
Warshiikh ka mid ah la gaarsiin doono dhawaan Mashruucaan.
Sidoo kale waxaa halkaas haweenkii tababarka la siiyay lagu gudoonsiiyay
agabkii looga faaiideysanaayay Tamarta qoraxda, iyagoo bartay qaabka wax
loogu karsan karo qalbkaas iyadoo laga faaideysanaayo tamarta Qoraxda.


Dhinaca kale waxaa goobtaas lagu soo bandhigay qlabkaas oo isla goobtaas
lagu kariyay raashin ay ka mid yihiin Bariis iyo Suugo, iyadoo ugu
dambeyntii uu halkaas hadalo ka soo jeediyay sarkaal ka socaday Unafrik
oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Calasow oo sheegay in masruucaan uu
xiligaan dadka Soomaaliyeed wax weyn u tarayo, isagoo sabab uga dhigay
fatahaada webiyada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sidoo kale dadka lama
dagaanada ama deexada degan uu wax weyn u tarayo mashruucaan.
Dawlada mareykanka oo diyaarinaysa
Qorshe Qabyo ah oo ay hor dhigeyso Golaha amaanka ee Qaramada midoobay
Dawlada mareykanka ayaa diyaarisay Qoraal Qabya ah oo ay hor dhigeyso
Golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo ay ku dooneyso in cunaqabateynta
hubka laga Qaado dawladda Somalia oo kaliya , laguna doonayo inay dalka
soomaaliya ciidamo usoo diraan dowladaha urur goboleedka IGAD warkan
ayaa waxaa faafisay wargayska kasoo baxa dalka maraykanka ee waashington
post.
Wargayska ayaa wuxuu soo qaatay qorsha lagu doonayo inay cuna qabataynta
kaga qaadaan dfkmg si loo helo ciidamo ka socda dowladaha IGAD oo suga
amaanka dowlada taasoo ay dalka maraykanku ku doonayso qorshahan mid u
dhaqan gala si xal loogu helo xaalada murugsan ee geeska afrika sidoo
kale waxay warbixintu intaasd ku daraysaa inay qorshahan ay ku
taageereen dawladda mareykanka dowlada Britain iyo France,waxaana la
filayaa in dawladaha China iyo Russia inay taageeri doonaan.Dawladahaasi
waa 5ta dal ee xubnaha joogtada ka ah golaha amaanka.
Hase ahaatee in cunaqabataynta hubka laga qaado dawladda somalia iyo in
ciidamada dalalka IGAD loo oggolaado in ay galaan somalia waxaa dood ka
keenay warbixin ay diyaariyeen koox khubaro yurub ah oo arrimaha somalia
kala taliya ururka Eu.
Kooxdan khubarada ah ayaa fadhigoodu yahay Nairobi oo guddiga European
commissionka ka dhaadhicinaya in ay taageeraan maxkamadaha soomaaliyeed
oo dadaal dheer u galay sidii amaanka loogu soo celin lahaa koonfurta
soomaaliya .
Sidoo kale waxay khubaradaasi warbixntooda kaga hadleen ,haddii la
oggoaado in dawladda somalia laga qaado xayiraadaha hubka oo ciidamada
IGAD ay tagaan somalia,waxaa khasab ku noqoneysa EU inuu wax ka bixiyo
kharajka ku bixi doona ciidamada IGADSOM,saas awgeed yurub ay diidaan
ayna ka hortagaan qorshahaas dawladda mareykanka.waxaa kale oo khubarada
reer yurub ee la taliya European Commission ay qabaan haddii qaramada
midoobay,ay sida mareykanku doonayo ay yeesho oo go'aankaas la qaato ay
dhici karto inuu soo dedejiyo dagaal aan wax la isula hadhin oo somalia
ku dhexmara dawladda oo itoobiyaanka uu gacansiinayo iyo golaha
maxkamadaha islaamiga soomaaliyeed .
Sikastaba ha ahaatee khubarada ayaa waxay kula taliyeen , inay EU inuu
dhiirigaliso wada hadal dhexmara dawladda iyo maxkamadaha oo keeni kara
nabad waarta ,Waxaa lagu wadaa golaha amaanka ee UN inuu ka shiro oo uu
go'aan ka qaato arrinta somalia daba yaaqada bishan Nofember taasoo lagu
gaadhi doono go,aan kasoo baxa UNka .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2006