Sanad Guurada Koowaad ee maalinta dadka
Dhimirka Waxa uga dhimanyihiin oo Muqdisho si weyn looga xusay....

Cunista Qaadku Waa Khatar

Axmed Nuur Yuusuf Guuleed

garaacidii o ka muuqato

C/qaadir Cabdow Max’ed


Cabdi Carab

Huruuse

 |
Xaflad ballaaran oo lagu xusayay sanad guuradii
koow-aad ee ka soo wareegatay aas-aaska xarunta lagu xanaaneeyo dadka waalan ee
Dr. C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb) ayaa maalinimadii Khamiista ka dhac-day
magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Naasahablood.
Munaasaddaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa
waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socday maxkamadaha Islaamiga, marti
sharaf iyo xubno ka socday dadka waalan ee xaruntaasi lagu xanaaneeyo waxaana
ugu horreyntii halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee waaxda
Caafimaadka Golaha Maxkamadaha Sheekh C/laahi Cumar Ciid, wuxuuna sheegay inay
tahay arrin kheyr ah in la xanaaneeyo dadka dhimirka la’.
”Bulshada Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inay ku daydaan xaruntan isla
markaana dadka ganacsatada ah waa inay gacan ka geystaan taakuleynta xaruntan oo
mudan in lagu daydo” ayuu yiri Sheekh C/laahi Cumar Ciid oo si weyn u amaanay
ahmiyadda ay xaruntan u leedahay bulshada, waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay
guddoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha Fulinta ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga
soomaaliyeed Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo sheegay in loo baahan yahay in
bulshadu ku dayato shaqsi kasta oo sameeya wanaag, isla markaana loo mahad
celiyo cid kasta oo wanaag sameysa.
Sheekh C/qaadir wuxuu kaloo sheegay in daryeelka baaxadda leh ee ay xaruntan
fidiso ay tahay mid ku dayasho mudan.

Cunista Qaadka waa Khatar Sabta Cudurada ku Dhaca Dhimirka
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay kal-kaaliye sare C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb)
oo sheegay in xaruntan lagu xanaaneynayo haatan bukaano dhimirka la’ oo
tiradoodu dhan tahay 39 ruux oo dumar iyo rag isugu jira, wuxuuna sheegay in 11
ka mid ah ay haween yihiin, 28-na ay rag yihiin.
”Ma jirto cid gacan nagu siisa daryeelka aan u fidino dadka waal-waalan ee ku
jira xaruntan, waxaana jira rag muddo waalnaa oo haatan caafimaad qaba” ayuu
yiri Dr. Kal-kaaliye sare Xabeeb oo intaa ku daray in haatan ay jirto ballan
qaad ay u fidisay hay’adda WHO oo uu sheegay inay ka ballan qaadday dawooyin
balse aysan jirin wax soo gaaray haatan.
Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka hadlay mid ka mid ah dadka waalan oo lagu
magacaabo Cabdi Carab oo sheegay in haatan uu wanaagsan yahay balse markii la
keenaya xaruntan uu ahaa mid ka xir-xiran gacmaha iyo lugaha oo aan wax cuneyn.
”Waxaan mahad u soo jeedinayaa dhammaan inta gacanta ka geysatay daaweynta
bukaanadan ku jira xarunteena, waxaana lama iloobaan ah Dr. Xabeeb oo habeen iyo
maalinba nala jooga xarunta” ayuu yiri Cabdi Carab oo sheegay in seddax bilood
uu xarunta ku jiray haatanna uu caafimaa-dkiisu wanaagsan yahay.
Waxaan sidoo kale wareysanay xubno ka mid ah dadka waalan oo uu ka mid yahay C/laahi
Max’ed Abshir (Haruuso) oo sheegay in 15 sano uu miyirka la’aa isla markaana uu
soc-socon jiray wadooyinka magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, ”Markii ugu
horreysay ee aan miyirka beelo waxaan dhihi karaa wuxuu iga soo gaaray
xanuunkaas jaad fara badan oo aan cuni jiray, jaadkuna waa mid qatar ku ah
bulshada” ayuu yiri Mr. Haruuso.
Sidoo kale waxaan wax ka weydiinay xubno kale oo ay ka mid yihiin C/qaadir
Cabdow Max’ed oo isagu sheegay in uu farsamo yaqaan sameeya TV-yada iyo
rikoorada ka ahaa dalka Itoobiya, markii uu magaalada yimidna uu waashay, isagoo
taasi sabab uga dhigay cunista jaadka.
Sidoo kale Axmed Nuur Yuusuf Guuleed ayaa isaguna sheegay in muddo 24 sano ah uu
ahaa waali dhaqanto isla markaana aan wax cuneyn, wuxuuna sheegay in markii uu
xaruntan yimid uu haatan fayow yahay, wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed
inay soo caawiyaan xaruntan iyo dadka ku jiraba.
Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
0025215576666
002521653623
Faafin: Nov 25, 2006
Maxaa Keenay
Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
Sweden: warbixin uu soo diyaariyey macallin
Soomaaliyeed
Guji
Maxkamadaha:
Dhuxusha HAA, Qaadka MAYA?
Golaha
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa mar kale fursad siiyey kuwa Xaalufiya Dhirta
ayagoo dhanka kalena olole xooggan ugu jira la dagaalanka qaadka..
Akhri
Nov 23
»Qaar
ka mid ah Haweenka G/banaadir oo loo tababaray mashruuca ka faaiideysiga
Tamarata Qoraxda
»Leicester , UK::
Soo Bandhigid Dhaqan Soomaali
Xuquuqda
Qoraalka Copyright Akhri..
|