Himilada iyo Siyaasadda Amniga
Qaranka iyo Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka ee "Dimuquraadiga" ee Itoobiya
***XUSUUSIN:
Qoraalkani waxa uu ka soo baxay "Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya"
- ka hor intii aan ciidamadeedu gelin Muqdisho Dec 28, 2006
Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
a) Taariikhda
iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya
RIYADA ITOOBIYA
"Ethiopia's policy towards Somalia"
Waa tarjumada qoraalka boggani xambaarsan yahay...
"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"
Wasaradda Arrimaha dibadda Itoobiya |
Xiriirka ka dhexeeya dowladda
Itoobiya iyo Soomaaliya weligiisba ma aheyn mid caafimaad qaba. Marka la eego
taariikhda dhow ee Soomaliya iyo Itoobiya, waxaa dhex marey hal dagaal oo yar
iyo mid weyn. Riyada maran ee waxa loo yaqaan “Soomaali Weyn” oo ah Siyaasad is-ballaarin
ah ayaa u keentey Soomaaliya wax aan ka aheyn colaad/din iyo iska hor-imaadyo ay
la gashey dalalka la dariska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya. Waxaa intaa dheer,
Soomaaliya weligeedba waxay la safan jirtey kooxo iyo waddamo ay rumeysantahay
in ay ka soo hor jeedaan dalka Itoobiya waddamadaas iyo kooxahaas oo
carqaladeeyey Nabadda Itoobiya. Tan waxaa la sii xiriirtey, in Soomaaliya ay ku
guuleysatey in ay kiciso tiro weyn oo Soomaalida Itoobiya ah si ay u noqdaan
kuwa Soomaalida kala qayb gala in ay fuliyaan siyaasaddooda is-ballaarinta ku
dhisan. Marka taas la eego, Itoobiya waxay weligeed u ballaqneyd hujuumaad cabsi
leh oo uga imanayey Soomaaliya iyo goobo kaleba.
Itoobiya, iyadu dhinaceeda, intii
ay hujuumka uga yimid Soomaaliya uga jawaabi laheyd in ay ixtiraamto xuquuqda
Soomaalida Itoobiya iyo in ay kobciso walaalnimada ka dhexeysa dadka Itoobiya si
ay Soomaalida Itoobiya ugu dhex noolaadaan ugana mid ahaadaan iyagoo xor ah
dalka Itoobiya, ayey dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala
dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya
ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas gurracan u fulin
laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga
jawaabayo gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si
ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyey iska soo horjeedka ka
dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Si asal ahaan ah oo laga noqon
Karin ayuu xaalku haatan isu beddeley. Fikraddii “Soomaali Weyn” way fashilantey.
Hadda waxaa la sii marayaa 10 sano Soomaaliyana weli dowlad iyo Qaran matala ma
leh oo waa dowlad la’aan. Dhanka kalena, Itoobiya, Dastuur xuquuqda dadka
Ilaaliya oo suga ayaa laga hirgalinayaa. Soomaalidii Itoobiyana waxay la nool
yihiin walaalahooda kale iyagoo si xor ah ula midoobay Itoobiyada kale si
wadajir ahna ula difaacaya Dhalashadaas Itoobiya iyo Jiritaankeeda. Si wadajir
ah ayaa Itoobiyaanka iyo Soomaalida Itoobiya waxay ugu nool yihiin shucuur
sinnaan, dimuqoraaddiyad, hormar iyo u dhalasho Itoobiya. Wadajirkaas oo ku
taagan tiirar ad-adag oo wax ka taraya dhismaha waddanka. Unuglaanshadii
Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.
Dhanka kale, burburka iyo kala
tagga Soomaalia laftigiisu wuxuu keeney khatar kale oo sii kordheysa marba marka
ka danbeysa. Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay oggolaatey in diin ku adeygga
Soomaalidu uu xiddiddeysto. Soomaaliya waxay gabbaad iyo marin u noqotey
argagixisada iyo kooxaha diintooda ku ad adag. Curiyayaal nabad diid ah ayaa
Soomaaliya u isticmaalaya in ay saldhig iyo marin u noqoto si ay u hujuumaan
nabadda Itoobiya. Sidaas darteed burburkii Soomaaliya khatar ayuu u keeney
dalkeenna Itoobiya.
b) Muhimadda
xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya
Ma jirto xaalad ay haatan
Soomaaliya wax ku soo kordhin karto iyadoo ah meel aan hanti gashan karno iyo
meel aynu ku horumarin karno maaliyadda Itoobiya ama meel suuq u noqon karta wax
soo saarka Itoobiya. Muddo ka dib oo weliba nabad iyo deggenaan Soomaaliya lagu
soo dabbaala ayaa ay uun jiri kartaa fursad ay Soomaaliya Suuq muhiim ah noogu
noqon karto. Hase yeeshee, way adagtahay in laguba riyoodo in ay nabadi ka
dhacdo Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo midka dhexeba. Marka la eego kheyraadka
dabiiciga ah wabiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaadaan Itoobiya.
Waraabin beereed oo habeysan maba kajiraan Soomaaliya sidaas darteed dadka
saboolka ah ee Soomaalida waxay ku jiraan xaalad qallafsan. Dhanka kale markasta
oo waddankeenna Itoobiya uu sii hormaraba waxay noqoneysaa in ay Biya Xireenno
saarno wabiyada si aan warrab uga dhigno beeraheenn. Horumarinta wabiyada
Itoobiya waxay caawin kartaa in ay daadadka ka caabbiso Soomaaliya sidaa
darteedna ay faa’iidadu na wada gaarto. Laakiin dhanka kale, wabiyadan waxaa
lagu isticmaali karaa Itoobiya dhexdeeda siiba gobalka Soomaalida Itoobiya
iyadoo loo adeegsanayo hormarinta gobalkaas. Arrintan waxay abuuri kartaa iska
hor-imaad fudud oo dhex marra Soomaliya iyo Itoobiya laakiin taas waxaa lagu
xallin karaa xeer ah wax qaado oo waxna i sii taas oo tixgalin siineysa
rabitaanka qaran ahaan ee labada waddan.
Sida kor ku xusan waxaa cad in
muddada dhow iyo muddada dhexeba, Dalka Soomaaliya uusan wax xun iyo wax samba
uusan saameyn la taaban karo ku laheyn horumarka dalkeenna. Laakiin haddana,
Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka
Itoobiya. Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatanba iyo ka horba
taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado
aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya
isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya. Isticmaalka
dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya,
Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey
iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin
isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay
dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara). Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo
qarankeedii ayaa ka dhigaya wax aan la taabba galin Karin in haatan lagu fikiro
in la isticmaalo dekadahaas.
Xitaa haddii fursadda lagu
isticmaalayo dekadaha ay dhacdo in ay kor usoo kacdo, iyo iyadoo taas ay kor u
dhigi karto sida Soomaaliya ay u saameyn karto horumarkeenna, ayaa haddana qofna
u muuqan Karin door wanaag leh oo Soomaaliya ay maanta ciyaari karto. Dhinaca
xumaha marka aad eegto, waa muhiim in la garowsado in burburka Soomaaliya uu
keeney khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida Itoobiya. Xaaladda Soomaaliya
waxay qastey muuqaalka laga heysto gobalkeenna Geeska Afrika oo loo arko gobal
dagaal uu ka aloosan yahay. Fursaddeennii aynu ku soo jiidan laheyn maalgalinta
caalamiga ah aad ayey u yaraatey iyo “saameynta Xiisadda Soomaaliya” oo keentey
in lagu jahawareero nabad gobalka ka dhalata iyo in la waayo xiriir dhaqaale oo
ka dhexeeya labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
c) Jihada
Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya
Darisnimada aan wadaagno
Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd
nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd
gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada,
iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa
Soomaaliya. Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa
waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas
nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya.
Arigtada noocaas ah waa qalad waana khatar. Marka ugu horreysa hadda iyo wixii
ka danbeeya waddankeennu wuxuu ilaalinayaa midnimada dadkiisa (oo ayku jirto
Soomalida Itoobiya) iyadoon la inkireyn rabitaankooda (madaxbannaani doonka),
laakiin la caawinayo in oo la aqoonsanayo, laguna dhaqayo rabitaan ku saleysan
sinnaan, horumar loo dhan yahay iyo dimuquraaddiyad
Maxsuulka habkaas kor ku xusan
ayaa noqonaya in aynu abuurney xaalaadkii ay Soomaalida Itoobiya, ama fikraddii
Soomaali Weyn ha la soo nooleeyo ama ha joogsatee, ku dooran laheyd in ay ku
noolaadan sinnaan iyo midnimo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda Itoobiya. Marka
hormarkeenna iyo dimoqoraaddiyaddeenu sii korodhaba, u jilicsanaanteenna
fikraddii Soomali Weyn iyo astaamaha kale ee la midka ahba way iska yaraan
doonaan. Intaas waxaa dheer, oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo, in maaddaama
fikradda Soomaali Weyn ay weligeedba ahayd sababta ka danbeysa rafaadka hor iyo
gadaalba yaalley Soomaaliya, ayaa fikraddaan Soomaali Weyn haatan ay fashilantey
oo fursadda soo nooleynteeduna ay tahay mid aad caato u ah. Marka la eego
dhaqaalaha iyo siyaasadda Itoobiya oo isa soo taraya awgiisna, xaqiiqda ah in
Soomalidu ku nooshahay labada waddanba ayaa dhab ahaantii xaqiijin doonta in ay
Soomalidu noqoto buundada isku xirta xiriirk ka dhexeeya labada waddan, intii ay
ka haan lahaayeen wax mar walba laga shakiyo jiritaankooda.
Dhanka kale, haddii Soomaaliya ay
nabad noqoto oo dimoqoraaddiyad ay ka dhalato, waxaannu heli doonnaa fursad aynu
ku isticmaalno dekedaha Soomaaliya si xad dhaaf ah oo joogta ah oo noo keeni
doonto in aynu si weyn u horumarno. Xaaladdaas marka la galo waxaa suurtowda in
aynu iskaashi la yeelanno dowladdaas cusub ee Soomaaliya (waa dowladda Geeddi
markii hore, haddana waa tan col. Nuur Cadde)
si aynu xiddidada ugu siibno ficillada nabad diidka ah ee ka soo burqanaya
Soomaaliya. Labada waddan waxay si wada jir ah uga shaqeyn karaan in ay
horumariyaan qorshayaal lagu horumarinayo wabiyada isticmaalkooda. Waxaa kale oo
cad in la dhiirri galiyo xiriiro dhaqan iyo kuwo waxbarasho iyo wixii kale ee la
hal maala sida afka Soomaaliga ee wax lagu baro gobalka Soomaalida Itoobiya.
Abuurista xiriir adag oo ka dhexeeya labada waddan oo ku saabsan isticmaalka
dekadaha iyo wabiyada iyo ganacsiga, dhaqanka iyo wixii la mid ah. Waxaa kale oo
muhiim ah in la dhaqan galiyo in labada ummadood ay ka faa’iideystaan
iskaashigan. Marka ay sidaas dhacdo, waxaa markaas la hubaa in labada ummadood
ay iska caabbin doonaan wax kasta oo lagu wax yeelleynayo xiriirka labada dal iyo
dad. Weliba Itoobiya waxay heli doontaa faa’iido dhaqaale oo toos ah; waxaa
intaas dheer marka bariga Itoobiya uu noqdo meel ka caaggan hujuum iyo khatar in
markaa horumarka Itoobiya oo dhan uu noqon doono mid sare u kaco. Waa taas
sababta waqtigan xaadirka ah ujeeddadeenna ugu weyn ee ku wajahan Soomaaliya ay u
tahay in aynu xaqiijinno in la dhiso nabad iyo dimoqoraaddiyad ku dhisan hormurka
dhaqaale adag, dhaqan iyo xiriir siyaasadeed oo dhex mara labada
waddan.
Sidan waa siyaasadda aynu innagu
jecelnahay, laakiin nabad iyo dimoqoraaddiyada laguma heli karo isku deyga
dhinaceenna oo qudha. In kastoo aynu innagu aad isugu dayi doonno in aynu
kaalinteenna ka geysanno sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni ka dhalata
Soomaaliya taas oo ah danteenna ayaa haddana mas’uuliyadda arrintaas waxaa iska
leh dadka Soomaaliyeed iyo xooggaga siyaasadda ee waddankaas. Intaas waxaa sii
dheer, in xooggaga shisheeye ee saameynta ku leh dhacdooyinka Soomaaliya in ay
garowsadaan in ay awooddooda isugu geeyaan sidii nabad looga dhalin lahaa
Soomaaliya.
Dhacdooyinkii ka dhacayey dalka
Soomaaliya 10 kii sano ee la soo dhaafey ma aheyn kuwo dhiiri galin leh, laakiin
waa in aynaan quusan oo aynaan dhimin rajada laga qabo nabad iyo dimoqoraaddiyad
in ay ugu danbeyn Soomaliya ka dhalato. Dalkii Soomaaliya wuxuu u kala jajabey
qaybo badan, iyadoo ay jirto in qaybaha qaar ay xasillooni kooban ay ka jirto
ayaa haddana qaybo kale uu qalalaaso ka sii socdaa. Kuwii ka faa’iideystey
dowlad la’aanta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kooxo Soomaali ah, ganacsatada
qaar, kooxo diinta ku ad adag, iyo saaxiibbadooda shisheeye ayaa dhammaantood ku
mashquulsan in ay hor istaagaan si walba oo ay karaanba in Soomaaliya nabad ay
ka dhalato. In kastoo dadka Soomaalidu u ooman yihiin nabad, waxay awood u la’a
yihiin sidii ay uga fara baxsan lahaayeen kuwa nabadda u diidan (kuwaas soo
Itoobiya uguma Horreyso!!!!) kuwaas oo juhdi kasta ku bixiya in aan nabad danbe
lagu arag Soomaaliya. In kastoo Beesha Caalamku ay rabto in nabad la keeno
Soomaaliya, haddana si buuxda uguma heellana in ay juhdi badan galiyaan si loo
gaaro nabad iyo xasillooni ka dhalata Soomaaliya. Sidaa darteed, waxay annaga
noogu muuqataa in qalalaasaha Soomaaliya ka taagan uu sii socon doono muddo
dheer. Sidaa darteed, siyaasaddeenu waa in aysan ku ekaan oo kaliya in aynu wax
ku kordhinno nabad ka dhalata Soomaaliya 'e, ee waan in siyaasaddeennu wax ka
qabataa wixii aynu ka yeeli laheyn haddii dhibaatada Soomaaliya ay iska sii
socoto.
Calankii hore ee Itoobiya
Calanka cusub ee Itoobita
adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah intii ay Soomaaliya
ku jirtey burburka) sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira
xidig shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos kamuuqata
Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.
Taariikhda
Calanka Soomaalida |
Siyaasaddeenna waxaa saldhig u ah
sidii looga gun gaari lahaa in la dhaliyo nabadda Soomaaliyao si loo helo
Soomaaliya oo nabad ah oo Dimoqoraaddina ah. Laakiin, marka la eego qalalaasaha
iska daba dheeraadey ee ka sii socda Soomaaliya, siyaasaddeenu waa in ay ahaato
mid lagu yareeynayo in xasillooni darrada Soomaaliya ka jirto u soo gudubto
dalkeenna oo dhibaateysa innaga iyo Soomaalidaba iyo weliba gobalka. Haddii la
joojin waayo qalalaasaha Soomaaliya, waxa kali ah ee inoo furan waa in aynu iska
yareyno dhaawaca iyo dhibaatada arrintaas ka dhalan karto. Marka waxaa jira
seddex arrimood oo aynu ku xaddidi karno dhibka nooga iman karo Soomaaliya iyo
qalalaasaheeda Siyaasadeed.
Midka hore, waa in aynu isku dayno
in aynu caawinno goballada Soomaaliya ee iyagu haatan xasilloon ee aan iyagu
hoyga siin argagixisada iyo kuwa diintooda ku dheggen si markaas
deggenaanshahaas ay ku raaxesanayaan uu u sii jiro loona sii adkeeyo.
Goballadaas waxaa ka mid ah goballada loo yaqaan Somaliland iyo kuwa loo yaqaan
Puntland. Iyadoo la eegayo shucuurta ah in aynu iska yareyno dhibaato noo imaan
karta, ayaan ay tahay in aynu caawinno goballadaas si ay u hantaan xasillooni,
waana lagama maarmaan in aynu la sameyno xiriir dhinaca ganacsiga ah, is
gaarsiinta si loo gaaro danaha dalkeenna iyo danaha dadka goballadaas ku dhex
nool. Su’aasha meesha ku jirta ayaa waxay tahay aqoonsiga Soomaliland oo aynu u
aqoonsanno dal madax bannaan. In aynu aqoonsanno Soomaliland madaxbannanideeda
dan nooguma jirto maxaa yeeley waxay arrintaas abuuri kartaa dareenno dhibaato
wata oo gala Soomaalida kale iyo kuwa kale oo iyana shaki ka qaado damacannaga (madaxda
Somaliland ma akhrin hadalkan miyaa? Waa yaab!!!!!!). Sidaa darteed, iskaashiga
aynu la leennahay gobaalladaas waa in aan lagu darin aqoonsi la siiyo
maamuladdaas goballada ka midka ah Soomaaliya. Waa in aynu ka dhowranaa in ay
noqdaan waddama ka xorooba Soomaaliya inteeda kale. Laakiin, waa in aynu sii
wadnaa in aynu caawinno goballadaas sidii ay u sii wadan lahaayeen nabadda iyo
xasilloonida maaddama ay taas danteennu ku jirto dannna ay u tahay dadka
goballadaas ku nool (ma aragtey sida madaxda labadaas gobal ay had iyo jeer ugu
cel celiyaan in ay nabad haystaan? Illeyn Itoobiya ayaa ugu hanjabta in ay
nabadda ka qaadeyso haddii ay la midoobaan Soomaalida kale e!!!!).
Midda labaad, waa dhab in ay sii socon doonto in aynu u ballaqnaano khatar inta
ay Soomaaliya ka xasileyso oo nabad ka heleyso. Iyadoo marka taas la garawsanayo,
ayaa waxaa waajib innagu ahin aynu abuurno awooddii aynu isku difaaci laheyn oo
aynu ku fashilin laheyn weerar kasta oo nooga yimaada kooxaha Soomaalida ee
diinta ku ad adag, argagixisada, iyo curiyayaalka kale ee nabad diidka ah ee ka
soo burqanaya Soomaaliya. Marka waa in aynu mar kast dhiifoonaan iyo feejignaan
aynu muujinno oo diyaar ahaanno weligeen.
Midda saddexaad, waa in aynu la
shaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee gobalka Geeska Afrika (kuwan waa dagaal
oogayaasha iyo inta daba dhilifka u ah!!) iyo beesha Caalamka (Mareykan, Kenya,
Yamen, Yugaandha iwm) si aynu uu wiiqno una jabinno xoogagga ka imaanaya
Soomaaliya ee weerarka ku ah dalkeenna (waa kuma xoogaggan!!). Sida cad, xalka
dhammaan arrimaha kor ku xusan waa iyadoo ay baahdo dimoqoraaddiyaddu, iyo
iyadoo la sameeyo wax kasta oo keenaaya xal la gaaro. Isla markaas, si kastaba
ha ahaatee, waxaan u baahannahay in aynu helno garowga iyo kaalmada dadka
Soomaaliyeed iyo taageerada beesha Caalamka si aynu uga hor tango waxa dhib ah
ee nah or yaalla. Iyadoo aynu ilaalineyno qodobka ah in aynan faraha la galin
arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ayaa haddana ay tahay in aynu xaqiijinno xaqa
aynu u leennahay in aynu ilaashanno nabadda aynu haysanno iyo in aynu is
difaacno (bal yaa weerar ku ah?!!!!!!).
English Version:
Click here
Eeg barta qoraalkaasi kaga qoran yahay
website wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo English ah:
http://www.mfa.gov.et/Foreign_Policy_And_Relation/Relations_With_Horn_Africa_Somalia.php
Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2006
Websiteka W/A/D
Itoobiya |
Siyaasadda
Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya iyo Calaamadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda
Itoobiya...
Wasaaradda Arrimaaha Dibada Itoobiya ayaa websitekooda
rasmiga ah ku daabacay qoraal ah in "Soomaalidu ku jiraan riyo maran oo ku
saabsan Soomaaliya oo midaysan", waxana ay websitekooda dhanka sare kaga
sawireen khariidad ay Itoobiy aku darsadeen qaybo kamid ah Soomaaliya, sida
qaybo ka mid ah gobolka Gedo, Gobolada dhexe, Gobolada Woqooyi Bari iyo Woqooyi
Galbeed iyo dalka Jabuuti.. Febraayo 6, 1996 (oo ah intii Soomaaliya ku jirtey
dagaalkii ahliga ahaa) ayey ahayd markii Itoobiya bedeshey calankeedii, kuna soo
siyaadisey xiddigta shanta gees leh oo la dhex geliyey calanka Itoobiya. [Eeg
calanka cusub ee Itoobiya iyo xilligii la sameeyey].
Qoraalka dheer ee ay Itoobiya ka qortay siyaasadeeda ku
aadan Soomaaliya waxa ay ku xustay sida ay u damacsan tahay adeegsiga dekedaha
Soomaaliya, si joogto ah, taas oo ay u malayneyso in ay taasi ku hir geleyso
xiriirka ay la leedahay dowladda cusub, si, ayay yiraahdeen, ay u xidido saarto
waxa ay ugu yeereen dhaqdhaqaaqyada nabad diidka ah ee ka soo ankumaya
Soomaaliya. Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya (inta ay si waadax ah u
sheegeen) ee ay qortay wasaaraddooda arrimaaha dibadda ka akhri qoraalkan:
Ethiopia's policy towards Somalia iyo
Ethiopia's policy towards Somalia Continued...
English::
Dhegeyso: itoobiya waxa
ay diidan tahay Guusha maxkamadaha Islaamiga..
Xuquuqda
Qoraalka Copyright Akhri..
|