SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KOOXDA KANAVA OO NOQOTAY HORYAALKA EUROSOM IYO XAFLADII XIRITAANKA CIYAARAHAAS. 


Kooxda Kanava. 

Waxaa magaalada Helsinki lagu soo gabagabeeyey tartankii ciyaaraha EuroSom oo ka socdey mudadii u dhaxeeysey 20.7 – 1.8.2007. Ciyaarahan ayaa waxaa ay ahaayeen ciyaaro sanad walba lagu qabto hadba wadankii ku guulaysta. 

 
Al-Hijra

Haddii aan u soo noqdo tartankan  ayaa waxaa ka soo qayb galay 9 kooxood oo ka kala socdey qaarada Yurub, kooxihii ka soo qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Al-Hijra, Leicester, Birmigham, Waaberi, Hirda, Oslo, Sokao, Kik, Kanava. 

Ciyaartii shalay ee faynalka aheyd ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha Al-Hijra (Egland) iyo Kanava (Finland), ciyaartan ayaa aheyd ciyaar aad u adag oo koox walbaa waxaa ay isku dayeysey iney hanato ciyaarahan amaba ay noqoto horyaalka EuroSom. Kubadu waxay weerar iyo weerar celis ahaataba, ayaad waxaad arkeysey kooxaha oo kala heystay taageerayaal aad u badan, in ay ciyaarta qaybteedii hore labadda kooxood  ay isla dhaafi waayeen 0 – 0 . Wada tashi ay tababarayaashau kooxohooda la suubiyeen ayaa waxaa qaybtii labaad ee ciyaarta labda kooxoodba ay la soo galee dardar cusub halkaas oo kooxdii magaca Knava ku ciyaaraysey ay u suuro gashay iney gool dhaliyaan oo ciyaartu noqoto 1- 0. Si kastaba ciyaartan oo labada kooxoodba ay dadaal muujiyeen ayaa waxaa ugu danbeeyntii ay ku dhamaatay 1 gool kooxda Kanava iyo Al-Hijra oo aan waxba la imaan. 

Kooxda Kanava ayaa waxaa ay horey hal jeer u noqotay horyaalka EuroSom sanadkii 2004-ta markii ciyaarahaas lagu qabtay magaalada Gothenburg ee cariga Sweden. Ciyaaryahankii aan ka xasuustay kooxda Kanava ayaa waxaa uu ahaa gool hayaha Abdulrahman Bashiir.  
 

XAFLADII XIRITAANKA CIYAARAHA EUROSOM EE SANDKAN 2007-DA 

Waxaa xaflad aad loo soo agaasimay lagu soo gabagabeeyey ciyaarihii EuroSom sanadkan 2007-da, xafladan ayaa waxaa xiriiriye ka ahaa madaxa arimaha dibadda ee EuroSom Mudane Maxamuud Shujaac. 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiintii ugu sareeysye Isboortiga Somaaliyeed oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Olypicakada Somaaliyeed Mudane Abdulqadir Gacal Abkow, waxaan kale oo aan ka xusi karnaa Gudoomiye kuxigeenka olypikada dhinaca arimaha dibada Duran, gudoomiye ku xigeenka Horumarinta Bashir Fox, Xghayaha Guud Tarabi, kaaliyaha xoghayaha guud Ahmed Nur ahna gudoomiyaha naadiga Elman, dabcan waxaa xafladan goobjoog ahaa ruug cadaa isboorti , macalimiintii hore iyo kuwa hadda qaranka kubadda koleyga iyo weliba aabaha isboortiga Somaaliyeed ee Finland Macalin Bashiir Abdi Daahir, kabtan Shaash, Eenow,Keynadiid Abdi Dahhir, Caagane. 

Ugu horeeyntii ayaa waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha EuroSom 2007 Mudane Abdulkadir Hadaafow oo runtii marti sharafta iyo ciyaartoyda guud ahaan uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay uga soo qaybgaleen iyo weliba mudadii labada isbuuc aheyd sida ay ula shaqeeyyeen gudiga qabanqaabadda, waxaa kale oo uu  aad iyo aad uga mahadceliyey gudigii qabanqaabadda ee la shaqeeyey iyo dhamaan qaybaha warbaahinta qaas ahaan   SOMALITALK oo had iyo goor dhiirigelin jirtey dhalinta sportiga Somaaliyeed. 

Gabagabadii ayaa waxaa halkaas shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey dhamaan cid alaale iyo cidii qayb ka geysatay ciyaarahan qabsoomidooda, waxaa kaloo halkaas lagu gudoonsiiyey ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa oo lagudoonsiiyey inanka lambarka tobanaad uga ciyaara Al-Hijra ciyaaryahan Labof, ciyaaryahankii ugu gool dhalinta badnaa waa ciyaaryahanka kooxda Leicester u sita lambarka sagaalaad Maxamed Faysal, kooxdii ugu aqlaaqda wanaagsaneed waa kooxdii reer Denmark Kik, waxaa sidoo kale lagudoonsiiyey tababarihii ugu fiicnaa inta ay ciyaaraha socdeen waxaa ku guulaystay tababaraha Leicester Tababare Abdiweli oo ahaa tababare ku dayasho mudan. Dabcan markii la dooranayo ciyaaryahanka iyo tababarah ugu wanaagsan waxaa soo xula tababarayaasha dhexdooda. 

Waxaa isla xafladan ka dhacdey doorashadii ama tartanka ciyaaraha EuroSom ee sanadka 2008 cidii qabanqaabin laheyd ciyaarahaas. Waxaa isa soo sharaxay laba wadan oo kala ah Kik, Denmark iyo Leicester, Uk oo labaduba waxaa ay soo bandhigeen waxdadkii doorashda goob joog ka ahaa ay ladhaceen. Ugu danbeeytii ayaa waxaa lagalay codeeyntii labada kooxood loo codeeynayey, koox walbaa waxaa ay lahaeyd hal cod, codka waxaa lagu ridayey sanduuq xiran oo dadka oo dhan ay goob joog ka ahaayeen, cod bixinta ka dib ayaa waxaa hlkaas lagu tiriyey codadkii, ka dibna waxaa halkaa ku guulaystay kooxdii Leicester oo ka socotey England. 

Ciyaarahan EuroSom 2008 ayaa waxaa lagu qabanayaa sanadka soo socda magaalada Leicester ee cariga Ingiriiska. 

AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

Waxaa soo diyaariyey

Abdiaziz Godah

agodah@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 5, 2007

suuriyaDr.Cumar Raabi Oo Muxaadaro Cinwaankeedu Yahay Istiraatiijiyada Itoobiya Ee Ku Wajahan Soomaaliya Ka Jeediyey Magaalada Dimishiq... Akhri... Aug 3

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com