SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Suuqyada lacagaha iyo siyaabaha ay u shaqeeyaan

C/risaq maxamed xussen-

Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com


Kolkii lacagaha aduunka la is garabdhigayo, waxaan in badan maqalnaa arimo ay ka mid yihiin: Lacagtii Yenka ee jaban intaas ayey dollarka hoos uga dhacday, ama lacagtii euro-da intaas ayey tan ingiriiska ka hor martay, IWM. Balse weli ma isweydiisey siyaabaha ay u shaqeeyaan suuqyada lacagaha lagu kala bedesho.

Wax xiriir ah miyaase ka dhexeeya suuqan iyo kan badeecadaha caadiga ah lagu kala iibsado? Inta aynaan ka hadlin suuqa lacagta iyo sida uu u shaqeeyo, waxaan wax yar ka taataaban doonaa siyaabaha ay u shaqeeyaan suuqyada badeecadaha caadiga ah. Taasi waxaa ay inoo sahli doontaa inaan si wacan u fahamno dhaqdhaqaaqa ay sameeyaan suuqyada lacaguhu.

Suuqa badeecadaha

Suuqa badeecadaha waxaa loola jeedaa dhamaan suuqyada lagu kala iibsado alaabaha kala duwan. Alaabahaas waxaa ka mid ah baabuurta, computerada, raashinka, alaabta dhismaha iyo kuwo kale oo badan. Qiimaha lagu kala iibsado alaabahaas kala duwan, waxaa ay ku xiran tahay laba arimood oo aad muhiim u ah.

a) Cadadka alaabada suuqa la keenay inta ay le'egtahay.

b) Dadka diyaarka u ah iney alaabadaas iibsadaan inta ay le'egyihiin.

Si aan arintan si wanaagsan ugu fahamno, waxaan tusaale u qaadaneynaa suuqa computerada dadku isticmaalaan.( PC market). Haddii computeradaas suuqa ooda looga soo qaado( laga soo buuxiyo), balse dadka diyaarka u ah iney iibsadaan ay aad u yar yihiin. Kolkaas waxaa dhacaya in la waayo dad iibsada computeradii, taasina ay dhaliso in qiimihii computeradaas ay hoos u dhacaan. Arintan waxaa jira shuruud muhiim ah oo ay ku xiran tahay, taasoo ah in suuqu yahay mid xor ah.

Suuq xor ah waxaa loola jeedaa in aan dowladu shaqo ku lahayn dhaqdhaqaaqa suuqa. Balse sheyga keliya ee suuqa saameyn ku yeelan karaa uu yahay alaabada la keeno iyo baahida loo qabaa inta ay leègtahay.( Supply and demand mechanism).

Haddii xaaladdu ay dhinaca kale tahay oo ay computeradu yar yihiin, baahiduna badan tahay, waxaa dhacaya in qiimihii computerada ay kor u kacaan.

Haddii computerada suuqa la keenay iyo dadka baahida u qabaa ay is leèg yhiina waxaa dhaceysa in aan qiimihii computerada wax isbedel ah oo weyni aanu ku dhicin. Mar haddaad fahamtey sida uu u shaqeeyo suuqan badeecaduhu waxaa aad u sahlanaan doonta inaad fahamto sida uu u shaqeeyo suuqa lacagaha. Farqiga kaliya ee u dhexeeyaa waxaa weeyaan iyadoo suuqaan lagu kala iibsanayo lacag halkii kii hore la kala gadanaayey computer.

Suuqa lacagaha

Suuqa lacaguhu waa mid run ahaantii aad u weyn, walow uu badanaaba yahay suuq dahsoon oo aan u muuqan sida suuqii kale ee aan kor kaga soo hadalay. Arinta ay labadan suuq iskaga mid yihiin waxaa weeyaan, in qiimaha sheyga la kala iibsanayo ay ku xiran tahay, hadba baahida loo qabo iyo cadadka suuqa yaali inta ay leèg yihiin.

Bal aan mar kale qaadano tusaalihii aan kor ku soo sharaxnay, kolkaan sheyga la kala iibsanayaa waa dollarka mareykanka halka uu tusaalihii hore ahaa computerka. Haddii dollar badan suuqa la soo geliyo balse dadka doonayaa ay yar yihiin, waxaa dhacaysa in qiimihii dollarku uu hoos u dhaco. Baahida loo qabo dollarka waxaa ay ku xiran tahay waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin: Badeecadaha uu mareykanku soo saaro sida looga doonayo dunida kale, dadka dalxiiska ku imanaya mareykanka, iyo weliba maalgelinta lagu sameeyo suuqyada saamiyada ee wadanka mareykanka. Dhinaca kale haddii dadka dollarka doonayaa ay aad u badan yihiin,waxaa ay noqoneysaa in qiimaha dollarku uu aad kor ugu kaco.

Arrimahaas aan kor ku soo sheegnay ayaa badanaaba keena in lacagaha aduunku ay yeeshaan qiime ( price) kala duwan. Sheyga ugu muhiimsan ee qoraalkan laga faaìidi karaa waxaa weeyaan inad fahamto in suuqa lacagtu u shaqeeyo si la mid ah kan badeecada. Waxaa jira dariiqooyin xisaabeed iyo weliba garafyo arintan lagu sharixi karo. Balse waa ku adag tahay inuu fahmo qof aan dhaqaalaha ama suuqyada lacagugu sida ay u shaqeeyan aqoon. Sidaas darteed intaas ayaan ku soo koobayaa qormadan. Qofkii wax suàalo ah qaba ama doonaya in si dheeraad ah oo qoto dheer wax loogu faahfaahiyo, waxaa uu igala soo xiriiri karaa e-mailkeyga hoos ku xusan.

MAHADSANIDIN

C/risaq M Xuseen
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com

Xafladaha reer somaliland iyo calanka shahaadadu ku qoran tahay... Akhri..

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com